SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
  • Somaalidda Maxaa ka Lumeey.
  • Hambalyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Col-Cali Madoobe. 

Somaalidda Maxaa ka Lumeey.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddesfield-England-21-05-2005.
sharifhassan50@yahoo.co.uk

Ummadda Somaaliyeed waa Qoomiyad leh Luqad hodon ah oo xikmad badani ku duugan tahay isla markaana eey ka dhasheen Dad hibo Alle u siiyeey helidda hadalka macnaha leh Xikmadana ku fadhiya qiimaha Luqadda naxwe iyo ahamiyad siiya.

Sidda la wadda ogyahay Ummadda Somaaliyeed waxeey ku sugan tahay waqti xun oo dhibkiisa wata rafaad iyo silicna ku habsaday iyadoo eeynu dhammaanteen garan karno sababta iyadoo aan marna laga tageeyn amarka Alle oo yimi fal ma camal aanu ku kacnay ama la imaanay, Dadka Somaaliyeed oo ah kuwo si weyn ugu dheeraada sheekadda iyo Faalooyinka si fiicana ugu dhig-dhigga arrimaha Aduunka ka socdda lagauna tilmaami karro qaarkood khubarro iyo abwaano waaweyn oo ku takhasusaay talo bixinta iyo aayo ka talinta Ummadaha kalle, ayaa hadana waxaa jirra kuwo badan oo Caqligooda ku ku duugan tahay Xikmad Nadiif ah aragti wanaagsan talo iyo tusaaleeyn qiimo weyn leh oo ku dhex wareeray Aqlabiyadda wareersan oo xumaanta iyo belaayo ka hadalka jecel.

Haddii aan dib ugu soo laabto ujeedada Maqaalka oo aan ararta dheer dhaafo iyo dabeecadda Somaaliyeed ee hadal jaceylka ah, Su,aashu waxeey aheyd Ummadda Somaaliyeed Maxaa ka Lumeey? shaki kuma jirri in badanka Dadku garanaayo jawaab su,aashaas si fiicana u qeexi karro jawaabta oo intaas oo sababood wadato, mar aan joogay goob ka mid ah kuwa raggu ku kulmo oo markaas tirro xadidani joogeen laga hadlaayeey hab dhaqqmeedkii fiicnaa ee Ummadda Somaaleed lahaan jirtay iyo sidda xeerarku u ahaan jireen Sharci ama Qaanuun Ummadda kala haga oo xurmadiisa lahaa oo ahaa lama taab-taan cid jabin kartaa jirrin oo isla markaana lahaan jireen qeeybihiisa kala duwan, waxaa kalle oo arrin qadarinteeda mudan sidda Ummadudu u illaalin jirtay habka kala dameeynta iyo dhoowridda qodobadda xeerku dhigaayo iyagoo wixii cusubna u bixin jirray(Curad) halka wixii horre u jiray jiray yihiin Ugub, Waxaa si weyn ii soo jiitay qodobo uu tilmaamay mudane ka mid ahaa Dadkii halkaas joogay kana soo jeeday degaan guud ahaanba si weyn loogaga dhaqmi jiray Hanaan Wacan ee ku Saleeysan Xeerka Somaaliyeed iyo Weliba Qoys Magac iyo Xurmo weyn lahaa ilaa hadda leh oo ah Qoyska (Caseeyr) oo Dalka Somaaliyeed si weyn looga wadda garanaayo anigu qadarin iyo tixgelin weyn u hayo, wuxuuna sidda ku haboon u tibaaxay hab qurxoona u sharxay qiimaha Xeerku lahaan jirray in Bulshadu waxeey lahaan jirtay oo ahamiyadda weyn u lahaa tiraarka jiritaanu ku saleeysanaa oo ah Seddexdan:-

  • 1-Nin Abwaan ah.
  • 2-Nin Geesi ah.
  • 3-Nin Deeqsi ah.

Nin Abwaan ah- Micnaha Abwaan oo uu si wacan u sharxay ayuu ku timaamay in uusan aheyn habka ama sidda hadda loo yaqaan (Curiyaha,Mu-alifka,Sugaan yaqaanka) ayaa hadda loo yaqaan, laakiin xaqiiqadu waqtigii horre sidaas ma aheyn Abwaanku wuxuu ahaa ninka Xikmadda, Taladda iyo aragti Guuriyeedka leh oo wax laga weeydiiyo dhacdooyinka iyo arrimaha talo bixinta oo aragti dheeridda iyo hibadda Alle u siiyeeyo Helidda Xikmadda lagu tixgelin jirray ahaana mudanka koowaad ee Bulshadda isku degaanka ah , Xikamadda iyo aragtidda dheer ee wanaagsan ku saleeysan ayaa ah mid qiimo weyn u leh Bulsho kastoo degaanka iyo ceelku ka dhexeeyo oo aan marna ka maarmeen Abwaan talo yaqaan ah oo Alle hibo u siiyo Aqoon iyo Caqli adeegsi ,Marka Midkaasu waa Lumeey oo waxeeynu ku suganahay Abwaan La,aan.

2-Geesi- Duruufaha joogtadd ahaa xiligaas oo casri colaadeed iyo is riixiid Bulsho ku saleeysnaa ayaa loo baahday Nin Geesi ah oo maalinta xaaladu cakiran tahay doorkiisa qaata oo Bulshadda hogaamiya , Micnaha Geesigu ma aha midka Bulshadda u hogaamiya Halaaga iyo Dulimi ka talinta iyo Colaad abuuridda iyo Fidno u taaganaanta sidda Maanta Geesigga Somaaliyeed lagu micneeyo ama loo yaqaan ,Geesigga Xiligaas ayaa ahaa Nin si weyn u neceeyb dhibaatadda iyo belaayo abuuridda oo weliba ku sifooba dulqaadnimo weyn iyo wanaag ka Shaqeynta laakiin marka arrintu lagama maarmaan noqodo Doorkiisu muuqto oo Geesinimadiisa la arko.

3-Deeqsi- Deeqda ayaa ah markeeda horeba Hibo Rabaani ah oo Alle Dadkiisa ugu kala roon-yahay , Haddaba Nin Deeqsiga ahi waa ninka Bulsha uu ka mid yahay ama degaanka la wadaago og xaaladodooda iyo duruufaha eey ku sugan yihiin oo hantidda Alle amaanadda ugu dhiibay ka bixiya intii haboon oo siiya Cidda u qalanta isla markaana sidda ku haboon oo soora marti geliyadda Martidda xili kasta ha socotee ,waabna Nin aaminsan oo sidda dhabta ee Alle u qeexay u qaatay Baabka Diiniga ah ee ku saabsan Deeqsinimadda oo aan ku dareeyn Israafnimo iyo u faanid-toona ,Deeqisidaduna oo Sifo aan cid walba heli karrin waana mid qiimo weyn ugu fadhidi jirtay Ummadda Somaaliyeed ee Milgadda iyo hab Gobeedka ku caan ka aheyd.

Runtii- sidii ku habooneyd oo Macalin Casharkii sidda ku haboon u diyaariyeey ugu sharxaayo ardeydda ayaa Muddan Daahir oo dhig dhig Waxyaabihii qaaliga ayaa ee Ummadu ku Dhaqmi jirtay kana mid ahaa Walaxyadda ugu waaweyn ee Tiraarka Dhaqankooda oo isla markaana ku saleeysan oo siddii ku habooneyn loo waafajiyeey Shareecadda Diinta Islaamka Xaniifka ah oo ah halka laga tixraaco xeerarka iyo habka nidaamka Nolooshadda Ummmadaha Islaamka , Anigoo oran karra hadalka Daahir wuxuu igu caawiyo Barashadda arrimo qiimo weyn leh wuxuuna ugu jawaabay Su,aashii intii muddo ah Maskaxdeeydda xayirtay oo aheyd Maxaa Somaalidda ka Lumeey? ayuu jawaab dhameeys tiran iga siiyeey ana waxaan leeyahay afkaaga caano lagu qabay waana runtaa ee Caqligga ayaa dhigaaya in wax lumeen inta ugu muhiimsaninaa yihiin Saddexaas arrimood loona baahan yahay in Ummadu dib u eego qaabkii iyo hab dhaqmeedkii wanaagsanaa dhaxalkii aabbe, awoowe ayaa mudan leh.

-Alle Mahad Leh-

###


Hambalyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Col-Cali Madoobe. 

Dalka Somaaliyeed oo uu soo saameeyeey burbur weyn muddo 15-sano ku dhoowna ku jiray xaaladda jaha wareer iyo dowlad la,aan dhammaan habkii iyo qaab dhismeedkii hay,adaha Dowladeedna ee muhiimka ahaana u baahan yihiin dib u dhisid iyo soo nooleeynta kaabayaasha Dalka iyo soo celinta Nidaamka iyo Sharci illaalinta.

Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo ah Laf dhabarta sugidda amaan gudaha iyo illaalinta Habsamid ugu adeegidda Muwaadinka Somaaliyeed iyo ka shaqeynta xoriyad iyo Nabad ku seexashadda,amaan buuxa iyo madax banaani buuxda ku guta howlohooda Maalmeed, sidda ku haboon u garta xilka Qaran ee Ciidanka Boliiska saaran iyo duruufaha adag oo ka hor imaan karra iyo ahamiyadda shaqadda Boliiska waqtigan xasaasigga ah iyaaa lagama maarmaan eey noqotay in loo Magaacaabo Shakhsigga aqoonta kartidda daacadnimadda iyo hoggaaminta leh oo sidda ku haboon uga shaqeyn karaaya abuuridda Ciidan Boliis Qaran oo Heegan u ah dib u dhiska Dalka Hooyo.

Col-Cali Maxamed Xassan(Cali Madoobe) waa Sarkaal waayo aragnimo weyn xilaal muhiim ahna ka soo qabtay Dowladdii Rajiimkii Al-Marxuum Siyaad Barre,kana nadiif ah wax lagu tilmaami karro fal dambiyeed iyo ku xadgudbidda xoriyadda iyo xuquuqdda Muwaadiniinta Somaaliyeed,kana qeyb qaadan Dagaaladdii iyo Colaadii Sokeeye ee lagu hoobtay isl amrkaana leh aragti furan hanaan hoggaamin iyo shaqo gudasho dhab ah kuna shaqeeya habka ku dhaqmidda iyo hirgelinta jidwal shaqado oo waqti leh iyo habka wadda tashigga iyo qeybinta howla maalmeedka si weyna ula socdda habka shaqdu u socoto,kana war haya Xaaladda iyo habka muuralka Saraakiisha iyo Ciidanka.

Col-Cali Madoobe-Shaki kuma jirro in uu yahay Sarkaal bisil dhinaca aqooneed iyo khibradda shaqoba sidda ugu dhakhso badana loo arkii doono haddii Alle idmo Dhismaha Ciidan Boliis Somaaliyeed xirfad iyo shaqo gudasho leh oo hanaankii iyo ahamiyadii Nabadgelyadu laheyd soo celiya isla markaana ah mid Ummadiisa u adeega ee aan aheyn mid Ummadiisa dhiba oo Xasuuqa,Saldhiyadda Boliiskuna noqdaan goob amaan oo eey ku sugan yihiin Saraakiil iyo Askar heegan u ah sugidda iyo illaalinta Xuquuqdda Muwaadinka Somaaliyeed.

Anigoo Shakhsiyan ahaan jirray dadkii ugu dhowaa kana mid ahaan jirray xubnaha ugu mihiimsan ee Xafiiskii Taliyaha Qeynta Lid-Xuuraanka(Col-Cali Madoobe) aqoon fiicana u leh Korneylka waxaan halkan ku cadeeynaayaa in Magacaabidda Col-Cali Madoobe tahay Guul Ummadda Somaaliyeed u soo hoyateey Shakhsigii ku haboonaana loo Magacaabay xilkaas Qaran oo ahamiyadda weyn leh Ciidanka Boliiskuna la soo noqon doono sumcaddii iyo kalsooniddii uu Ummadda ku dhex lahaan jiray.

Hambalyo-Hambalyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Col-Cali Maxamed Xassan(Cali Madoobe) waxaan Illaaheen uga rajeeyeey in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu dhabarka ku qaatay,Qarankiisa Somaaliyeed ugu adeego sidda Dadnimadiisu dhigeeyso aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisuna siineeyso.

-Guuleeyso,Guleeyso,Guleeyso.

-Alla Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddesfield-England-21-05-2005.
sharifhassan50@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | May 21, 2005

AKHRI::: MAQAALADA KALE EE MAANTA:::::


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD