SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN



18/12/2005
Sana`a – Yemen

Dhimasho badan iyo dhaawaac Soo Gaaraay Qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugan Yemen
 iyo sideetaneeyo qof oo loo taxaabay xabsiyadda dalka Yemen


{ Yaa u hadlaaya yaase ka hadlaayaa }.

Qaxooti soomaaliyeed oo in muddo ah hor jiifay xarunta weyn ee UNHCR Yemen ayaa waxa soo gaaray shalay dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan kadib markii ciidamada aamaanka dalkan Yemen oo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa , budhadh iyo rasaas xoog leh oo hoos loogu dhigay qaxootiga , waxaana usii dheeraa in gawaarida ciddamadu la jiirsiiyey caruur iyo dumar ka carari kari waayey goobta dhibtu ka bilaabmatay waana arin si kas ah loola bareeray maatadan .

Sida aan ku war heleyo waxa ku naf waayay tobaneeyo ruux oo Somali ah rag iyo dumarba leh waana inta ay noosheegeen dadka xabsiyada ku xirani, in kastoo aan tirada rasmiga ah ee dhimashada la xaqiijin, tiiyo dadka qaarkiis leeyihiin dadka dhintay intaas waa ay ka badanyihiin .

Waxa intaas dheer dhaawac aad u farabadan oo laga daadgureeyey goobtaas kuwaas oo iskugu jiray Caruur , dumar , odayaal, iyo dhalinyaro intaba , iyado aan la sugi karin wax dhintay iyo wax nool oo ay ugu wacantahay ciiddamo aad u fara badan oo goobta lagu daadshay , loona diiday in dadku galaan aagaas. Hooyooyin badan ayaan maanta ogayn meesha ay caruurtoodii ku dambaysay kadib markii ay dadka ku kaliftay inay ka yaacaan rasaasta iyo suntan dadka ka ilmaysiisa ay kala garan waayeen meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan.

Waxa loo taxaabay xabsiyadda dhalinyaro kor u dhaafaysa lixdaneeyo , qaxootigaas hor seexanaayay UN ta muddo 47 beri iyago ka cabaanaayay wax qabad la`aan iyo wax tar la`aan ku haysata dalkan Yemen ayaa xaalkoodu aad uga soo daray .

dhibaatadan ayaa waxa uu ka bilaabmay , kadib markii shaki uu ku yimi qaxootiga oo mooday in UNHCR ay ka guurayso goobta ay degantahay tiiyo laga raraayey Computero oo la rabay in lagu qeybiyo goobaha bidaaqadaha laga bixiyo, ayaa waxay keensatay in dadkii gadoodaan .

Dadka dhintay magacyadooda gadaal ayaan kasoo gelin doonaa, markii aan helo.

Waxa see is weydiin mudan yaa u hadlaaya dadkan yaa see ka hadlaaya.

Waxii soo kordha waan idin la soo socodsiin doona Insha Allah.

Abdi Said Mohamed {Dini }
salwe007@hotmail.com
SomaliTalk.com | Sanca | Dec 18, 2005

DAD SOOMAALIYEED OO LAGU DILAY DALKA YEMEN

Waxaa wararka naga soo gaaraya  magaala madaxda waddanka Yemen ee Sanca gaar ahaan xarunta hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga in ugu yaraan lix qof oo qaxooti ah oo Somalí ah la dilay kadib markii ay ciidamada nabadgelyada ee Yementa ay damceen inay xoog ku kala kexeeyaan dad qaxooti oo bilahanba ku sugnaa xerada qaxootiga darbigeeda ayagoo ka cabanaya nolol xumo, nabadgelyo la’aan iyo waraaqo aqoonsi la’aantood ay ku dhaqdhaqaaqaan gudaha wadanka Yemen si aan ciidamada koontoroolada jooga aysan u qabsan . 

Waxay wararku intaas ku darayaan in dilkaasi yimid kadib markii ay Hay’adda UNHCR ay dalbatay ciidamada yementa ayey isku dayeen ciidamada Yementu inay kala kexeeyaan dadkaas qaxootiga ah oo muddo labo bilood ah ku sugnaa halkaas kadibna ay diideen dadkaasi inay banneeyaan goobtaas iyadoo aan wax laga qaban waxay ka cabanayaan. 

Arrintaasi waxay dhacday iyadoo ay socoto diiwaangelinta dadka qaxootiga ah oo bilaabatay bishan Diisember bilowgeedii ugu yaraan toban xarumood oo ku yaalla magaalada Sanca sida ay sheegtay warbaahinta Caalamku. 

Waxaa laga sheegayaa inay dadka Soomaaliyeed oo ku bañan baxaya xarunta qaxootiga horteeda aysan lahayn wax maamul ah iyo kala dambeyn halkaasna ay ka dhalatay fowdo iyo in la aflagaadeeyo ciidamada nabadgelyada ayna kala qaybsan yihiin oo qabiil walba meel gaar ah dagan yahay sida ay meelkasta ugu kala qaybsan yihiin aysanna is aaminsanayn. 

Hay’adda qaxootiga iyo dawladda Yemen waxay Soomaalida ku helaan lacag ay siiso Hay’adda UNHCR  xarunteedu tahay magaalada Geneva ee waddanka Switzerland waxay caalamka u sheegaan inay taageeraan Qoxooti Soomaaliyeed oo ku sugan waddanka Yemen oo ay siiyaan qof kasto oo somalí ah $150 oo caddaan ah bilkasta, lacagtaas oo aan soo gaarin dadkii looga talagalay, iyadoo ay arrintaasi socotay illaa iyo marka ay dawladda Yemen sheegtay inay hayso dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah bilowgii sannadkii 1991dii, waqtigaas oo ay tageen dadkii qaxootiga ahaa ee Soomaaliyeed ee ugu horreeyey, waxayna sheegataa dawladda yemen inay waddankeeda ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo gaarayaa 300,000 oo qof.

Source: aljazeera.net
Waxaa Tarjumay Xuseen Cabdi 

Qaramada Midoobey oo Dowladda Yemen ku canaanatay sidii. ay ula dhaqantey dadkii soomaaliyeed.

Qaramada Midoobey ayaa si weyn ugu canaanatay Dowladda Yemen sidii ay ula dhaqantay Qaxooti Soomaaliyeed oo mudooyinkaabna hor dhoobnaa xarunta Hay’adda UNCHR ee Magaalada Sanca kuwaas oo halkaasi ka dhigayay banaanbaxyo cabasho ah.... Warkan oo dhan...

WARARKII HORE EE QAXOOTIGA YEMEN HOOS KA AKHRI


23/11/2005 - Sana`a –Yemen

Rasaas maanta (Nov 23) duhurnimadii ka dhacday xarunta UNHCR ee Sanca, goobtaas oo ay ku dhaawacmatay gabar Somaliyeed

Dadka qaxootiga ku ah dalkan Yemen, ayay maraysaa maaliinkii tobnaad ay hor seexdaan xarunta UNHCR ee Sanca, dadkaas oo kasoo batay intoodii hore, laquna qiyaasi karo ilaa kumaankun dad ah.



Maanta barqadii waxay dalbatay hey`ada UNHCR sanca ciidamada amniga ee dalka si ay u kala dareeriyaan dadweynaha faraha badan, sida warbixinta aan ku helnay waxa ka danbeeyey dalbashada ciidanka ninka lagu magacaabo(firas kala oo ah Assistant Protection oo jinsiyaddisu Ciraaqi tahay iyo in kamida Shaqaalaha UNHCR oo isna u dhashay dalka Syria.

Ciidamadan oo markii hore isku dayey dadka inay qab qabtaan oo ay u suurto gashay inay xir xiraan dhowr iyo labaatan dhalin yaro kuwaas oo lootaxaabay xabsiyadda.

Ciidamada markii ay u suurto geliyeyday inay dadkii kala dareeriyaan ayay rasaas Farabadan kor u rideen , waxyar kadibna hoos dadkii ugu dhigeen , waxa dhawaac kasoo gaaray gabar somaliyeed oo ay ka qabsatay rasaastu dhegta , iyadoo loola cararay dhaqtar.

Saacado kadib  waxa yimi goobta nin kasocda madaxtooyada isagoo la hadlay ciidamadii kana dareeriyey goobti .

Xaalada iyo baahida ay qabaan qaxootiga aya isasoo taraysaa maalinba maalinta ka dambaysa, iyago ku dhawaaqaaya ereyo ay kamid yihiin dooni mayno Yemen dalkale hanala geeyo.

UNHCR oo damacsan inay dib u bilowdo bidaaqado oo waxba aan lagu helin , aya aad uga sii caraysiisay dadka qaxootiga ,taas oo ay u arkaan in lagu mijaro habaabinaayo xuquuqda ay ku leeyihiin UNHCR ta.

Waxa soo sawiray soona diyariyey

(Abdi Said Mohamed –Dini- iyo Hassan Hussein Ibrahim (Hassan Mahdi)
EMail:
salwe007@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005

Wararkii hore ee Qaxootiga Soomaalida ee Yemen


Qaxootiga Somaliyeed ee dalka Yemen oo weli horseexda Xarunta UNHCR ka 

Nov 20, 2005: Xalay markay saacadu ahayd 12:30 habeenimo ayay noo suurto gashay inaan sawiro ka qaadno qaxootiga somaliyeed ee hor jiifa xarunta weyn ee UNHCR ey ku leedahay dalka Yemen kuwaas oo iskugu jiray dumar, caruur, dhalinyaro, dadwaaweyn intaba, tiiyo weli lagu hayo cabudhitaan iclaamka caalamka ee meesha rabay inay ka qaadan sawiro iyo war bixin ay ka dhagaystaan qaxootiga loo diidan yahay .




 

Kulan dheer oo dhex maray 15qof oo gudi ah ay iska xuleen qaxootiga meesha isku yimi iyo mas`uuliyiinta UNHCR Yemen si loo xaliyo dhibta ay qaxootigu ka cabanaayo aya ku dhamaaday aroornimadii shalaytoole guul daro, kulankaas oo ay ku doodaayeen qaxootigu inay helaan dhamaan qodobadan soo socda:

1) In la siiyo guno joogta ah si ay uga baxaan baahida haysa tiiyo la tix raacaayo qodobadii ey Yemen saxeeday 1954 UN CONVENTION, arinkaas oo usuuro gelinaaya in qaxootiga Yemen ku dhaqani ay lamid noqdaan kuwa Yurub iyo north America degan.

2) Inay helaan wax barasho bilaash ah haddii ay tahay (Macaahiida , jaamacadaha dalkan ) waayo dhalinyaro aad u fara badan oo ku dhashay dalkan ama ku korey oo qaxooti ah ayaan maanta haysan dhamaystir tacliineed oo ay sababtay in aqoontoodii dib u suusho.

3)Inay helaan ama lamid noqdaan dhinaca daryeelka caafimaadka dadka dalkan u dhashay oo aan lagu halayn xarumo sam contrat kaga qaatay UNHCR inay daweeyaan qaxootiga kuwaas oo u qaybiya qaxootiga dawo keliyaata oo xanuun baabi`iye ah .

4) Inay helaan travell-document kaas oo u sahlaaya inay qaataan jinsiyadda dalkan si ay ugu socdaalaan meesha ay rabaan( waayo qaxootigu kama bixi karaan dalkan kamana haysan bixin muddo 15 sano oo asoo dhaafay oo qaar badani ay u suurto geliweydey inay soo gutaan xajka ama soo eegaan dadkii iyo dalkii ay kasoo baxeen muddoo shan iyo tobansano.

5) Haddi intaas la waayo haynu soo sheegnay waxay ku goosteen qaxootigu ama guddigii loo xil saaray inay la doodaan UNHCR mas`uuliyintooda Yemen in dib u dejin dalkale loo sameeyo qaxootiga dalkaas kale oo ka bixi kara ama fulin kara qawaaniinta loo dejiyey qofka qaxootiga ah.

Waxay ku jawaabeen UNHCR YEMEN inay qaxootigu sugaan muddo bil ah ayna iska kala tagaan, taas oo ay la yaabeen qaxootigii waayo dad badan ayaan maanta haysan meel ay how ka dhigtaan nafna biday inay hor seexdaan,taas oo ay ka diideen guddigii inay meel kale u kacaan, waxayna UN tu ugu hanjabtay qaxootigii inay ku dalban doonaan ciidamada yemen si ay ukala dareeriyaan .

Waana qodobo ka axsan bani aadanimada in loo hanjabo qof qaxooti ah ninka ay kasoo yeertay hanjabaadani aya lagu magacaaba (Firas kayal oo qaabilsan assistant Protection Officer).

Waxay ka codsanayaan dhamaan qaxootiga Yemen ku dhaqan in walaalahooda somaliyeed kala qeyb qaataan sidii ay u gaarsiin lahaayeen iclaamka oo loosoo fiiri lahaa dhibta ay ku jiraan .





Waxa soo diyaariyey iskuna soo dabariday A. Said Mohamed (Dini)
Sanca, Yemen
salwe007@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com  Nov 20, 2005

WARBIXINTII 2001 ee QAXOOTIGA SOOMAALIDA YEMEN....

 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD