SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gacan ku dhiiglihii dilay 'khadar' maxkamad baanu hor keenaynaa miyay beenowday?
  • Moxamad Ciisa Caabi
    Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Europe iyo Waqooyiga America
23kii June ayaa waxa ay ku beegnayd maalintii loo mudeeyay in la' horkeeno maxkamada gacanku-dhiiglihii sida badheedhka ah ee kibirku ku jiro u dilay marxuum 'Khadar Adan Usman Dhabbar'.
 
Hadaba markay saacadu ahayd 12:00kii wakhtiga geeska afrika ayaa iyada oo aan danbiilihii la' keenin, qaadina aanu imanin, waaxbana aan loo sheegin eheladii uu ka geeriyooday 'marxuum khadar' ayaa laga soo dareeray maxkamada.
 
Hadaba waxa is waydiin leh sababta maxkamada loo qaadi waayay? Mise waxay ahayd uun addunka maqashii in maxkamad la' horkeeni doono gacan
 ku dhiiglaha?
 
Waxa kale oo wax laga xumaado ah in ay soo noqnoqonayso eedaynta loo gaysto dadka gabooyaha ah wax aanay samayn amaba aan dhaqan u ahayn, kadib markii marwo 'Xali Cali Dheere' ay Boliska Somaliland xidheen iyada iyo gabadh ay dhashay markii lagu soo eedeeyay in ay afduubtay 'Sabaad Maxamad Rodol' gabadhaas oo 'Sunatullahi wa Rusuuluh' uu ku guursaday wiilkeeda 'Barkhad Maxamad Miisan' mudo laba sano kahor. Waxa la' soodaayay 'Xaali' markii maxkamadu wax ku wayday, laakinse waxa ay Booliska Somaliland ugu hanjabeen in ay xidhi doonaan hadii aanay tagin Boosasao oo aanay keenin 'Sabaad'.
 
Waxa aad moodaa maalmahan dambe in ay cunsuriyadii sii kordhayso, taas oo ka soo horjeeda manhajka dowladnimo ee Somaliland. iyadoo dadka Somaliland ay waayo aragnimo fiican u leeyihiin xumaanta ay leedahay shacab xoog lagu caburiyo ogna in ay dhibaato badan ka soo martay.
 
Ugu dambayn waxa aan ka codsanaynaa maxkamada sharafta leh ee Somaliland in ay si deg deg ah maxkamada u horkeento gacan ku dhiiglaha kuna xukunto sida uu dhigayo sharciga Islaamku, oo ah qofkii qof dila in loo dilo.
 
Moxamad Ciisa Caabi
Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Europe iyo Waqooyiga America
kala xiriir:
issafamily@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD