SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Warqad Furan

Soomaaliya iyo Itoobiya dan ma wadaagi karaan?  

Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com 

December 1, 2001

”Xabashi bayna aqooninee wallee inayna ku degdegeen, waligeedba qofka ugu dhaw unbay dishaa markay soomaali noqoto, iyadoon u kala aaba-yeelin in qofkaasi uu yahay midkii wax yeelay ama mid kale oo aan waligeedba daanno u gaysanin”, sidaas waxaa yidhi Cumar Yuusuf Xareed oo 21 jir ah. 

Hadalkaasi wuxuu ahaa falcelintii ugu horraysay ee Cumar uu ka bixiyo war markaas loo sheegay oo tilmaamaya in cutubyo ka tirsan ciidammada Itoobiya ay soo galeen magaalada Gaalkacyo.

Cumar, oo wajigiisa uu xanaaq iyo naxdin isku dheehan ka muuqdo, ayaa mar kale hadalkii boobay oo yidhi, isagoo hadalka googoynaya ”Miyay illobeen hadalmurtiyeedkii ahaa, nin Abeeso koriyow adigaa u aayiyee, axdi ma laha xabshidu lagu aaminaayee”. 

Cumar Yuusuf Xareed wuxuu ka mid ahaa koox soomaali ah oo wax ka barta mid ka mid ah dugsiyada luqadda dheenishka lagu barto ee magaalada Kobanhegan ee dalka Denmark, kuwaasoo si wayn dhagaha u raaricinayay nin wargaleen ah oo soo ogaaday in goor aan fogayn ay ciidammo itoobiyaan ah oo aad u hubaysan soo galeen magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo laga soo sheegay inay martiqaad ka heleen hooggaamiyihii hore ee Puntalnd C/llaahi Yuusuf Axmed. 

In kastoo dhalinyarada soomaalida ah ee halkaas ku sugnayd ay markii hore si hallaasi ah u sheekaysanayeen, oo hadalka si wanaagsan u qaybsanayeen haddana wax wayn ayaa iska beddalay jawigii ay dhalinyaradaasi ku sugnaayeen. 

Qaar ka mid ah waxaad wajigooda ka akhrisan karaysay inay aad uga xumaadeen, isla markaana ay ka dhiidhiyeen in ciidammada Itoobiya ay xalaashadaan ciidda soomaaliyeed oo dhicay doonayaan ay u dhex qaadayaan, lagana yaababa in cidday doonayaan ay dalka Soomaaliya dhexdiisa ka soo qabsadaan. 

Qaar kale ayaa muujiyay dareen isku jira oo, in kastoo ayna caddaynin inay dhinaca Itoobiya u janjeedhaan, haddana isku dayay inay cudurdaarro badan u sameeyaan soo gelidda ciidammadaasi ay soo galeen magaalada Gaalkacyo, iyagoo tuhun u soo jeedinaya dhiancyo badan oo Soomaaliya ka mid ah, tilmaamayana in denbiyada ay shacabka  soomaaliyeed ka galaan ay yihiin kuwo ka xun oo bulshada uga daran ciidammada Itoobiya ee barriba iska laaban doona. 

Qaar kale oo dhalinyaradaas ka mid ah waxay iyagu u muuqdeen kuwo kohanaya warka meesha la soo dhex dhigay, iyagoo u muuqday inay Soomaaliyaba quus ka yihiin, sidaas darteed ayna jeclayn in arrimeheeda lagu soo hadalqaado. 

Dareenka dhalinyaradaas ee kala jeeda wuxuu si fiican uga turjumayaa wadciga siyaasadeed ee qallafsan ee Soomaaliya ay ku sugnayd dhawr iyo tobankii sano ee ugu denbeeyay.

Bulshada soomaaliyeedna waxay xaqiiqdii u kala qaybsan tahay bulshooyin yaryar oo ku dhax haftay dhalanteedka siyaasadda qabiilka oo aan lahayn barnaamij qeexan oo ujeeddo iyo yool sugan leh, isla markaana aan ka turjumi karin dareenka bulshada ku abtirsata, baahideedana aan dabooli karin. 

Bulshadii soomaaliyeed ee la aqoon jiray waxaa hadheeyay bulshooyinka yaryar ee ay foodda ku wataan kooxaha magacyada badan leh ee dalka Soomaaliya ka jira – hooggaamiye kooxeed, qabqable dagaal, dagaal ooge, madaxwayne is-magacaabay iyo madaxwayne dawlad aan jirin - intuba waxay xirfad ka dhigteen abaabulidda qabiilka iyo jihaynta dadka aan waaya-aragga ahayn oo ay u isticmaalaan gaadhidda danahooda gaarka ah. 

Waxaan ka warhaynnaa dhibaatadii dhaca, dilka iyo kufsiga lahayd ee bulshada soomaaliyeed soo martay, taasoo ay masuul ka ahaayeen kooxo budhcad ah oo kursi iyo maamul u dagaallamaya, kuwaasoo isticmaala qaab kasta oo ay danahooda ku gaadhi karaan. 

Hase yeeshee xaaladda Soomaaliya marba heer ayay maraysay, mar waxay ku sugnayd is-qalasho, marna waxay ku sugnayd is-boob, marna waxay ku sugnayd is-xadid iyo is-afduub.

Dhacdooyinkaa taxanaha ahna waxay mid waliba ka turjumaysaa taariikh Soomaaliya soo martay, in kastoo ay sii kala madoobaayeen, xanuunkoodu uu sii kala badnaa. 

Hase yeeshee dhibaatada casharro badan ayaa laga faa’iiday, bulshada soomaaliyeedna waxay beryihii denbe u muuqatay mid ka aflaxday haydaartooyinkii iyo hagardaamooyinkii soo maray, sidaas darteed waxaa beryihii denbe oo dhan soo baxayay codad badan oo diiddan dagaalka ay magacyo-badanayaashu horkacayaan ee qabiilka u adeegsanayaan. 

Waxaa xoogaysatay bulshadii rayadka ahayd, gaar ahaan intii ka denbaysay qabashadii shirkii nabadaynta ee Carta, waxaana qabiilka dhexdiisii ka billowday kacdoon diiddan siyaasadda dagaal-oogidda, taasoo keentay in qabiilkii uu madaxyo badan yeesho oo awooddii lala qaybsado hooggaamiye kooxeedyadii, iyadoo aan xabbad lagu ridin, balse la maalgeliyay dareenkii bulshada ee xabbadda iyo dhimashada ka daalay. 

Arrintaasi waxay soo koobtay baaxaddii awoodeed ee hooggaamiye kooxeedyada iyo intii la halmaasha ay bulshada ku dhex lahaayeen, waxaana muuqatay in cimrigii dagaal oogiddu uu gabaabsi yahay, sidaas darteed waxaa billaabatay marxalad hor leh oo ah in hooggaamiye waliba uu raadiyo tabtii uu ku badbaadi lahaa mar haddii ay muuqatay in dhaga-adayg badani uu ka yimid dhinicii qabiilka oo ahaa saldhigga kaliya ee ay ka soo duulayeen hooggaamiyayaasha (siyaasad maroorsiga) ee Soomaaliya. 

Irridda kaliya ee furan waxay noqotay in xulufo dhaw laga raadsado caalamka intiisa kale (mar haddii qabiilkii dayr laga taagan yahay), si markaas loo abuuro awood siyaasad dibadda ah ku xidhan oo qabiilka laftiisaba la gorgortanta, soomaalida inteeda kalana la ficiltanta. 

Hooggaamiye kasta wuxuu tuubbada dhinac kaga ritay dawladda Itoobiya oo dano taariikhi ah ka leh dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaan wada ognahay in hooggaamiye kooxeed kasta oo Soomaaliya ka jira - ha yaraado hase waynaadee - uu qaab uun Itoobiya ugu xidhan yahay.

Kuwo yar oo fara-ku-tiris ah ayaan ku jirin. 

Waa laga yaabaa inay u kala horreeyeen oo mudnaanta (ama isyaanada) kala leeyihiin, hase yeeshee mid waliba dhiniciisa ayuu xaruunta Addis Ababa kaga soo arooraa, weelka ay wataan - in kastoo loo kala badiyo - haddana isku wax unbaa loogu ridaa.

{Yaan qaran soomaaliyeed la dhisin, soomaaliduna dib isugu soo noqonin}. 

Dawladda ku meelgaadhka ah lafteeda - sida muuqata - kama madhna rajada ah in Itoobiya ay dhabarka ka taabato oo ku taageerto hanashada awoodda Soomaaliya, waxaana arrintaas caddayn u ah in labadii mar ee wafdiga muhiimka ah loo dirayba ay noqotay tallaabadii ugu horraysay ee wafdigu qaado inuu Itoobiya xaal siiyo oo qiro in Itoobiya ayna wax xadgudub ah ku samaynin dalka Soomaaliya, arrintaasoo yaab ku abuurtay dad badan oo markii hore quud-darraynayay in dawladda ku meelgaadhka ah ayna ahayn koox dan gaar ah wadata, balse ay yihiin dad isu taagay danaha soomaaliyeed. 

Hase yeeshee nasiibdarro dawladda ku meelgaadhka ah wax nacfi ah oo wayn kuma hesho mawqifkeeda ay beddasho, sababtoo ah mawqif beddaliddu Itoobiya uma horseedayso inay gaadho danaha ay Soomaaliya ka leedahay, oo ah sida la wada ogyahay in dawlad awood kula tartami karta ayna ka dhalanin dalka Soomaaliya. 

Sidaas darteed danta Itoobiya iyo danta dawladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ama koox kasta oo si dhab ah u danaynaysa mustaqblka Soomaaliya isuma iman karaan, ismana waafaqi karaan, sababtuna waa iyadoon meel kalaba la eegin in Itoobiya ay rumaysan tahay in jiritaankeeda iyo qarannimadeeduba ay ku xidhan yihiin inaan la helin dal soomaaliyeed oo u taagan danaha shacabka soomaaliyeed, oo ay ku jiraan danaha dadka soomaaliyeed ee deggan gobolka Ogadenya ee ay Itoobiya gumaysato, kaasoo ay mar walba wadnaha farta kaga hayso in xoogagga xorriyadda u dagaallamaya ay maalin maalmaha ka mid ah taageero ka helaan dhinaca Soomaaliya, sidii horayba u dhacday. 

Hase yeeshee hooggaamiyayaasha soomaalidu – dawladda iyo kooxahaba – taageerada (haddiiba ay jirto) ay Itoobiya ka helaan ma ku gaadhi karaan danahooda, muddo intee dhan bayse socon?!!!.

WQ. Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com 

FAAFIN:  December 1, 2001, SomaliTalk.com

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga kusaxiixan

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD