SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN
Daabaco Boggan | Print


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!!

  • Zenawi oo Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
  • Zenawi oo Sheegay in aysan qayb ka noqonayn xallinta arimaha murugsan ee Soomaaliya
  • Waraysi ay AP Zenawi la yeelatay may 12, 2005 asagoo isu diyaarinayo Doorasho....
  • Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!!

Zenawi | AP

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiistii ka digey waxa uu ugu yeeray "halista AlQaacida aadka u firfircoon ee Joogta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho", waxana uu yiri "waxaa argagixisadaas lagu cirib tiri karaa in dawlad xasilan laga dhiso wadanka geeska Afrika."

Meles Zenawi oo ay waraysatay hay'adda wararka ee AP maalmo ka hor doorashada uu rabo in Axada mar saddexaad loogu doorto, waxa uu u sheegay "in dawladiisu ay taageertay Dawlada FKMG ee Soomaaliya sannadkii hore loogu dhisay dalka deriska ah ee Kenya", waxana uu Zenawi sheegay "in uu samaynayo wax kasta oo macquul ah sidii ay dawladaasi xukunka ula wareegi lahayd iyo sidii uu u baab'in lahaa waxa uu ugu yeeray 'Halista Argagixisada'".

"Meel kasta oo ay ka jirto rabshad, meel kasta oo ay ka jirto gaajo daran, barakac bulsho, waxaa ka jiri kara xaalad argaixisiso" ayuu yiri Zenawi, oo ku daray "Waxaa Muqdisho ka jira bogcado Argagixiso, kuwaas oo ka qayb qaatay argaixiso laga furiley Kenya".

Kenya laba jeer ayaa lagu qaaday weerar argagixiso sanadihii dhowaa ee tegey kuwaas oo ay boqolaal qof ku dhinteen, ayey tiri AP, oo ku dartay in sannadkii 1998 bombaano gaari lagu burburiyey safaarada Maraykanka ee Kenya iyo in saannadkii 2002 qarax ka dhacay bannaanka Hotel ku yaal xeebta badweynta Hindiya.

In kasta oo ay jiraan warbixino sheegaya in labadaas weerar maskaxihii ka dambeeyey sida ay sheegatay Al-Qaida ay u carareen Soomaaliya, hadana Soomaalida badankeedu arintaas waa diideen ayagoo sheegay in aan wadankoodu xarun u ahayn Argagixisada, ayey tiri hay'adda wararka ee AP. Waxayna intaas ku dartay in Soomaaliya ay qabqablayaal dagaal oo ku salaysan Qabiil ay xakumayeen ilaa 1991 markaas oo la tuuray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, kaddibna ay qabqaalayaashii isku jeesteen sidaasna ku abuureen deganaansho la'aan.

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism".

Hay'adda Associated Press oo ka hadlaysa Meles Zenawi waxa ay tiri "Gacanta ay dawlada Meles ku leedahay taageerada kooxo ka mid ah qabqalayaasha dagaalka Soomaaliya waxay ahayd arinta labada dal ka dhex abuurtay cakiraadda, laakiin waxa uu asagu (Zenawi) yiri in uu rabey in uu ka qayb qaato abuurida xasilooni".

"Waxaan ugu deeqnay caawimaad," ayuu yiri Zenawi, asagoo intaas ku daray "in uusan ciidamo u dirayn waddanka ay deriska ka yihin dhanka Bari (Waa Soomaaliya'e)". Waxana uu yiri "Haddii hab-socodkaasi uu burburo, anagoo rajaynayna in uusan burburin, balse haddii uu burburo waxaa qorshaynaynaa in aan anagu nafsadanada difaacano, laakiin aanaan qayb ka noqon xallinta arimaha murugsan ee Soomaaliya."

Meles oo Axada soo socota raba in mar kale la doorto, waxa uu sheegay in uu ku niyad san yahay 14 sano kaddib dhaqdhaqaaqii jabhadda ee xukunka kula wareegtey xogga militari, in xubnaha maamulkiisu ay u tartami karaan doorashadii itoobiya soomarta tii ugu xorniya badnayd, waa sida uu hadalka u yiriye.

Hay'adda AP oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tiri beesha caalamaka ee kor kala socda sida ay Doorashadu uga dheceyso Itoobiya waxay diiwaan geliyeen dhacdooyin teel teel ah oo sheegaya in ay jiraan goobo cod bixin oo ay ka dhaceen rabshado iyo in taageerayasha xisbiga talada haya (ee Zenawi) ay wadaan cabsi gelin.

Zenawi waraysigiisa kuma uu xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu gumaysato.


Ali Mohamed Gedi, bidix , oo uu salaamayo guddoomiyaha Midowg Afrika, Alpha Omar Konare, meeshuna waa xarunta African Union ee Addis Ababa, Khamiis, May 12, 2005. Sawirka: AP

Taariikh Kooban ee Soomaaliya: 1960-05



Xilliga uu Zenawi hadalkaas sheegay waxay ahayd Khamiis May 12, 2005, isla maarlintaas waxaa magaalaad Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku sugnaa Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo halkaas u tegey in uu kaga qayb gelayo shir ay midowga Afrika kaga wada hadlayaan ciidamada loo dirayo Soomaaliya iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka dawlada dibad-jooga ah, waa sida ay AP hadalka u dhigtaye.


Ma ahan markii ugu horeysey ee Zenawi uu eedayn dusha uga tuuro Soomaalida. Bishii December ee 2002 ayey ahayd markii Wararysi ay idaacada BBC qaybteeda Ingiriisku la yeelatay Meles Zenawi uu ku sheegay in uu hayo waxyaabo muujinaya in laga yaabo in koox soomaaliya ka hawl gasha ay ka dambeeyeen weerarkii israa'iiliyiinta Kenya. Laakiin Zenawi wax caddayn arintaas u ah masoo hordhigin BBC-da Afrika. Waxaa tas ka dambeysey in Bishii feraayo 2003 uu Ra'iisul wasaaraha dawlada Itoobiya ee qarnigan gumeysata qayb kamida dhul Soomaaliyeed uu shaaca ka qaaday in uu weeraro ku qaaday gudaha dhulka Soomaaliyeed ee xorta ah, taas oo uu ku macneeyey weeraro uu ku qaaday waxa uu ugu yeeray "xubnaha Itaxaadka". Waxaa uu markaas Zenawi sheegay in weerar ay ku qaadeen meelaha uu ugu yeeray "goobaha tababarka al-Ittihad" ay ku  dileen dhawr ah dadka uu ugu yeeray "Afghan Arabs".

Sannadkii 2001 bishii November 27keedii ayey ahayd markii uu  Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah uu yiri eedeyanta Soomaaliya in ay tahay wadan argagixiso waa mid ku salaysan daliilsi iyo male ee ma ahan xaqiiqo lacadeeyey. "Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." ayuu yiri Dr. Menkhaus.

Zenawi: Somaliya waa Argagixiso
C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!!


Col. C/Laahi


Prof. Geeddi

Waxaa Maanta Saxaafada caalamka qabsaday hadal uu yiri Zanaawi kadib markay waraysatay AP-da waxaana ka mid ahaa "halista Al-Qaacida ee aadka u firfircoon ee joogta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa argagaxisadaas looga hortagi karaa in dowlad xasilan laga dhiso wadanka gees ka Africa".

Ma'ahan markii ugu horay say ee ay maqlaan dhagaha aduunku, gaar ahaana kuwada Soomaalida hadalo noocaas oo kale ah, taasoo horay loola yaabay laguna diiday Zenawi somaliya waa Argagixiso!,miyuusan xasuus nayn in horay arintaas looga diiday C/laahi Yuusuf?, oo xataa Maraykan geeyey Shimbiraale, miyuusan xasuusnayn in Maraakiibta Maraykanka ay dul heehaabayaan biyaha Soomaaliya?, miyuusan ogayn in argagixisadu noqotay macne badan?, miyuusan ogayn in caalamku ka il baxay faqii hoose iyo beentii uu Soomaliya ka faafin jiray?.

Waxaan wada xasuusanaa siday u xanaaqday dowlada Itoobiya iyo jawaabahay ka bixisay markay International Crises qoraal kasoo saartay Tagida ciidamada Itoobiya Soomaaliya, sidoo kale siday u xanaaqeen markii Maraykan ku yiri Itoobiya Soomaliya tagimayso.

Hadaba Su'aasha kale oo is waydiinta u baahan waxay tahay Zenawi ma waayey wuxuu isku sharaxo oo aan ahayn Soomaaliya waa argagixso?, iyadoo aduunku kadaaleen dhibaatada,Abaaraha iyo gaajada Itoobiya ka taagan, hadana waxaa ugu dar samay roobab dhibaato u gaystay.

Maxaa ka danbeeya Soomaaliya waa ar gagixiso Zenawina ugu soo Celcelinayaa ?, waxaa ka danbeeya dhowr arimood.

  1. Maadaama Soomaalidu diiday in Itoobiya Soomaliya Timaado iyadoo huwan magac hub kadhigid, maadaama hubka la dhigayaaba uu Itoobiya ka yimid shalay.
  2. Inuu xal u helo xooga uu kusoo galayo meelo ka mida dhulka Soomaaliya..
  3. In la ilaawo hadal haynta dhulka uu xooga ku haysto ee Soomaali Galbeed, laguna mashquulo xoraynta inta kale, sheekaduna kusoo ururto intayadii hore nooga kaca wax kale kuway diin mayno e.
  4.  iyadoo Caalamkuna diideen una sheegeen in aysan sax ahayn Tagida Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ku tagayaan, ayuu daah ka dhiganayaa uu ku gabado Al-Qaacidaa joogta Soomaaliya, si uu beer laxowsi uga helo.
  5. ku shaqaysiga saaxiibadiisa, ama meel marinta qoladaan uu soo dhistay, si uu dantiisa ugu fushado, waxaa hadalkiisa ka mid ahaa "waxaa argagixisadaas lagu cirib tiri karaa in dawlad xasilan laga dhiso wadanka geeska Africa" macnaha dowlada Xasilan laga wado dabcan waa iska cadahay.
  6. iyo hadafkii guunka ahaa ee kasoo bilowday in Itoobiya Xeeb hesho Soomaaliyana qabsato mustaqbalka.
Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan

Maxaa lagudboon Soomaali, Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Beesha Caalamka?.

  1. Soomaaliya waxaa lagudboon inay u diyaar garoobaan sidii ay Diintooda,Dadkooda iyo Dalkooda uga  difaacan lahaayeen cadowga soo jireenka ah, oo maanta gabaad haysta.
  2. Qoladaan Dowlada Kenya ka ah oo iyagu isku mashquulsan waxaa la gud boon inay jawaab kulul ka bixiyaan waxa kasoo yeeray Zenawi, oo waliba ku aadiyey imaatinka Geedi uu maanta tagay Adisababa,isgoo Geedi asbuucii tagay  maruu Xamar arintaas ka hadlayey  lahaa anagu Islaam baan nahay Islaamkanu argagixiso ma'ahan, Soomaaliduna argagixiso ma'ahan, ayna cadaato waxay tahay waxa ay ka wadaan Itoobiya waa saaxiibadeen, Zenawina leeyahay Soomaalidu waa Argagixiso. Hadii taa lawaayana waxaa cadaanaysa in C/laahi iyo Geedi yihiin Zenawi yare iyo Zenawi wayne, hadba kaad doonto hor mari, ayna yihiin gacanta cadowga Soomaaliyeed u fududaynaysa danahooda, Soomaaliduna ay isku meel uga soo wada jees taan iyaga iyo Zenawi, walibana iyaga ku hor maraan, maxaa yeelay horaa loo yiri "Geedow ima goyseen hadaan gabalkay kugu jirin"
  3. Beesha Caalamka waxaa la gudboon in xaqiida raacaan kana madax banaanaadaan beenta Zanawi ka iibinayo, mar walbana xasuus naadaan Colaada gaamurtay ee naga dhaxayn jirtay iyo dhibaatada Dagi wayday ee Soomaaliya inay Aarbiitare ka ahayd.

Ugu danbayntii waxaa lagud boon Baarlamaanka Kumeel gaarka ah inay ka fekaraan sidii ay uga bixi lahaayeen shabaqa ay kujiraan, dalkana uga difaaci lahaayeen Itoobiya, sharciyo adagna uga soo saari lahaayeen xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya dhinac walba.

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2005

ISHA: ABC , AP (May 12, 2005) |Sawirka: Yahoo Search

Taariikh Kooban ee Soomaaliya: 1960-05

Sannadkii 2002 iyo Zenawi & Soomaalida

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD