SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Gabar Soomaaliyeed oo Gargar degdeg ah u Baahan....

Ku: Hay’adaha samafalka
Ku: Jaaliyadaha Soomaaliyeed
Ku: Ganacsatada Soomaaliyeed
Ku: Indheer-garatada
Ku: Siyaasiyiinta.
Ku: Ururada bulshada

Walaalaha Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay u soo gurmadaan Daynabo Aadan Yarow oo xaaladeeda caafimaad ay tahay mid aad u liidata, ayna buro weyn kaga soo baxday daanka midig, kuna fiday ilaa wejiga.

Deynabo oo ka timid baadiyaha Baydhabo, ayaa hadda ku sugan xero qaxooti oo ku taal degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxeyna ku sugan tahay xaalad u baahan in ay hesho daryeel caafimaad oo deg deg ah.

Aniga ayaa gurigeyga ku hayo, mana aha qof xittaa hadli karta, waxaana ka soo kaxeeyey iyadoo meel cidlo ah iska jiifta oo caruurta yaryari ay tuur-yeynayaan, waxeyna u baahan tahay gargaar caafimaad oo degdeg ah” ayey tiri Xabiibo Macalin boqol-soon oo sheegay in loo baahan yahay ugu yaraan in lagula quusto dhaqaatiirta isbitaalada Muqdisho bal in ay buradaasi wax ka qaban karaan.

Faahfaahinta xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaasi & ciddii taageereysa waxey kala soo xiriiri karaan.
Max’ed Nuur Jiisow (Moorshe)
E-mail. mnmjisow6236@hotmail.com 

Taleefan: 00 2525-961967

FADLAN CAAWI:::::

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD