SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


 

Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991 – 2005

Waxa qoray iskuna soo ururiyey Abdulaahi M Osman
abdulqadir@telia.se ama Abdulaahi_moalin@yahoo.com

 

1.      Mahad Aaden Xassan "cadde"

2.      Xaange : Ma helin magaciisa oo sadexan

3.      Cabdi Sheekh Cali :

4.      Abuukar Maxamed Nuur :

Afartan weriye oo ka shaqeyn jirey Radiyo Muqdisho waxa ay ka mid ahaayeen dadkii faro ku tiriska ahaa ee u dhashay qabiilka aan ka soo jeedin Muqdisho ee aan ka qixin Xamar ka dib rididii taliskii Siyaad Bare iyagoo quudareynayey in nabadii iyo dowladnimadii ay dib u soo noqon doonaan . Nasiib daro waxa 4taas weriye lagu diley magaalada Muqdisho 8 April 1991, waxana diley nin weriye ka ahaa Radiyo Muqdisho oo lagu magacaabi jirey Taakeeye kaasoo aan maqlay inuu ugu aarayayey nin magaciisu ahaa Doonyaale oo lagu diley Lafoole 7 April 1991 xiligaasoo uu Afgooye iyo dhulka ku xeeran si xun uga socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyey beelaha ama ku salaysnaa habka beeleed.  

5. Cabdulqaadir Cali Iidle  Inkastoo aanan xasuusan taariikhdii la diley waxa isna diley isla gacan ku dhiiglihii diley weriyeyaasha kor ku xusan sabab la xiriirta maamulka Radiyo Muqdisho oo ay xiligaa gacanta ku hayeen maleeshiyo ka tirsan beesha hubaysan oo uu gacan ku dhiigluhu ka dhashay iyo Iidle oo loo magacaabay agaasimaha Radiyo Muqdisho  .

6. Jean Claude Jumel  : waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey TF 1 oo ah TV laga leeyahay Faransiiska waxana lagu dilay Xamar June 18 1993 ka dib markii niman hubeysan ay soo weerareen baabuurkii uu la socday isagoo maraya wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo magaalada Muqdisho  .

7. Hansi Krauss  waxa uu ahaa sawirqaade u dhashay Germany una shaqeynayey Associated Press waxa lagu diley Muqdisho July 12, 1993 .

8. Hosea Maina  waxa uu ahaa sawirqaade u dhashay Kenya una shaqeynayey Reuters waxa lagu diley Muqdisho July 12, 1993

9.  Dan Eldon waxa uu ahaa sawirqaade heystay jinsiyadaha American iyo British  waxa uuna u shaqeynayey Reuters , waxa lagu diley Muqdisho  July 12, 1993,

10.  Anthony Macharia waxa uu ahaa farsamo yaqaan xaga codka ah oo u dhashay Kenya una shaqeynayey  Reuters waxa lagu diley Muqdisho July 12, 1993 .*

11. Mursal : magaciisa oo sadexan ma helin waxase uu ahaa Joornaaliiste u shaqeynayey AP waxana lagu diley Muqdisho 1993 isagoo isku dayayey inuu difaaco nin ay saaxiibo ahaayeen ,

12. 5 Soomaali ah oo iyagana u shaqeynayey CNN ayaa lagu diley Xamar sanadkii 1993  iimase suurto gelin inaan helo magacyadooda  

13. Alaria Albi iyo Miran Krovatin : waxa ay ahaayeen joornaaliisteyaal u kala dhashay Italia iyo Croatia una shaqeynayey Telefishinka Talyaaniga ee Rai 3 , labada joornaaliiste , waxa lagu diley agagaarka dhismihii hotel Juba ee magaalada Muqdisho 20 Maarso 1994 iyagoo xiligaa ku sii socday hotel Saxafi ka dib markii ay soo weerareen niman hubeysan oo watay baabuur noociisu ahaa Landrover .

14 Pierre Anceaux  : waxa uu ahaa joornaaliiste u dhashay dalka Switserland lana shaqeynayey hey,ad gargaar oo lagu magacaabo Caritas Switserland , waxa niman hubeysani ku dileen xero qaxooti oo ku taala magaalada Beydhabo 31Ogoosto 1994 isagoo xiligaa wareysi ka qaadayey haweeney Soomaali ah .

15. Marcello Palmisano  : waxa uu ahaa Joornaaliiste Talyaani ah waxana lagu diley jidka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho 9 Feberaayo 1995 ka dib markii uu sida la sheegay ku soo dhex dhacay dagaal u dhexeeyey maleeshiyooyin kala taageerayey shirkado Mooska dhoofiya oo kala ahaa Dole iyo Somalifruit .

16. Axmed Kaafi Cawaale : waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey idaacad taageerta Xuseen Ceydiid , waxana niman hubeysan ay ku dileen suuqa Bakaaraha 26 Janaayo 2000 isagoo wata shaqadiisa weriyenimo .

17. Abdullaahi Madkeer : waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey Raadiyo  lagu magacaabo DMC Radio oo xaruntiisu aheyd Beydhabo , waxana toogasho ku diley niman hubeysan oo ka tirsanaa jabhada RRA  24 janaayo 2003 isagoo xiligaa ka soo waramayey xaflad dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo.

18. Kate Peyton : waxa ay aheyd weriye u shaqeyneysay British Broadcasting Corporation saldhigeeduna ahaa Johannesburg South Africa , waxa niman hubeysani ku dileen iridka hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho 9 Feberaayo 2005 iyadoo Xamar u tagtay iney ka soo waranto xaalada nabadgelyo ee magaalada xili muran xoog leh uu ka taagnaa dib u guurista dowladii Soomaalida loogu dhisay Kenya .

19. Duniya Muhyadin Nur : waxa ay aheyd weriye u shaqeyneysay Hornafric Radio waxana nin hubeysan uu ku dilay agagaarka degmada Afgooye 5 June 2005 iyadoo xiligaa u socotay iney ka soo waranto jidgooyo ay sameynayeen gaadiidleyda ka shaqeysa wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye , isla goobtii ayeyna ku dhimatay .  

Fiiro gaar ah :  Dhamaan Joornaaliisteyaashan aan kor ku soo xusay oo falalkii lagu diley ay iskugu jireen falal burcadnimo , qabiil iyo kuwo siyaasadeed ma jirto cid loo xiray dilkooda oo maxkamad loo saaray marka laga reebo nin magaciisu ahaa Xaashi Cali Cumar oo Talyaanigu u xiray dilkii Alario Albi iyo Miran Krovatin .  

Ilaha xogta :  International news safety institute , British Broadcasting Corporation world service , CPJ Org , Hornafric media ,  iyo dhacdooyinka qaar oo aan anigu goob joog u ahaa. 

Wixii aan ka tagay ama aan si qalad ah u qoray sixid u furan.

Waxa qoray iskuna soo ururiyey Abdulaahi M Osman
abdulqadir@telia.se ama Abdulaahi_moalin@yahoo.com

Sweden :  24 10 2005 

~~~~~~~~~~~~~~~
*
Afartan Joornaaliiste waxa diley maaleeshiyooyin taageersanaa General Ceydiid xili ay duubi rabeen duqeyntii Mareykanku u geystay guri ay ku shirayeen taageerayaasha Ceydiid Dilka joornaaliisteyaashan waxa ka badbaaday Mohamed Shaffi oo dhaawac soo gaaray waxana badbaadiyey Soomaali baabuur watay oo geeyey Hotel saxafi  . Meydka labada Joornaaliiste ee Kenyanka ahaa waxa aan ku arkay dhulka u dhexeeya taribuunka iyo cisbitaalka Digfeer iyagoo dharkii lagala baxay oo qaawan .

Telefishan Barnaamij Dheer ka Diyaariyey Arimaha La xiriira Xarigii iyo Soodeyntii Cabdi Qaybdiid, Jawhar iyo Dagaalki imaraykanka iyo... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2005

Taariikh Kooban oo Soomaaliya

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD