SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
JAAMACADDA - HIIRAAN

Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar....

  • SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Nov 21, 2005

Siciid Saalax oo ka hadlaya kulankii loo qabtay Jaamacada Hiiraan

Prof. Warfaa (bidix) iyo Ismacil Sh.

Prof. Warfaa oo ka hadlaya madasha

Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay (Nov 20, 2005) waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in lacag loogu ururiyo dhismaha Jaamacada Hiiraan ee laga hirgelinayo magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo si wanaagsan looga soo qayb galay waxaa ka hadlay culimaa'u-diin iyo aqoon-yahanno Soomaaliyeed oo dhammaantood dadweynaha Soomaaliyeed ku booriyey in ay ka qayb qaataan dhismaha Jaamacadda Hiiraan oo hirgelideedu ay faa'iido weyn u yeelan doonto mujtamaca Soomaaliyeed.

Aqoonyahanadii ka hadlay kulankaas waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Sheikh Samatar oo ka war bixiyey in hindisaha dhismaha Jaamacaadda Hiiraan uu muddo soo socdey, haddana la soo gaarey xilligii la hirgelin lahaa dhismaha. Waxana uu ammaanay Daa'uud Cali Xasan oo ah nin reer Hiiraan ah oo ku nool dalka Ingriiska.

Ismaaciil Sheikh Samatar Waxa uu xusay Jaamacadaha hadda ku yaal Dalkeena in dhammaan ay u adegaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Maxamuud Nuur Wardheere oo u mahad celiyey shacabka ka soo qayb galay kulanka, waxana uu si gaar ah ugu mahad celiyey Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacada Minnesota oo ka qayb qaatay soo agaasimida Kulanka. Wardheere oo qiimaha waxbarashada ka sheekaynaya waxa uu yiri: Magaaladii aan ku dhashay ee Qooqaani marka ardaygu dugsi dhexe dhameeyo haddii uusan ehel ku lahayn Kismaayo ama Muqdisho, ama magaalo dugsi sare leh, ama aan qoyskiisu awoodin in ay ardayga magaalo kale Dugsi sare ugu diraan waxaa uu ardaygaasi noqon jirey mid halkaas kaga hara wax barashada. Nasiib wanaag, ayuu yiri, walaalkay ayaa joogey Afgooye, halkaas ayaan u aadey Dugsi Sare. Waxana uu xusay sida ay muhiim u tahay in laga qayb qaato hir gelinta Jaamacada Hiiraan

C/Risaaq Aadan "Lafoole" ayaa ka war bixiyey Jaamacada hadda kajira dalkeena, waxana uu sheegay in uu safar kusoo maray badanaa Jaamacadaha dalka, sida Jaamacadda Camuud (Boorame), Hargeysa, Burco, Nugaal (Laascaanood), Boosaaso (East Africa), mac-hadka Garoowe, iyo Galkacyo. Waxana uu xusay in la dhagax dhigay Jaamacada Kismaayo.

Waxa kale oo uu C/Risaaq Lafoole xusay in Jaamacada Muqdisho ay meel sare ka gashay Jaamacadaha Afrika. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Soomaaliya oo lagu tiriyo lixda dal oo dunida ugu faqiirsan, haddana Jaamacadda Muqdisho waxay boqolka ugu sareeya ee Jaamacadaha Afrika ka gashay kaalinta 78aad" taas oo ah heerka wanaagsan ee ay Jaacadda Muqdisho gaartey. Sidaas oo kale ayaa loo baahan yahay in la hir geliyo Jaamacada Hiiraan ayuu yiri.

Siciid Saalax oo ah aqoon yahan caan ka ah Minnesota ahan bare Soomaaliyeed oo suugaanta ku xeeldheer ayaa hadalo dhiiri gelin ah madasha ka soo jeediyey. Waxana uu yiri waa in la helo tiro jaamacado ah oo ka badan inta Qabqable Dagaal ee dalku leeyahay. Waxana uu intaas ku daray waa in la maareeyo Jaamacadaha si aan tayadoodu u dhumin, magaalo kastana laga dhiso kulliyad ku haboon deegaanka ay Jaamacadasi ku taal.

Gabar magaceeda la yiraahdo Cibaado ayaa tiri "Anigoo ku hadlaaya magaca gabdhaha Soomaaliyeed waxaan soo dhoweynayaa in Iskoolo iyo Jaamacado laga dhiso gobol kasta oo Soomaaliya".

Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Reer Minnesota oo kulankaas ka hadlay ayaa aad uga hadlay muhiimada cilmiga. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey sida ay Diinta Islaamku u qiimayso cilmiga. "Aayadii ugu horeysey ee Quraanka ee Allah soo dejiyey waxay ahayd 'IQARA'" ayuu yiri, taas oo daliil u ah qiimaha wax akhrinta. Sidaas dadaadeed, ayuu yiri, waa in la dhiiri geliyo cilmiga. Sidoo kale waxaa muxiim ah wax qorista ayuu yiri.

Sh. Cabdiraxmaan waxa uu in yar ka waramay yaraantiisii in uu dugsigii hoose ee uu ka soo baxay uu ku dhowaa xaafadii uu ka degenaa Beledweyne, dugsiga dhexena uusan halkaas sidaas uga sii fogeyn. Waxana uu nasiib u yeeshay in uu dugsi sare kaga soo baxo magaladii uu deganaa ee Beledweyne, dugsiga sare ee Axamed Warsame oo ah dugsi lagu dhisay Iskaa Wax-u-Qabso. Waxana uu Sh. C/Raxmaan halkaas ku muujinayey sida ay qiimaha u leedahay waxbarashadu. Sidaas darteedna uu taageerayo in Jaamacad laga dhiso magaalada Beledweyne. (Nin dadka kulanka joogey ka mid ah oo mar dambe magarafoonka loo dhiibey ayaa xusay sida magaalada Beledweyne u ahayd magaalo u dhexaysa shacabka Soomaaliyeed, waxana uu xusay in dugsiga Sare ee Axmed Warsame ee Beledweyne loogu magac daray wiil uu webigu qaaday xilligi Iskoolkaas la dhisayey, wiilkaas oo ahaa reer Garoowe, ayuu yiri.)

Aan u soo laabano hadalkii Sh. Caraxmaan, waxa uu yiri "Inagoo aan cid ku halaynayn waa in aan isu taagnaa dhismaha Jaamacadas"

Sh. C/Raxmaan waxa uu sheegay in ay waajib Islaami ah noqoneyso in la hir geliyo dhismaha goobaha Tacliinta, lacagta lagu bixiyaan ay noqoneyso sadaqo.

Ugu dambayntii waxaa kulanka ka hadlay Shiikh Prof. Axmed Muumin Warfaa oo hadda wax ka dhiga Salt Lake City Community College, ee gobolka Utah ee dalka Maraykanka, kana dhiga maadada biology/botany, oo Minnesota u yimid in uu Soomaalida kala hadlo hir gelinta Jaamacadda Hiiraan. (Prof. Warfaa oo Reer Minnesota ku xusuustaan booqashadii uu bishii Janaayo 2005 ku yimdi si uu uga hadlo dhibaata qaadka).

Prof. Warfaa oo ka warbixinaya Jaamacada Hiiraan ee la hirgelinayo waxa uu yiri waxaa la qorsheynayaa in Jaamacada Hiiraan ay muddo 10 sano ah gudohood ku yeelato 10 Kulliyadood, taas oo la rabo in halkii sanoba la hir geliyo hal kulliyad. Waxana uu sheegay in muddo hal sano gudohood ah loo baahan yahay in la ururiyo Nus-malyuun doolar (1/2 million) si loo hirgeliyo dhismaha Jaamacada Hiiraan, waxana uu sheegay in soo ururinta lacagtaas isaga loo xilsaaray.

Prof. Warfaa oo ka warbixinaya lacagta ilaa hadda Jaamacada loo ballan qaaday waxa uu sheegay in:

  • Soomaalida Colorado ay bixiyeen $20,000.
  • Halka Soomaalida Seattle ay bixiyeen $10,000 ayna ballan qaadeen in lacagtaas ay gaarsiinayaan $30,000
  • Afar nin ayaa ballan qaaday in ay bixinayaan $40,000
  • Soomaalida Reer Minnesota waxay ilaa xalay bixiyeen $80,000

Prof. Warfaa oo xifaalaynya reer Beledweyne waxa uu yiri anagu reer Buulo-Berde haddaan nahay waxaan webiga ka soo guran jirney qoonaha (ka baxda geedka baarka) oo webigu ka soo qaado Bedelweyne, hadalkaas oo dadkii madasha isugu yimid ka qosliyey.

Shiikh Prof. Warfaa, kaftankaas ka dib, waxa uu reer Minnesota uga mahad celiyey soo dhoweynta, waxana uu ku guubaabiyey in ka qayb qaataan Jaamacada hirgelinteeda, isagoo sheegay in Jaamacadaasi ay tahay Jaamacad Soomaali u dhexaysa.

Mar su'aal laga weydiiyey tirada ardayda ee loo qorsheeyey in ay Jaamacadasi qaadato sannadkiiba waxa uu yiri: Waxaa hadda lagu qiyaasay in dugsiyada Sare ee gobolka Hiiraan ay ka soo baxaan 500 oo arday, waxaana la qorshaynayaa in marka hore Jaamacadu qaadan doonto 200 oo arday - bilowga sannadkiiba.


Sh. C/Raxmaan & Prof. Warfaa

Waxaa mar kale magarafoonka loo dhiibey Sh. C/Raxaam Sh. Cumar oo xilligii uu dhiganayey Jaamacadii ummada Soomaaliya uu macallimiintiisii ka mid ahaa Prof. Warfaa oo macallin ahaa ilaa 1975. Waxana uu Sh. C/raxmaan mar labaad reer Minnesota ku guubaabiyey in ay ka qayb qaataan hir gelinta Jaamacada Hiiraan.

Waxaa aad dadkii kulanka isugu yimid u riyaaqeen markii kulanka oo socda la joojiyey si loo soo tukado salaadii Cishe, kaddibna la isugu soo laabtay si kulanka loo dhamaystiro.

Wakiilka Jaamacada Hiiraan ee Minnesota waxaa lagala xiriiri karaa Tel: 612.388.6282 (Minneapolis).

Halkaas ayuu si habsami ah ugu soo gabagaboobey kulankii loo qabtay lacag u urinta Jaamacada Hiiraan oo dadkii madasha yimid ay ballan qaadeen in ay ka qayb qaadanayaan maal iyo maskaxba hir gelinta Jaamacada.

Qormadan waxaa isku doo dubaridey
Maxamed Cali | Minneapolis, MN, USA
Email: webmaster@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005

LIFAAQ.1::: Qoraalka markii aan daabacay ka dib waxaa la ii sheegay in Fikirka iyo hindisaha Jaamacadda Hiiraan laga soo alkumay magaaladda Columbus, Ohio ee USA. (updated: Nov 27, 2005)

:::GEDO & GALGUDUUD:::

Reer Columbus, Ohio oo waxbarashada Gedo & Galguduud ugu deeqay $64,000 oo Doolar... Guji..

LIFAAQ:2:::: Reer Ohio iyo gobolada kale ee Maraykanka si ay u taageeraan Jaamacada Hiiraan waxa ay la xiriiri karaan:
Abukar D. Osman (Baale)

Guddoomiye ku-Xigeenka
Mashruuca Jaamacadda Hiiraan
(614) 778-3130

 e-mail address: hiiraan_university@yahoo.com ama adballos@yahoo.com


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD