SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHEEKO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 14, 2004

“Inaad isoo Booqato ayaan Rabaa.. Aniga Kuma soo Booqan karo!”- Sheeko (Qaybtii 2aad)
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Mudo saacad kudhow ayuu meesha aamus hareeyey; xaaladeydana uma muuqato khatar sidaas looga walwalo sida ay aniga ila aheyd.

Xaaladaas walwalka leh marka aan marayo ayaan dib uxasuustey waayo waayo iyo wixii aan kuxisaabtamayey iyo noolasha mustaqbalka. Dhankale, waxaan layaabanahey dhakhaatiirtan dhabanada haysata! Waxaa jira dareen xaga caafimaadkeyga ah!

Hadana waxaan iskudayey inaan is-hilmaansiiyo waxa dhakhaatiirta ka aamusiyey. “ Waligood waxay buun-buuniyaan waxaan sidaas uweyneyn. Midkasta oo ayaga kamid ah wuxuu rabaa inuu soo bandhigo aqoontiisa! Raajo (x-ray)? Arintu aad bay usahlantahey; xabo ama labo xabo oo panadol ah, iyo ayagoo ii qora daawo yar oo indhaha ah, kadibna arintu intaas ha kudhamaato” Ayaan isku oranayey, anigoo u arkayey inay arintu kasahlantahey sida ay ulafajaxsanyihiin!

Waxaan isku dayey bal inaan fahmo waxa ay dhakhaatiirada leeyihiin laakinse sida aan horey usoo sheegeyba way igu adkaatey waxa ay leeyihiin maadama ay kuwada hadlayaan af Cajabi. Doodii iyo falanqeyntii dhakhatiirta ayaa u ekaatey mid gaabsi ah ilaa uu aamus qabsadey qolka. Waxay umuuqdeen inaay xaaladu ku adkaatey!

Dhakhtarkii 1aad ayaa baxay…. Kii 2abaad..kii 3xaad ilaa ay kusoo hartey goobtii 2 dhakhtar oo kali ah.

Midkood ayaa igu yiri: “Dhageyso Abdullahi adigu waad kaweyntahey inaan kaa codsano inaad keento waalidka!” Kheyr insha’Allah, doctor. Maxaad kawadaa? “Taqaariirta iyo raajada laqaadeyba waxaay kutusinaysa inuu jiro barar xaga maskaxda ah! Sixuna wuu usii siyaadayaa, wuxuu cirbinayaa xididada indha xaga hoose. Waqtikastana wuxuu halis uyahey inuu qarxo oo markaasi ay kugu dhacdo indha la’aan, kadibna uu usii gudbo maskaxda oo aad markaasi udhimatid!” Ayuu iigu sheegey sigeesinimo iyo ixtiraam kujirta.

Kadibna wuu aamusay dhakhtarkii! Haa wuu aamusay… haseyeeshe kalmadiisii ugu danbeysay ayaa dhagaheyga kusii labo shubmaya….waa dhimaneysaa…waad dhimaneysaa…. Kalmad kaxanuun badan ima soo marin! Miyaan dhimanayaa? Haa aan dhintey dhalanyaronimadeydii…! Mishaarkeygii… ! Aabahey…hooyadey… waan dhimanaya! Qayli ayaan afka furtey!

“Yaa doctor…maxay…? Sidey…? Goorma…?Madax barar…? Maxaa igu ridey? Maxaa keena? Ma anigoo intaan jira! Ilaaheybaan kamagan galey madax barar !…Cancer…? LAA XOWLA WALA QUWATA ILLA BILLAHI!

Haa waa waram(madax barar) waana lagama maarmaan in sideg deg ah loo daaweeyo….daqiiqad kasta.. bal secondkasta oo kudhaafa maslaxad kuguma jirta….Caawa ayaan kujiifineyna, waxaan kaa qaadeyna wixii baritan ee laxariira arintan kadibna waa laguqalaya, insha’Allah!” Ayuu iigu jawaabay isagoo ay kamuqato casiima iyo daganaasho, dhana masaxaya okiyaalihiisa, indhahana ku rog-rogaya waraaqaha horyeela.

Jirka oo dhan ayaa isu rogay wada dhago…. Dhaga waxna dhageysta waxna xifdiyo. Kadibna hadalkiisii ayuu sii watey oo wuxuu yiri:

Samir… oo Allah kaga ajir gurubso… adiga kaliga matihid cida cudurkan kudhacay ee laqalay. Dad farabadan ayaan horey uqaley oo Allah caafiyey! Adigu waxaad tahey nin da’ayar oo Allah rumaysan oo hadana caaqil ah. Uma baahno qof adiga oo kale ah in loo dardaarmo samir iyo sugnaansho

Hadalkiisii ayuu sii watey isagoo isoo eegaya laakinse aniga labada indhood ayaan kutaagayaa dhakhtarka…haa waan dhageysanayey dhamaan waxa uu leeyahey oo dhan, ima dhaafin walaa kalmad.

Hadalkiisa ayaa iska key dhex galey, waxaay maskaxda qabatey oo ay kucel-celineysa: ‘waram… cancer…qalliin…

Maxay arintu kudanbeyn doonta haddii Allah ii qorey inaan kudhinta marka layqalayo? Maxay sameyn doonta hooyadey? Muxuusa sameynaya aabahey oo iminka kor udhaafey 70 kii? Iyo walaalaheyga yar-yarka ah.

Intaas waxaa iga daran sida aan kaliyey qabriga ugalidoona? Sideen kudhaafi doona SIRAADKA ? Sidee…? Sidee..? Meeyey waxyaabihii aan qorsheynayey? Shahaadooyinkii? Guurkii? Shaqadii marka dhoweyd lii qorey? Sidey arinta deg dega ah udhacdey? Su’aalo farabadan ayaa kuwareeganaya maskaxdeyda. Bad aan xeeb laheyn!

Waxaan bilaabey inaan isciilkanbiyo(nadaamooda) wixii aan ka gaabiyey ee xaqa Allah ahaa ! Tola’ay haddii aan wax uhormarsanlahaa Aakhiradeyda! Ma waxaan aadaya Aakhiro anigoo fara maran oo waxba hormarsan. Adduunyo deg-deg badanaa! Haa!

Inyar haddii ay kaa qosliso, waxbadana waa kaa oohinaysa! Haddii ay kaa farxiso maalmo, sanada badan ayey kumurug galinaysa! Haa Adunya!.

Intii aan fara fiiq-fiiqa iyo nadamada kujirey, ayuu soo galey dhakhtarkii oo igu yiri: “Waa kuwan waraaqihii qalniinka! Saxiix si sariir lagugu qabto iyo howlaha kale ee laxariira!”

Afka ayaan taagay! Dhakhtarkii umbaan sidaas usoo fiirinaya mana hadlaya!

Hoo waraaqaha… qabo..! Maxaa kugu dhacay?” Maya, masaxiixayo !

Doctor: Maxaa kugu dhacay? Miyaad waalantahey? Faa’idada adiga ayaa iska leh ee anaga kama heleyno! Sidoo kale, dhibka kayimaado adiga ayaa iska leh.! Ha umaleynin inaan anagu waxaan qabano weyney oo aan raadineyno madaxaaga! Arintu waa humiin, waana khatar ee lasoco!

Mayya.. Mayya… masaxiixayo!

Doctor: Almuhiim, awood umalihin inaan kugu qasabno! Laakinse, saxiix waraaqdan inaan anaga mas’uul ka aheyn wixii kugu yimaado!

Waraaqdii ayaan soo qaadey si’aan usaxiixo, mise waxaa kuqoran, “Waxaan saxiixaya anigoon laygu qasbin! Aniga ayaana mas’uul ka aha wixii igu yimaado!” iyo wax lamid ah. Intaan saxiix dhag kusiiyey ayaan albaabka kadegay!

Xageen aadaa? Guriga oo hooyadey iyo aabahey ayaan usheegaa? Mise dhakhtarkii ayaan kulaabtaa? Mise dhakhtar kale ayaan doontaa ? LAA XOWLA WALA QUWATA ILLA BILLAHI !

Fikir iyo qorshayn (maamin) kadib waxaan go’aansadey inaan aado dhakhtar kale.

QAYBTA EMERGENCY: Asalaamu aleykum?… Yaa doctor, waxaan laliita madax xanuun iyo araga oo sii daciifaya!

Baaritaan deg deg ah kadib wuxuu igu yiri: “Waxan ubaahanahey baaritan heer sare ah (x-ray), taasina kama suurto galeyso halkan. Waxaad aada dhakhtar gaar ah, kadibna igu soo celi waxa ay noqoto natiijada” Wuxuuna ii raaciyey: “Isku day inaad kukeentid sida ugu dhakhsaha badan

Gaariga ayaan kusoo noqday, waxaana soo qaadey sawiradii aan horey uhayey kadibna kusoo laabtey.

Cajiib! Maxaa kugu dhacay oo aad usoo deg degtay! Sow kuma oran soo samee x-ray?” Ayuu igu yiri doctorkii oo layaaban waxa isoo celiyey. Waxaan usheegey inaay waraaqaha diyaar yihiin oo aan horey usoo sameeyey intaan imin kahor! Kadibna waan hor dhigey!

Inta uu dhakhtar akhriyey waraaqihii iyo raajadii, ayaan isku tuurey kursi meesha yaaley kadib markii aan qaadiwaayey lugaha.

Dhankale, aad iyo aad ayaan uga daganaa sidii hore oo waxaad mooda inuu sii yaraanayo walwalkii faraha badnaa.

Waxaan bilaabey inaan Allah xasuusto. Adkaarta ayaan afka saarey. Waxaan xasuustey dardaarankii Nabiga Salallaahu caleyhi wasalim uu udardaarmayey ina adeerkiis Ibnu Cumar: “Ogow wixii kugu dhaca inuusan kuseegi laheyn, wixii ku gafana kuguma dhicilaheyn! Ogow inuu gargaarku kuxiranyahey samirka….Xadith”

Arintii ayaa ila sahlanaatey markan. ‘Aniga ma’ahi qofkii ugu horeeyey ee cudurkan lagu sheego; mana ahi qofka ugu danbeeya ee lagu sheegi doona cudurkan.

Hooyadey, aabahey iyo walaalahey maalin ama labo m/mood ayaan oynayaan kadibna waa iska key hilmaami doonaan!

Si deg-deg ah ayuu dhakhtarkii uboobey telephoneka ; wuxuuna dalbadey dhowr dhakhtar oo ah kuwa ugu sareeya meesha. Waxyar kadib waay soo wada galeen. Waxaay udhaqaaqeen inaay waraaqihii kawaada hadlaan [kaniqaashan], iyo sidii ay kayeeli lahaayeen arintan!

Waxaan ufadhiyaa waa iska cadahey ‘jawaab naxdin leh’ hase ahaatee ma khal-khalsani sidii hore.

Waxyar haddii aan fadhiyey ayaan bilaabey inaan isweydiyo “Horta muxuu iga soo dooney cudurkan(xun) , dadku waa badan yahey. Laa ilaahi ilallaha. Waxaan isugu beer qaboojiyey “ Waa intaas oo dhakhtarkii hore uu qaldamey oo aan waxba qabin!.”

Waxaa ila dheeraatey jawaabta dhakhtarka. Xagiisa intaan eegey , ayaan weydiiyey “Doctor, bashir, kheyr Insha’Allah!”

“Waxyar isug , samir” Ayuu iga codsadey. Kadibna wuu iga tagey. Saaxiibadiis ayuu kula hadlaya luuqad aan Carabi aheyn.

Markii ay saacad kasoo wareegtey , ayey saaxiibadiis mid mid ubaxeen. Kadibna inta igu soo jeestey ayuu yiri: “ Yaa Abdullahi, waxaad tahey qof rumaysan in ay wax waliba kudhacaan Qadarta Allah iyo Awoodiisa. Warbixinadii iyo x-ray intaba waxay tilmaamayaan inaad qabtid nooc kamid ah Cancer! Xowli xad dhaaf ahna wuu kusocda. Saacadba , saacada kadanbeysa ayuu sii huraya. Dhiiga oo kugu furma, indha la’aan iyo geeri ayaad qarka usaarantahey. Sidaasi daraadeed waxaan kugula talinaya inaad dhakhtarka gashid oo aad gashid qalnin deg-deg ah caawa! Lafaha madaxa qeyb kamid ah ayaan bixinayna, kadibna cudurka ayaa ladaweynaya, hadana waan kucelineyna lafta meesheedii” Kadibna wuu iska aamusay.

Warkii ayaan ku aqbaley bilaa daradud(shakila’aan) waayo horey ayaan usoo dhameystey naxdintan. Wuxuu sheegey wixii horey la’iigu sheegey ee aan ogaa. Dhakhtarkii ayaa ila yaabey waayo lama socdo inaan horey dhakhtar kale usoo marey oo aan soo naxdin gooyey!

Telephoneka inta qaadey ayaan laxariirey Aabahey!

Waxaa yimid aabahey oo 70 kor udhaafey, maadaama uu siwanaagsan wax u arkeyn ayuu soo kaxeystey darawal. Markii uu arkey wajigeyga waxa kamuuqda ayuu argagaxay oo yiri: “Maxaa ku keeney halkan? Sababtu….?”

Waxaan usheegey inaan madaxa kasheeganayey iyo inaan aaday dhakhtar. Markii la’ibaareyna layga heley cudurkan cancer. Waxaana la ii sheegey inaan ubaahaney qalniin deg deg ah.

Markii uu maqley hadaladaas ayuu ashahaatey “LAA ILAHA ILALLAHA! Waram…Waram…” Kadib dhulka ayuu fariistey isagoo ku cel-celinayo “INNA LILLAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUN!

“Hadaba haddii ay sidaas tahey waxaan kuu direyna America oo walaalka ayaa lagaa daba geynaya” Erayadan ayuu ku cel-celinayey isagoo horey ula liitey walaalkey iga weyn, Abdurahman, mudo sanad ah lagu daaweynayey Mareykan Cancer awgiis!…….

 Akhri Qaybta 3aad... Guji

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Qiso Xiisa leh: “Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”

» Caruurtan Hooyadood Waa Faranji!
»
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah
. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah
 




Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD