SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxamuud Saalax Jaamac oo Magdhaw Waydiisanaya Dowladda Britain.
WARQADDA ACTIONAID

WARQADA XAFIISKA  RA'IISUL WASAARAHA UK

WARQADDA XILDHIBAAN WORTHINGTON

WARQADA QAREENADA UGANDA

CADAYNTA BOOSTADA

  • Canab Mumtaz | cmmumtaz@somalitalk.com | SomaliTalk.com | Kampala, Uganda | Nov 25, 2005

Maxamuud Saalax Jaamac waxaan kula kulmay magaalada kampala ee dalka Ugandha isagoo todobaadkii hore wargayska The New Vision 16 kii bisha siiyay warbixin ku aadan dhibkii ka soo gaaray badbaadinta Mudanayaal ka tirsanaa Baarlamaanka Britain, haddaba  si aan wax badan uga ogaano ayaa xogtan uga qaaday ku saabsan bilowga dhibkiisa halka uu ka yimid iyo hadda waxa uu filayoba.


Maxamuud Saalax Jamac

Maxamuud Saalax Jaamac (Email: msjaamac@yahoo.com) isaga ayaa nooga sheekaynaya sida ay wax u dhaceen iyo hadda halka ay marayaanba waana tan.

Sanadkii 1994 magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag oo ka tisan gobolada W/galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu afduubay laba mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain  laguna kala magacaabi jiray Tony Worthington iyo Mark Robinson iyo  Jeff Chinnock oo ka tirsanaa Hay’adda Action Aid UK iyo laba wariye oo isla wadankaas u dhashay xiligaas oo ay ka wadeen magaalada ceerigaabo Howlo samafal.

Afduubayaasha oo ahaa maliishiyaad beeleedyo ka tirsanaa Somaliland ayaa waydiistay in la siiyo lacag gaaraysa $100,000. Dadkii u gurmaday waxaa ka mid ahaa Maxamuud Saalax Jaamaca oo ku guulaystay in uu dadkaas ajnabiga ah uga saaro gacanta afduubayaasha muddo 24 saacadood gudahood ah iyadoo aan la bixin wax lacag ah.

Markii ay duuleen muddo ka dib waxaa weerar lagu soo qaaday gurigayga waxaana la iiga dhaawacay wiil aan dhalay markii aan u adkaysan waayay weerarka iyo hanjabaada iiga imaanaysay dadka deegaanka ayaan u kaxeeyay reerkaygii magaalada Jigjiga si aan uga badbaadiyo weerarada kaga imaanayay maliishiyaadkii afduubka gaystay.

Sanadkii 1997 waxaa dhaawacii u geeriyooday wiilkii aan dhalay  kadibna waxaan soo aaday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxaana beegsaday Safaarada Britishku ku leeyahay magaalada Dalka Kenya si aan u waydiisto Magangalyo oo aan ugu badbaadiyo reerkayga, Nasiib wanaag waxaan helay address mid ka mid ah labadii Mudane ee aan badbaadiyay oo lagu magacaabo Tony Worthington isla markiiba wuxuu iisoo diray jawaab ahayd Mahadcelin taariiqdu markii ay ahayd 13 juun sanadkii 2001 laakiin warqadaad ka dib wax jawaab ah kama helin waxii aan waydiistayna wax la iiga qabtay malahan.

Iyadoo xaalku sidaas yahay oo aan wali ku suganahay Magaalada Nairobi ayaa waxaa  la ii soo sheegay in xaaskaygi ku geeriyooday magaalada Jigjiga iyada iyo inan yar oo aan dhalay waxa ayna u dhinteen cudurka Malaariyada taas oo walwal igu abuurtay waxa ay ku dambayn doonaan caruurta iyadoo aanan ilaa haddana aanan wax war ah ka haynin meel ay ku sugan yihiin.

Sanadkii 2004 ayaan imid magaalada kampala ee dalka Ugandha si aan halkaas uga sii waddo codsigaygi ahaa inaan magangalyo ka helno dalka Britain waxaan la xiriiray Dowladda Britain oo dhan laga soo bilaabo boqortooyada, Ra'iisulwasaaraha, Baarlamaanka iyo Arrimaha dibada waxaanan u gudbiyay dhibka aan kala kulmay badbaadintii nimankaas reer Britain iyo labadii wariye ee la socotayba.

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Britain Tony Blair ayaan ka helay warqad Mahadcelin ah sida aan ula tacaalay ragaas khatarta ku sugnaa ee  ka tirsanaa baarlamankiisa ee aan badbaadiyay laakiin wax intaas dhaafsiisan "THANK YOU" kama helin oo ah waxqabad ilaa iyo hadda.

Haddaba akhriste Anigoo hadda ku sugan magaalada kampala ee dalka Ugandha ayaan ka qabsaday todoba loyar oo ila gala arrintan si aan u helo dib u dajin maadaama aanan ku noqon Karin dalkaygii aan u dhashay sabaha sii daynta ajaanibtaas awgeed laakiin wax war ah wali ku saabsan waxa aan u gudbiyay kama helin.

Sidaas awgeed akhriste walba oo Soomaaliyeed waxaan si xushmadi ku jirto uga dalbanayaa in ay gacan iga siiyaan si aan dowladaas uga helo magdhaw maadaama madaxooda uu dhibkani igu soo gaaray.

Maxamuud Saalax Jaamac waxaa toos loogala xiriiri kara emailka hoose:

WARAAQAHA HALKAAN KA FIIRI.... GUJI

Maxamuud Saalax Jaamac

msjaamac@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com

Nov 25, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD