SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Governor of Minnesota Mayor of the City of St. Paul Mayor of the City of Minneapolis Office of US Senator Norm Coleman

Governor-ka iyo labada Mayor ee Minneapolis & St. Paul oo si rasmi ah u aqoonsaday Usbuuca Soomaalida June 26-July 2 2005 (Proclamations)

Golaha dadka madow ee Minnesota (Black Council of Minnesota) waxay hambalyo u dirayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed oo xilligan ku jira xilli festo iyo damaashaad ku aadan usbuuca Soomaalida ee sanad walba la qabto. Qaybo ka tirsan dhulka ay degaan dadka Soomaaliyeed ayaa xornimo helay maalmaha kala ah June 26, 1960. iyo July 1, 1960 iyo June 27, 1977. Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa beryahan ku mashquulsan dabaal deg iyo shirar iyo tartan cayaaro lagu maamuusayo usbuuca Soomaalida ee xoriyadda.

Golaha dadka madow ee Minnesota waxaa uu ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed “hambalyo iyo ciid wanaagsan xusuusnaada in xornimada aad hesheen aan bilaash lagu helin ee uu dhiig ku daatay. Wax xornimo iyo nabad gelyo ka fiican ma jiro. Isku duubnaada oo ka wada shaqeeya sidii aad xornimada u adkaysan lahaydeen iyo sidii aad dawladnimadiinii usoo ceshan lahaydeen” Golaha dadka madow ee Minnesota waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ku dhiirnayaan inay sii wadaan dadaalkooda iyo inaanay kala qaybsamin iyo inay dhaqankooda ilaashadaan.

Golaha dadka madow ee Minnesota waxaa uu hambalyo u dirayaa Governorka Minnesota Tim Pawlenty, oo maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay (proclamation) in dhamaan Minnesota laga aqoonsado usbuuca Soomaalida. Sidoo kale Mayorka Minneapolis R. T. Rybak ayaa asagana ku dhawaaqay in usbuucan magaaladiisa si rasmi ah looga aqoonsanayo usbuuca Soomaalida. Sidoo kale Mayorka St. Paul ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo magaalada St. Paul looga aqoonsanayo usbuuca soomaalida. Sidaas ayaa usbuucan June 26- July 2 uu ku noqday usbuuca Soomaalida oo ka sharciyeysan labada magaalo ee mataanaha ah iyo guud ahaan gobolka Minnesota 2005.

Qoraaladan rasmiga ah (proclamations) waxay ka turjumayaan danta guud ee bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo aqoonsi la aqoonsaday tiradooda iyo waxtarkooda iyo wax soo saarkooda iyo awoodooda ganacsi iyo dhaqaanel-siyaasadeed intaba, waana mid ay u aayi doonaan bulshada soomaaliyeed dhinacyadooda kala duwan goor dhow iyo goor fogba

Golaha dadka madow ee Minnesota waxaa uu sanadkan 2005 si gaar ah u aqoonsaday Mahamoud Nur Wardere oo ah murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis xilliganna ka shaqeeya xiriirka dadka madow ee Minnesota iyo Senator Coleman. Waxaanan ku ammanaynaa soo qaadidda uu ka soo qaaday qoraaladan rasmiga ah (proclamations) governor-la Minnesota iyo labada mayor ee magaalooyinka mataanaha ah iyo guusha uu u soo hoyiyey bulshadiisa Soomaaliyeed.

Marlabaad waxaan bulshada Soomaaliyeed xusuusinaynaa muhimada ay leeyihiin qoraalada muhiimka ah ee doqoni ma garatada ah sida proclamations, resolutions, iyo bills in la tixraaco oo meel fiican la dhigo waayo waa taariikh iyo aqoonsi rasmi ah iyo document sharci ah oo siyaabo badan loo isticmaali doono mustaqbalka. Jaaliyadaha madow ee ku nool Minnesota waxaan ku dhiirinaynaa inay ku daydaan dadaalka bulshada Soomaaliyeed oo dhowaan soo degay gobolka Minnesota waayo haddii aadan adiga isa soo saarin ama aadan muujin tiradaada iyo wax soo saarkaada waxaaba dhici karta in aad weydo cid ku og.

Golaha dadka madow (Minnesota Black Coucil) waa gole uu magacaabo governorka Minnesota si ay ugala taliyaan arrimaha dadka madow ee ku nool Minnesota. Golahan waxaa uu u doodaa xuquuqda dadka madow meeshii ay doonaan haka yimaadaan ama kuwa ku dhashay Minnesota ha noqdaan. Minnesota waa meel ay dadka madow oo dhan ka yihiin minority qiyaas ka yar 10%. Labada aqal ee Minnesota senate iyo house dadka madow waxaa ugu jira labo qof oo madow oo sharcidejiyeyaal ah oo keliya. Minnesota waa gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan dalka maraykanka.

Mohamud Noor, Representative of East Africans
State Council on Black Minnesotans
mohamudnoor@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2005

March 2004: Minnesota: Macallimiin iyo arday Soomaaliyeed oo xusay Taariikhda Bisha Dadka Madow “Black History Month” markii u horeysay.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD