SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Shirkadda Dahabshiil oo gargaar lacageed guddoonsiiyay halgamaa Abwaan Axmed Nuur ow Maxamuud 

October 9, 2005


Abwaan Axmed Nuur Ow Maxamuud (Jirrab)

Shirkadda Dahabshiil oo aad uga barateen in eheladaada si fudud ku gaarsiiyaan lacagaha loo soo diro ahna shirkad si aad ah ugu baahday dalka gudihiisa iyo dibadisa ayaa dhawaan gargaar lacageed guddoonsiiyay halgamaa Abwaan Axmed Nuur ow Maxamuud Jirrab oo isagu ku dandarraysanaa Magaalada Muqdisho.

 Xafladda Guddoonsiinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gargaarka lacageed guddoonsiiyay agaasime ku xigeenka shirkadda Dahabshiil C/llaahi Nuurre ow Diini iyadoo abwaanka la guddoonsiiyay lacag gaaraysa $300, sidoo kale waxay shirkadda Dahabshiil abwaanka u qortay lacag mushaar ah bishii, waxaa kaloo shirkaddu ballan qaaday in ay bixinayso kharashka ku baxaya qalliinka indhaha Abwaanka ee lagu samaynayo Ramadaan kaddib.

           Abwaanka oo ka hadlay Munaasabadda Guddoonsiinta lacagtaasi wuxuu u Mahadceliyay mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda Dahabshiil wuxuuna shirkadda guddoonsiiyay cajalado ay ku duuban yihiin gabayadii uu tiriyay waqtigii Halganka Xorriyadda , dawladdii Rayidka, waaqtigii kacaanka iyo waqtigii Dagaalada Sokeeye,.

            Abwaanka oo ku dhashay halka lagu magacaabo Dila oo ka tirsan Degmada Boorame ayaa waxa uu xisbiga SYL ku soo biiray 1948-kii, wuxuuna ka soo galay Degmada Berbera kaddibna waxa uu yimid lixdankii Magaalada Muqdisho wuxuuna halkaa ka sii waday halgankii xurriyadda isagoo halkaa ka sii waday gabayadii uu ku amaanayay halgameyaashii SYL, hase yeeshee dowladdii Rayidka iyo middii kacaankaba halgamaa Axmed Nuur ow Maxamuud waa ay hilmaameen iyadoo dagaalkii Sokeeye  intay socdeyna  uu bulshada u tiriyay gabayo uu ku goobaabinayo dhibaatada qabyaaladda iyo dagaalada sokeeye

Abwaanka markii la guddoonsiiyay lacagta ayuu mar kale ku celiyay gabaygii ammaanta ahaa ee uu u  tiriyay shirkadda Dahabshiil, wuxuuna Abwaanku ku bilaabay

DAHABSHIIL ALLOW DAA IYAGA WAA LA DOORBIDAYE 

Dahab-shiil ALLOW daa iyagaa la doorbidaye,
Dunidoo dhan baa laga yaqaan daacadnimadooda,
Ammaanada kuwii daayacaa laga durkaayaaye,
Shacbigey daryeeleen ayaan cidina diidayne,
Dadku waxay u doorteenna waa daacad la hubaaye,
Naxariis dulqaad lagu daray dano ku gaareene,
Hebel baa wax loosoo diree doona magaciisa,
Dadku waxay jeclaadeen rutay ugu dadaaleene,
Doorkii la joogaba waxbay kala diraayaane,
Deg-deg bay u gaarsiinayaan mee la doonaba e’,
Istarliinku waa dahab Ginigaa daawashada fiican,
Dollar iyo Yuurow iyo Riyaal daabac lacageedka,
Dadka waxay u qaybshaan wixii loogu soo diraye,
Dumar iyo Ragguba waa hubaal inay duceyaane,
Dal kastoo ay joogaan shacbigu wuu ku diirsadaye,
Dahabshiil ayun buu qalqigu doonayaa weliye,
Dadweynahaa shaqada loo hayaa kamana daalaane,
Dowga toosan iyo kheyrka waan ugu duceynaaye,
Dal-jirkaan ahaan jiray haddaan idin dareensiiyo,
Halgankii kuwii naga dafiraa loogu dowgalaye,
Dooxii Hargeysiyo intii darafyadiisiiya,
Waa taan xornimo doonistii daafaceed galaye,
Imminkana dadkeennaan wixii dana u sheegaaye,
Danyar iyo masaakiin ayaa deeq u fidisaane,
Aniguna waxbaan doonayaa doorka maanta ahe,
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

Qoraaladii Hore ee Abwaanka laga qoray hoos ka akhri


Abwaan Axmed Nuur Ow Maxamuud (Jirrab) Halgamaa la hilmaamay oo u baahan gargaar..

Dahabshiil Albaabada ayay iga xirteen..


Amiin oo waraysanaya Abwaanka

Isaga oo luudaya isla markaana ay ka muuqato diif iyo darxumo ayuu nagu soo booqday xafiiska, wuxuuna markaasi doonayay in qaylo dhaan loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa  waxaan Abwaan Axmed Nuur Ow Maxamuud (Jirrab) waxaa weydiinay waxa qayla dhaanta keenay markaasuu yiri “Muddooyinkan waan xanuunsanaa waxaan ka cabsadey in aan meel cidla ah gaajo iyo cudur igu dilaan 

abwaanka oo ah nin si aad ah looga yaqaan bulshada dhexdeda islamaana qayb ka soo qaatey halgankii Xorriyaadda ayaa waxaan    weydiinay waqtigii uu bilaabay halganka, waxa uuna sheegay in 1948-kii uu ku soo biiray Leegada (SYL) wuxuuna waqtigaasi ka soo galay Barbara isagoo markaas ahaa Gabyaa bulshada Soomaaliyeed ku guubaabin jiray sidii ay xoriyaddooda u qaadan lahaayeen, waxa uuna sheegay in hiddo u laaheen arrimaha gabayada isagoo sheegay in uu ka dhaxlay Awowgii, waxa uu sheegay in 1964-tii uu yimid Magaalada Muqdisho waqtigaa oo sugayey in laga abaalmariyo halgankiisii waxaa  uu sheegay  in Dowladdii lixdameeyadii in ay hilmaantay isla markaana sidoo kale in kacaankii October uu isna hilmaamay kana waayay waxyaabihii uu uga baahnaa, hase yeeshee marki qaylodhaanteydii badatay isla markaana aan tiriyay gabayo fara badan oo kacaanka tilmaamayay, waxay keentay in laga shaqaaleysiiyo wasaaraddiii Warfaafinta gaar ahaan golaha Murtida iyo Madadaalda, wuxuuna sheegay in kacaanku guri   (Qol ) iga siiyay xaafadda Xamar Bila balse waana markii uu sii dhacayeya Kacaanka  waxaa weydiiyey aawey Qolkii waa Adiga jiif xumo kaa muuqatee markaa buu iigu jawaabey  “ waxaa xoog iiga saaray USC.”

          Abwaan Axmed Nuur Ow Maxamuud oo aad ugu dheereeya dhinaca Gabayada, Qasaa’idka iyo Jiiftada ayaa waxa uu la mid yahay  sida la ii sheegay Gabyayaashii Soomaaliyeed ee kala ahaa Timo Cadde, Careys Ciise Kaarshe.

          Axmed Nuur oo intii uu ila fadhiyay ka soo burqanayeen Gabayo isugu jiray kuwii Xoriyadda, kuwii dhexe iyo kuwii dagaalada sokeeye, wuxuuna mar kasta ku celcelinayay (AXYAA  WADANI), (RAAC YAA WADANI), xiligii kacaanka Abwaan Axmed Nuur waxa uu aad u tiriyay Gabayo si aad ah uga hadlaya dhinaca beeraha iyo wadaniyadda, sidoo kale waxa uu gabayo ka tiriyay dagaaladii sokeeye oo uu bulshada uga digayaao arrimaha qabyaalada waxaana ka mid ahaa gabayadaas (SOOMAALIYEEY IS OGAADA), (HADDII GEESIYADA KAA MADHAAN MOOYE BAA NOQON’E), Abwaanku waxa uu tiriyay gabay intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Nairobi  kaddib markii uu Abwaanku dareemay in xildhibaano iyo Wasiiro ay noqonayaan rag aan u soo halgamin Qaranka Soomaaliyeed waxa uu halkudhig uga dhigay gabaygaasi (NIMAAN MAALIN QURA DAAFICIN BAA DUUBKA LOO XIRAYE) waxaa kale uu tiriyey gaby ku aadan khilaaafka siyaasiyiinta wuxuu halkudhig uga dhigay Abwaan Jirrab: “NINKEY  MAANTA  DOORTAAN  BEERI DIIDNAY BAY ORANE” waa kan ee Akhri 

  • Deelka gabay ma daayo’e haddaan diiradda u eego,
  • Deggenaan ayaan kula damcaye ha idin daaweeyo,
  • Darandoorrigiisaan aqaan goor la doonaba’e,
  • Dadkeenniyo walaalaha kolkaan sharaf la doonaynay,
  • Waxaan dux iyo iidaan lahayn la igu dagi waaye,
  • Shinnidii aan daawaday haddaan warar ka soo duubay,
  • Duco yeelka waxay geysataa meel dugsoon badane,
  • Si aan loo dardarin bay haddana dadab u geysaaye,
  • Markaasay ka duushaa intay ubaxa doontaaye,
  • Duurkay gashaayoo dhirtay doonaysay gurane,
  • Rugteedii dahsoonayd ayay dalam ku siisaaye,
  • Waxay soo dadaashaba hadday malab ku daawooto,
  • doqoni kuma heshiiseenne waa dowlad gooniyahe,
  • Qardhaasyada markay daabushay gaadhay danaheede,
  • Kuwii calan doonee jeclaa maba durreeyaane,
  • Kuwa diidayaa waa dillaal doorkan soo baxaye,
  • Dalka hooyo waxaan doonayaa inaan daryeellaaye,
  • Difaaciisa waa taan wax badan daacad u ahayne,
  • Dadkeenana walaalnimo haddaan ugu dadaalaynay,
  • Waa maxay damaacigaan batee dagalka ceebeeyay,
  • Kullu madaxnimay doonayaan ooy u dudayaane,
  • Kumannaan daneyste ah miyaa dowlad noqonaaya,
  • Waddaniga duray iyo duray samaha doonaayay,
  • Dib loogu dhigay khayrka iyo darajo waaweyne,
  • Nin dalkiisa jecel goor waliba wuu digtoonyahaye,
  • Dadaalkii la galay ee shacbiga la isku wada duubay,
  • Xornimadaynu wada doorannayee lagu damaashaaday,
  • Daa’in baa ina siiyay nimcada yaan la darayeynin,
  • Xaasid nabadda kuu diidan oo daalim ah baa jira’e,
  • doqonnimo weeyaan haddii la isku keen diro e,
  • Dooni mayno huunnooy wax badan way na dagayeenne,
  • Dadka kale hadduu caarid yahay danahay sheegaane,
  • Dalkooday ku daadihinayaan xoog la daawado e,
  • Mas’uuliyiinta waa loo digaa goor la doonaba’e,
  • Dawgay ka bayreen yaa lagu duwayaaye,
  • Kuwanina damiirkooda waa dil iyo laayaane,
  • Dadkooday dhibaayaan yay dalab ku haystaane,
  • Badowgii daboolani waxbuu dili yaqaannaaye,
  • Waa maxay dugaagtani shacbiga daaya laga waayay,
  • Xisaabaha dambe yaa la rabay inay dareemaane,
  • Dambi kama xishoodaan waa lagu dabbaashaaye,
  • wixii diinta naga reebtay baa daaya leennahaye,
  • Ninkastoo u daacada iyagu way dacaayadeyne,
  • Ninkay maanta doontaan berriba diidnay bay orane,
  • Durba caaya iyagu kama dambeeyaane,
  • Dookhoodu waa caaradnimo kamana daayaane,
  • Dalka qaayahiisiyo ma oga dowga kharka lehe,
  • Dulmi kaan aqoon iyo mabda’ way la diriraane,
  • Danahooda kii wada ayay ugu darraadaane,
  • Warankaan darbaday maalintaan samaha doonaynay,
  • daba dhilifku waatuu gabbaduu daalay oo haraye, 
  • dadaalkii SYL haddii dayro laga yeelay,
  • Darkaan xiray kolkii laga cabbay doqon I moodeene,
  • Darifaaddu waa ceeb innagaa diidnay quursiga’e,
  • Maba daynayaan booli Qaran daalimnimadooda,
  • Danahooda mooyee shacbiga dayiba maayaane,
  • Halgankay dafirayaan ayaa loogu dowgalaye,
  • Gobonimooy daraaddaa haddii waayo lagu daalay,
  • Dig-digliyo af-miinshaar intaad deeq u fidinayso,
  • Dowladnimooy dadkaagii maxaa diif u wada yeelay,
  • laga duudsii inay daaro iyo darajo yeeshaane,
  • Dulli diidayaashii u kacay doonistii Calanka,
  • Dadaalkii SNL waxay duunyo bixinaysa,
  • Digniintii SYL kuwii doonay magaceenna,
  • Horseedkii dalka u dhaartay ee daacadnimo muujay,
  • Waddanigii dadaalayay doqon ku sheegeene,
  • Waa kuwaa abaalkii dafiray damacii waallaaye,
  • Dad jeclaysigoodii ayaa loogu dow-galaye,
  • Nimaan maalin qura daaficin baa duubka loo xiraye,
  • Xornimo doonisteedii ayay nagu dagaaleene,
  • Dardaarkii Shisheeyaha ayay nagula doodeene,
  • Hadday waaliddiinta u dabcaan duri ma gaadheene,
  • Dowladdaba kuwii dhaliyaybay ugu darraadeene,
  • Daankooda uun baa ku yiri daaqa weligiine,
  • Iyagana habaarkii dardaraa loo diyaarsade,
  • Waa waxa dagaalkiyo fidnada loogu soo diraye,
  • Kala dide duugaaggii sida dayro iyo cowle,
  • Nabsibaa idin kala daadiyoo mana dareentaane,
  • Dad Caddaaladii diiday sow daayac noqon mayo,
  • Dowgii markii hore ayaan kaaga digayaaye,
  • waa inala doonaa dadkii daacaddaahaaye,
  • Degi mayso jeeroo xaqii daaha laga qaado,
  • Sheydaan dabooloo xagani dayiba maayaane,
  • Dusha share kuwii calanka suray dayro laga yeelye,
  • Waa laga duceystaa adoon diidin magacooda,
  • Xornimo doonisteedii miyaan waayo lagu daalin,
  • Geesiyaal dantoodii ka tagay waa dafirasaane,
  • Waa lagu dadaalay hurdaad damacsanaydeene,
  • Dunidu waxay ku dhaartaan kuwii daafaca u galaye,
  • Ayidaad ninkii door-biday doqon ku sheegaaane,
  • Daba dhilif waxaa loo yaqaan kii maslaxo doona,
  • Haddaad doorateen madaxda waa laga dambeeyaaye,
  • Dad yar baa siyaasada wadoo lagula daayaaye,
  • Waa inay dantooda iyo shacbigu dalag u foofaane,
  • Debnahooda waa inay wixii daran ka dhowraane,
  • Dacaayaadka iyo beenta waa la iska daayaaye,
  • Dalka iyo haddaad dayacdaan Dowladnimadeenna,
  • Xoggii kala daadiyaa daafac geli waaye,
  • Doqonnimo weeyaan haddii la isku keeni diro’e,
  • Sharafkeenna kii diidan iyo daalim ka ilaasha,
  • Degenaashahaa lagu helaa darajo waaweyne.

Waxaa ururiyey: Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

waxaa weydiinay Abwaanka Gabaygii ugu dambeeyay ee uu tiriyay waxa uuna sheegay in bishaan gudaheeda uu tiriyay gabay uu ku amaanayay shirkadda Xawaaladda Dahabshiil waxa uuna halkudhig uga dhigay (DAHABSHIIL ALLOW DAA IYAGA WAA LA DOORBIDAYE).

            Waxaan weydiinayay sababta uu Gabaygaan ugu tiriyay shirkaddaasi waxa uuna yiri “waxaa la ii sheegay in shirkadda ay bixiso mararka qaar tabarucaad ay siiso dadka Masaakiinta ah maadaama aan mudooyinkaan xanuunsanayay isla markaana aan waayay cid gacan I siisa ALLE mooyee markaas baan is iri Dahabshiil armay mar uun ku soo eegtaa, gabaygaas waxaan ku qoray wargeyska Ayaamaha hase yeeshee waxaan tagay markuu soo baxay gabaygaasi Xarunta Dhexe ee Shirkadda Dahabshiil waxayna dhowr jeer I yiraahdeen soo laabo, markii aan dhowr jeer ku laabtay ayaan waxaa ii soo baxday in aysan I daneyneyn oo markii dambe  Albaabada bay iga xirteen, aad baan u ciishooday anigoo luudaya ayaan halkii aan saxeexan jiray oo darbiga ahayd aan iskaga soo laabtay waa kan bal nala akhri Gabeyga Dahabshiil

  • Dahab-shiil ALLOW daa iyagaa la doorbidaye,
  • Dunidoo dhan baa laga yaqaan daacadnimadooda,
  • Ammaanada kuwii daayacaa laga durkaayaaye,
  • Shacbigey daryeeleen ayaan cidina diidayne,
  • Dadku waxay u doorteenna waa daacad la hubaaye,
  • Naxariis dulqaad lagu daray dano ku gaareene,
  • Hebel baa wax loo  soo diree doona magaciisa,
  • Dadku waxay jeclaadeen runtay ugu dadaaleene,
  • Doorkii la joogaba waxbay kala diraayaane,
  • Deg-deg bay u gaarsiinayaan meel la doonaba e’,
  • Istarliinku waa dahab Ginigaa daawashada fiican,
  • Dollar iyo Yuurow iyo Riyaal daabac lacageedka,
  • Dadka waxay u qaybshaan wixii loogu soo diraye,
  • Dumar iyo Ragguba waa hubaal inay duceyaane,
  • Dal kastoo ay joogaan shacbigu wuu ku diirsadaye,
  • Dahabshiil ayun buu khalqigu doonayaa weliye,
  • Dadweynahaa shaqada loo hayaa kamana daalaane,
  • Dowga toosan iyo kheyrka waan ugu duceynaaye,
  • Dal-jirkaan ahaan jiray haddaan idin dareensiiyo,
  • Halgankii kuwii naga dafiraa loogu dowgalaye,
  • Dooxii Hargeysiyo intii darafyadiisiiya,
  • Waa taan xornimo doonistii daafaceed galaye,
  • Imminkana dadkeennaan wixii dana u sheegaaye,
  • Danyar iyo masaakiin ayaa deeq u fidisaane,
  • Aniguna waxbaan doonayaa doorka maanta ahe,

Waxaa ururiyey: Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com  

Abwaanka oo haatan ku xannuunsanaya Magaalada Muqdisho ayaan weydiinay halka ay degan yihin reerahiisa waxa uuna sheegay in ay degan yihiin Boorame Barigeeda halka lagu magacaabo Dilla waxaana halkaasi dega beesha GADABIIRSE oo uu Abwaanku ka soo jeedo, da’diisu hatan waxay cagacageynaysaa 70 jir ah, Abwaanka oo aragiisa sii laciifayaan ayaa waxa uu ka codsanayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacan siiyaan, ciddii dooneysa in ay u gargaarto.

            Sidoo kale xubno is xilqaamay oo isugu jira odayaal iyo waxgarad iyo dhalinyaro deganna xaafadda uu degan yahay Abwaanku ee Al-Barako waxa ay ka codsanayaan bulshada Soomaaliyeed in ay il naxariis leh ku eegaan Abwaankaasi.

Ciddii Dooneysa in ay  u gargaarto Abwaan Max’ed Nuur waxay soo wici karaan ama la soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro            Tel: 2521-655533, 2521-218180 

ama la soo xiriir Email: amiinkhasaaro@hotmail.com / amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: Sept 9, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD