SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

 

 

بســــم الله الرحمن الرحيـــم

Baaris kooban oo ku saabsan ciwaanka ah :

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.

Faafin: Sept 30, 2005

Ka hor inta aanan ka hadlin qodobaynta mushkiladahaas waa in aan is weydiino maxey tahay dowladda aan raadinayno in aan soo celino?. Culamada islaamku dawlad waxey ku qeexeen in Rasuulka (s.c.w.)looga wakiil noqdo ilaalinta Diinta Islaamka iyo ku maareyntiisa Arimaha Aduunyada.

قال تعالى :(إن الله يأمركم أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها وإذا حكمتم بين الناس أن تحكموا بالعدل)

Hase ahaatee waxyaabaha gaaladda laga soo min guuriyay  islaamka iyo ahalkiisu marna dowlad uma aqoonsana .

أفحكم الجاهلية يبغون ومن أحسن من الله حكما لقوم يوقنون) )

 Waxaa kale oo eyna  lagama maarmaan ah in aan dib u jalleecno silsiladdii taariikheed ee ay soo martay ummadda soomaaliyeed. Waxaana loo kala qaybi karaa shan marxaladood oo waaweyn kuwaasoo kala ah :- Marxaladdii gumaysiga muddadii ka horaysay halgankii gobanimo doonka ahaa  marlaxaladdii gobanimo doonka .  Marxaladdii dowladii rayadka ee indhaha le,ayd ee u hagayay gumaysigii reer galbeedku.  Marxaladdii kacaankii Ilaah diidka shuuciga ahaa .

Marxaladdii jabhadaha kacaankii aqoondiidka ahaa.

Xilligii gumeysiga ka hor gobanimo doonkii :

Sanadkii 1884-ti  shirkii baarliin ummadda soomaliyeed waxaa loo kala qaybiyay shan qaybood oo ay saami wadaag ku ahayeen dowladaha kala ah engiliska ,talyaaniga , farnsiiska & ethoipia, qayb-qaybinta ummadda soomaaliyeed ujeedadeedu waxay ahayd in ay fududaato qabsashada iyo saydareynta dalka soomaaliya kaasoo dhaca mowqic estarateejiyad caalami ah oo mar kastaba  cadawga umaddu u soo hanqal taagi jiray .

Gumaytuhu ka dib markii uu soomaaliya faraha ku dhigay wuxuu bilaabay in uu bulshada hoos u sii dhex galo oo uu sii kala qayb-qaybiyo deegaan,qabiil iyo beel-beel isla markaana ukala takooro medeb ,muuqaal,magic iyo caado taasoo saldhig u ah mabda,iisaa caamka ah ee qaybi ee xukun (فرق تسد) dhibaatada gumaysigu

قال تعالى :(إنّ فرعون علا في الأرض وجعل أهلها شيعاً يستضعف طائفة منهم ويستحيي نساءهم...)

intaas kuma koobneen ee waxay ka shaqaynayeen sidii ay u babi ,in lahaayeen fahamka toosan ee caqiidada islaamka waxayna bulshada ugu yee rayeen. Dacaaradda iyo ibaaxiyadda waxayna da, yarta ku ababinayeen in ilbaxnimadu tahay anshax xummadda iyo xishood la,aanta.

Waxay kaloo si dadban iyo si toosanba uga soo horjeedeen xadaarada iyo luqada carabiga taasoo isirkeedu yahay diinta islamka. Gumaystayaashu waxey isku dayayeen dhan kastaba in ay xakameeyaan wacyiga bulshada si ay u abuurtaan kaadir ayaga daacad u ah oo aan dan ka lahayn diintiisa,dalkiisa iyo dadkiisa. (eg p7-14 kitaabka soomaaliya iyo asalka  mushkiladaha manta  taagan.(لايألونكم خبالا ودّوا ما عنتّم قد بدت البغضاء من افواههم وما تخفي صدورهم أكبر)

Run ahantii gumaytayaashu waxay ku guulaysteen qaar badan oo ka mid ah ujeedooyinkoodii hase ahaatee uma wada suura gelin waxyaabihii ay ku hamminayeen.

Xilligii Gobanimo doonka:Sanadku markuu ahaa 1943-dii waxaa la aas aasay xisbigii S.Y.L runtiina lama xaqiri karo guulihii ay shabaabku ka soo hooyeen halgankoodii, hase yeeshee dhibaatadu waxay ka dhalatay halgankaas oo ku salaysnaa qoomiyad taasoo ayada lafdeedu ka mid ah ma baadi,da ay gumaysigu ugu tala galeen in lagu kala faquuqo muminiinta ku abtirsata towxiidka  .إنما المومنون اخوة) )قال تعالى:  Xisbigii S.Y.L ugu yaraantii waxay ku guulaysteen in ay yareeyeen cadaawaddii iyo xamaasaddii qabyaladeed ee bulshada dhex tiillay waxayna ku shaqeeyeen shicaarkoodi caamka ahaa ee (soomaaliyeey toosoo isku tiirsada oo hadba kiina taak taran taageera wiligiin ,  ( dugsi maleh qabyaaladi waxay dumise mooyaan –C.S.tima cadde ).

  hase yeeshee dadaalkoodu kuma salaysneen diinta islaamka ,

xilligaas heerka umaddu ay ka joogtay fahamka iyo ku dhaqanka diinta islamka waxaa laga dheehankaraa  qaar ka mid ah halku dhigyadoodii sida( gabar tima tidcan waa waxa dhulkeena u kaar ahoo laynagu gartaa ) . Shaki kuma jiro in aan gabar tima tidcan oo aan jirkeeda qarineen diinta ku ammaaneyn waxayna ka mid tahay  kuwii uu nabigu (s.c.w) lacnaday uuna shegay in aysan jannada geli doonin udugeedana heli doonin .  Kadib markii ay soo dhawaatay xurriyadii mabaadi,dii qowmiga ahaa  ee ay ku dagaalamayeen shabaabkii S.Y.L waa la qaloociyay oo waxaa dib loogu laabtay hardamkii iyo habarwacadkii qabyaaladeed waxaa abuurmay axsaab siyaasadeed oo aan lahayn hadaf qarameed waxaa la bilaabay in laysu gabyo,heeso,shirbo,baraanbururo iyadoo aan lakala xishooneyn qabiil walbana  u dagaalamayo in asaga guushu raacdo . (eeg p:175-178 kitaabka

:جذور النزاع الصومال

Gumaystuhu markii uu arkay in aan la hor istaagi Karin dabayshii gobanimo doonka mowqifkiisi waa uu bedelay oo wuxuu ogaladay in uu dalka xuraynayo hase yeeshee wuxuu soo uruursatay adeegayaashiisii  anshaxa xumaa ee asaga daacadda u ahaa  aqoondooduna ku koobneen kaliya wixii ay asaga ka soo min guuriyeen .

Gumaytuhu markii uu dalka ka tegayay wuxuu hoggaankii ummadda u salimay saaxibadiis ay isku arigtida ahayeen asagoo misana u dhiibay fayl xiran oo ay ku dhan yihiin dhamaan wixii uu doonayay in dalka laga fuliyo , wuxuu ka baxay albaab wuxuuse mar kale ka soo galay daaqadda , arintaas waxaa laga dhaxlay fashal ,qilaafad iyo dhaqan xumo hor leh.

Kacaankii Ilaah diidka ahaa: Markii xigay waxaa isa soo mutuxay saraakishii ciidamada oo iyagu sheegtay in ay yihiin kuwii ummadda samata bixin lahaa hase yeeshee qaladaadkii hore u jiray waxay ku sii darsadeen qalafsanan iyo madax adeeg , dabajoogii gumaydayaashii reer yuirub waxay ku bedesheen mid ka sii daran oo ah shuuciyadii uu hogaaminayay midawgii sofiyeeti oo mabda,iisu ahaa ilaah ma jiro noloshuna waa inta muuqata (eg p13 iyo p247-250 ee kitaabka:

:الصومال وجذور المأساة الراهنة

Dhibaatooyinkii ummadda haystay waa ay sii kordheen , dhammaan xeerearkii islamiga  ahaa iyo kuwii kalaba waa la laalay  cadaaladdii iyo garsoorkiina waxay noqdeen  hadba wixii ay caawa ku riyoodaan iyo rabitaankooda shuuciyaddu hogaaminayso,  waxay nasakheen ayadihi Rabbi waxayna caburiyeen caqligii toosnaa , wax garadkii ummaddu wuxuu noqday wax la dilay wax cararay iyo wax u qushuucay diktatooriyadii kacaankii ilaah diidka ahaa.

 Muddadii aamusnantii iyo amangaagii waxaa laga faa,iidaytay wax- xogoo horomar maadi ah kaasoo ka dhashay kala danbayntii qasabka iyo xooga ku dhisnayd ee ka qaawanayd istixgilinta iyo wada tashiga hase yeeshee muddo gaaban dabadeed arrintu waxay isu bedeshay fashal,fowdo,boob eex iyo caddaalad darro, calankii dabaqa dushiisa laga taagayna waxaa mar kale la arkay asagoo ciidda rafanaya oo aan cidina u aaba yeelaynin. ( eg p81-153 kitaabkja soomaaliya iyo mushkilada manta ) ( fakh-fakh calanku kuma naaxo iyo faallo iyo heese fikrat lagu hogaanshiyo hadduu fara samaan waayo waa furun maraa oo la suray qoray yar fooddiiye  waxaa tiriyay abwaan c/lle raage ).

Kacaankii Aqoondiidka:

Dhibaatooyinka aan soo sheegnay oo soo tixnaa tan iyo bilaawgii casrigii gumaysiga waxay dhaliyeen kacdoon shacbi ah oo aan hadaf iyo ujeedo quman lahayn oo ay ololaynayeen shaqsiyaad isigu jiray kuwo cadawga ummadda u adeegaaya, kuwo dana gaar ah raacdaynaya iyo qolo kale oo aan dhan loo socdo iyo dhan laga socdonba ogayn oo ayagu dameeri dhaan raran raacday ah

Arrintii faraha ayay ka baxday hubkii wuxuu gacanta u galay dad waxmagarato ah oo ka soo qamamay baadiyaha iyo tuulooyinka oo kuwa danlayda ah ay ku soo howl geliyeen reer hebel iska dhaba . ( qosol waxuu ka joogaa qubanaha dambeetee buuraha qotada dheer ka arkaaya qiicee qarka soo jafaya) waxaa tiriyay abwaan hadraawi .

Waxaa sii kordhay khilaafaadkii caddaalad darradii,boobkii iyo qabyaaladii arrintii natiijadeeduna waxay noqotay dil,dhac,kufsi,dumis iyo darxumo loo gaystay adeegyadii caamka ahaay ee ummadda.

Sidoo kale waxay dhalisay in wax garadkii ay sida wax u dhacayaan ka maagaan  hoggaankii ummadduna uu gacanta u galo dad aan ku habooneen oo aan alle iyo aadmi midna ka baqayn ujeedadoouna ku koobantahay kaliya in ay awooda faraha la helaan iyo in ay dhibaatada dhexdeeda magac iyo maalba ka kasbadaan, halkaas waxaa ka hana qaaday kacaankii aqoondiidka oo la cirbiyay kacaankii ilaah diidka, cid kastana waxaa lagu abaalmariyay hadba intay dishay,intii ay darxumaysay,intii ay dumisay iyo intii ay diiratay.

Shacabka soomaliyeed oo intii uu jirayba hadba mushkiladiba mid kale u dhiibaysay wili ma uusan kala garan cidda u adeegaysa iyo cidda ka adeeganaysa oo waxay iska raacaan hadba cidii u dhawaaqda hoggaamiyaashooda dagalkuna   dibindaabyadooda kama daalan aqoon yahankoodina waa uu ku guul darraystay in uu hagaajiyo oo hilinka toosan ku duwo .

Isku soo wada duuboo  dhibaatooyinka hor taagan in dib loo soo celiyo qaabkii dawladnimo waxaa lagu soo koobi karaaa :-

1.     sababo khaaraji ah  kuwaasoo kala ah –

a-            raadadkii xumaa ee uu ka tagay gumaysigii muddada badan umadadda dul saarnaa.

b-            loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha caalamka iyo kuwa gobolka kaasoo la xiriira mowqica istaratiijiyadeed ee soomaaliya ay dhacdo iyo khayraadka eebe ku kaydiyay.

c-            doowladaha deriska ah oo qaarkood aysan jecleen in soomaaliya ay ka dhalato dowlad awood leh oo go,aankeeda ummaddaxbanan, bal waxaaba la orankaraa qaar baa waxay aaminsanyihiin in jirataankoodu ku xeranyahay baaba,a soomaaliya .

d-           masiixiyadda oo halgan adag ugu jirta in ay hanato dhaman diimaha afrikadda bari.

2- sababa daakhili ah kuwaasoo kala ah:-

a-            xasaasiyadii iyo cadaawadii laga dhaxlay maamul xumadii labadii rajiim ee dalka soo martay .

b-            halgankii jabhadaha oo aan markii horaba ku bilaaban barnaamij iyo hadaf toosan oo iska ahaa kacdoon dadwayne oo ku dhisan fowdo iyo laab la kac.

c-            Hoggaamiyayaashii halkankaas oo aan dalkooda iyo dadkooda daacad u ahayn oo mid waliba hoosta ku watay dano asaga u gaar ah oo uu ku hulaabnaa (cadkaanow ama ku cunay ama ku ciideeyay waa caynkaas midkay eebsataye sow candhala maaha) ( waxaa tiriyay abwaan Mustafa sh.cilmi )

d-            Culamaaa , u diinka iyo wax garadkii kale  oo gudanwaayay waajibaadkii ummaddooda ka saarnaa

e-            Taladii iyo awoodii oo faraha u gashay dad aan khibrad , aqoon iyo awood u lahayn isla markaana aan daacad ahayn .

f-             Ummadda soomaaliyeed oo markii horaba dhaqankeeda uu ka mid ahaa xafiiltan qabyaaladeed oo markii loo buunbuuniyay hor carartay oo noqotay sidii ninki waalna oo owrki buubay daba orday oo yiri waa dhankan u jeeday. 

Si kastaba  ha noqotee dhammaan mushkiladahaas mar hore iyo mar dambeba Umaddu la kulantay waxaa la oran karaa waa ciqaab Rabbi oo markii  horeba waxaa laga bayray dariiqii amniga iyo badbaada .

وضرب الله مثلا كانت آمنة مطمئنة يأتيها رزقها رغداً من كل مكان  فكفرت بأنعم )الله فأذاقها الله لباس الجوع والخوف بما كانوا يصنعون)

( ولينصرنّ الله من ينصره إن الله لقويّ عزيز الذين إن مكنّاهم في الأرض أقاموا الصلاة وآتوا الزكاة وأمروا بالمعروف ونهوا عن المنكر ولله عاقبة الأمور)

وعن ابن عباس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:(خمس لخمس ما نقض قوم العهد إلاّ سلط الله عليهم عدوهم- ولا حكموا بغير ما أنزل الله إلا فشى فيهم الفقر – وما ظهرت فيهم الفاحشة إلا ظهر فيهم الطاعون وما طففوا الكيل إلا منعوا النبات وأخذ بالسنين – ولا منعوا الزكاة إلا حبس الله عنهم المطر ).

Waxaa diyaariyay:

Sh. Osman  M. mahamud ( Abuu Maryama )

Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu –Mascuud.


Col. Sh. Cismaan

Waxaa soo tebiyey:

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2005

shirweynihii Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed ee Islaamiga ah..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD