SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis..

Muxadarooyinkii Kulankii  Halkan ka dhegeyso.... GUJI... (18 muxaadaro)

  • SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | September 2-4, 2005
Culimada Muxaadarooyinka ka soo jeediyey saddexdii maalmood ee Kulanka waxaa kamid ahaa::

(AXAD) - MAALINTII SADDEXAAD::

  • Sheekh Maxamed C/Raxmaan Kaariye: Jiilka Kudayashada Mudan
  • Sheekh Cabdirisaaq Takar: Guur-Doonka iyo Dhismaha Qoyska::
  • Sheekh Cismaan Madad : Dhiiri Gelinta Guurka
  • Sheekh C/Risaaq Xaashi: Saafi Yeelida Qalbiga
  • Sheekh Waliid Idriis: La noolaanshaha Qur'aanka

(SABTI) - MAALINTII LABAAD:::

  • Sheekh Nuur Ciise: Sababaha dhallinyarada Dhumiya iyo Daawadooda
  • Sheekh Aadan Sh. Cabdulle: Caddaalada Islaamka
  • Sheekh CabdiRisaaq Takar: Shareecada Islaamku waxay ku haboon tahay Xilli Kasta
  • Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye: Walaaltinimada Islaamka
  • Sheekh Khaliif Macalin: Caqiiqda Islaamaka iyo Raadka ay ku Leedahay Mujtamaca.

(JIMCE) - MAALINTII KOOWAAD:::

  • Sheekh CabdiRaxmaan Sheekh Cumar: Sida Islaamku u Ilaaliyo Qoyska
  • Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamed: Raacida Kitaabka iyo Sunnada
  • Sheekh Cismaan Madad: Akhlaaqda Islaamka iyo Raadka ay ku leedahay Ummada
  • Sheekh Maxamed Khadar: Xiriirinta Riximka (Qaraabada)
  • Sheekh C/Risaaq Xaashi: Qalbiga Wanaagsan
  • Sheekh Maxamed Khadar: Naxariista Islaamka

Waxaa caawa (Axad Sept 4, 2005) soo gabagaboobey kulan diineedkii shanaad ee Soomaalida woqooyiga Ameerika, waxana uu kusoo gabagaboobey si farxad iyo guul ah, iyo duco ay culimadu u duceeyeen dhammaan ummadda Islaamka. Haddaba kulankii Axadda waxa uu u dhacay sidan:

MAALINTII SADDEXAAD

Jiilka Kudayashada Mudan:::


Sh. Max'ed C/raxman

 Sh. Waliid Idriis - waxa uu muxaadaradii kusoo jeediyey afka carabiga.

Sheekh Maxamed C/Raxmaan Kaariye oo ka hadlay "jiilka ku dayashada mudan" waxa uu sheegay in jiilka ugu ugu horeeya ee ay tahay in lagu daydo uu yahay Jiilkii nebi Muxamed (scw) soo gaarey oo ah saxaabadii rasuulka. Isagoo arrintaas faah faahinaya waxa uu yiri: Saxaabadu waxay la joogeen rasuulka, la fariisteen, dhegeysteen, la safreen, cilmiga ka qaateen, arkeen dhaqankiisii suubanaa, arimahaas oo aysan jirin wax loo dhigi karo. Sidaas daradeed waa in saxaabadii rasuulka lagaga daydo asluubkoodii iyo fahamkoodii diinta Islaamka. Sidoo kale waa in lagu daydo saxabadii sidii ay ugu dhegeen diinta Islaamka iyagoo ay soo wajaheen arrimo aad u adag. Sidoo kale waa in lagu daydo sidii ay dawlada u fahmeen, taas oo looga tusaale qaadan karo sida loo dhisi karo dawlad Islaami ah.

Sh. Maxamed C/Raxmaan waxa uu yiri: Waa in Shareecada Islaamku ay noqoto meesha laga soo qaadanayo distoorka (Xeerarka lagu dhisayo Dastuurka).

Waxana uu Sh. Maxamed muslimiinta aad ugu booriyey in lagu daydo saxaabadii Muhajiriinta iyo Ansaarta. Waxana uu aad ugu xeel dheeraaday sida ay Saxaabadii rasuulku u ahaayeen kuwa ugu cilmiga iyo cibaadada badnaa, uguna fahmi ogaa diinta Islaamka.

Waxana uu xusay sida uu rasuulkeenu inoo sheegay in yuhuud iyo nasaaro is khilaafeen, sidaas oo kalena in umadani isu khilaafi doonaan 73 firqo, hal firqo oo keliya ayaa badbaadeysa, waana firqada raacday Rasuulka iyo saxaabadiisii. Sidaas daraadeed muslimiintu waa in ay ku dhegaan quraanka iyo sunada Nebiga, si looga badbaado halaag, ayuu yiri.

Sh. Maxamed C/Raxmaan waxa uu muslimiinta uga digey is-khilaafka, waxana uu yiri: waxaa khilaafka keenaya marka aan kitaabka iyo sunada rasuulka la raacin. Isagoo halkaas si qoto dheer uga hadlaya waxa uu yiri: Waa in la raaco Kitaabka iyo Sunada, sunadu waxay tafsiir u tahay qur'aanka.

Waxa kale oo uu aad uga hadlay dawladihii Islaamka soo xukumay guusha waxa ay ku gareen in ay ahayd markii ay raaceen Kitaabka iyo Sunnada.  Sidaas daraadeed waa in la raaco Islaamka (Ahlu sunniga), lagana dheeraado khilaafka iyo kuwa diinta tashwiishka gelinaya, sida Khawaarijta oo diinta khal khalka gelinaya. Sidoo kale waxa uu ka digey 'Islaamka loo yaqan Libaraaliga". "Waa in lagu dheganaado quraanka iyo sunnada rasuulka" ayuu yiri.

Guur-Doonka iyo Dhismaha Qoyska::


Sheekh C/Risaaq Takar

Sheekh Cabdirisaaq Takar waxa uu ka hadlay guur-doonka iyo sida qoyska loo dhisayo. Waxana uu si gaar ah uga hadlay waxyaabaha looga baahan yahay in ay sameeyaan dadka guur doonka ah. Aad ayuuna dhalinyarada ugu booriyey in ay guursadaan, guurka oo ah sunadii anbiyaasha.

Waxyabaha u bannaan labada qof ee is guursanaya waa in ay si caam ah isu arkaan ka hor inta aysan is guursan madaam aay yihiinlaba qof ee nolosha isla wadaagi doona, laakiin ma bannaana khalwada oo ah in ay isla keli noqosho laba qof oo aan is qabin. Waxa kale oo aan bannaanay in la doono gabar qof kale u doonan. Sidoo kale ma bannaana in la doono qof dumar ah oo markaas inta la furay ku jirta rajactu (soo cesasho).

Sh. C/Risaaq waxa uu yiri: Si guurku u noqdo mid waara waxa marka ugu horeysa muhiim ah in loo is-tikhaaraysto, adigoo Allah ka baryaaya in qofka aad damacsan tahay in aad guursatid uu noqdo mid Allah kuu dooro iyo xilliga aad gursaneysid in uu yahay markii ku haboonayd.


Sheekh Cabdirisaaq Takar : Labada qof ee is qaba waxay isu yihiin dhar.

Waa kale oo uu sheegay muhiimada ah in qofka guur doonka ah uu la tashado dadka uu ku kalsoon yahay ee caqliga u saaxiibka ah ee maslaxada jecel, waxana uu yiri: dadka la tasho, oo ha deg-degin, waana sida aan diinteena ka baranay ayuu ku adekeeyey. Waxa kale oo muhiim ah in aad Allah ka baridid in uu ku waafajiyo khayrka iyo inuu guur kaaga ka dhigo mid wanaagsan.

Labada qof marka ay is guursadana waxaa haboon in marka ugu horeysa, habeenka ugu horeeya ay labadoodu tukadan laba rakcadood, oo ay Allah baryaan in uu qoyskaas ka dhigo mid ku waara khayr. Waxana uu aad uga hadlay muhiimada ay leedahay in labada qof ee is qaba ay sirtooda isu qariyaan, maadaama ay isu yihiin dhar waa in midba kan kale xafido maalkiisa, cirdigiisa iyo sirtiisa.

Sh. C/Risaaq waxa kale oo uu ka hadlay xuquuqda ay isku leeyihiin labada qof ee is qaba. Isagoo arrintaas ka hadlaaya waxa uu yir: waxaa muhiim ah in haweentu ay sowjkeeda ku adeecdo wixii aan xukunka Allah ka hor imanayn, waa in ay xafido cirdigeeda, sharafteeda, carruurteeda, ilaalisidna xaqa ninkeeda.

Xuquuqda ragga lagu leeyahay waxaa kamid ah oo ugu horeeya Meherka uu ninku ballan qaaday markii ay is guursanayeen. In uu ninku xaaskiisa ula dhaqmo si wanaagsan, oo naxariis leh. Waxaana uu xusuusiyey in Nebigu (scw) uu yiri: Kiina ugu Akhyaarsan waa kan ehelkiisa (qoyskiisa) u ah Akhyaarka. In uu gabadha ugu kalmeeyo in ay diinta Islaamka barato, arintaas oo mudan in hoosta laga xarriiqo, ayuu yiri. Waxaa kale oo lagaaga baahan yahay in aad sharafteeda dhawrtid. Sidoo kale waxaa ninka lagu leeyahay nafaqada qoyskiisa.

Xuquuqda labadoodaba looga baahan yahay waxaa kamid ah in mid walba uusan kan kale ka hor istaagin wixii Allah u qadarey oo xalaal u ah, oo ay is-tix-geliyaan, iyo is-ixtiraam. Waxa kale oo ay xaq isugu leeyihiin in ay is dhaxlaan, ayuu yiri, sida ay diinteenu ina bartay. Waxa kale oo xusay muhiimad ay leedahay in si wanaag ah loo wada noolaado,oo la isu kaalmeeyo.

Dhiiri Gelinta Guurka


Sh. Cismaan Madad

Sheekh Cismaan Madad waxa uu ugu horayn Muslimiinta ku booriyey in ay u guuriyaan kuwa aan xaasaska lahayn, gaar ahaan dhallinyarada. Waxana uu xusay sida Rasuulkeenu dhallinyarada ugu booriyey in ay guursadaan, taas oo maslaxadu ugu jirto mujtamaca. Gaar ahaan qof kasta oo awoodi karaa waa in uu guursado.

Qofkii aan awoodin in uu guursado waa in uu soomo. Soonka ayaa u noqonaya mid ka celisa in uu ku dhaco xaaraam.

Waxa uu waalidka ku booriyey in ay carruutooda u guuriyaan, waana in aysan guurka wanaagsan ka hor istaagin carruurtooda ayuu yiri.

Sheekh Cismaan oo ku xeel dheeraaday guurka waxa uu Muslimiinta mar kale xusuusiyey sida uu Rasuulka Muxamed (scw) muslimiinta ugu booriyey guurka.


Sheekh Cismaan Madad : Ummada Islaamku ha raceen dariiqii Rasuulka (scw).

Waxa kale oo uu ka hadlay caqabado ay dhici karto in ay is hor taagaan guurka, waxaana ka mid ah: Iyadoo ay dhici karto in gabdhaha qaarkood in rag wanaagsan oo u qalma marka ay usoo bandhigaan guur ay ku jawaabaan iyagoo dhehaya 'guursan maayo ilaa aan helo shahaadooyin waaweyn."  Waxaana uu ka waramay qiso ku dhacday gabar tiri guursan maayo ilaa aan jaamacad dhameeyo oo dhakhtarad noqdo, oo qof kasata oo munaasab ah ka diidey guur, markii ay jaamacadii dhamaysay ayey tiri waxaan rabaa nin sidayda oo kale jaamacado dhammeeyey oo lacag haysta, laakiin waxaa dhacday ragii ay rabtey oo dhami in ay dhici karto in ay hore u guursadeen oo carruurba leeyihiin, gabadhii waxay ku weynaatey ayadoo aan helin guurkii ay rabtey, maalintii dambe ayey garwaaqsatay arrinta haysata waxana ay tiri "war shahaadooyinkayga oo dhan qaata oo isiiya nin wanaagsan oo aan guursado", waxana la sheegay in ay noqotay dhakhtarad oo marka ay dhakhtarka u socoto waxay ka qoomayn jirtey, maadaama ay cisbitaalka dumarka ugu yimaada carruurtooda u daweyneyso ayaduna ay noqotay mid ku gabowday guur la'aan.

Waxa kale oo caqabadaha guurka is hor taaga kamid ah, ayuu yiri, in waalidka qaarkood ay carruurtooda, gaarahaan gabdhaha ay ka meer meeriyaan guurka ama ka hor istaagaan guur, oo ay dhici karto in ay gabdho badani ku gaboobaan guur la'aan marka laga meer meeriyey guur wanaagsan.

Waxa kale oo caqabadaha kamid ah in wiilka lagu xujeeyo maal uusan awoodin, sidaasna ay ku dhici karto in guurkii ku yaraado ama ku baaqdo. Waxana uu xusuusiyey in meherka ugu khayrka badani uu yahay kan ugu fudud.


Sh. C/Risaaq Xaashi: Qalbiga halaga dhigo saafi

Sh. Cismaan Madad oo hadalkiisi sii wata waxa uu yiri: Caqbadaha guurka waxaa kale oo kamid ah arrimo ijtimaaci ah, sida in qof la yiraahdo gabadhayada ama wiilkayaga ma geydo ama reerkaas ma kala guursano. Waxana uu Soomaalida xusuusiyey in qofka ugu khayrka badani uu yahay kan ugu cibaadada badan. Waana in arrintaas ah caqabada Ijtimaaciga laga gudbo, ayuu yiri. Qof wanaagsan oo Muslim ah yaan guurka loogu diidin xagga ijtimaaciga.

Waxa kale oo uu xusay arrimaha waayadan soo baxay ee loo yaqaan "Honey Moon" oo ah in gabadhu tiraahdo magaalo heblaayo iyo wadan helbaayo ayaan aadeynaa arooskeena oo ay dhici karto in aan wiilkii awoodin.

Waxa uu xusuusiyey in haweenka loo guursado afar arrimood midkood: Maalkeeda, quruxdeeda, ama reerkeeda, ama diinteeda. Nebigu waxa uu yiri: gabadha u guursada diinteeda. Sidaas daraadeed, ayuu yiri Sh. Cismaan, haddii waxyaabaha kale ugu darsamaan waa nimco, balse waa in marka hore yoolku ahaado in gabar diin leh la guursado.

Culimada kale ee maanta kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa: Sh. C/Risaaq Xaashi oo ka hadlay "Saafi Yeelida Qalbiga" iyo Sh. Waliid Idriis oo ka hadlay  "La noolaanshaha Qur'aanka".

Tartanka Aqoonta Islaamka::

Salaadii Makhir kaddib markii kulanka la isugu soo laabtay waxaa la qabtay tartan diineed ay galeen saddex wiil oo dhinac ah iyo saddex gabdhood oo dhinaca kale ah, waxaana la weydiiyey su'aalo Islaami ah, su'alahaas oo kooxda hor garata ay batoon riixayaan si ay uga jawaabaan. Saddexda wiil magacyadoodu waa: C/Risaaq Maxamed, Saciid Jeelle, iyo Cabdullaahi Aden. Saddexda gabdhoodna waa: Shukri C/Rashiid, Salaama Xusen iyo Saciido C/Rashiid.

Natiijadii tartanka markii la sheegay waxaa guushii raacday kooxdii wiilasha oo ku badiyey 335 dhibcood, halka ay gabdhihii keeneen 310 dhibcood, sidaasna ay saddexdii wiil ugu guulaysteen tartankii sannadkan. Guddiga tartanku waxay dadweynaha xusuusiyeen in lixda dhallinyarada ah ee tartamayey ay markii hore soo mareen ilaa afar tartan oo kan ka horeeyey oo si-reb-reeb ah, tartanadaas hore oo ay ka qayb galeen dhawr iyo toban wiil iyo dhawr iyo toban gabdhood.

Tartanka kaddib waxaa wiilashii iyo gabdhihiiba la guddoonsiiyey abaal marin. Wiilasha oo kaalinta koowaad galay waxaa midkiiba la siiyey $250, halka gabdhaha midiiba la siiyey $150.


Guddiga tartanka iyo gabdhaha tartamayey

Sh. C/Raxmaan oo bixinaya abaal marinta


Guddiga tartanka iyo wiilasha tartamey

Guddiga tartanka oo hubinaya dhibcaha guusha

Dhiiri Gelin Bixinta Sadaqada::

Tartankii Islaamiga ee dhallinyarada kaddib waxa ay culimadu ka warbixiyeen lacagtii ay dadweynuhu ugu deeqeen mashruuca Abuubakar intii kulanku socdey. Waxana halkaas laga sheegay in lacagta ay dadweynuhu mashruuca u ballan qaaden kulankii Sabtida in ay ahayd $97,000 oo doolar. Waxana ay muslimiinta mar kale xusuusiyeen in lacagta dhismaha hadda looga baahan yahay in ay tahay $600,000 si uu u noqdo mashruuc dhamaystiran oo anfaca mujtamaca Islaamka ee reer Minnesota. Waxaa isla meesha markale dadweynihii caawa (Axad) joogey ay mashruuca Abuubakar ugu ballan qaadeen $58,000, sidaasna ay Soomaalidii kulanka ka soo qayb galay saddexda maalmood waxa ay mashruuca Abuubakar ugu deeqeen qiyaastii $155,000.

Salaama Xuseen oo ka mid ah gabdhihii ku guuleystey jaa'isadii Tartanka ayaa $150 keedii ugu deeqday mashruuca Abuubakar. Aad ayaana gabadhaas da'da yar loogu duceeyey, si weyn ayaana dadkii kulanka isugu yimid ay ugu farxeen deeqsinimadeeda ah in ku deeqday jaa'isadii qiimaha badnay ee ay ku mutaysatay aqoonta Allah u siiyey Diinta Islaamka.

Warbixin Machadka Caali:::


Machadka Caali | Abuubkar Video


Machadka Caali | Abuubakar Video


Sh. Khadar Omar

C/Rashiid Barre Muuse

Gabahagadii kulankii Axada, waxaa ka hadlay Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar oo warbixin ka bixiyey machad cusub oo hadda Minneapolis ka furnaa muddo saddex bilood, Machadkaas oo lagu magcaabo "Machadka Caali ".

"Waa machad hoos yimaada Abuubakar, waxaana loogu talo galay inuu soo saaro ducaad Islaam ah oo rag iyo dumar ah" ayuu yiri Sh. C/Raxmaan, oo intaas ku daray :Waxaa machadkan ka baxa duruus aad u heer sareysa oo ay dhigayaan macallimiin khibrad u leh culuunta Islaamka." Machadku waxaa uu u guuri doonaa dhismaha cusub ee Mashruuca Abuubakar, ayuu yiri. Waa machad loogu talo galay horumarinta Soomalida Minnesota.

Kaddib waxaa la daaray Video ka warbixinaya machadka, oo ay ka hadleen C/Rashiid Barre Muuse oo ah maamulaha arrimaha ardayda ee machadka iyo Sh. Khadar Omar oo ah macallin. Waxana ay ka hadleen muhiimada uu machadkani u leeyahay mujtamaca Islaamka ah ee deggan Minneapolis.

Video-ga kaddib, Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar ayaa u mahad celiyey dhammaan Soomaalidii ka soo qayb gashay iyo culimadii muxaadarooyinka soo jeediyey ee ka yimidid Minnesota iyo gobolo kale, waxa kale oo uu u mahad celiyey warbahinta suurta gelisey in ay akhbaarta mu'tamarka gaarsiiyaan dadka aan nasiibka u helin in ay ka soo qayb galaan. Waxaana Sh. C/Raxmaan u duceeyey ummadda Islaamka caam ahan iyo reer Minnesota iyo intii ka qayb qaatay hirgelinta kulanka shanaad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika.

Sidaas ayaa kulankii socdey saddexda maalmood kusoo gabagaboobey. Warbixinadii kulanka ee Jimacadii iyo Sabtidii hoos ka akhri.


Baraanmijka Dhallinyarada::::

Saddexda maalmood ee mu'tamarku socdey waxaa jirey barnaamijyo gaar ah oo meel gaar ah loogu qabaney dhallinyarada, barnamaijyadaas oo ay dhallintu aad u xiisayneyeen, aqoon iyo cilmina ka kororsadeen.


Dhallinyada oo fadhiya meel gaar ah loogu qabtay barnaamijyo cilmiyeed.



Dadweynaha oo camiray Hallka weyne ee shirarka


Dadweynaha oo soo camiray mutamarka

MAALINTII LABAAD::

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Sabti, Sept 3, 2005 |

Kulankii Islaamiga ahaa ee 5aad oo bilowday Jimcadii isla mar ahaantaasna weli ka socda magaalada Minneapolis ayaa waxaa Sabtidii ka soo qayb galay dadweyne aad u farabadan, waxana uu u dhacay sidan:

Sababaha dhallinyarada Dhumiya iyo Daawadooda ::


Sheekh Nuur Ciise

Sheekh Nuur Ciise ayaa ugu horeyn ka hadlay siyaabaha ay u dhumi karaan carruurta da'da yar, isaga oo ku dheeraaday sida ay u dhici karto in waalidka (gaar ahaan waalidka deggan qurbaha) oo aanba war u hayn ay carruurtoodii si fudud u dhumi karaan. Waxa uu arrintaas ka yiri: Waxaa in badan dhacda in aan waalidku ka war hayn waxyaabaha carruurtooda loogu dhigo iskuulada, oo aan aabayaasha iyo hooyooyinku wax fikrad ah ka haysan manhajka carruurtooda loo dhigo, ayadooba ay dhici karto in waalidku aysan ku baraarug sanayn in caruur tooda loo dhigayo manhaj aysan raali ka noqon lahayn. Waxaana dhacda ayuu yiri in maalinta dambe la arko canugii oo afkiisa ay ka soo baxayaan hadalo ay waalidku la yaabaan oo aan caqiidada waafaqsanayn.

Waxaa carruurta shakiga iyo inxiraafka ku sababa waxa kamid ah saaxiibada xun xun iyo filimada xun xun, iwm. Waxaana arrimahaasi iman karaan haddii aan waalidku isku taxallujin ka war haynta carruurtooda, ayuu yiri.

Sh. Nuux oo arrintaas si khaas ah uga hadlaya waxa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay in waalidka iyo carruur tooda ku sugan qurbaha loo kala tarjumo, waxana uu is weydiiyey: Xaggee hooyadu ku maqan tahay, aabuhuna ku maqan yahay intii canugoodu uu afka ajnabiga keliya baranayey, AfSoomaligana ay u bari waayeen.


CabdulCasiis Maxamuud Sugulle oo ka war bixinaya halka uu marayo mashruucii masjidka Abuubakar Asadiiq ee Minneapolis.

Sh. C/Raxman Sh. Cumar oo reer Minnesota iyo qof kasta oo awoodi kara ku boorinaya in la dhamaystiro int aka dhiman Mashruuca Abuubakar

Sheekh Maxamed Khadar oo baaqay ain Allah dartiis wax loola baxo si loo dhamaystiro mashruuca Abuubakar.

Sheekh Cismaan Madad iyo Sh. C/Raxmaan oo Muslimiinta ku boorinaya in ay ka qayb qaataan deeqda Mashruuca Abuubkar

Maahir Shariif, Qareen Muslim ah oo ka hadlay kulanka

Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamed: "Ciqaab ayey mutaysan doonaan kuwa culimada dhibaateeya."

Sh. Aadan Sh. Cabdulle: "Caddaalada waa u siman yihiin bini'aadamku".

Sh. Nuur waxa uu waalidiinta kula taliyey in ay aad uga feejignaadaan waxyaabaha ay carruur-tooda daawanayaan, sida TV-ga oo ay dhici karto in carruurta loo fasaxo ka warqab la'aana ay daawadaan barnaamijyo anshax xumo ah ama marin habaabinaya dhaqanka carruurta. Waxana kale oo uu ku baraarujiyey muhiimada ay leedahay in carruurta xilli wanaagsan habeenkii la seexiyo - Habeenkii waa seexasasho & nasasho, maalintiina waa macaasha, sidaas ayaan caafimaadku ku jiraa, sida ay diinteenu ina barayso ayuu yiri.

Sheekh Nuur oo aad ugu adkeeyey in ay muhiim tahay in carruurta si wanaagsan loo tarbiyeeyo si loo helo Hoggaamiyayaal wanaagsan oo leh caqiido wanaagsan, waayo wanaaga bulshadu waxa uu ka bilowdaa guriga iyo weliba in marka ay carruurta aad u da'yar yihiin oo loo tarbiyeeyo si wanaagsan.

Sh. Nuur oo ka hadlaya waxyaabaha daawada u ah si aan carruurtu u dhumin waxa uu sheegay in ay ka mid tahay: Hijra degdeg ah oo laga haajiro meesha carruurtu ku fasahaadayaan, gaar ahaan in laga hijroodo magaalooyinka kufriga oo loo haajiroodo magaalooyinka Ahlu Suniga. Inta ka horeysa waa in caruurta la geeyo madarisooyinka ama dugsiyada Islaamiga ah si carruurtu ay diinta u bartaan in carrabkoodu jilic san yahay. In asxaab wanaagsan la baro, tusaale ahaan in la geeyo masaajidyada. In carruurta lala sheekaysto oo la dhegeysto hadalkooda. In lala socdo telefoonada ay had iyo jeer ku hadlayaan iyo saaxiibada ay raacayaan. In loo sameeyo meelo Islaami ah oo ay ku ciyaaraan, in la helo wax loogu bedelo daawashada Telefishanada looguna bedelo barnmaijyo wanaagsan. In guriga la keeno Cajaladaha wanaagsan ee laga baranayo caqiiqada Islaamka. In carruurta la baro runta iyo aaminimada, labaro sida salaada loo tukado, sidoo kale la baro sunada sida salaanta iyo in midigta wax lagu cuno.

Waxa kale oo uu Sh. Nuur waalidiinta ku booriyey in ay carruurtooda baraan taariikhda shakhsiyaadka magaca weyn ku leh taariikhda Islaamka.

Caddaalada Islaamka::::


Sh. Aadan Sh. Cabdulle

Sh. Aadan Sh. Cabdulle oo ka hadlay "Caddaalada Islaamka" waxa uu ugu horayn is weydiiyey waa maxay "Caddaalad"? waxana uu ku jawaabey waxaa caddaalad la yiraahdaa sida ugu fudud ee qofku uu ku heli karo xaqiisa isagoo aan wax dhib ahi kasoo marin.

Kaddib waxa uu xusay taariikho soo maray dunida iyo sidii ay u aqoon jireen caddaalada. Waxana uu yiri: Giriigii hore waxa ay caddaalada u aqoon jireen "Qofku waxa uu rabo. Dadkii Roomaanka ahaa waxa caddaalad u aqoon jireen waxa Shacabka rabo. Reer Anduluusiya waxay caddalad u aqoon jireen waxa uu boqorku xakumo. Laakiin caddaalada Islaamku waa waxyiga Allah, waxaana laga qaadanayaa Kitaabka iyo sunadda. Waxana uu yir: Caddaalaad Islaamka waa u siman yihiin dhammaan bini'aadamku, waana in qof kasta helo caddaalad oo uu nabad iyo xasilooni ugu noolaado si siman.

Caddaalada raad gaar ah kuma leh maal uu qofku leeyahay, magac uu leeyahay, taajir haddii uu yahay ama faqiir yahay. Mana aha caddaaladu wax ku dhismi kara nacayb gaar ah ee loo qabo qof ama jacayl loo qabo - Waa in si siman dhammaan dadka caddaalad loogu sameeyo. Waana in si is'eg loogu caddaalad sameeyo dadka wuxuu doono ama derajada uu doono ha lahaadee, ayuu yiri.

Waxa kale oo uu xusay in markii ay diinta islaamku caddaalada sugtay, ay sababtay in dadkii ay soo galeen Islaamka - markii ay arkeen caddaalada naxariista badan ee Islaamka.

Sh. Aadan waxa uu yiri: Sida ay diinta Islaamku uga hadashay caddaalada si lamid ah ayey uga hadashay in la reebay dulmiga iyo in qof bini'aadam ah lagu gabood falo ama lagu xad gudbo.

Waxa kale oo uu dadka xusuusiyey saddexda qof ee ducadoodu ajiibka tahay oo ah: Iimaamka caadilka ah, qofka Sooman ilaa uu ka afurayo, iyo qofka la dulmiyey (madluumka ah) ee laga gardaran yahay. Waxana uu xusay sida qofka madluumka uu Allah ugu ballan qaaday in uu u gargarayo. Waxana uu yiri xataa waxaa loo baneeyey qofka laga gardaran yahay ee la dulmiyey in uu ceebeeyo qofkii dulmiga ku sameeyey, cadeyona sidii loo dulmiyey, taasna caddaaladda ayaa ku jirta, ayuu yiri.

Mujtamacii caddaalad fala, wanaag ayey ku nooladaan, lakiin marka mujtamacu uu caddaalada ka tago oo dulmi falo waa burburaan, ayuu yiri. Waxana uu dadka xusuusiyey in Allah uu Rususha u soo diray si ay caddalada u oogan. Sidaas daraadeed waa waajib in qofka bini'aadamku uu sameeyo caddaalad.

Waxa uu xusay Zakada oo ah Caddaalad uu Allah faral-yeelay si dadka qaniga ah ee Allah wax siiyey ay u siiyaan dadka faqiir ah, sidaas oo ah caddaalad. Allah waxa uu reebay Ribada si aan loogu gabood falin ama loo cunin xaq qof kale.

Caddaalad waxay gashaa qoyska dhexdiisa, tusaaale wuxuu u soo qaatay ciqaabta uu mutaysanayo ninka aan u cadaalad falin xaasakiisa ama u iisha mid kood. Waa in carruurta loo cadalad sameeyo sida magac bixinta, wax siinta iyo hadalka. Waxana uu xusay sida ay colaad u dhex dhigi karto carruurta haddii ay arkaan in midkood uu aabahood ama hooyadood si gaar u jecel yihiin - taas oo carruurtii kale colaad ku abuuri karta - tusaale waxa uu u soo qaaday qisadii nebi Yuusuf oo walaalihiis ay colaadiyeen markii ay u arkeen in aabohood uu Yusuf gaar u jecel yahay.

Waxa kale oo Sh. Aadan Sh. cabdulle uu xusay sida ay diintu u suulisey dhaqankii iyo caadadii Carabta jaahiliga ahayd ee ahaa in aan gabdhaha wax dhaxal ah la siin, carruurtana wax la siin, laakiin taas Islaamku waa suuliyey oo caddalad ayuu Islaamku keenay.

Waxa uu aad uga hadlay caddaalada Allah ee dhaxalka, tusaale waxa uu u soo qaatay sida dadka aan diinta Islaamka wax badan ka aqoon looga shaki geliyo ayadoo lagu yiraahdo: Haddii Islaamku caddaalad yahay maxaa haddii wiil iyo gabar uu aabohood dhinto wiilka loo siiya laba meelood, gabadhana hal meel. Waxana uu yiri: Ufiirsada ugu horayn in Islaamka ka hor aanba gabdhaha la siin jirin wax dhaxal ah haba yaraatee. Dhaxalka Islaamka marka gabadha 1/3 lasiiyo, wiilkana 2/3, waxaa wiilka waajib ku ah in uu gabadha xanaaneeyo ayadoo inteeda aan laga taabanayn.

Caddaalada Qisaasta ayuu aad uga hadlay, waxana uu yiri waa caddaalad in il loo tuuro il, dhegna loo gooyo dheg, qofkii qof si ula kac ah u dilana laga qisaaso. Reerkii qofka laga diley waa qaadan karaan diyo, lakiin ma ahan in arrinta laga dhigo sida marar badan ka dhacda Soomaaliya oo inta dhiiga qofka la xalaalaysto la yiraahdo qabiilkanaga ayaa diyada bixinaya. Arrintaas diyada iyo Soomaalida isagoo ka hadlaya waxa uu yiri: Waxaad waayadan dambe Soomaaliya ka maqleysaa qof ku dhaaranaya "Dhiigaaga ama diyadaada waxaa loo ururinayaa taano taano" taas oo ku tuseysa, ayuu yiri, in Soomaliya uu dhiiga Muslimku ka noqday raqiis. Waxana uu Muslimiinta xusuusiyey caddaalada qisaasta, waxana uu yiri: waxaa Soomaaliya kadhacda in qof la diley ay u dhintaan boqolaal qof halkii qofkii wax diley marka u horeysa haddii laga qisaasi lahaa ay arrintu sidaas ku istaagi lahayd.

Waxa uu xusay dhawr qiso oo muujinaya caddaalada kuwaas oo dhacay xilligii saxaabadii, waxaana ka mid ahaa in uu yiri: Xilligii Cumar binu Khadaab waxaa Masar barasaab ka ahaa Camar binu Caas. Haddaba maalin ayaa tartan la sameeyey, tartankii waxaa wada galay wiil uu dhalay Camar iyo wiil reer Masar ah, wiilkii uu Camar dhalay ayaa waxa uu dharbaaxay kii la tartamayey. Wiilka la dharbaaxay markiiba lugayn ayuu u dhaqaaqay dhankaas iyo Cumar Bin Khadaab oo Islaamka hoggaminayey, markii uu u tegey oo qisadii u sheegay ayaa loo cid diray Camar iyo wiilkiisii. Markii ay yimaadeen ayaa wiilkii la dharbaaxay waxa uu Cumar Binu Khadaab ku yiri marka hore intii uu kugu dhuftay in le'eg ku dhufo wiilka Camar, kaddib ayaa la yiri Camarna intii wiilkiisu kugu dhuftay in le'eg ku dhifo waayo sababta uu markii hore wiilka Camar kuu dharbaxayba waxay ahayd aabihiis awgeed oo madax meesha ka ahaa. Taasi waa caddaalad samayn ayuu yiri.

Shareecada Islaamku waxay ku haboon tahay Xilli Kasta


Sh. CabdiRisaaq Takar

Sheekh CabdiRisaaq Takar waxa uu ka hadlay in Shareecada Islaamku ay tahay mid soo jirtey weligeed oo nebiyadii Allah soo diray oo dhan ay dadka ugu yeerayeen Diinta Islaamka, laga soo bilabo Nebi Aadam (cs) ilaa laga soo gaarey Nebi Muxamed (scw) oo lagu khatimay dhammaan anbiyadii Allah soo diray.

Shareecada Islaamku waxay kaga duwan tahay shareecadihii kahoreeyey waxaa lagu soo koobi karaa saddex qodob, ayuu yiri, oo ah.

(1) Xagga waqtiga (samanka) shareecada Islaamku waa mid waareysa, waqti kasta, weligeed, nebi dambe oo la soo diri doona ma jiro, lama nasakhi doono, waa shareeco waari doonta ilaa qiyaamaha.

(2) Xagga nolosha, waa shareeco dhamaystiran dhan kasta oo nolosha bini'aadamka ah.

(3) Xagga Insaanka waa mid caalami ah, goob kasta.

Sh. C/Risaaq waxa uu si guud uga hadlay in diinta Islaamka ay tahay diin Allah ka sugnaatay oo aysan ahayn mid la dhehayo aan hadda tijaabino, balse waa shareeco ay waajib tahay in la raco, Allahna uu bini'aadamka u soo dejiyey.

Shareecada Islaamku waa mid dhamaystir ah, ayuu aad ugu adkeeyey, waa diin Allah ugu talo galay in ay dunida ka jirto ilaa maalinta Qiyamaha. Sidaas daraaded waxay koobeysaa wax kasta oo bini'aadamku u baahan yihiin qarni kasta.

Sh. CabdiRisaaq Takar waxa uu si qoto dheer oo cilmiyaysan uga hadlay sida Allah khaaliqa ah ee koonka abuuray uu raali uga yahay shareecada Islaamka iyo inta ku dhaqanta, iskuna xukunta.

Salaadii Casar & Biririf:::

Halkaas markii la marayey ayaa waxaa soo gashay salaadii casar, markii la tukadey ayaa la qaatay biririf si loo qadeeyo, ama loo cabo casariye. Eeg sawirka hoose dadka oo qadaynaya.


Raggii oo fadhiya kuraasta oo qaxwaynaya/qadaynaya...
(Dumarku dhinaca kale ayey fadhiyeen, sawirkan kama muuqdaan)


Xaayow (Sakariye Aadan) oo ka tirsan SomaliShow TV oo Kaamaradiisa  HDV la kala baxay. kana mid ahaa warbaahinta ka soo qayb gashay kulan diineedkii shanaad ee Minneapolis. | Sept 3, 2005

Siyaad Siciid Saalax oo ka socda Somali TV oo duubaya Mu'tamarka | Sept 3, 2005

Mashruuca Abuubakar:::

Markii laga soo laabtay salaadii casar iyo biririftii waxaa markale la isugu soo laabtay kulankii. Waxaa warbixin laga soo jeediyey halka uu marayo mashruucii Masjid Abuubakar.

Ugu horayn waxaa arrintaas ka war bixiyey CabdulCasiis Maxamuud Sugulle. Waxana sheegay in qaybtii hore ee mashruucu ay guul ku dhammaatay, waxana uu xusay in dhismaha mashruuca si rasmi ah uu ugu soo wareegey gacanta Masjidka. Waxa keliya oo iibki dhismaha lagu iibiyey ka dhiman ayuu yiri $100,000 oo uu sheegay in Insha Allah dhowaan la bixin doono.

Waxa uu xusay muhiimada ay leedahay in laga faa'iideysto dhulkaas iyo dhismahaas kusoo wareegey Masjidka. Waxana uu sheegay in meesha la geeyey Injineero eega qaabka ugu haboon ee loo habayn karo iyo sida loo dhisi karo. Waxana uu xusay in hadda tallaabada ugu horeysa in la bilabo dhismaha. Waxana uu intaas kudaray dhulka mashruucaas ay noqon karaan sida: Masaajid, fasallo wax barasho (Iskuul) iyo Jiim.  


Sh. C/Raxman Sh. Cumar

Sugulle waxa uu magarafoonka kusoo dhoweeye Sh. CabdiRaxman Sh. Cumar oo ah iimamka Masjidka, waxana uu ugu horayn Allah uga baryey qof kasta oo ka qayb qaatay iibinta dhulka mashruuca Abuubakar loo gaday oo ah waqaf ay Muslimiintu leeyihiin. Waxana uu sheegay in Injineeradii ay ku taliyeen in dhismaha ay bixi doonto ilaa $600,000. Taas oo uu yiri intii ka badanayd waa soo wadney waana in insha Allah dhamaystirnaa.

Sh. Cabdiraxmaan waxa uu aad uga mahad celiyey qof kasta oo ka qayb qaatay mashruuca Abuubabakar hir gelidiisiida, iibka dhulka iyo dhismihiisaba. Waxana uu xusuusiyey in booskaasi uu hadda yahay guri Allah, taas oo la og yahay ajarka uu leeyahay qofka ka qayb qaataa dhismaha Masjid. Waxana uu xusay sida ay Muslimiintu wax u qabsan karaan si wada jir ah.

Sh. Cabdiraxmaan waxa uu yiri: Mashruuca badankiisii waa soo wadney ee aan ka qayb qaadano dhamaystirkiisa. Aan Allah dartiis wax ugu sadaqadaysano mashruuca, ayuu yiri.

Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Sheekh Cismaan Madad oo isaguna ka hadlay mashruuca Abuubakar waxana uu yiri: Markii aan arkay mashruucaan waxa ay ahayd arrin aad u farxad badan, waa meel ka koobanaan doonta qayb lagu tukado iyo meel wax lagu baran karo oo ah fasallo iyo Jiim. Maadaama ay magaaladan ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee Maraykanka jooga kuwa ugu badan waa farxad in mashrucaasi hir galo. Waxana uu xusay muhiimada uu mashruucaasi u yeelan doono Muslimiinta Minnesota. Isagoo xusuusiyey in aan maalku ku yaraan sadaqada, sidaas daraadeed waa in aan laga bakhaylin dhamaytirka mashruuca, ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa arrinta mashruuca Abuubakar ka hadlay Sheekh Maxamed Khadar, oo aad dadkii kulanka joogey ugu booriyey in ay sadaqaystaan wixii Allah siiyey si dhismaha mashruuca dhulkiisa la haysto loo bilaabo, oo loo dhamaystiro.


Maahir Shariif

Kaddib waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyey Qareen (Layer) Muslim ah oo magaciisa la yiraahdo Maahir Shariif. Waxana uu talooyin siiyey Musliminta haddii ay hay'adaha qaabilsan ammaanku ay u yimaadaan qof waxa uu qofkaasi xaqa u leyahay iyo waxa ay tahay in uu sameeyo. Isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri: Haddii ay haydaha ammaanku kuu yimaadaan waxaad tiraahdaa ugu horeyn waxaan si xushmad leh u doortay in aanan hadlin, waxaan rabaa marka hore in aan la hadlo qareen (I respectfully choose not to say any thing, I want to talk to a layer first). Haddii lagu yiraahdo waxaan baareynaa/fetisheynaa gurigaaga ama gaarigaaga waxaad tiraahdaa ma u haysataan cadayn (warrant) in aad arrintaas baaritaanka ah samayn kartaan. Xaq ayaad u leedahay inaad ogaatid arrintaas, ayuu yiri.

Maahir Shariif waxa uu yiri: Waxaad tihiin Ameerikaan wanaagsan, muwaadiniin wanaagsan, ameerikaankana waxaa lagu yaqaan in ay xuquuqdooda yaqaanaan.

Salaadii Makhrib:::

Markey saacadu soo gaartey 7:45pm ayaa mar kale kulankii biririf laga qaatay si loo tukado salaada Makhrib. - Dadka aan weligood Woqooyiga Ameerika iman ee qoraalakan akhrista waxaa xusuusineynaa in aan salaadii makhrib aysan naga daahin, balse waqtigu uu dhulkaan is bedelo oo xataa waxaa dhacda xilli makhribka la tukado 9:00pm. Marka Woqooyiga Adduunka la tago waxaa si wanaagsan loo fahmaa aayadaha quraanka ee sheegaya sida Allah uu is dhex geliyo habeenka iyo maalinta, oo waxaad argeysaa xilli habeen ahaan jirtey oo qorraxdu kor taagan tahay.

Salaadii makhrib kadib kulankii ayaa meeshii ka sii socday.

Walaaltinimada Islaamka::


Sh. Max'ed C/raxman

Sh. Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye oo ka hadlay 'walaaltinimada islaamka' waxa uu yiri: Muslimku waa walaalka Muslimka. Waxa uu si faah fahsan uga hadlay sida dadka muslimiinta loo kala qaybiyey oo loogu kala qaybiyey qabiilooyin iyo dalal iyo xuduudo ay dejiyeen gumeystayaal iyo dad neceb wadajirka Muslimiinta. Waxaa qofka Muslimka waajib ku ah in uu u xanuundaso waxa ku dhaca dhammaan dadka Musliniinta meel kasta oo ay joogaan, ayuu yiri.

Waxyaabaha xoojin kara walaaltinimada waxaa kamid ah, ayuu yiri, arimahan:

Isu jeclaansho Allah dartiis: Ugu horayn waxaa muhiim ah in aad ogaatid Islaamnimada aad haystid in ay waajib kaga dhigeyo in aad dhawrtid walaaltinimada. Waana in uu jiraa dareen iimaani oo ah in aad qofka ku jeclaatid Allah dartiis. Waana in aad ku tiraahdid waxaan kugu jeclaaday Allah dartiis. Ma ahan in aad qabiil ku jeclaatid, ama isku midab ama isku dal, balse waa in aad Allah oo keliya dartiis aad ku jeclaatid.

Isa Siin Hadiyaddo: Rasuulka (scw) ayaa laga soo weriyey: hadiyada isa siiya si aad isu jeclaateen. Hadiyad la isa siiyaa shardi ma aha in ay tahay wax qaali ah, waxay noqon karta mid yar lakiin macnawiyan qiime u leh.

Mahad naq: Diinteenu waxay ina baraysaa: Qofkaan dadka u mahad naqin Allah uma mahad naqo. Sidaas daraadeed haddii qof wanaag kuu sameeyo u mahad naq.

Waji furnaan: Qofka Muslimka ah waa in uusan ahaan mid waji qabiix ah, balse waa in uu ahaadaa mid waji furan. Sidoo kale qoyska dhexdiisa waa in ay ahaadaan kuwo isu faraxsan. Tusaale waxa uu u soo qaatay sida ay muhiimka u tahay in ninka iyo xaaskiisu isu hayaan farxad iyo maxabo - marka aad guriga soo gashid adigoo waji furan soo gal, farxad reerkaaga ku salaan, reerkaaguna farxad hakugu soo dhoweeyeen.

Salaanta: Rasuulku waxa uu ina baray inaan salaanta faafino, sidaas daraadeed badinta salaantu waxay ka qayb qaadataa wanaajinta walaaltinimada. Nebigu waxa uu yiri: ma idin sheegaa ficil haddaad samaysaan aad is jeclaaneysaan, waa in aad badisaan salaanta dhexdiina.

Ducada: In aad walaalkaa iyo walaashaa oo aan kula joogin aad u ducaysid. Walaalkaa oo kaa maqan u ducee. Nebigu waxa uu yiri wax kasta oo aad walaalkaa ama walaashaa oo kaa maqan ugu ducaysid waxaa malag kuugu ducaynayaa in adigana uu Allah kusiiyo wixii wanaaga ahaa ee aad ugu ducaysid.

Niyad saafi ah: Waa in aadan wax xumaan ah qalbiga ugu hayn qof walaalkaa ah. Saxaabiga uu Nebi Muxamed (scw) ku tilmaamay Ehelo janno markii la weydiiyey waxa uu ku kasbaday, saxaabigii waxa uu yiri waxaan habeenkii seexdaa aniga oo aan qalbigayga wax xumaan ah ugu hayn qof Muslim ah.

Sh. Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye waxa uu yiri: si aan walaaltinimadu u burburin waa in aysan noqon mid ku dhismin qabiil, wadaniyad, midab, balse waa in ay ahaato mid dar Allah oo keliya ku dhisan, haddii kale walaaltinimadaasi ma waareyso. Waxa kale oo uu yiri waa in la xafido sirta walaalahaa, haddii walaalkaa kuu yimaado oo ku sheegto arrin sir ah haka faafin. Sidoo kale walaalkaa u ceeb astur.

Culimadii kale ee kulanka maanta ka hadlay waxaa kamid ahaa Sheekh Khaliif Macalin oo ka hadlay Caqiiqda Islaamaka iyo Raadka ay ku Leedahay Mujtamaca.


MAALINTII KOOWAAD::

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN |Jimce, Sept 2, 2005:::

Galabnimadii Jimcada swaxaa magaalada Minneapolis ka bilowday kulan diineedkii shanaad ee Woqooyiga Ameerika. Kulankaas oo socon doona saddex maalmood (Jimce, Sabti iyo Axad) waxaa uu ka furmay Minneapolis Convention Center oo ku taal faras magaalaha Minneapolis. Kulankii Jimcda oo aan soo koobnay culmiadii ka hadashay iyo qodobada ay ka hadleen waxa uu u dhacay sidan:

Sida Islaamku u Ilaaliyo Qoyska:::


Sh. C/Raxman Sh. Cumar

Sheekh CabdiRaxmaan Sheekh Cumar ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadlay muhiimada uu Islaamku siiyo dhismaha iyo dhawrista qoyska. Waxana uu tibaaxay waajibaadka ay isku leeyihiin sowjka iyo sowjada oo uu qoysku ka unkamo. Waxana uu sheegay wanaaga kujira is xurmaynta, is tixgelinta, iyo isu naxariisashada labada is qaba sida ay uga qayb qaadato jiritaanka qoyska wanaagsan ee Muslimka ah.

Sh. C/Raxmaan waxa uu xusay dhibaatooyinka lasoo dersa qoysaska ku dhaqan dalalka qurbaha. Waxana uu ku nuux nuux saday muhiimada ay leedahay in haddii qoysku arrin isku qabtaan in ay marka hore dhex dooda ku dadaalaan sidii arrintaas ay u xallin lahaayeen si deggan. Haddii arrintu ay qoyska dhexdiisa ka cakirantona waxaa muhim ah, ayuu yiri, in ay arrinta dhex galaan dadka jecel wanaaga jiritaanka qoyskaas, sida ehelada labada dhinac iyo culimada, waana in loo saaro guddi si arrinta loo turxaan bixiyo si xigmadi ku dheehan tahay. Waxana uu aad ugu adkeeyey in jiritaanka qoyska wanaagsan ee Muslimka ah uu yahay aasaaska bulshada wanaagsan.

Waxa kale oo uu Sh. C/Raxman ka hadlay dhulkan qurbaha looga yaqaan "Abuse" ama "ku tagri fal", taas oo uu sheegay in macnaha ay dadka cilmi nafsiga dersa ay ku macneeyeen in mid kamid ah labada is qaba uu ku dhibaataynayo kankale si maskaxiyan ah, xoog ah ama dhaqaale ah. Arrintaas oo uu sheegay in ay tahay mid aan sinaba u bannanayn. Waxana uu xusay sida ay Diinta Islaamku u dhawrtay qoyska, asagoo ku celiyey in wanaag ku wada noolaanshuhu uu yahay asaaska qoyska.

Ugu dambayntii Sheekh CabdriRaxmaan waxa uu qoysaska Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan kula taliyey in ay raacaan amarka Allah iyo sunada Rasuulka (scw), isu sabraan, isu naxariistaan, is ixtiraamaan si loo helo bulsho caafimaad qabta oo Allah raali ka yahay.

Raacida Kitaabka iyo Sunnada:::


Sh. Ibraahim Sh. Max'ed

Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamed oo ka hadlay "Ciqaabta qofka khilaafa Kitaabka iyo Sunnada" waxa uu aad ugu dheeraaday siyaabaha lagu mutaysto ciqaabta oo ay kamid yihiin: khilaafida caqiiqada, macsida, iyo bidcada. Aad ayuuna arrimahas uga digey.

Sh. Ibraahim waxa uu aad uga hadlay quruumihii iyo dadkii ciqaabta la mariyey markii ay khilaafeen Amarka Allah, waxana uu xusay: Qoomkii Saalax, qoonkii Luud, Fircoon, qoomkii lagu imtixaanay kalluunka Sabtida iyo qoomkii Nebi Muuse, Asxaabu Fiil (kuwii rabey inay Kacbada ku dumiyaan maroodiyaasha) - waxana uu xusay sidii quruumahaasi ay ku kasbadeen ciqaabta in ahayd amarkii Allah oo ay diideen ama canaadeen.

Waxa kale oo uu xusay sidii loo ciqaabay in badan oo Allah ku jees jeesay ama is cajeb geliyey oo ilaawey in awooda ama mansabka ay gaareen uu Allah gaarsiiyey, iyo marki ay Allah himameen ama canaadi noqdeenla sida loo ciqaabay.

Sh. Ibraahim waxa uu aad uga hadlay ciqaabta ay mudanayaan dadka diinta ka hor yimaada iyo kuwa dhibaatada u geysta culimada, sida kuwa qoraalada dhibatada hor seedaya ka qora culimada Islaamka. Waxana uu xusay sida Allah ciqaabtiisu ay u degdeg badan tahay qofkii xad gudub la yimadana Allah ku ciqaabi doono.


Waqtigii Biririfta: Dumarka oo salaadii casar soo tukanaya

Waqtigii biririfta: Ragga oo salaada casar soo tukanaya

Akhlaaqda Islaamka iyo Raadka ay ku leedahay Ummada:::


Sh. Cismaan Madad

Sheekh Cismaan Madad oo ka hadlaya akhlaaqda wanaagsan waxa uu yiri in Nebi Muxamed (scw) uu sheegay in loo soo diray in uu dhamaystiro akhlaqda wanaagsan, sidaas awgeedna ay akhlaada wanaagsani muhiimad aad iyo aad u weyn ku leedahay Islaamka. Asagoo hadalkaas sii xoojinayana Sh. Cismaan waxa uu yiri sida ay diinta Islaamku ina bartay caqiiqada wanaagsan kama maaranto akhlaaqda wanaagsan. Waxana uu xusay sida diintu inoo bartay in qofku ama uu wax wanaagsan ku hadlo ama uu iska aamuso.

Sh. Cismaan waxa uu sheegay in akhlaaq xumadu ay keento: cudurro, dhibaatooyin arrimaah Ijtimaciga ah, caruuta oo xumaata iyo ciqaab la mutaysto.

Sh. Cismaan waxa uu aad ugu xeel dheeraaday akhlaaqdii wanaagsanayd ee Rasuulka Nebi Muxamed (scw) oo ay tahay in aan ku dayano, wanaaga, dulqaadka, sida wanaagsan ee Nebigu ula dhaqmi jirey dhammaan asxaabadiisii iyo eheladiisii , sabarkii nebiga iyo is cafiska.

Xiriirinta Riximka (Qaraabada):::


Sh. Maxamed Khadar

Sheekh Maxamed Khadar oo ka hadlaya xiriirinta riximka (qaraabada) waxa uu yiri marka hore waxaa muhiim ah in la barto riximka la xiriirinayo in uu yahay: Qaraabada dhanka hooyaha iyo qaraabada dhanka aabaha. Sida loo xiriirinayo waa in loo samafalo, waxna la taro, la booqdo, laga war hayo, loo muujiyo maxabo iyo kal gacal, la weydiiyo xaaladooda, lagana war hayo.

Qarabadaadu haddey ku gooyaan xataaa waa in adigu aad xiriirisid, ayuu yiri.

Sh. Maxamed Khadar waxa uu sheegay in ay kala duwan yihiin qabiilka oo wax loo ururiyo iyo qaraabada oo la xiriiriyo.

Waxana uu aad u lafa guray muhiimada xiriirinta riximka, iyo in ajar badan laga helayo laguna liibaanayo.

Qalbiga Wanaagsan:::


Sh. C/Risaaq Xaashi

Sheekh C/Risaaq Xaashi oo ka hadlaya muhiimada uu leeyahay qalbiga oo saafi laga dhigo waxa uu yiri: Qalbiga saafida ah waa kan bad-baadey. Waxana uu aad ugu xeel dheeraaday muhiimda ay leedahay arrintaasi, waxana uu yiri: Waa in qalbiga laga saaro xasadka, xiqdiga, shirqoolka, iyo nacaybka. Waana in aan wax xumaan ah qalbiga loogu hayn qof Muslim ah.

Waxa kale oo uu Sh. C/Risaaq aad ugu dheeraaday muhiimada sabarka, oo haddii xataa wax lagaa sheego ay tahay inaad ku sabartid. Waxana uu yiri: Carrabkaaga iyo qalbigaaga qof Muslim ah wax ha ugu qaadin. Wax  aadan shaqo ku lahayn ha gelin. Ka fogow waxyaabaha aan macnaha lahayn, sida daawashada turubka, dhegeysiga sheekada kuwa jaadka ruugga, iwm. Qalbigaagana nadiifi.

Waxa uu Sh. C/Risaaq sheegay sida lagu gaaro karo qalbi nadiif ama saliim ah in ay tahay : Allah ka cabsi iyo in Allah laga baryo in uu qalbiga kuu wanaajiyo, waxa kale oo sidaas lagu gaaraa ayuu yiri cafis.

Naxariista Islaamka:::

Sheekh Maxamed Khadar oo si cilmiyaysan uga hadlay Naxariista caamka ah ee Islaamka waxa uu yiri: Haddii adduunka oo dhami ogaan lahaayeen naxariista Islaamka, dadka oo dhami waa soo Islaami lahaayeen. Muslimiinta ayaana laga rabaa in ay dunida u muujiyaan naxariista Islaamka. Waxana uu xusay in aan Allah u naxariisan qofka aan bini aadamka u naxariisan. Waxana uu dadka ku booriyey muhiimada ay leedahay in loo naxariisto wax kasta oo naf leh oo Allah abuuray (Bini'aadam iyo xayawaan).

Sh. Maxamed Khadar waxa uu siweyn uga hadlay Naxariista caamka ah ee Islaamka iyo tan khaaska u ah Muslimiinta. Waxana uu xusay naxariista Allah soo dejiyey ee ah xadaynta in qofkii wax dila laga qisaaso, kii wax xadan xukunka shareecada la mariyo ay tahay nolosha iyo nasteexda bini aadamka sida aan k abaranay diinteena Islaamka. Caddaalada iyo garsoorka ayaa sidaas ku jirta, ayuu yiri.

Waxa uu Sh. Maxamed Khadar aad uga hadlay muhiimada ay leedahay in loo naxariisto agoonta iyo dadka aan awooda u lahayn in ay xaajadooda keligood maaraysan karaan (xoog ama dhimir ahaan), in aan qofka lagu nicin in uu yahay qof xooggiisa ama dhimirkiisu dhiman yahay. Waa in dadka sidaas ku sifooba aad loo ixtiraamaa, ayuu yiri.

Waxaa qoraalkaas soo tebiyey SomaliTalk.com.

Jadwalka Sabtida iyo Axada hoos ka akhri::

Waqtiga biririfta......

Faafin: SomaliTalk.com | 2-4, 2005

JADWALKII MUTAMARKA KA EEG HALKAN... GUJI:::


XAFLADII LOO DHIGAY LASOO WAREEGIDA DHULKA LOO GADAY MASHRUUCA ABUUBAKAR

Heshiiska la kala wareegida xarunta waxa uu dhacay kaddib markii maamulka masjidku ay halkaas ku bixiyeen lacag dhan 1,580,000 (waxaana mulkiilayaashu hore damaanad ugu haysteen 20,000) sidaasna ay hadda ku hayataan 1,600,000. (Waxaa dhiman 100,000 - wararka u gu dambeeyey ee masjidku waxay shaaca ka qaadeen in ilaa hadda la helay 1,650,000, sidaasna ay ku dhiman tahay 50,000 oo keliya.)... GUJI...



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD