“Dal
dad waayey iyo duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma u
dhalan doontaa?”
Buug soo
bandhigay weydiimo iyo bareerayaal ugub ah oo ku wajahan
dib-u-yagleelidda Soomaaliyadii dhimatay…
“Baraarujin aayeliyo, Waxaan jrin baaq waddaninimo, Dadkiisa
u soo bandhigay, Si ay berri ugu hirtaan, Bur bay ku jirtaa
arrini, Kan bixiyaa waa sugaal…” (Cabdulqaadir Cabdi Shube)
Qalinkii:
Cabdulqaadir M. Wacays
Email:
cmwacays@yahoo.com
Hordhac..
“Waa
buuggii loo baahnaa oo kusoo beegmay waqtigii loogu baahi
badnaa,” sidaas waxaa isku raacay waxgaradkii kala duwanaa
ee falcelinnada ka bixiyey buuggan uu cinwaankiisu yahay “Dal
dad waayey iyo duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma u
dhalan doontaa?” ee uu qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Waxgaradkaas oo ay ku jireen shaqsiyaad magac iyo maamuusba
ku leh ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda, waxay kaloo si adag
ugula taliyeen qof kasta oo ka damqanaya dhibaatada
Soomaalida amaba xitaa ugu yaraan daneeya arrimaha
Soomaaliya in uu buuggan akhriyo.
Ka
sokow falcelinnadaas dhiigga ku dhaqaajinaya ee ay qoreen
waxgaradkii buuggan akhriyey, waxaa aniga si gaar ah
damiirkayga u gilgilay, iguna dirqiyey in aan akhriyo waa
qaylo-dhaanta ay xambaarsan tahay dhudda seddexaad ee
cinwaanka buuggan: “Soomaaliya dib ma u dhalan doontaa?”.
Waa hubaal, sida buuggaba ku cad, in illaa iyo haatan aan
lagu guuleysan baadigoobka furayaasha albaabada ay
ballaqayaan labada dhudood ee hore, waana taas sababta
dhalisay in la is-weydiiyo su’aasha ah:
“Soomaaliya dib ma u dhalan doontaa?”.
Waa dhab
in dad badan ayan weli u kala baxsanayn farqiga u dhexeeya
“Dib-u-dhalashada Soomaaliya” iyo “Dib-u-dhalashada dowlad
Soomaaliyeed”, waxaana suurtagal ah in dadkaasi qacda ugu
horreysa oo ay buuggan arkaan ay hoosta iska weydiiyaan: “Oo
waa maxay Soomaaliyada dhimatay ee uu buuggu ka hadlayo?
Maxaa qaldan? Sow Dowladi ma dhismin? Sow in hubka uun dadka
laga ururiyo ma harin, taasina sow tan gulufka cusub loo
abaabulayo maaha, si loo soo celiyo nidaamkii iyo kala
dambayntii?.”. Dadkaasi, markii ay buuggan akhriyaan, bay
kala ogaan doonaan kala-duwanaanshaha labadaas arrimood.
Waxay kaloo ogaan doonaan in ay Soomaali ka dhuntay wax ka
weyn “Dowlad Soomaaliyeed”, iyo in ay hubaal tahay jeer
cudurkii ay Soomaali u dhimatay daawadiisii la helo, lagana
baxo meehanawga iyo ka-warwareegidda albaabka rajada iyo
badbaadada, in dowlad kastoo la dhoobdhoobo ay salka dhulka
ku dhufsan doonto, baaqina lagu sii ahaan doono xaaladda
marba marka ka dambaysa sii cakirmaysa ee ay Soomaali ku
sugan tahay. (faahfaahinta qodobkan, buuggan oo aad akhriso
uun baad kaga bogan kartaa). Sidaas darteed, waa gar baan
qabaa in maanta la is weydiiyo: Soomaaliya dib ma u
dhalan doontaa?.
Markii
aan dhammeeyey akhrinta buuggan, wuxuu damiirkaygu igu
baraarujiyey in ay habboon tahay, uuna mudan yahay buuggan
in aan ka diyaariyo faallo gaaban oo aan ku dhiirrigalinayo
dood-wadaagga qaran ee xaasaasiga ah ee uu buuggan
albaabkeeda gargaraacay.
Weydiimo
iyo bareerayaal ugub ah..
Sideedaba, dalalka hore-u-maray iyo kuwa tiigsanaya waxay
majarahooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulshaba saldhig
uga dhigaan talooyinka iyo bareerayaasha kasoo maaxda
maskaxda garwadeenkooda fekerka, kuwaasoo kaalinta ay
bulshadooda ku leeyihiin uu buuggani ku qeexayo “in ay
hoggaamiyaan wacyiga bulshada, waddada toosan u tilmaamaan,
khataraha uga digaan, mustaqbalka sii saadiyaan, garwadeenka
siyaasadda la doodaan, qudhooda wacyi-galiyaan ama wax
baraan, marin-habowgana uga digaan.”. Sidaas darteed, waxaa
ma-dhacdo ah in dalalkaasi diyaariyaan qorsheyaal ayan ka
tala-bixin, amaba ku talin garwadeenkooda fekerka, waana
sirta ka dambaysa horumarkooda. Maqnaanshaha kaalintii
garwadeenka fekerka Soomaaliyeed ayaa saldhig u ah
majara-habowga ku dhacay qaabka ay u fekerto ummadda
Soomaaliyeed. Markiise ay gabeen kuwii lahaa, waxay
kaalintaasi noqotay ‘ninkii lahow qaado’, waxayna si
fudud ugu gacan gashay horseedayaashii xumaha iyo burburka
ummadda.
Buuggan “Dal
dad waayey iyo duni damiir beeshay” oo xambaarsan
talooyin iyo bareerayaal dhiirran oo weliba ugub ah, wuxuu u
muuqdaa jidbixiyeen horseed u ah baraarugga garwadeenka
fekerka Soomaalida, wuxuuna kusoo beegmay xilligii loogu
baahi badnaa; xilli dal dhan iyo dadkiisii uu bannaan cidla’
ah kusii baaba’ayo; xilli ay waajib tahay in tacliinleyda
iyo indheergaradka Soomaaliyeed ay maskaxdooda ka tuujiyaan,
haddiiba ay wax ku hareen, wax uun talooyin ah oo lagu
badbaadin karo ummaddan masiibadu haleeshay; xilli uu dal
dhan dadkiisii gabay, ummad dhan waalatay, geyigeedii
gablamay, magaceedii ba’ay, xume-ka-sheeggeeda lagu shirtago,
garwadeenkeedu gablanka baday, qabkeedii ummad ahaaneedna la
dilay; xilli ay ifbaxyada qaarkood muujinayaan in dunidu
ayan kala jeclayn dib-u-dhalashada Soomaaliya; xilli ay
gabaabsi tahay rajada laga qabi karo dib-u-yagleelidda
Soomaliyadii dhimatay, taasoo ay burburinteeda iska
kaashadeen damiir la’aanta siyaasiyiinteeda, dib-u-dhacsanaanta
garaadka dadkeeda, iyo dibindaabyo shisheeye, sida uu
buuggan qirayo.
Qoraha
buuggan wuxuu daaha ka rogayaa su’aalo ugub ah oo
indhowaalaba tacliinleyda Soomaaliyeed ay ka maagayeen in ay
si rasmi ah daboolka uga qaadaan. Wuxuu misana raacinayaa
“bareerayaal ugub ah oo looga gol-leeyahay in ay albaabka u
furaan dood-wadaag dadka Soomaaliyeed wadajir ugu
baadigoobaan waxa dan u wada ah, wadajirna isaga digaan
waxyaalaha u laba-dibleynaya dayaca ay ku sugan yihiin
waqtigan xaadirka ah”. Tani waa caado aan horay looga baran
tacliinleyda, waa ifafaalo ugub ah oo malaha muujinaya in uu
yimid xilligii ay tacliinleydu la-wareegi lahayd
kaalintoodii garwadeennimo, iyadoo la hubo haddii ay
kaalintaas horay uga soo dhalaali lahaayeen in ayan
ummaddani ku dhacdeen haadaanta ay sida indho la’aanta ah
ugu hoobatay. Waa baraarug yididiillo leh oo uu horseed u
noqday qoraha buuggan, taasoo mudan soo dhoweyn, ka-wada-qaybgal,
isla-garab-gal, ka-wada-tashi, iyo wax-ku-biirin, si looga
mira dhaliyo. Baraaruggan billowga ah, haddii wadajir loo
garabgalo, waxaan shaki ku jirin in uu abuuri doono
dhiirranaan iyo kelyo-adayg ay tacliinleydu kula wareegaan
kaalintoodii ay ka gablameen.
Buug
bannaystay waddo cusub..
Waxaan
horay u akhriyey buugaag kala duwan oo dad Soomaaliyeed iyo
kuwo shisheeye ahba ka qoreen dhibaatada ka aloosan
Soomaaliya, kuwaasoo guud ahaan dhambaalka ay gudbinayeen uu
ahaa in saldhigga dhibaatada Soomaaliya tahay hardan
qabiillooyinku ugu loollamayaan awoodda xukunka dalka, si ay
u kala sedbursadaan khayraadka dalka. Tani waxay runtii ka
fog tahay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.
Waxaase taas kaba sii daran caado xun oo sidii daacuunkii
ugu dhex faaftay Soomaalida, taasoo ah in qofkii wax uun
qori karaba uu qoro wax uu ku magacaabo “Buug”, kaasoo uu ku
ammaanayo qabiilkiisa, islamarkaana ku caayayo qabiillada
kale.
Dhanka
kale, waxaa iyana beryahan soo badanayey tirada shaqsiyaad
Soomaali ah oo caadeystey in ay si qaldan wax uga qoraan
arrimaha Soomaaliya, iyagoo sida lagu yaqaan adeegsanaya
afaf qalaad, si ayan qoraalladaasi u gaarin Soomaali badan.
Ujeeddada ugu weyn ee qoraalladaas laga leeyahay ayaan
dhaafsiisnayn in hay’ado ama shaqsiyaad shisheeye ah lagu
beerdulucsado, been lagu haasaawiyo, kalsooni lagaga
raadiyo, dhaqaale lagaga qaato, shaqooyinna looga helo.
Waxaa iyana jira qoraallo qur-gooyo ah oo ay si joogto ah u
faafiyaan dad ajnabi ah oo ka maalaystay darxumada iyo
diifta ummadda Soomaaliyeed, haba ugu sii badnaadeen kuwa
sheegta in ay caawiyaan Soomaalida. Waa la hubaa in
shisheeyahaas iyo Soomaali-xumayaashaas is-biirsaday ayan
marna u riyaaqi doonin Soomaaliya oo dib godka uga soo
baxda. Tacliinleydii Soomaaliyeed intooda caafimaadka qabta
oo looga fadhiyey in ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan
war-xume-tashiilkaas is urursaday ayaa gabay kaalintoodii.
Qoraallada caynkaas ah ayaa qayb ka ah jahwareerka baaxadda
weyn ee beesha caalamka (intooda daacadda ah) ka haysta
fahmidda saldhigga dhibaatada Soomaaliya. (Faahfaahinta
qodobkan waxaad ugu tegi doontaa buuggan.)
Buuggani
“Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay,” wuxuu
bannaystay waddo taas ka duwan oo ugub ah. Qoruhu wuxuu door
biday in uu Soomaali wax ka qoro, waxna u qoro, afkooda
hooyo-na ugu qoro maadaama akhristaha koowaad ee uu buuggan
ugu tala-galay uu yahay Soomaali. Waana sidaasoo la hubo in
qoraha buuggan ay uga hawl yaraan lahayn inuu buuggan ku
qoro afka Ingiriisiga ama Carabiga, kuwaasoo uu horay ugu
qoray buugaag dadka soo wada jiitey. Wuxuu kaloo qoruhu
door-biday inuu ka leexdo waddadii la caadeystey ee
qabiil-ku-salaynta marka la gorfaynayo dhibaatada Soomaaliya
ka jirta, taasoo uu qoruhu u arko caado xun oo
marin-habaabinaysa cilmi-baarista arrimaha Soomaaliya. Hase
yeeshee, dad badan oo qoraha buuggan yaqaan, la-yaab kuma
noqon doonto in uu buuggiisu ka feejigan yahay in uu ku
sidbado dabinka ama bullaacadda qabyaaladda, sababtoo ah,
ka-fayoobidda cudurka qabyaaladda, waa dhaqan uu ku caan
baxay qoraha buuggan, Dr. Maxamed D. Afrax, waana sirta ka
dambaysa magaca iyo maamuuska ballaaran ee uu ku dhex
leeyahay ummadda Soomaaliyeed.
Yaa buuggan
ka faa’iidi doona?
Sida ay
waxgaradkii buuggan horay u akhriyey ku taliyeen, aniguna
aan ku taageerayo, qof kasta oo ka damqanaya dhibaatada
Soomaalida amaba xitaa ugu yaraan daneeya arrimaha
Soomaaliya waxaa la gudboon in uu buuggan akhriyo, sababtoo
ah, buuggani wuxuu – si ka duwan siyaabihii looga bartay
buugaagtii ka horreysey ee laga qoray arrimaha Soomaaliya –
farta ugu fiiqayaa guud ahaan “hadimooyinka uu dalkani u
dhintay iyo cudurrada ubucda u ah ayaan-darrada Soomaalida
ka qaadday awooddii ay ku xallisan lahayd dhibaatada
haysata”, wuxuuna soo bandhigayaa talooyin iyo bareerayaal
ugub ah oo ku wajahan dhabbaha loo mari karo irridka
badbaadada, haddiiba ay xukman tahay in la badbaadiyo wixii
weli la badbaadin karo.
Dhanka
kale, waxaa jira qaybo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed oo
aan u arko in ay baahi deg deg ah u qabaan, si toos ahna uga
faa’iidi doonaan buuggan, waxaana qaybahaas ka mid ah:
Siyaasiyiinta, hantiilayaasha, tacliinleyda, qorayaasha iyo
suxufiyiinta, iyo hal-abuurka fanka iyo suugaanta. Wuxuu
kaloo buuggan si toos ah ugu faa’iideynayaa garwadeenka iyo
la-wadeenka reer Jabuuti, iyadoo sida la wada ogsoon yahay
uu buuggan maamuus heer qaran ah ka helay garwadeenka
Jabuuti.
(1)
Siyaasiyiinta, hantiilayaasha, iyo tacliinleyda..
Daraasadda buuggani waxay gaashaanka ku dhufanaysaa
hawraartii horay loo qaayibay ee ahayd “Soomaali iyadaa is
dhigtay meesha ay taal”. Hawraartan iyo kuwo kaloo la mid ah
waxaa indhowaalaba loogu qiil samaynayey intii ka mas’uulka
ahayd dhibaatadii dhacday, horseedkana u ahayd haadaantii
laga wada hoobtay. Buuggani wuxuu qaadayaa waddo taas ka
duwan. Wuxuu is-weydiinayaa su’aalihii is-weydiin
la’aantoodu ay Soomaali u dhimatay, wuxuu eedda dusha u
saarayaa ciddii lahayd, wuxuu soo bandhigayaa caddaymo dhab
ah oo cilmiyeysan, wuxuuna af-muggii ku leeyahay “garwadeenka
ayaa ka mas’uul ah burburinta Soomaaliya iyo bi’inta magacii
Soomaalida”. Intaas dabadeed, wuxuu buuggu sii
faahfaahinayaa tilmaamaha seddex qolo oo uu ku magacaabay
garwadeenka Soomaalida (siyaasiyiinta, tacliinleyda, iyo
hantiilayaasha), iyo kaalintii uu mid waliba gaarkiis uga
geystay burburinta Soomaaliya (faahfaahinta qodobkan buuggan
ayaad ugu tegi doontaa.)
Sidaas darteed, xubnaha garwadeenka Soomaaliyeed (kuwii hore,
kuwii dhexe, iyo kuwa hadda jiraba), waxaan kula talin lahaa
in ay buuggan akhriyaan, si ay u ogaadaan eedda taariikhda u
gashay ee ay ummadda Soomaaliyeed u haysato. Runtii,
eeddeyntaas ‘war kama noola’ oo maanta su’aali kama joogto
in ay qabaan iyo in kale, balse waxay doodi ka jirtaa in ay
diyaar u yihiin joojinta halaagga ay weli usii horseedayaan
ummaddan ba’day ee hoogtey, iyo in ay danaynayaan ka-qayb-galka
dib-u-yagleelidda Soomaaliyadii ay godka ku hubsadeen,
welina meydkeedii farataysanayaan. Si kastabase xaalku ha
ahaadee, buuggani rajabeel kama muujinayo ‘Garwadeenka
Soomaaliya’, wuxuuna usoo bandhigayaa talooyin ay kaga qayb
geli karaan dib-u-yagleelidda Soomaaliya. (Madax
muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.)
Buuggani
wuxuu kaloo u faa’iideynayaa xubnihii dowladdii uu
garwadeenka u ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan oo, sida
buuggani qorayo, u-kuurgalayaashu isku wada raaceen in
dhismaheedii uu ka dhashay ‘hawlgalkii ugu baaxadda weynaa,
ugu daacadsanaa, uguna fursad wanaagsanaa geeddi-socodka
xal-u-doonka dhibaatada Soomaaliya.’ Nasiibdarro, dowladdaas
waa ay socon kari weyday. Buuggan ayaa si qoto dheer u
gorfaynaya sababihii dowladdaas ka dhigay fadhiidka, bugtadu
halka ay ka gashay, meelaha loo soo maray, iyo cidda loo
adeegsaday. Sidaas daraadeed, waa la hubaa in xubnihii
dowladdaas iyo taageerayaashoodiiba ay buuggan ka baran
doonaan qaladaadkoodii iyo dibindaabyadii shisheeye ee lugta
jiidday. Waase haddiiba ay weli kasii rajo qabaan in ay mar
kale garwadeen u noqdaan ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka
kale, xubnaha dowladda cusub ee uu garwadeenka u yahay
Cabdullaahi Yuusuf, waxaan kula talin lahaa in ay buuggan
sadar-sadar u akhriyaan, sababtoo ah, wuxuu farta ugu
fiiqayaa waddadii caga-bararka ee lagu soo hoogay, xumihii
horseeday burburkii qarannimadii Soomaaliyeed, sababihii
burburiyey shirarkii hore ee dib-u-heshiinta Soomaaliyeed,
hadimooyinkii iyo cudurradii ay eersatay dowladdii ka
horreysey ee Cabdiqaasim, iyo talooyin haddii ay raacaan la
hubo in ay guul soo hoyn karaan. Waabase haddii ay
maskaxdoodu ka caafimaad qabto seddexda cudur ee uu buuggani
u arko “ubucda ayaan-darrada Soomaalida ka qaadday awooddii
ay ku xallin lahayd dhibaata haysata.” (Qabiil-ku-burur,
Qori-caabud, iyo Kursi-u-qooq.)
(2) Qorayaasha, suxufiyiinta,
cilmi-baarayaasha..
Maqnaanshaha kaalintii hormoodnimo ee tacliinleyda
Soomaaliyeed ee ku aaddanayd hoggaaminta habka ay bulshadu u
fekerto, wuxuu ragaadiyey wax-soo-saarkii qorayaasha iyo
suxufiyiinta Soomaaliyeed, kuwaasoo kaalintoodu ay noqon
lahayn in ay bari-taaraan haddii ay jiri lahaayeen
tacliinley u midowday hoggaaminta fekerka ummaddooda.
Qorayaasha iyo suxufiyiintu waxay waayeen buugaag iyo
daraasado cilmiyeysan oo nadiif ka ah cudurradii la eeday.
Buugaagta suuqyada yaalla waxay u bateen buugaagtii laga
qoray Soomaalida ee shisheeyaha lagu xodxodanayey iyo kuwii
lagu sii kala fogeynayey kala-qaybsanaanta jirta. Kuwaas
waxaa weheliya buugaag-ku-sheeg uu shaqsi qabiilkiisa ku
ammaananayo, kuwo kalena ku caayayo. Tani waxay sababtay in
qorayaasha iyo suxufiyiintu ay ku daataan dabinkii lagu wada
hoobtay ee hoseeday halaaggii ummadda, waxaana laga badin
kari waayey in qoraa kasta uu reerkiisa buug u qoro, suxufi
kastana uu reerkiisa weriye u noqdo. Haybaddii qoraanimo iyo
tii suxufinimo halkaas bay ku dhimatay, waana sababta ugu
muhiimsan ee qiima-tirtay, loona iibsan waayey buugaagta
Soomaalidu qorto.
“Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay,”
wuxuu jidbixiyeen u noqday waddo cusub oo ka duwan tii lagu
soo jabay ee horseedday jahawareerka xilligan taagan. Wuxuu
horseed ku-dayasho mudan u yahay buug-qorayaasha
Soomaaliyeed ee aan danaha gaarka ah lahayn. Sidoo kale,
wuxuu hal-beeg iyo manhaj ay tixraaci karaan u yahay
suxufiyiinta Soomaaliyeed oo la’aa saldhig caafimaad qaba oo
ay kaga shidaal qaataan diyaarinta wararka iyo faallooyinka
ku saabsan Soomaaliya.
Sidoo
kale, wuxuu buuggan waxtar dhinacyo badan leh u yeelanayaa
cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed kuwooda weli damiirkoodu nool
yahay, sababtoo ah, wuxuu u soo bandhigayaa
qaab-cilmi-bariseed ka duwan qaabkii lagu marin-habaabiyey
cilmi-baarista arrimaha Soomaaliya.
(3) Hal-abuurka dhaqanka iyo
suugaanta..
Buuggan,
dal dad waayey iyo duni damiir beeshay, qolada keliya
ee uu ammaan iyo bogaadin ku wajahan kaalintooda bulsho usoo
jeedinayo waa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta, wuxuuna
caddaynayaa in ay buuxiyeen kaalintoodii, iyo weliba
kaalintii ay gabeen tacliinleyda oo ahayd hoggaaminta iyo
hagidda habka ay bulshadu u fekerto. Wuxuu buuggu gaarayaa
illaa heer uu ku doodo “hal-abuurkaa noo ceeb- asturay.”
(Faahfaahinta qodobkan iyo caddaymihiisaba waxaad ugu tegi
doontaa buuggan).
Waa
hubaal, waanan ku raacsanahay qoraha buuggan, in hal-abuurku
u ceeb-astureen tacliinleyda. Waxaa laga yaabaa in
Soomaalida qurbaha ku nool qaarkeed ay dooddaas hadal kasoo
celiyaan, waxaase si weyn uga markhaati kici doona
Soomaalida gudaha joogta. Meel dheerba yeynaan u doonine,
qiyaastii shan sano ka hor bay ahayd markii uu gabyaaga
Cabdulqaadir Cabdi ‘Shube’ kula dhex wareegayey maansadiisii
caanbaxay ee ‘Been-ku-nool’ fagaarayaasha iyo goobaha la
isugu yimaado ee gobollada Puntland. Tuducyo ka mid ah
maansadaas ayuu gabyaagu ku caddaynayaa baahida loo qabo is-weydiinta
isla su’aalaha saldhigga u ah daraasadda buuggan: (Taneey
boodhaadhi jecel, Bal daya maanta iyo xilliga, Taariikhda
waxa loo bartaa, Dhacdada loo biiriyaa, Tagtada loo baafiyaa,
Kaskaagu inuu bogtaa, Abkaa budulkuu ka tagey, Intuu ku
baraaray iyo, Intii baasaha lahayd, Si aan berri loo
qaldamin, Su’aalaha beegista leh, waxaan ka billaabayaa,
Maxaa Qarankii u burburay? Maxaa Xornimadii beddelay?
Buluuglow calankayagii, Maxaa bilicdiisa dilay? Bog iyo beer
wadanihii, Dorraad birmadka u ahaa, Maxay isu baaba’sheen?
Billaawaha yaa u tumay? Maxaa laga booday shalay, Maantana
laga bayrsan yahay? Wixii arrin naga ba’samay, Bal yeynu u
haysannaa? Butdhigihii kiiska mee?).
Sida buuggani qirayo, is-weydiin la’aanta su’aalahaas bay
Soomaali u dhimatay. Xilligaas uu gabyaagu ku boorrinayey
bulshadiisa is-weydiinta su’aalahaas, waxaa isaga u
muuqanayey if-baxyo colaadeed oo uu kasii dardaar-werinayey.
Ayaandarro, tacliinleydii gobolladaas ee looga fadhiyey in
loo baxsado, waxay badidood horboodayeen hurinta colaadda,
qaarkoodna waxayba colaadinayeen gabyaagaas buuxinayey
kaalintii ay ka gablameen, waana halkii uu Shube ka lahaa:
“Waxaygii oo dayacan, Ninkaan dhaho
iiga daa, Hadduu i dareensadoo, Dagaallamo yeelkadii, Illeyn
waan dadabsadee, Waxaase ku-diimis mudan, Damiirku la
yaabayaa, Duunyada kaan wada lahayn, Dulmiga kaan u sinnayn,
Darbana iga sii badnaa, Markii uu iigu dudo, Muxuu xaqa u
doonayaa, Xumaanta u diidayaa, Muxuu daldalooladiyo, Dayaca
u tilmaamayaa, Muxuu ula doodayaa, Duqii cidda ugu mudnaa,
Oo uu dirir iyo colaad, Aniga iisoo darbado, Intuu daafaco
isaga.”
Dhammaan
hal-abuurka fanka iyo suugaanta, kuwii hore iyo kuwa cusub,
waxaan kula talinayaa in ay buuggan akhriyaan, oo weliba u
akhriyaan sadar-sadar, sababtoo ah, wuxuu xambaarsan yahay
afkaartii ay sida qubanaha ah maskaxda ugu hayeen oo si
cilmiyeysan la isugu duway. Gabyaaga Ilaah ku mannaystay
hibada hal-abuurnimo, Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, oo ka mid
ahaa waxgaradkii buuggan falcelinta ka bixiyey ayaa qoray
erayadan: “Wixii aan gabayadayda ku sheegi jirey oo
urursan ayaad sheegtay”. Tani waxay muujinaysaa
saamaynta ay maqnaanshaha kaalintii garwadeenka fekerku ku
yeelatay tacab-soosaarkii hal-abuurka fanka iyo suugaanta,
iyo sida ay labadaas kaalimood isugu dhisaalan yihiin.
Hal-abuurka
fanka iyo suugaanta, wuxuu buuggan u noqonayaa diirrad ay ku
eegaan soo-yaalka taariikhda socota, xumihii dhacay, ciddii
ka dambeysey, iyo sida looga bixi karo. Waa hubaal in
buuggan uu furfuri doono kartidooda hal-abuurnimo, ayna ka
dhigan karaan manhaj aan duugoobin oo ay kaga shidaal qataan
dhambaallada ay ku gudbinayaan hal-abuurkooda, iyo hub ay
isaga difaacaan “shahaado-xambaarayaasha” ay u ceeb-astureen
ee misana doodda, xaqiraadda, iyo cilaaqtanka ula soo
taagan.
Ugu
dambayn, waa la hubaa in hal-abuurkii buuggan akhriya uu si
fudud u godlan doono. Xaggeese hal-abuur ku jiraa, waxaaba
ku godladay nin aan weligiis curane. Aqoonyahan lagu
magacaabo Maxamed Cabdulqaadir Eenow oo ka mid ahaa
waxgaradkii buuggan falcelinta ka bixiyey ayaa qoray
erayadan: “Sida uu ii dhaqaajiyey buuggan, wuxuu iga
keenay gabay!”.
(4) Buuggii ugu horreeyey ee
helay maamuus heer qaran ah..
Waxtarka
ballaaran ee uu buuggan leeyahay waxaa durba aqoonsaday,
hoostana ka xarriiqay garwadeenka siyaasadda Jabuuti.
Dabayaaqadii bishii Febraayo ee sanadkan 2005ta, waxaa
magaalada Jabuuti lagu qabtay xaflad lagu daah-furayey
daabacaaddii labaad ee buuggan, taasoo uu madaxweynaha
Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, si gaar ah ugu maamuusay
qoraha buuggan. Munaasabaddaas oo ay kasoo qayb galeen xubno
ka socdey dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa
dadkii ka hadlay ka mid ahaa madaxweynaha Jabuuti oo yiri:
“Waa buug aad u qiima badan. Anigu nus maalin baan ku
dhammeeyey akhriskiisa, dhowr saacadood uun bay iga qaadatay,
maxaa yeelay, markaan billaabay waan iska qaban kari waayey..”.
Ummaduhuse kala nasiib badan, ummadna wuxuu Ilaahay ku
salladay habaarqabe aan waxna akhriyin, waxna qorin ee uun u
taagan luggooyadooda, ummad kalena wuxuu Ilaahay ku galladay
ducaqabe, sida Ismaaciil Cumar Geelle, u heellan
horumarintooda, nus maalinna ku dhammeeyey akhriska buug ka
kooban 245 bog!
Buuggan
waa kii ugu horreeyey ee dalka Jabuuti loogu sameeyo xaflad
weyn oo daah-fur ah, waxayna taasi ka dhigtay buuggii ugu
horreeyey ee la siiyey maamuus heer qaran ah. Tani waxay
muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay wacyiga iyo
baraarugga garwadeenka Jabuuti iyo sida ay ugu heellan
yihiin gudashada xilkooda garwadeennimo. Sidaasoo ay tahay,
waxaan si gaar ah u dhiirrin lahaa in dhammaan garwadeenka
iyo la-wadeenka Jabuuti labadaba lagu baraarujiyo akhrinta
buuggan oo aan hubo inuu u noqonayo muraayad ay ka daawan
karaan wixii Soomaaliya dhulka dhigay, welina u diiddan in
ay ka kacdo. Dhanka kale, wuxuu ku hubaynayaa waaya’aragnimo
dheeraad ah oo ay kaga feejignaadaan in gudaha iyo dibeddaba
lagula soo galgasho tabcooyinkii lala helay Soomaaliya.
Waxaa muhiim ah in akhriska buuggan lagu dhiirrigaliyo
dhammaan qaybaha bulshada ee ku kala sugan gobollada iyo
degmooyinka dalka. Waxaase ayaan-darro noqon doonta in buug
sidan oo kale waxtar ugu leh reer Jabuuti uu akhriskiisa ku
koobnaado siyaasiyiinta iyo tacliinleyda oo qura.
Ugu
dambayn, waxaan shaki ku jirin in akhriska buuggan uu sii
kobcin doono garaadka dadka reer Jabuuti, taasoo iyana sii
xoojin doonta is-afgaradkii u dhexeeyey garwadeenka iyo la-wadeenka
ummadda Jabuuti.
Dhaliilaha buugga
Buug
kasta wuxuu leeyahay dhaliillo. Sida qoraha buugguba qiray,
in afka Ingiriisiga wax lagu qoro ayaa in badan ka sahlan in
af-Soomaali wax lagu qoro, sababtoo ah, af-Soomaaligu waa af
aan weli qoraal xasilay yeelan, dhib badanna lagala kulmo
marka la damco in lagu qoro wax cilmiyeysan. Haddaba, sida
uu qoraha buuggu kusii afeeftay, waxaa dadaal weyn loo galay
sidii loo turxaan bixin lahaa qaladaadka xagga garaacista
qoraalka buuggan. Sidaasoo ay tahay, markaan buuggan
akhrinayey waxay weli indhahaygu qabanayeen jumlado iyo
erayo markii la garaacayey qaldamay, markii la saxayeyna
laga ilduufay. Dhaliisha kale ee buuggan ee malaha sida
sibiqda ah iyana looga ilduufay ayaa ah in xarfo
af-Ingiriisi ah loo adeegsaday tiro-siinta
cinwaan-hoosaadyada cutubyada buugga, sida (a, b, c, d, e,
f…), halkii ay ahayd in la adeegsado xarfo af-Soomaali ah,
sida (b, t, j, x, kh, d…). Sidaas darteed, maadaama buuggu
ku qoran yahay af-Soomaali, waxay ahayd in dhinac kasta laga
soomaaliyeeyo intii la awoodi karey.
Hadda iyo dan…
Buuggan “Dal
dad waayey iyo duni damiir beeshay” wuxuu si adag ugu
doodayaa “inta uu dadka maskaxda ka haysto
dhaqan-siyaasadeedkii dhibaatadan dhaliyey,” kaasoo
astaamihiisa uu buuggan ku tilmaamayo ‘qabiil-ku-burur’, ‘qori-caabud’,
iyo’kursi-u-qooq’ in dadaal kasta oo xal waara loogu
raadinayo Soomaaliya uu noqonayo ‘Hal bacaad lagu lisay’
haddaan mudnaanta koowaad la siin joojinta
dhaqan-siyaasadeedka astaamahaas leh. Wuxuu buuggan ku
adkaysanayaa in baahi weyn loo qabo in marka hore dadka
maskaxdooda laga nadiifiyo cudur-bulsheedyadaas caqabadda ku
ah dadaal kasta oo is-beddel-doon ah, wuxuuna soo
bandhigayaa bareerayaal ugub ah oo maskaxda bulshada looga
mayri karo dhaqan-siyaasadeedkaas ay u dhimatay, lana
dhaqaaqi la’dahay.
Dunida
inteeda kale, meelaha dhibaatooyinku ka dhacaan, intaan
wax-ka-qabadkooda loo gudbin, waxaa hawlgalka xal-doonka ah
lagu bilaabaa cilmi-baaris iyo aqoon-wadaag looga dan
leeyahay in lagu iftiimiyo qaababka wax loo qaban karo.
Buuggan wuxuu ayaandarro ku tilmaamayaa “in aan dhowr iyo
tobaneeyo sano hal mar la isku dayin hal shirweyne oo si
cilmi ah loogu baaro sababaha dhaliyey dhibaatada dalkaan ka
taagan iyo siyaalaha xal loogu heli karo”.
Si
kastabase arrintu ha ahaatee, haddii shalay waxgaradkii
Soomaaliyeed uusan taladaas Ilaah solonsiin, buuggan ayaa
maanta hoosta ka xarriiqaya baahida loo qabo shirweyne
dood-wadaag qaran oo aan ahayn “mid “dowlad” lagu
dhisayo ee ah mid “dad” lagu dhisayo, maskax lagu
dumayo, laguna cillad-bixinayo marinkii dowladnimo dhab ah
loo abbaari lahaa.” (Hindisahan oo faahfaahsan waxaad ugu
tegi doontaa buuggan).
Ugu
dambayn, dhammaan waxgaradkii akhriyey, ama akhrin doona
buuggan, waxaa looga fadhiyaa dhaqaajinta hindisahan ugubka
ah. Waabase haddii ay jiraan jidbixiyeen leh kasmo iyo karti
ku filan ku-dhaqaaqidda tallaabo dhumucdaas leh!
“Baraarujin aayeliyo, Waxaan jrin baaq waddaninimo, Dadkiisa
u soo bandhigay, Si ay berri ugu hirtaan, Bur bay ku jirtaa
arrini,
Kan bixiyaa waa sugaal…”(Cabdulqaadir Cabdi
Shube)
Dhammaad
Cabdulqaadir M. Wacays
cmwacays@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005
::: MURTI
& SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir
:::
"BUUGA
CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir
|