SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaab Nololeedka Soomaalida : Shaqada waa lafdhabarta horumarka - II

(Qeybtii labaad.)

Awes A.Cusmaan 

Waxaa jira caadooyin badan oo Soomalidu leedahay kuwaasoo ku abuurmay iska dhaadhicin qalad ah oo dad badani ay iska dhaadhiciyeen ayadoo aan jirin meel laga keenay ama dad lagu dayday. Caadooyinkaa haddii ay noqdaan kuwa aan diinta ka soo horjeedin, caafimaadka ama maanka bani'aadankana waxyeeleen, cidna aan dhib u geysaneen, markaa shakhsiga asageey jirtaa siduu ka yeeli lahaa laakiinse haddii dhibaato u keeneyso naftiisa ama degaanka uu ku nool yahay waxa qasab ah in la joojiyo .

Dunida aan ku noolnahay waxaa ka jira Diin iyo dhaqan.  ma jirto meel Diinta iyo dhaqanka boqolkiiba boqol isku mid yihiin taa baana keentay in waddamo badan oo isku diin ah haddana kala dhaqan ah.

Waxaa xaqiiqa ah in dunida aan la wada sinneen oo dadna ay horumar gaareen dadna ay dib u dhac iyo dhibaato ku jiraan.  

Haddaba
  • Qaab nololeedka dadyowga horumaray miyaa ka wanaagsan dadyowga dib u dhacay?
  • Maadaama ay diinteena ka buuxdo qaabnololeedka ugu horumarsan , Maxey muslimiinta dunida uga dib mareen waddamada reer galbeedka. ?
Qaab nololeedka wanaagsan ee diinta Islaamka sifeysay kuna wajahan nolosha dunidan waxaa si xoogan u qaatay dadyowga reer galbeedka. Dadyowga hore u maray ee dunidan waxey nolosha iyo xaaladeeda ka dhigteen muqaddas , halka ay muslimiinta nolosha u arkeen ku meelgaar aan dhab aheyn.

Xaqiiqada waxey tahay in uu jiro xadiis laga soo weriyey Rasuulkeen (SWC) oo dhahaya : U CAMAL FALO (U
SHAQEYSO) ADDUUNKAAGA SIDA ADIGOO WELIGAABA
NOOLAANAYA, AAKHIRADAADANA U GUDO SIDA ADIGOO BERRITO DHIMANAAYA.

Marka waxa uu xadiiskan noo muujinayaa in loo baahan yahay in nolosha dunida noqoto mid muhiim ah oo u baahan caqli wanaagsan, dadaal dheeraad ah iyo tabaabushe horumar lagu gaari karo.

Waxyaabaha ay reer galbeedka ka dhigteen sharci muqaddas oo kale ,anagana u aragnay ciyaar waxaa ka mid ah : 

Shaqada  iyo shaqaalaha:  

 Shaqadu noocey noqotaba mid gaar ah iyo mid dawladeed labadaba waa in shakhsigu u arkaa waajib muhiim ah oo horumarka shaqada laga gaaraa waxey lafdhabar u tahay horumarka nolosha shakhsiga iyo ehelkiisoo dhan , horumarka dalka guud ahaan. Waxaa markaa loo baahan yahay in qofka uu u shaqeeyo si daacadnimo ah , dadaal dheeraad ku dheehantahay, waqtiga dhowro, masuul iska saaro waxqabadkiisa. Haddii shakhsi walbaa uu intaa ka soo baxo waxaa la helayaa bulsho ka kooban masuulqaadeyaal dan guud ka dhaxeyso ileen hawlaha shirkadaha gaarka ah iyo kuwa dawladda dhammaan wey isku xiran yihiin. Dayacaadda shaqada iyo masuuliyad la'aanta ma ahan mid Somaali u gaar tahay ee waa mid dunida saddexaad oo dhan ku ibtileysan.  

Aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga shaqada iyo shaqaalaha ( Human Resources Expert) ayaa wuxuu wax ka qoray waqtiga shaqada iyo nadaam xumida wadamada khaliijka carabta. Wuxuu tafaasiisha baaritaankiisa ku sheegay in si rasmi ahaan loogu talagalay shaqaalaha waddamadaasi ay shaqeeyaan sideed saacadood maalintii laakiinse xaqiiqa ahaan waxey shaqeeyaan in ka yar afar saacadood oo keliya. Shakhsiga carbeed markuu soo shaqo tago xafiiska dawladda wuxuu la soo galaa asagoo sita wargeyska maalinlaha ah oo la socdo bogga ciyaaraha xiisaha leh oo magaaladoo dhan la war hayo, maamulah iyo shaqaalahoo dhan baa mar wada eega wargeyskii, nus saac bey qaadataa falanqeynta mowduucaas ; asagoo shaqada ku jira baa loo keenaa sandwich uu ka dalbaday shaahlaha xafiiska wuxuuna ku bixiyaa cunitaanka in ka badan nus saac. Cid ka hadli kartaa ma leh maadaama quraacda ay muhiim tahay. Marka la gaaro Lix saac duhurkii wuxuu leeyahay hal saac fasax oo aan sharciyeysneen laakiinse leysla afgartay maadaama uu shaqaalahani caruurtiisa inuu ka soo wado dugsiga ay qasab tahay. Jidadka wadamada carabta oo si xad dhaaf ah ciriiri u ah baa waxey sababtaa in gaarigiisu jidka ku habsaamo ; Islamarkii uu soo laabto baa in si degdeg ah xaaskii telefoon usoo dirtay loo sheegay markaa waa inuu wacaa oo waqti siiyaa wadahadalka asaga iyo xaaskiisa maadaama arrintani ay tahay muhiim weyn. Qadiyad siyaasadeed caalami ah oo saaxiibkii la shaqeeyo soo furay ayaa iyadana waxey qaadataa waqti  marka waxa ka soo hara waqtigii loo qoondeeyey shaqada oo ahaa sideed saacadood waa keliya afar saacadood ama wax ka yar , ilaah baana og in waqtigaa soo haray uu si nafci leh u shaqeynayo iyo in kale.

halka shakhsiga reer galbeedka uu u arko in waqtiga shaqada loogu talagalay yahay muqadas aan si gaar ah loo isticmaali karin. 

Shaqo ceeb ah ma jirtaa:   

Cudurka ugu weyn ee na heystaa waa in shaqooyin gaar ah loo arko inay yihiin kuwa sumcad xumo ah in la qabto.  nasiibdarada waxey ka dhacday shaqoyinkaa qaar ka mid ah baa ah lafdhabar weyn oo horumar keenaya. 

..... Kan jornaal been ah intuu gacanta gashaday maalintii oo dhan maqaayad shaah iyo sheeko ku haya baa ka roonaaday kan subaxdii intuu toosay , ka shaqeynayey alwaax ama dhismo guri. 

 .....kan gogol lagu heshiisinayo laba jilib qabiileed col ah baa ka sharaf batay kan intuu baxay beeraha ka shaqeynayey . 

Waxaan aragnaa in waddamada reer galbeedka kan shaarka cad ee labisan habeenkii xarageynaya maalintii uu ka shaqeeyo nadaafad hoteel ama rinjiile.

Sida caadada ahna ma ahan mid soomaalida u gaar ah oo waxaa jira sharci qosol leh oo ka tirsan sharciyada leysla afgartay ee wadamada khaliijka ,Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ,kaasoo ah in shakhsi ka tirsan wadamada jaamacadda carabta aanu qaban karin shaqada baladiyada ( Dawladda hoose ) ee nadaafada ama isbasiininimo. Waxaa badanaa ka shaqeeya shaqadaa dad reer Bangladesh ama Hindi halka Suudaaniga, Soomaaliga iyo Yamaniyiintuba ay shaqo la'aan weyn heysato oo diyaar u ah iney qabtaan shaqo walba.

Halka shakhsiga reer galbeedka uu waddankiisa ka qabto shaqo kasta , shaqadana aaney halkaasi u gaar aheyn jinsiyado gaar ah. 

Yaa ku haboon shaqadee?

(The Right Man For The Right Position) 

Waxaa kale oo muhiim ah yaa ku habboon shaqadee! Waa su'aal haddii si sax ah looga jawaabo lana meel mariyo la gaari karo horumar waayo qofka aan shaqada ku habbooneyn dhinac walba ma laga yaabo inuu soo hoyo natiijadii laga lahaa. Waxaa dunida saddexaad oo Waddankeenana ku jiro caan ku ah in dad aan u qalmin loo shaqo siiyo ayadoo lagu qancinayo.  Ha noqoto qancin qabiileed ama mid siyaasad. 

Ilaa laga gaaro in shaqo walbaa qofka u qalma loodhiibo , waa adag tahay in la gaaro horumar dhab ah.  

Waxaa cad in dad badan oo siyaasiyiin iyo eheladooda ay filanayaan in dawlad kastoo ka dhalata dalkeena ay ku fadhiistaan kursi wareegaya oo xafiis weyn yaalla , xafiiskaasoo ku bixi doona lacag ka badan inta ay soo gelin karaan dhammaan shaqaalahaa ka shaqeeya. sidee baa markaa loogu riyoon karaa Somalia horumarsan . 

      Aan kuu sheegee shaqaaluhu waa .................

      Aan kuu sheegee shaqaaluhu waa .................

      Sharaftii dhulka sharaxeysay .........................

      Sharaftii dhulka sharaxeysay ......................... 

 
 
Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com

The New Somalia Group waa urur ka shaqeynaya midnimada indheergaratada soomaliyeed ee dunida ku baahsan , kobcinta afkaartooda siyaasadeed, ijtimaaci iyo caalamiyeynta dunida (Globalisation) . Waa urur ku hawlan soo saarista ra'yi siyaasadeed mideysan iyo abuurista xoog siyaasadeed ee awood ku leh waddamada horumaray oo dhan ( Somali Political Lobbies). Fadlan ra'yigaaga ka dhiibo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada dahsoon ee siyaasadeed.

Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005 

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD