SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA
Qaarada Africa iyo Gumaystayaashii Taabay 
(Qaybta 1)

W/Q, Ahmed Iid Aadan | June 20, 2003
     ahmediid@hotmail.com 
            India
 

KAAH

 
      Qaarada Afrika oo ah qaarada labaad ee ugu wayn aduunka waxa bedkeeda 
lagu qiyaasay 1,1700,000 mayl oo laba jibaaran,qaaradu waxay leedahay cimilo 
kala duwan oo u badan dhexdhexaad iyo dhul carro san kuwaas oo suura galiyay 
inay hodan ku noqoto khayraadka kala duwan,sida xoolaha nool,wax soo saarka 
beeraha,khayraadka badda iyo macaadinta kala gedisan oo ay kamid yihiin 
dheeman ,dahabka, koberka, iwm.

Qaarada Africa dhulkeeda oo aad u balaadhan iyo dadkeeda oo aan sidii loo baahnaa uga faydaysan khayraadkeeda aqoon yari hawgu wacnaato ama dadaal la,aanba ee ayaa sabab u noqotay muddo fog ilaa maanta in aan lasoo saarin khayraad badan oo dabiici ah oo ay qani kutahay ,waana halka uu ka yimi magaca ah qaaradii dihnayd oo mudo badan loogu yeedhi jiray.

Qarnigii 15aad badhtamihiisii baa portuguese ku bilaabeen hordhicii waxay ku tilmaameen ganacsi ay la yeelan doonaan dadwaynaha reer africa ee daganaa Africada galbeed iyagoo wakhtigaas xarumo yar yar oo ganacsi ka samaystay xeebaha galbeed ee Africa qaarkood.muddo yar kadib markii uu portugese ku bilaabay ganacsigaas yar ayay yurubtii kale oo dhexdooda tartan ka jiray ogaadeen talaabadaas cusub ee portuguese ku dhaqaaqay taasoo keentay in ay ayaguna ganacsi kaas lamid ah ka bilaabaan, waxaana kamid ahaa wadamada habkaa kaga dayday portugeseka wadamada ay kamid ahaayeen Spain,Holland iyo kuwa kale,laakiin wadamadaas oo idili waxay ganacsigaas bilaabeen intii aan Africa la sahamin, sidaas darteed aqoon badan xiligaas uma ay lahayn wadamadaasu qaarad waynta Africa, baaxadeeda iyo khayraadkeedaba.

Mudadii u dhexaysay qarnigii 15aad ilaa horaantii qarnigii 19aad wadamada reer yurub wax wara oo la tilmaami karo kamay haysan Africa , marka laga reebo xeebaha galbeed oo ay tira yar oo kamid ahi ay joogeen sidaan kor kusoo sheegay,laakiin markii lasoo gaadhay badhtamihii isla qarnigii 19aad bay si rasmi ah u sahamiyeen Africa,xiligaas oo ay meelo kamida africa yimaadeen laba nin oo midi ahaa ingiriis ka kalena ahaa suxufi u dhashay holland,labadaas nin markii ay laabteen waxay wadamadii reer yurub u sheegeen inay soo arkeen dhulwayne ilaha dhaqaale hodan ku ah iyagoo dadkii africa daganaana ku tilmaamay dad kadambeeya dadyawgii ku dhaqnaa qaaradihii kale ee aduunka.Intaasu markii ay dhacday,wadammo badan oo reer yurub ahaa baa bilaabay haloosi iyo inay ku tallamaansidii ay u qabsan lahaayeen qaarada africa ee hodanka ku ah ilaahas dhaqaale,ganacsato badan oo ay ku jiraan dadkii isaga gooshi jiray wadamada aduunka ayaa sidoo kale u riyaaqay warkaas.......

AKHRI: QAYBTA 2aad...... GUJI..HALKAN

 

 W/Q, Ahmed Iid Aadan | June 20, 2003
     ahmediid@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan,  

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD