SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO


NAADIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYEED OO XUSAY SANAD-GUURADIISII 6-AAD

Muqdisho, Soomaaliya 
 

       Xaflad si heer sare ah loo agaasimay laguna xusayay sanadguuradii 6-aad ee ka soo wareegtay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay saxafiyiin horey magac ugu lahaa dalka Soomaaliya, Saxafiyiintii Dhexe iyo kuwa maanta iyo waliba Marti-Sharaf kale, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay Guddoomiyaha Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed Eng, Mukhtaar Xasan Maxamuud wuxuuna sheegay in sababaha loo aasaasay Naadiga ay tahay sidii uu uruurin lahaa isla markaana uu u diiwaangelin lahaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed, ha noqdeen kuwii dhintay iyo kuwa maanta jooga, waxaa kalloo uu ka warbixiyay in sidoo kale Naadiga loo aasaasay sidii uu u difaaci lahaa dhamaan tacadiyadda loo gaysto Saxaafadda Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, Eng, Mukhtaar waxaa kalloo uu sheegay in uu xiriiro wada shaqeyn ah uu Naadigu la leeyahay maamulada Soomaaliland iyo Puntland iyo waliba Gobada Dalka.

            Eng, Mukhtaar waxa uu mahadceliyay Idaacadda British Broadcasting Corporation qaybteeda tababarada oo uu sheegay in ay Naadiga gacan ka siisay tasiilaad fara badan oo uu Naadigu u baahnaa  waxaa kalloo uu sheegay Guddoomiyaha Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed in mudadii 6-da sano ahayd ee uu Naadigu jiray uu tababaro siisay 270 arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, iyadoo dufcaddii ugu dambeysay oo ka koobneyd 50 iyana la siisay Shahaadooyin.

            Xafladdaasi oo aad u qiimo badneyd ayaa waxaa kalloo ka hadlay Cabdi Xaaji Goob-Doon, waa Suxufi muddo badan ku soo jiray Saxaafadda waxa uuna u mahadceliyay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu uruuryay dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna Cabdi Xaaji Goob-Doon in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo oo ay ku talaabsaday Saxaafadda Soomaaliyeed ha noqoto dhinaca Taleefishinada, Idaacadaha iyo Wargeysyada, wuxuuna u soo jeediyay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay qalinkooda ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed.

            Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Shiikh Aadan Cali Xasan oo ka mid ahaa Culuma’udiinkii hore ee Radio Mogadishu, kana mid ah xubnaha ugu firfricoon ee Naadiga ayaa waxa uu ku dhiirageliyay Suxufiyiinta Soomaaliyeed in wax kasta oo ay qorayaan ay ka run sheegaan, isla markaana shacabkooda ugu hiiliyaan dhinaca wanaaga. Abwaan Abshir Nuur Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadalo guubaabo ah siisay dhamaan ka qaybgalayaashii xafladdaasi, wuxuuna ka codsaday Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan howlgalada ay Maxaakiimta Islaamiga ah kula dagaalayaan Munkarka iyo waxyaabaha dhaqanxumida ah. 

            Max’ed Cumar Baakaay oo ku hadlaayay magaca ka qaybgalayaasha ayaa waxa uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta arko Macallimiintii wax u dhigi jirtay oo ay meel kuwada kulmeen, taas oo uu sheegay in ay tahay mid ku reebeysa dareen farxadeed, wuxuuna u mahadceliyay Naadiga oo uu sheegay in uu qabtay howl muhiim u ah bahda Saxaafadda .    

Cabdiraxmaan Shariif Max'ed {Taysiir} oo ka mid ah raggii la guddoonsiiyey shahaadooyinka ayaan wax ka weydiiney sida uu u arko shahaadada la siiyey wuxuuna yiri  isaga oo arrintaasi ka hadlaya, "Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta shahaado ka qaato Naadiga oo ay i guddoonsiiyaan rag rug caddaa ku ah saxaafadda"

sidoo kale Farxiya Max'ed Max'ud {Sabaax} ayaa ka mid aheyd ardaydii shahaadooyinka la guddoonsiiyey waxeyna tiri iyada oo dareenkeeda cabireysa, "Waxaan u mahad celinayaa Eng. Mukhtaar Xasan Max'ud oo isagu igu dhiira geliyey in aan ka mid noqdo bahda saxaafadda"

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com    

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD