| 
 
											Munaasabad Ballaaran oo Lagu Dhagax 
											Dhigayo Jamaacad Loogu Magac daray 
											Jaamacadda Kismaayo (university of 
											kismayo) oo maanta ka dhacday 
											magaalada kimsayo... (SomaliTalk.com| Aug 31, 
					2005): Munaasabada balaaran oo lagu dhagax dhigayay 
					jaamacadii ugu horeeyaysay ee laga hirgaliyo magaalada 
					kismayo ayaa  maanta lagu qabtay halka jaamacada 
					dhismaheeda laga bilaabay oo ku taala meel qiyaastii 5 KM 
					kaga beegan waqooyi barri bagaalada kismayo ayadoo 
					munaasabadaas lagu dhagax dhigayo jaamacada loogu magacdaray 
					university of kismayo ay ka soo qayab galeen dad aad u 
					farabadan oo ka kala yimid degmooyinka iyo deegaano hoos 
					yimaada magaalada kismayo ee gobolka jubbada hoose .  Munaasabadaan maanta lagu 
					qabtay magaalada kismaayo ayaa waxaa ka soo qayb galay 
					maamulka isbahaysiga dooxda jubba oo uu hor kacayay Waziirka 
					dib-udejinta iyo dib- udhiska ee D.F.K,G ah Xildhibaan barre 
					Aadan Shire (hiiraale), siyaasiyiin, madax sare, ururada 
					bulshada rayidka,ah  haweenka, dhalinyarada,saxaafada, 
					iyo dhamaan waaxyaha maamulka degmada ee qaabilsan 
					horumarinata dadka iyo degaanka.  
 
 Wasiirka oo asagu 
					gacantiisa ku dhigay dhagaxii ugu  horeyey ee  
					unkista jaamacad ay yeeshaan goboladaaan jubooyinka inta la 
					ogyahay taariikhda ayaa waxaa xiligaasi ka muuqanayey 
					rayn-rayn iyo baraare u uu hayo hawshaasi iyo waliba cida 
					soo abaabushay oo uu ku sheegay muwaadiniin taarikhda dadka 
					iyo dalkaba ka gala baal dahabi ah.  Intii xafladaas lagu guda 
					jiray ayaa waxaa khudbado kala duwan halkaa ka soo kala 
					jeediyay maamulka isbahaysiga dooxada jubba xildhaab barre 
					hiraale oo isaga amaan balaaran usoo jeediyay raga maanta 
					isku howlay hirgalinta jaamacadaan, sidoo kale waxaa halkaa 
					ka hadlay madaxa hey'ada towfiiq qaybteeda kismayo ayadoo 
					hey'adaan ay tahay mida hirgalinaysa islamrkaana kharashaka 
					ugu badan ku bixinaysa dhismaha jaamacadan, madaxa hey'adan 
					towfiiq qaybteeda kismaayo oo lagu magacaabo cabdi qaadir 
					maxamed xikan ayaa ku dheeraaday faa'iidada ay bulshada 
					soomaliyeed gaar ahaan tan reer kismaayo ay u leedahay 
					furitaanka jaamacada ayadoo uu sheegay in furitaanka 
					jaamacadaan ay ku kaliftay baahida ay u qabaan dhalinta 
					soomaaliyeed helitaanka Jaamacada  ayadoo sidoo kale ay 
					halkaa ka hadleen gudoomiyaha degmada Daahir Maxamed cilmi (daahir 
					carabeey) oo isagana u sii jeediyay bulsho weynta reer 
					kismaayo in ay maal gashadaan dhulkooda.  Inkastoo talaabadaan loogu 
					abtirinayo mid ku mataaneysan horuymarka xagga amniga 
					isbahaysigu ka gaaray hadana waxa  door aad u muhiim ah 
					ka qaatay oo amaan lo qiray hay'adi soo abaabushay oo ah 
					hay'ada "Towfiiq world for society"  iyo qaybo kale oo ay ka 
					mid yihiin dalada waxabarashada Fpens, bankiga hormarinta 
					Islaamka, Machadka culumta iyo maareynta Simad iyo 
					jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala dhaqan wadamada Koonfur 
					afrika, Waqooyiga Ameerika iyo dal kale oo Yurub ah.  Jaamacadaan maanta la 
					dhidbay oo looga fadhiyo inay daboosho kaalintii wax barasho 
					ee ardayda heerarka Sare ee dugsiyada ayaa waxaa dhulka ay 
					ku fadhido  ugu deeqday shirkada xawaalada Kaah, waxana 
					la filyaa in isbuucyada soo socdaa la guda galo qaban 
					qadabada dhismaha jaamacada kismaayo.  Sawirada xaflada dhagax 
					dhigga Jaamacda hoos ka daawo:  
  
 
 
 cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)kismaayo soomaliya
 cabdiqadar84@hotmail.com
 Faafin: SomaliTalk.com | 
					Sept 1, 2005 
 
  Dufcadii 
					Labaad ee Arday ah oo ka Qalin Jebiyey Jaamacadda 
					Hargeysa:::
 Kulliyadaha CUluunta, 
					Islaamka, Sayniska iyo Ganacsiga ee Jaamacad Hargeysa::: Agoosto 30keedii waxaa Jaamacada Hargeysa ka qalin jebiyey Dufcaddii labaad oo 
					arday ah tiradoodun adhan tahay 54 arday. Ardaydaas oo ak 
					qalin jebisey Kulliyadaha Culuunta Barshada islaamka 
					(Islamic Study), Sayniska, iyo Ganacsiga. 
					Warkan oo dhan ka akhri halkan (Warka & Sawirka: Harwanaag) 
 |