Dhaqanka iyo
Suugaanta waa in siyaasadda laga xoreeyo.
“Qoraalkii Maxamed Baashe
Xusuustii uu kiciyey”
Waxaan dhawaan Qarannews ka
akhriyey maqaal uu qoray qoraaga qiimaha badan ee Maxamed
Baashe Xaaji Xasan, kaas oo uu kaga hadlayey qoraalka
Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran. Run ahaantii wuxuu i
xusuusiyey curis yar oo ku dhex abaaday konbiyuutar kayga,
malaha xilligii aan qoray waxa ka soo wareegay ilaa hal sano.
Munaasibaddii aan ugu talo galay ayaa qabsoomi weyday, ka
dibna iguma dhalan inaan warbaahinta casriga ah isaga
gudbiyo, halkaas buu ku cirraysan lahaa haddii aan Illaahay
Maxamed Baashe sabab uga soo dhigin. Qoraalkii cidlada
cajuuska ku noqon gaadhayna akhristayaal waa kan hoos ku
qoran.
Waxaynu wada ogsoonahay inta dawladood ee Carab ku abtirsada
ee dunida
ka jira
iyo weliba dhulka ay ku kala nool yihiin.Waxa kaloo aynu la
soconnaa sida magaca carabnimada ay u wadaagaan iyo sida
waxyaabaha ka dhexeeyaa dhaqan iyo afba u wada qiimeeyaan.
Maanta
Carabi inta maamul ee ay u qaybsan tahay, inta calan ee ay
leedahay iyo inta baasaaboor ee ay leedahay wax muran ku
jira maaha, waa wax dunida oo dhani ogsoon tahay. Isla
markaana carabnimadoodu wax shaki cidna kaga jiro maaha.
Sidaa
darteed, magaca Soomaaligu waa magac ummaddeed oo siyaasad
iyo soohdinba ka facweyn, kana xoog badan. Waxa xusuus mudan
in 1960 ka hor Soomaalida shan calan iyo shan dawladood
looga talin jiray. Iyadoo taasi jirtay haddana shantii calan
iyo shantii maamul midna ma masaxin Soomalinimadii. Maanta
oy shantii calan jiraan, inay ka sii bataana laga baqayo
magacii waa halkiisii, ma guurin, mana tirtirmin. Weli
qofkii Kiiniya joogay waxa loogu yeedhayaa waa Soomaali, kii
Itoobiya joogay waxa loogu yeedhayaa waa Soomaali, kii
Jabuuti joogay waxa loo yaqaan waa Soomaali, kii Somaliland
joogay waxa lagu garanayaa waa Soomaali, kii Koonfur joogay
waxa loo ogyahay waa Soomaali.
Sidaa
darteed magaca Soomaali maaha magac siyaasadeed ee waa magac
ummaddeed.
Magac
noocaas ahina sina kuma tirtirmo. Waa waxyaabaha la yidhaa
“Birina ma goyso biyo na ma maydhaan.”
Haddaba ummadkasta oo magac noocaas ah wadaagta waxa ka
dhexeeya waxyaabo aasaasi ah oo dad kaasi wada leeyahay.
Isla markaana ummaddaas ay khasab ku tahay inay wada
ilaashadaan. Maanta dadka Soomalida ah waa hubaal inaanay
jirin siyaasad ay ka midaysan yihiin. Taas waxa keenay iyo
xalkeeda waxaynu u dhaafaynaa goorteeda iyo geed keeda.
Laakiin dhaqankii, afkii, ehelnimadii iyo caqiidadii dadka
Soomaalida ka dhexaysay waa mid mudan in la siiyo
qaderinteeda iyo qiimaheeda, loona wadaago siday ku habboon
tahay. Isla markaana aan arrimaha siyaasadda lagu milin ama
lagu xajiimaynin waxyaabaha ma guuraanka ah. Haddii
arrintaas si caafimaad qabta loo eego, loogana wada
faa’iidaysto, waa hubaal in cid weliba midho wanaagsan ka
goosanayso.
Magaca
Soomaalina maaha eray siyaasi ah ee waa magac qoomiyadeed.
Qaliinkii: Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (Kayse)
Maale22000@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan...
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005
|