SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - BAARIS
ITAXAADKA SOOMAALIYA [Qaybta 2aad]
Qaybta:  1aad | 2aad
KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ku xiriirsan Qaybtii 1aad....

. Itaxaadka iyo aragtida siyaasiyiinta Soomaalida:

. Hadda iyo Itaxaadka: 

Itaxaadka iyo aragtida Siyaasiyiinta Soomaalida.

Madaxda Siyaasadda Soomaalida siyaalo kala duwan ayey uga hadleen Itaxaadka, walow siyaasiyiinta Soomaalida aan la kala garan karin wax ay caqiido ahaan u rumeysan yihiin iyo waxa ay ku dangaara isleeyihiin.

Aniga oo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida soo qaadanay, bal ila arag waxa ay ka qabaan ururkan Itaxaadka.

C/Qaasim Salaad Xasan:

Waa Madaxweynaha DKG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ee lagu soo doortay Carta, horayna waxa uu u ahaan jiray W/arimaha Gudaha ee dowladdii M.S.Barre, waxa ay hadda col iyo cadaawo yihiin R/Wasaare Millas Zinaawi, weyna isla afgaran la’yihiin xalka arimaha Soomaaliya, Zinaawi waxa uuba C/Qaasim ku tiriyey inuu xubin ka yahay ururka Itaxaadka, halka C/Qaasimna uu Zinaawi ku sifeeyey in Soomaalida uu ku colleenaya Diinta Islaamka ee ay haystaan.

Mar ay Somalitalk.com ku soo booqatay xaruntiisa Muqdisho, su’aalihii ay weydiisay waxaa ka mid ahaa, ra’yiga uu ka qabo ururada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya, iyo argagixiso iney joogaan Soomaaliya, waxa uuna ku celcelinaya in aysan jirin ururro argagixiso ah oo ka jira Soomaaliya, awood ciidanna haba yaraatee aysan ku lahayn dalka, waxa uuna tilmaamaa in arintu aysan ahayn ladagaalan argagixiso ee ay tahay ladagaalanka shacabka Soomaaliya.

WARAYSIYADII AXMED DAWLO [K/Afrika]
Qodobkaa oo ahaa qodob uu aad ugu dheeraanayo marka la su’aalo arimaha argagixisada hadalladii uu maalintii ii sheegay waxaa ka mid ahaa "Haddii dagaalka lagu qaaday Soomaaliya oo ka koobnaa, mid dhaqaale ooba la xiray shirkaddii Al-barakaad, sidoo kale mid Borobagaan ah oo warbaahinnada oo dhan laga faafiyey in Soomaaliya ay tahay goob hoy u ah argagixisada, dagaalkaasoo kale haddii lagu qaadi lahaa dowladaha ugu waaweyn dunida weyba kici lahaayeen, marka Soomaaliya oo saan u tabar daran goorta dagaalkan lagu qaado dhibaato intee le’eg bey nagu yeelan kartaa".

Maxamed Abshir Muuse:

Waa gudoomiyihii jabhaddii S.S.D.F. waxa uu ka tagay Siyaasadda G/Bari kadib markii uu doorashada Madaxtinimo ee lagu aas’aasayey Puntland uu kaga adkaaday Col.C/Laahi Yuusuf Axmed.

Sida ku cad waraysi uu bixiyey xilliyadii uu dhexmaray dagaalka Jabhaddiisii S.S.D.F. iyo Itaxaadka, kuna dhexmaray G/Bari iyo Nugaal. Waraysigaas oo uu la yeeshay Jornaalka afka carabiga uga soo baxa London ee "Asharqal-awsat". Cadadkiisii 50790. soona baxay.24-10-92. Su’aashii la weydiiyey oo ahayd nooga waran ururka Al-itaxaad Al-islaami? Jawaabtiisii waxay ahayd sidatan.

(Waa koox ku gabaneysa shicaar diineed wayna nagu khaldeen, horraantii waxay noo muujiyeen iney ku hawlan yihiin tarbiyada dadka iyo faafinta diinta, saasaanna ugu dhiibnay Dakadda Boosaaso kuna heshiinay iney ka qaataan 20%. Wixii ka soo baxa Dakadda, markaasey bilaabeen shirqoollo iyo sidii ay wadanka ula wareegi lahaayeen annaguna taasaan dareenay.), waxaana suurowda in hadda Jenaraalku uusan qabin aragtidii uu markaa ka qabay, waase arin u baahan cilmi baaris dhab ah in lagu sameeyo.

C/Laahi Yuusuf Axmed:

Waa aasaasihii maamul goboleedka Puntland, haddana ah Madaxweynaha xoogga ku qabsaday dowlad goboleedka Puntland, waana hogaamiyaha kaliya ee aan isleeyahay waa ka mabda’ la dagaalanka Itaxaadka iyo ururrada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya, halka madaxa kale ee Soomaalida ay ka tahay ku qaraabasho oo kaliya.

C/Laahi Yuusuf sida ay weydiisay Jariidada afka carabiga uga soo baxda Qaahira ee caasimada Masar, laguna magacaabo "Al-ahraam" soona baxay, 27-12-96. oo ay weydiisay su’aasha ah muxuu yahay qodobada aad uga hadleysaan shirka Boosaaso?. Wuxuuna ku jawaabay, ( waxaa ka mid ah in aannu mawqif mideysan ka qaadanno ururrada argagixisada ah ee ku nool gobollada qaarkood).

Sidoo kale shirkii wadatashiga ee ahaa kii lagu aasaasayey Puntland laguna qabtay Garowe bilowgii 1998. waxa uu ka jeediyey khudbad ay hadalladiisi ka mid ahaayeen. (Al-itaxaad waa cadaw gudaha nooga jira, goobihii muhiimka ahaana gacanta ku dhigay, sida Iskuullada, Gacansiga, iyo Masaajidda.) maalintii uu khudbaddaa ka jeediyey hoolka shirka, anigu waxan markaa Safar ku marayey isla magaalada Garoowe, warkana waxaa isiiyey raggii goob joogga ka ahaa khudbadaas, sidoo kale waxa war bixin dheer ka qoray Wargayska ka soo baxa isla Garowe ee lagu magacabo "Riyaaq", isagoo isla arintaa daba jooga ayuuna wargaysku waraysi dheer kala yeeshay arintaa Caalimka daggan Garawe Sh.C/Qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo uu sheekhu yiri hadal dheer oo uu cinwaankiisu ahaa, ( Inuu nin masuul ahi hadalkaas ku hadlaa mahaboona).

C/Laahi Yuusuf waa Siyaasiga ay hadda R/Galbeedku ugu kalsoonida badan yihiin, waxaa la oran karaa kalsoonidaas wuxuu ku kasbaday waxaa ka mid ah, collaada ka runta ah ee uu u hayo ururka Al-itaxaad iyo ururada kale ee Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya.

Cumar Xaaji Masalle:

Waa gudoomiyihii S.N.F. horay u ahan jiray W/Gaashaandhigga ee dowladdii M.S.Barre, waana hogaamiyaha kaliya ee Itaxaadka la diriray isagoo kaalmeysanayey dowladda Itoobiya oo iyadu u aragtay Itaxaadka khatar ay lagama maarmaan tahay in la tirtiro, taasoo ay dawladda Itoobiya ku guuleysatay in ay meesha ka saarto awooddii ciidanka Itaxaadka ee ka jiray gobolka Gado, Jenankase hadda lama hayo Siyaasad ahaan halka uu xisaab san yahay, waxaana muuqata inuu ku fashilmay Siyaasadda Soomaliya, taasna uu qudhiisu garawsaday.

Waraysi uu Cumar Xaaji siiyey Jariidada "Al-hayat" ee afka carabiga uga soo baxda London, soo baxday 19-8-96. iyagoo markaa su’aalo badan ka weydiinayey dagaalkii Gedo ka dhacay. 9-8-96. iyo ururka Al-itaxaad, isagoo arimahaa ka hadlayana wuxuu yiri.

( Haddii Itoobiya ay wax ka qabaneyso ururkan waa maslaxo labadeennaba na anfacaysa, ladagaalanka Itaxaadkana waxaannu ku heleynaa kaalmo farabadan oo caalami ah, waayo dawladaha maanta ugu waaweyn dunida waxay cadaw u arkaan qofkii qaata shicaar diineed, saa awgeed baannu taageero buuxda uga heleynaa caalamka).

Isla dagaalkii labaad ee ka dhacay Gado. 12-6-97. oo ahayd maalintii ugu danbaysay maamulka Itaxaadka oo ka sii jira degmooyinka B/Xaawo, Luuq, iyo Doolow, ayey BBCda Soomaaliga waraysi kula yeelatay Cumar Xaaji isagoo jooga Mandheera, waraysigaas oo uu qaadayey Wariye "Siciid Cali Muuse", ayey ka mid ahaayeen wax yaabihii uu u sheegay in (Itaxaadku ay yihiin dad ajnabi ah oo ka kooban wadamo shisheeye sida Faransiis iyo dowlado kale) mar uu wariyuhu weydiiyey su’aal ahayad, "Oo meeshaba waxaa jooga la leeyahay wadaado malcaamado ku haystee?" Ayuu ku jawaabay (taasi waa Abuukaata-nimada BBCda).

Cali Mahadi Maxamed:

CILMIBAARISTII SUNTA SOOMAALIYA
Waa qolaal soo koobaya meelaha loo malaynayo in sunta haalista ah kaga duugantaahy dalka Soomaaliya.. Shakiib

Waa Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee lagu soo dhisay Jabuuti 1991. kadibna noqday afhayeenkii S.S.A. hadaba xilligii uu socday shirkii Soodare uu ee Cali Mahadi la jaalka ahaa Itoobiya ayey Jariidad todobaad laha ah ee afka carabiga uga soo baxda London "Al-wasad" waxa ay wax ka weydiisay ururka Al-itaxaad waxa uuna ku jawaabay ( waa urur qalalaase kawada gudaha Soomaaliya, waxa uuna u shaqeeyaa dana ay leeyihiin wadama kale, waxa uuna doonayaa inuu annaga nagu fuliyo).

Mudane Cali Mahadi walow uu maalmahan si kulul u canbaareeyo Itoobiya, waagaas aragtidaa ayuu ka qabay Itaxaadka, hadase wuxuu ka qabo lama oga, waxa uuna hadda xubin Baarlamaan ka yahay D.K.G..

Xuseen Caydiid:

Waa madaxweynihii Salballaar, ahna gudoomiyaha U.S.C./S.N.A. hadana ka tirsan golaha S.R.R.C. sanadihii 96-97-98. ayey Siyaasiyiin Soomaali ihi faafiyeen in Xuseen Caydiid uu gacan saar la leeyahay ururada argagixisada ay u yaqaanaan R/galbeedka ee kajira Soomaliya sida Itaxaadka, su’aalo arimahaas la xiriira ayey weydiisay Jariidada afka carabiga uga soo baxda Qaahira ee "Al-musawar" soo baxay 25-4-97. Su’aashii la weydiiyeyna waxa ka mid ahaa, muxuu yahay xiriirka aad la leedahay Itaxaadka? Wuxuuna ku jawaabay ( wax xiriir ah nagama dhexeeyo, meelaha aan ka taliyana awood kuma lahan, saaxada Siyaasada Soomaaliyana kama muuqdaan, burburkii Soomaaliya kadibna ururro Islaami ah ayaa sameysmay sida Jamaacatu-tabliig, Itaxaad, iyo Islaax, kuligoodna waa ururro bidco ah!!!).

Waa gaas Xuseen saa suu lahaa, waa nedhexe oo ku beegan intii uusan tagin Adis-abab waa kii BBCda ka sheegay in aysan Soomaaliya joogin ururro argagixso ah, ayna tahay been la faafiyey, waayadaan danbase waa is rogay Siyaasad ahaan oo hadda waxa uu goor walba sheegaa in Itaxaadku ay yihiin khatar argagixiso oo ka jirta Geeska Afrika, hadalkaasna wuxuu ku cadeeyey waraysi uu dhawaan siiyey Barta Internet-ka ee Somalitalk.com.

Maxamed Qanyare Afrax:

Waa W/siirkii arimaha gudaha ee dowladdii Salballaar, hadana waa hogaamiyaha U.S.C. Isaga ayaana hadda ka taliya degmada Dayniile, Taariikhdiisa Siyaasadeed Qanyare kuma jirto inuu marna u galay Itoobiya.

WARAYSIYADII IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

Ibraahim Maxamed deeq oo ka faallooday Qanyare marka uu wax ka qoray Siyaasiyiinta Soomaalida kuwooda jooga Eldoret, ayuu ku tilmaamay inuu yahay nin ay hadalkiisa jecelyihiin dadka neceb iyo kuwa jecel, anna saas waan ku soo arkay,

Aragtida uu ka qabo in argagixiso inay joogto Soomaaliya waa tii ay ka mid ahayd su’aalihii ay Somalitalk.com ku soo weydiisay markii ay ku soo booqatay halka uu daggan yahay ee Deyniile.

Suu’aashii ay weydiisayna waxay ahayd.

Somalitalk.com: Iyadoo la adeegsanayo la dagaalanka Argagixisada ayaa waxaa badaha iyo hawada Soomaaliyaba ku gaaf wareegaya maraakiib iyo diyaarado reer Galbeedka ah, arrintaa maxaad ka leedahay?.

Qanyare: Aniga Danbiile in lala diriro waan qabaa waana in uu cad yahay danbigiisa, Soomaaliya hadda xarun Argagixiso kuma taal, xeryo ay ku tababartaana ma jiraan, way jiraan dad aaminsan mabaadi' diineed mase ahan dad awood leh oo afkeenu waa isku ammaan bey ku shaqaystaan, waxaana argagixiso lala diriri karaa markii ay Dowlad dhexe oo Soomaaliyeed timaado oo danbiyada ka ilaalisa dadka, sidaa awgeed markab Jarmal ah iyo diyaarad Ingiriis ah midna waxba kama qaban karaan arrimaha Soomaaliya waana qorshe qaldan, Soomaaliyana hadda kaalmo ayey u baahan tahay ee cirka xiin xiin xabad u noqon mayso.

sidaas ayey ahayd jawaabtii Qanyare ka bixiyey su'aashii ahayd in argagixiso joogto Soomaaliya iyo in kale.

HADDA IYO ITAXAADKA:

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC, kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL: 

C/qaadir Sakhaawadiin 
Yaasiin X. Cusmaan Sharmaake 
Sayid Xirsi Nuur 
Maxamuud Cusmaan Baarbe 
Daahir X Cusmaan Sharmaarke 
Xaaji Muxumed Xuseen 
Khaliif Hundow Macalim 
Muxumed Faarax Hilowle 
Muxumed Cabdulle Xayeesi 
Cusmaan Geedi Raage 
Dheere X Dheere 
Muxamed Cali Nuur 
Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban ee SYL .. GUJI
WARARKA KALE: GUJI SAWIR
sweden
sweden
snf
ssdfsnm

Aan u soo noqonno su’aasha ah "Hadda iyo Itaxaadka", haddii aan kasoo hadalnay waayo-waayo wixii uu soomaray Itaxaadku, oo aan ku xijinay ra’yiga Caalamka iyo Madaxda Soomaalida qaarkeed ka qabaan Itaxaadka, aan is weeydiinno su’aasha ah HADDA IYO ITAXAADKA?.

Mar aan su’aashaa u bandhigay Macallin wax ka dhiga Jaamacadda "Nairobi University" D.r. C/Laahi C/Qaadir ayaa iigu jawaabay in Itaxaadku aysan hadda awood ciidan ahaan u jirin, ayna yihiin marxalo Soomaali soo martay, waxuuna hadalkiisii ku soo koobay waa laga soo gudbay Itaxaadka sidii looga soo gudbay S.Y.L. oo kale.

Dadka aadka uga warka haya Itaxaadka, waxa ay rumeysan yihiin iney hadda uusan jirin aragti Itaxaad oo mideysan oo khatar ku noqon karta R/galbeedka, waayo bey yiraahdeen waa urur dagaallo kulul kaligii la galay qaar ka mid ah Jabhadaha Soomaalida iyo dowladda Itoobiya, saa awgeed awooddii ciidan ee uu lahaa waa ay dhantaalmatay.

Baaritaannadii ay sameysay Somalitalk.com waxay ku ogaatay in hadda aysan jirin is uruursi ciidan oo meel cad ku uruursan oo ku abtirsada ururka Itaxaad, wey jiraan dad wali rumeysan afkaarahoodii oo jooga Soomaaliya, sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in hadda aysan isku xirneyn dadkii ka tirsanaan jiray Itaxaadka, oo ayba firqo firqooyin u kala siibteen, iyagoo isku haya arimo la xiriira fahamka Mas’alooyin ka mid ah Diinta, taaso keentay in Culimo farabadan oo xubno ka ahaan jiray ururka ay fagaarayaal ka cadeeyeen ineyba ka bexeen ururkaas, iyagoo leh Itaxaadku mahayo tubtii saxda ahayd.

Qaar ka tirsanaan jiray madaxda Itaxaadka oo ay Somalitalk.com la xiriirtay waxay u sheegeen in ayba diin ahaan uga qanceen in xal lagu raadiyo cudud ciidan, waagii xitaa ay lahaayeen Mucaskaraadka waxa uu sheegay Mas’uulkaas in Culimo badan oo ka mid ahaa Itaxaadka ay ka soo horjeedeen uruurinta awoodda ciidan ee la rabo in lagu raadsho dowlad Islaami ah oo ka dhisanta Soomaaliya.

Far fiiqidda Maraykanka ee uu hada ku hayo Itaxaadka, dad farabadani waxay aamin-sanyihiin iney keeni karto is uruursi cusub oo ay sameeyaan Itaxaadku, oo ay macquul tahay in xubnihii Itaxaadka ahaan jiray ay abuuraan fikrad boor iska jafid ah, Sargaal sare oo ka tirsanaa S.S.D.F.tii kana mid ahaa raggii ka qayb galay dagaalkii Bari, ayaa igu yiri "Maraykanku sida uu hadda u buun-buuninayo Itaxaadka waxay suura galin kartaa, Itaxaadkii aan ka adkaanay 1992, annagoo haysannay taageerada shacabka oo aannu awood u helnay inaan baabi’inno ciidankii Itaxaadka, ayuu hadda Maraykanku sabab u noqon karaa in ay dib u soo abaabulmaan, iyagoo ka faa’iideysanaya neceybka goonida ah ee ay arintaasi Soomaalidu ugu qaadikarto Maraykanka".

Oday kamid ka mid ahaa dad badan oo dhagaysanayey maalin ay idaacad  faallo ka diyaarisay Itaxaadka Soomaaliya ayuu inta madaxa qabsaday afmugii la qayliyey "War Itaxaad waa seexdayee yaan nalagu toosin". Mindhaa sida ka muuqatay wuxuu u arkayey khatar la soo dhaafay. 

fahd.jpg (58328 bytes)Waxaa isku soo dubaridey:
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com 

 December 27, 2002 

-dhammaad-

URL: www.Somalitalk.com/baaris

I  I  D  H  E  H

Bilicda iyo Taariikh kooban ee Soomaaliya: GUJI....
www.Somalitalk.com/somalia/beauty

Taxanaha wararka shirka Eldoret GUJI... 
www.Somalitalk.com/eldoret
  

Halkaas waxaa ku dhammaaday qoraalkii  Baaritaan cilmiyeedka ahaa ee oo ku saabsan Itaxaadka Soomaaliya, Muxuu ahaan jiray, aragtida Caalamku ka qabo, aragtida siyaasiyiinta Soomaalida, iyo Hadda & Itaxaadka. Ha u daym ala'aan cilmi baarisyada SomaliTalk ay markasta u soo bandhigto akhristaasha.

WARAYSIYADII  FAHAD YAASIIN

. Waraysigii Jaamac Cali Jaamac...

. Waraysigii Fahad ee Caydiid... 

. Waraysigii Fahad ee Qanyare...

. Waraysigii Fahad ee C/Qaasim... 

Halkan ka akhri Qoraalkii Soomaaliya Shalay & Maanta... GUJI... 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD