SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shariif Xasan wuxuu ku taagan yahay jidkii Kofi Annan

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email. ingiriis@yahoo.com

          Mudane Kofi Annan waa diblomaasi fekradihiisa iyo siyaasaddiisuba ay caadiyan gaar u yihiin. Sida go’aankiisu u adag yahay waxaa muujinaya qaabka uu u maamulo UN-ka. Bishii September ee sannadkii hore markuu ka hadlayey fadhiga guud ee shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxa uu yiri, “Dagaalkii Mareykanku ku qaaday ee uu ku riday xukuumaddii Saddaam Xuseen wuxuu ahaa sharci darro.”

            Diblomaasiyad ahaan hadalka Xoghayaha Guud, xajmiga iyo culeyska uu leeyahay ka sokow, wuxuu ruxay dunida oo dhan, gaar ahaan Mareykanka iyo reer galbeedka. Sababtu waxay ahayd Kofi Annan oo hadalka ka yiri majliskii ku habboonaa waqtigii ku habboonaa.

            Madaxweyne Bush oo u jawaabaya ayaa yiri, “Waxaa fiican diblomaasiyiintu markey hadlayaan waxay sheegayaan inay macneeyaan, waxay macneynayaanna inay sheegaan.” Waxaa ku xigay in Senator Norm Coleman oo laga soo doorto gobolka Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota uu dacwad ku soo oogay Annan iyadoo loogu marmarsiyoonayo in UN-ta dhexdeeda uu ka jiro musuqmaasuq.

            Senator Coleman oo uu la shaqeeyo saaxiibkey Maxamuud Wardheere waxa uu xulufeystay xubno neo-conservative ah, waxaana ay dalbadeen wax aan awooddooda ahayn, iyagoo yiri, “Waa in Kofi Annan uu is casilaa.” Mudane Annan, waxa uu ku adkeystay inuusan is casilaynin, waxaana uu muujiyey in Qaramada Midoobay ku taallo New York, laakiin aysan talada ka qaadan Washington.

            Neo-conservatives-ka oo ah niman madax adag oo ku shaqeeya fekrado xag jir ah wax ay beddeleen guud ahaan nidaamkii dalka Mareykanku u shaqeynayey illaa 1787 oo ku beegan markii seeska loo dhigay dowladnimada Mareykanka.

            Madaxweyne Bush, waxa uu si caddaan ah u yiri, “September 11 way na beddeshay, annaguna  waxaan go’aansannay inaan adduunka beddelno.” Si loo meel mariyo haddaba hadalka Madaxweynaha ayaa Senator Coleman iyo saaxiibadiis waxay howsha ka billaabeen UN Headquarters iyagoo raba inay beddelaan Mr. Annan. Aakhiritaankii waa lagu guuleysan waayey in la beddelo Annan.

            Haddaba, duulamadaas lagu qaaday Annan oo kale waxaa lala beegsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Neo-conservatives u daacad ah Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf ayaa maalmahaan dalbanayey inuu is casilo Guddoomiyuhu. Laakiin sida Kofi Annan oo kale ayuu Shariifku runta ku dheggan yahay.

             Ma ahan markii ugu horreysay ee neo-conservatives-ka Cabdullaahi Yuusuf ay sidan oo kale u weeraraan dadka ay u arkaan inay siyaasaddooda ka soo horjeedaan. Waxa ay horey u bartilmaameedsadeen Mudane Faarax Macallin oo madax ka ah xisbiga Ford ee dalka Kenya.

            Faarax oo ah siyaasi muctarif ah oo hadal furan, waxa uu dhowr bilood ka hor yiri, “Dowladdii Soomaaliya waxaa maamula sirdoonka Ethiopia.” Hadalka Faarax ka dhawaajiyey ayaa dhinac walba ka damqiyey Madaxweynaha iyo neo-conservativeskiisa, laakiin runta noocaas ah waxay ahayd run horey Soomaalidu u dareensanayd.

            Sidaa darteed, weerarka ku socda Shariif Xasan waxa uu la mid yahay qof xaqa ka hadlaya oo la leeyahay maxaad xaqa uga hadlaysaa. Nin Soomaali ah oo mufakir ah laakiin Geelley ahaa ayaa yiri, “Hashu maankeyga gadaye, ma masaar bay liqday.”

            Xilliga hadda la joogo, qofka Soomaaliga ahi ma lahan cadow kale oo aan Soomaali ahayn. Prof. Said S. Samatar ayaa igu yiri, “cadowga ugu weyn ee Soomaali leedahay waa Soomaalida.” Hadalkiisa waxaan ku soo xusuustay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. I. M. Lewis oo arrimaha Soomaaliya ka wada doodaya oo Shirwac Jaamac intuu soo dhex galay uu la saftay Lewis isagoo qabiil ku riixaya Prof Samatar.

            Laakiin, Shirwac Jaamac wuxuusan ogeyn in qabaa’ilka Soomaalidu sheegto uusan jirin meel uu ka billowdo iyo meel uu ku dhammaado. Haddii wax la saxayo waxay ahayd in la saxo hadalkii Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa, “Halhays baa yiraahda Mu’min god laba jeer lagama qaniino.” Sheekh Soomaali ah oo jooga Saudi Arabia ayaa yiri, “Halhays ma ahane waa Xadiis Nebiga (NNKH) laga weriyey ee ha loo sheego Madaxweynaha.”

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email. ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

###

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD