SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq ku socda Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Puntland

Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (Kayse)
maale22000@yahoo.com

28/6/2005

Qoraalkani waa baaq xanbaarsan talooyin loo soo jeedinayo Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse Boqor. Baaqu wuxuu ka koobanyahay talooyin u gaar ah mas’uul kasta iyo talooyin si wada jir ah ugu socda labada Mas' uul.

Sida laga warqabo Somaliland iyo Puntlandba waa meelo nabad iyo kala danbeyni ka jirto marka qiimayn lagu sameeyo dalkii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya la odhan jiray. Haatan labada dhinac waxa horyaal khilaaf sababay dhimasho iyo dhaawacba.

Run ahaantii waxaan marka hore mudane Cadde Muuse Boqor ugu hanbalyeynayaa sida intii uu maamulka Puntland qabtay aan wax dagaal ahi uga dhex dhicin Puntland iyo Somaliland, haddii aanan gefsanayn. Waxaan mar kale ugu hanbalyeynayaa sidii dadweynaha labada dhinac ugu soo dhaweeyeen qalbiga furan iyo kalgacalka madaxtinimada Cadde. " Ninka wanaagsan wanaag baa laga fishaaye," taas waxaan filayaa inuu ku mutaystay wixii dadku hore uga maqlay iyo nabadda Puntland ee uu aabbaha u yahay. Waxa hubaal ah in calaamadahaas oo dhammi yihiin fursado waaweyn oo Cadde gacanta ugu jira, dadweynaha labada dhinacna nasiib iyo yididiilo u ah.

Doorashadii Puntland ka hor iyo ka dibba waxaan si toos ah ula socday hadallada mudane Cadde ee idaacadaha iyo wargeysyadu baahiyaan. Kollay anigu shiqsiyan dhawaaq kasta oo ka soo yeedhaa wuxuu ahaa mid aan si weyn ugu guuxo. Haddii laga tegiwaayo hadalka keliya ee aan ka naxay wuxuu ahaa hadalkii ugu danbeeyey ee BBCdu ka qaadday. Hadalkaasi wuxuu ahaa hadal webin ah oo qanac ka muuqdo. Haddana markii hadalku dhammaaday waxaan idhi:"Waa daw." Sidaana waxaan u idhi labada dhinacba xog-ogaal baan u ahay. Dhinaca Puntland inay dad xag-jir ah oo nabadda diiddani jiraan baan ka warhayaa. Tallaabada la isku dayaba sida loo dabrayo iyo sida dadweynaha loogu fasirayo ayaa ah wax la fili karayo. Ta labaad dhinaca Soomaaliland in xag-jirkaa xag-jirkiisu joogo oo turunturro iyo niyad-jebinba ka wadi karo iyana waa wax caqligu garan karo. Markaa xilligan ninka Puntland ama Somaliland ka madaxda ahi waa gar in niyad-jab iyo daalba ka muuqdo. Haddii se cid wax garanaysaa jirto erayadii Cadde yidhi ee ahaa " Siyaasiyiinta uun baa is eryanaysee dadka waxba ma dhex yaalliin" ayaa war iyo waano ba ku filan. Waana hadal xaqiiq ah oo taariikhda galay, sidii hadalkii Seefta-banaanka ee uu soo jeediyey markii xiisaddan culus ee Sool bilaabantay. Isku soo xooriyoo waxa dad badan oo aan ka mid ahay u arkaan Cadde inuu yahay qof fahamsan walaaltinimada birimagoysaanka ah ee dadku wadaago.

Haddaba waxaan Mudane Cadde Muuse si gaar ah ugu soo jeedinayaa talooyin nasteexo, daacadnimo iyo walaaltinimo ah.

  1. Mudane, ku dheganow fikirkii iyo dareenkii nabad jacaylka ee lagaaga bartay, maamulkaaga hadafkiisuna sidaa ha ku qotomo.

  2. Ha ku niyad jabin duruufaha adag ee qorshaha nabadda soo wajaha dhinac kasta oy ka yimaaddaanba iyo cid kasta oo sabab u noqotaba. Dhegahana ka furayso kuwa jibbaysan ee ficiltanku madax maray.

  3. Meel ku xarriiqo inaan wax dhiig ahi ku dhex daadan dadka walaalaha ah ee naftooda iyo maalkooduba kala xaaraansan yahay intaad talada gacanta ku hayso.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxaan isna gaar u leeyahay: "Madaxweyne, sida laga warqabo Somaliland waxa kaaga horeeyey labo madaxweyne. Raggii kaa horeeyey mid waliba wax lagu xusuusto ayaa jira. Tusaale ahaan C/raxmaan Axmed Cali Alle ha u naxariistee inkastoo uu la kulmay labo dagaal oo mid ka mid ahi muddo bilo ah Berbera ka socday, midina seddex cisho Burco ka dhacay, haddana waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah 1. Wuxuu Illaahay ku guuleeyey inaan dadkii SNM taageersanaa iyo kuwii ka soo horjeeday SNM aanay kala aarsan ee ay midoobaan. Cadhadii taageerayaasha SNM waxa tirtiray hadalkii uu ka jeediyey khayriyada Hargeysa 1991kii 2. Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha lagu xusuusto inuu kaga dhameeyey ballanqaadkii ahaa in SNM xukunka labo sano hayso ka dibna wareejiso. 3. Waxa lagu xusuusta arrin maanta la qirsan yahay laakiin aan hore loo qiimaynin oo ahayd inuu ahaa ninkii maamulka Soomaaliland madaxweyne ka noqda ee xubnaha dawladdiisu ugu tayada wanaagsanaayeen. Nasiib-darro se waqtigii lagu jiray dartii aanay waxba u hirgelin.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee isaga waxa la kulmay dagaal sokeeye oo ka qadhaadh kii C/raxmaan la kulmay, muddo sanado ahna qaatay. Dagaalkaasi wuxuu bilowday bishii Ogos 1994 waxaanu dhammaaday 1996kii. Inkastoo dagaalkaas dabada dheeri la soo dersay haddana Maxamed Ibraahim Cigaal waxyaabo muhim ah baa u qabsoomay. Waxa se ugu mudan waxyaabaha lagu xusuusto: 1. In Illaahay nasiib u siiyey in maamulka Somaliland barbaaro intii uu xilka hayey. 2. Waxa hirgalay amarkii iyo kala danbeyntii Somalilnad 3. Waxa kale oo uu toosh ku ifiyey kooxihii khilaafaadka dadka iyo dagaal abuurista ka shaqeyn jiray, kuwaas oo tuke baal-cad noqday xilligii danbe ee maamulkiisa.

Mudane madaxweyne, intii adigu aad xilka qabatay waxa Somaliland ka hirgalay waxyaabo aan raggii kaa horeeyey nasiib u yeelanin. 1. Waxa dhacay doorashooyinkii dawladda hoose 2. Doorashadii madaxtooyada. Tallaabooyinkaas oo ah qaar aan weli dawlado badan oo dunida ka jira ka hirgelin. 3. Waxa maamulkaagu haabhaabanayaa inuu doorashadii Golaha Wakiiladana qabto. Intaa iyo waxyaabo kale oo badaniba waa horumar qofkasta oo Soomaali ku abtirsadaa ku farxi karo, waanan kugu hanbalyeynayaa wixii wanaag ah ee kuu qabsoomay. Waxaanan si daacadnimo ah kuugu soo jeedinayaa talooyin kan nasteexada ah:

  1. Mudane, waxaan kugula talinayaa inaad raadinta nabadda Sool ka dhigto shey aan waxba la dhaafan karin. Dhiig danbe oo halkaa ku daatana aad ka dhigto mid xaaraan ah. Waayo waxa nabad lagu waayo colaad lagu helimaayo.

  2. Waxaan kuu soo jeedinayaa inaad dhegaha ka furaysato kuwa jibbaysan ee ficiltanku madax maray (marka arrinta Sool laga hadlayo).

  3. Maamulkaagu ha noqdo mid dhegaysta xaqiiqada dhabta ah, una dhego-nugul wax kasta oo xaq iyo caddaalad ku qotoma.

Waxaan si wadajir ah ugu soo jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse Xirsi talooyin kan hoos ku qoran:

  1. Waxaan idinka codsanayaa inaad marka hore Illaahay dartii labadiina dhinac isku aamintaan ka wada shaqeynta nabadda iyo ka gungaadhkeeda.

  2. Inaad niyad bir ah iyo qorshe xeel-dheer doonista nabadda ku wajahdaan. "Gar jiilaal iyo geel jiilaalba waa la hojiyaaye" inaad arrinta fudaydka iyo duulduulka ka ilaalisaan waqti kasta ha idinku qaadato'e.

  1. Inaad ku xisaabtantaan in nabadda la shirqooli karo si loo kala fogeeyo labada dhinac inay arrinta nabadda ka wada hadlaan. Sidaa darteed waa inaad wax iskaga ogaataan wixii carqalad ah ee soo kordha ama isku dhac ah. Haddii ay si kediso ah wax u dhacaan waa inaad si degdeg ah uga wada xidhiidhaan siday wax u dhaceen iyo meesha wax ka qaloocdeen si aad u ogaataan cagaha weecsan iyo faraha maroorsan.

  1. Inaan dhinacna dhinaca kale duruufaha u gaarka ah iska indhatirin. Waayo waxa dhici karta in caqabadaha dhinac kasta gaarkiisa u hor yaallaa kala culus yihiin. Markaa haddii dhinac waliba dhinaca kale si joogto ah xaalkiisa uga war hayo waxa dhici karta inaad wax isla baxnaanisaan oo isu samirtaan.

  1. In labadiinna dhinacba ku dadaashaan sidii tallaabooyinka hore ee raadinta nabadda uga saari lahaydeen arrimaha siyaasadda iwm ah.

  1. In tallaabooyinka hore ee nabadda loo daayo Salaaddiinta iyo Garaaddada, gaar ahaan Garaadadda iyo Salaaddiinta colaaddu sida gaarka ah u saamaynayso degaannadooda. Sida madax-dhaqameedyada gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer. Waayo dhinacyadani waxay mudnaanta koowaad siin karaan nabadda. Waxa se dhici karta in madax-dhaqameedyada kale ee labada dhinac (Somaliland iyo Puntland) ee aan u dhallan gobollada aynu soo sheegnay in iyaga dhinaca siyaasaddu doorka koowaad ugu jirto. Haddaba si looga fogaado guul darro iyo dhiig xaqdarro ah oo qubta waa in seddexdaa gobol hoggaamiyayaashooda dhaqanka arrinta lagu bilaabo. Waa hubaal in dadka sida weyn u caaddifadaysani ay qodobkan ka soo horjeesan doonaan(labada dhinacba) oo ay odhan doonaan "Qaddiyaddu mid gobollo gaar u leeyihiin maaha ee waa arrin qaran (Puntland ama Somaliland)." Si darteed waa in maanka lagu hayo in wax kasta oo la yidhaahdo ay ka mudan tahay badbaadada shacbiga walaalaha ahi.

  1. Maanka ku haya in Illaahay idin kala xisaabtamayo xilalka aad haysaan oo berito la idin weydiinayo dadka ku dhinta qaddiyadaha aad isku haysaan ee ku kala salaysan Xuduud-ku-dirirka iyo Harti-ku-dirirka.

Ugu danbeyn waxaan waxgaradka labada dhinac ku guubaabinayaa inay fadhiga ka kacaan oo isu taagaan badbaadinta dadkooda, ficil iyo qawl bana kaga qayb qaataan hirgelinta nabadda . Waana in la furo doodo iyo shirar arrinta lagu lafo gurayo gudo iyo debedba. Waa hubaal in ehelu-sharku la iman doonaan jawaabo ay ku xumaynayaan erayada nabadda iyo cidda ku dhiirata, sidaa darteed waxaan ku baraarujinayaa inta wanaagga ku hawlan inaanay u jidh debcin weerarrada kaga yimaadda kuwa dhasha ibleyska ah. Dhinacyada saxaafaddana waxaan ugu baaqayaa inay kor u qaadaan codka nabadda halka ay kor uga qaadayaan ee dhiirinayaan xididdada khilaafka iyo kala fogaanta.

Allaa Mahad leh
 

Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (Kayse)
maale22000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2005

Culimo wacdi iyo muxaadarooyin ka bilowday meelo ka mid ah G/Sanaag
Culimada ayaa hawshooda ka bilaabay iney la kulmaan Duqa degmada Badhan iyo odayaasha Guji... Jun 30


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD