SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Wuxuu Marti u yahay Xanuun daran ee u Gargaar wiilkan yar 


SAWIRKA WARQADA DHAKHTARKA OO WEYN.. KA EEG HALKAN

Waa wiil saqiir ah, waa labo sano iyo bar jir uu caafimaadkii ku xumaaday, habeen iyo maalin uu taahu ugu baryo, marka xanuunka qabto shucuurta iyo dhididka mararka qaarkood waxa uu qooyaa dharka saaran, Allow ka dulqaad waa Saqiir dulman oo wax dambi ah aan lahayn, hase yeeshee waxaa soo riday wado xanuun daran, inkastoo lala tacaalay misna Dhakhaatiirtii way ka deyriyeen xaaladda caafimaad ee saqiirkaas, kaasoo maanta u baahan gacan bini’aadannimo iyo mid Soomaalinimo.

  “Cudurka iigu daran waa calaacasha maran iyo wadna xanuunka saqiirka aan dhalay kaasoo iga waayay daryeelkii caafimaad ee uu xaqa iigu lahaa, sababtoo ah ilmaha inta aysan ka bixin gacanta waalidka waxyaabaha ay xaqa u leeyihin waxaa ka mid ah caafimaadka, hase yeeshee Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Gacan waxaysan haynin waa u Geed), waan jeclahay saqiirkaa dulman ee martida u noqday waalidkaa faqriyay in gacan la igu siiyo” sidaa waxaa tiri Hooyo Nuuro Warsame oo la murugeysan wiilkaa caafimaad la’aanta la uugaabaya ama la taahaya, taasoo ii warameysay xili aan ku soo booqday Hoykeeda.

Xanuunka wiilkan waxa uu ku cad yahay Warada dhakhtaku qoray ee sawirkeedu dhanaka midig ee boggan ka muuqdo.

WARQADA DHAKHTARKA OO WEYN.. KA EEG HALKAN 

Kala soo xiriir  ehelada wiilka

Shariif Cali Nuur Kulane

Taleefon Lambar 2521-633891

                             2521-219412

E-Mail guled114@hotmail.com    

 

Ama kal soo Xiriir

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

           amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD