SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
QIIMAHA - DHULKA

 Dhulka Soomaalida.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Feb 27, 2003

Asalaamu calaykum.

 

Dhulka Soomaalidu wuxuu dhaccaa juqraafi ahaan meel aad u habboon. Waxaa Ilaahay dhigay meel aan ka dheerayn meelaha ilbaxnimooyinka iyo Diimaha Samaawiga ahi ay ka soo baxeen. Waxaad moodaysaa in Jasiirada Carabta oo Yamani noo soo xigto ay rabto inay ku soo dhegto Soomaaliya oo aad arkayso in aad ugu soo dhowaatay Jibuuti. Yaman waa dhulkii Nabigu (SCW) ku sheegay in Iimaanku uu xagga Yaman ka yimaado.

Waxaa wax walba iiga qiimo badan sida ay isagu dhowyihiin waqtiga Soomaaliya iyo kan Xijaaz. Waxaad arkaysaa in dhigta 45-naad ee Bariga ay Soomaaliya iyo Sacuudigaba bartanka kamarto. Waqtiga Makka iyo kan Madiina oo wax badan aan ka duwanay kan Soomaaliya waana arrin aad u muhiim ah in waqtiyadda salaada iyo gelitaanka maalmaha iyo saacadaha kheyrka badan sida tan jumcaha ama marka Ilaahay usoo dago samaa’u dunyaa aan la qaybsano. Yaa garankara faa’iido ka wayn taas. Dhigtaas 45°waxay ka midtahay xarriiqaha khiyaaliga ah ee Afka qalaad lagu yiraahdo “imaginary lines” oo ah loollalka iyo dhigaha waa “latitude & longitude” siday ukala horeeyaan. Waxaa xarriiqahaas ka mid ah tan looyaqaan dhulbaraha (equator) oo isna Soomaaliya mara. 

I  I  D  H  E  H

Dhulka Soomaalidu wuxuu la qaybsaday wax kasta Jasiiraddaas. Inta aynaan la qaybsigaas uggalin waxaad arkaysaa in Geeska Afrika ay ka jirtay Diintii Nabi Ciise (CS) oo saxiix ah intaan Muxamed (SCW) lasoo dirin. Waxaa kaloo sharaf ah isla Geeska Afrika in ay Saxaabadii usoo hijroodaan oo uu Islaamku soo gaaray Geeska Afrika issagoon dhulka hadda Sacuudiga loo yaqaan badankiisa gaarin bal xitaa Madiina aan gaarin (gaarid baan ka hadlay ma oran qaadasho). Waxaana qof walba yaqaanaa boqorkii Najaasha. Waxaan kaloo ognahay in qaadashada diinta Islaamka ee Soomaalida ay u muuqato arrin dadku si sahlan ku qaatteen oo ma jiro wax khasab ama dagaallo ah oo halkaa laga xussay. Inkastoo taariikhda Soomaalida mugdi ku jiro haddana ma maqal asnaam Soomaaliya laga caabudi jiray Islaamka ka hor bal sida kor ku cad in geyigaas ay diintii Nabi Ciise ay ka jirtay iyadoo waliba la sheego in halkaas ka jirtay diintii ay ku dhaqmi jireen reer Banuu Israa’iil oo waxaa la yiraahdaa waxa ka jiray halkaas (Geeska Afrika) xiriir lala lahaa Nabi Sulaymaan (CS). Waxaan la qaybsanaa xoolaha nool sida geela iyo ariga iyadoo Soomaaliya ay tahay waddanka adduunka ugu geel badan. Soomaaliya markaan leeyahay kama wado dhulkaan hadda la rabo in la goo-gooyo ee waxaan ka wadaa Soomaaliweyn xittaa Jibuuti waa ii Soomaali anigoon Soomaalinimada ka wadin jinsiyad ama qabiilooyin gooni ah. Website-ka Soomaaliweyn ayaa arrintaas fahmi kara. Shidaalka isna waan la qaybsanaa laakiin keenii waa kaydsanyahay.

Intaas waxaa u dheer isagoo Ilaahay bad aad ubballaaran uu kaga xijaabay dhinaca Bariga oo ay ka badbaadeen caadooyin iyo dhaqamo qaab daran oo ay lahaayeen waddamo badan oo dhinaca badwaynta Hindiya naga xiga sida Hindiya iyo Shiinaha. Waxay lahaayeen caadooyin ay caabudaan sida xoolaha, qorraxda, dabka, dadka iyo sanamyo kale. Waxaanse la lahayn xiriir ganacsi oo waxaan la qaybsan jirnay ilbaxnimooyinka ah horumarka iyo farsamooyinkii waagaas jiray.

Waxaa intaas dheer in uu dhulka Soomaaliya yahay dhul qani ku ah beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, beeyada iyo maydiga oo ah waxyaalihii Soomaaliya looga dambayn jiray magac iyo taariikhna usoo jiiday. Waxaa dhici karta in qabka Soomaalidii hore ku jiray ilayn hadda qab ma jiree uu halkaas ka soo jeeday.

Xagga cimilada inkastoo Soomaaliya ayna ahayn dal qaboow laakiin cimilada waddanka intiisa badan waa cimilo diirran oo fiican oo aan la dhibsan meelo qabowna waa jiraan. Waxaa kaloo jira magaalooyin xagaagii aad u kulul khaasatan kuwa dhaca Badda Cas sida Berbera iyo Boosaaso laakiin ha iloowin cimilada ka jirta Ceerigaabo, Sheekh iyo Hargeysa oo ah cimilo la jeclaysto. Meelo kale oo kulul baa jira waqtiyada qaarkood oo sida Luuq iyo magaalooyin kale oo Koonfurta ah. Waa waddan aadan ka baqayn qabow daran oo wax kuu dhima. Waddanku ma leh meel guud ahaan la dhihi karo waa lama degaan. Waa adagtahay qof wayn oo caafimaad qaba in la yiraahdo meel cidla ah bay naftu uga dhacday biyo la’aan ama degaan la’aan darteed. Qofku hadduu lumo waxay udhowdahay inuu cid galo issagoo wali naftu ku jirto halka waddamada Jaziirada Carabtu ay jiraan lama-degaan haddii aad ku luntid haddaadan wadan saad ay naftu harraad iyo gaajo kaaga dhacayso. Waana wax caadi ah dhibkaasi waxaana ka jira tusaalooyin. Haddaad rabto Xaddiiskii toobadda ka hadlayey ee ku yiilay kitaab Soomaalidu aad akhrisato ee Riyaat- As-Saalixiin ee ahaa ninkii inta ka luntay daabbaddii/tuluddii ay biyaha iyo cuntadu u saarnaayeen issagoo maraya dhul bahgooyo ah (lama-degaan) waatii ninkii geed iska hoos seexday maxaa yeelay dhulkaas waad ka quusanaysaa inaad ka cid gasho waatii markii dambe inta geed iska hoos seexday si halkaas uu ugu dhinto uu Ilaahay usoo ceshay daabbaddiisii/tuluddiisii waana ninkii dhigay hadalkii laga yaabay farxad darteed. Dhulka Soomaaliya waa laga yaabaa carruraha inay oomaan inta dhaanku maqanyahay laakiin macquul ma ahan qof wayn inuu ka baqo inuu waayo meel uu u cid galo.

Waddankaa awoowayaasheen waa xafideen waxayna ka ilaaliyeen in ay dad kale ay diintooda ama dhaqankooda beddelaan. Waxaan ognahay in waddamo badan oo Afrika ama meel kale ku yaal in gumaystayaashu ay dhaqankoodii iyo diintoodiiba ka beddeleen halka dadkii Soomaaliyeed ay xafiteen diintooda waloow la gumaystay. Waddamo badan oo daris nala ah caqligoodii buskud (biscuit) baa looga bedeshay. Bal waligiin xaggeed ku aragteen qof ku guumaysanaya oo aad diintiisa gasho. Soow ma ahayn in aadan qaadan mabda’ gumaysi. Diintaas Ilaahay ka dib Soomalidu waxay haysatay cood oo uma baahnayn sarreen iyo buskud midna. Waqti aan saa u fogayn nin Soomaaliyeed ayaa lahaa:

  • Bur la dubay bariis subag leh iyo bari la goo-gooyey

  • Barwaaqada adduunyada haddii badiba la isiiyo

  • Bishimaha markaan geshaan bolol ka qaadaaye.

Gabaygii intii kale ma xasuusto laakiin wuxuu leeyahay biraha caanaha ah markaan dhamo ayaan ku bogsadaa laakiin cuntada magaalada ma rabo oo kama helo. waana arrintaas tan keentay in reer Yurubkii ay cuntada xaggeeda ay Soomaaliya uga soo mariwaayeen. Laakiin waqtigu kii ma ahan hadda wax kasta waa suurtogal. Imisa qof baa buuffis ku dhacay jacayl ay dibadda u qabaan? Imisa qof ayaa gaalloobay si dibad loogu qaado?

Waan ka dheregsanahay in Soomaalidu ayna waxba u ogayn dadka cadcad oo ay ka faani jireen inay weelashadooda wax ku cabbaan iska daa inay dhaqankooda qaattaane. Waxaa nin Sheekha oo daaci ah oo jooga markii iigu dambaysay London uu maalin isagoo muxaadaraynayey noo sheegay in uu waqtigii Ingiriisku uu Waqooyiga Soomaaliya gumaysanayey uu jiray nin Soomaaliyeed oo xannaanayn jiray fardaha madaxda Ingiriiska oo ka shaqayn jiray. Marka uu rabo inuu soo dhaqqo faraska ninka madaxda ah wuu hoggaamin jiray ninkoo soconaya laakiin markuu soo mayro ayaa ninku soo kooraysan jiray. Dadkii baa waydiiyey oo yiri maxaad marka horana faraska u hoggaamisaa marka dambana aad ugu joogtaa. Wuxuu yiri marka hore waxaanan rabin dhididka ninkaas laakiin markaan waan soo dhaqqay oo waa nadiif. Allaahu Akbar waa kuma qofka manta jooga ee qaddiyaddaas leh meeshu rabo ha joogee ama cilmiguu rabo ha sheegtee. Rag badan baa ubbuka salaanta iyo ku dhegga Zenawi. Waa arrinta igu khasabta markaan Somaliland ka hadlayo inaan kala saaro siyaasiyiinta iyo inta yar ee taageersan iyo shacab waynaha kale ee ninkaas iyo ragga kale ee aan maqaaladayda ku soo qaatto ka yimaadeen. Waxaa kartida Soomaalidii hore u markhaati ah sida gumaystayaashii ay Soomaaliya u kala qaybqaybiyeen iyagoo gartay inaan diintooda iyo dhaqankooda la beddeli karin in ay hoos geeyaan waddamo kale oo aan shaxdaa fahmin si ay waqtigooda ugu lumiyaan dagaal joogto ah. Itoobiya ayaa tusaale noogu filan. Horumarin kale dhulka kama samayn. Wax wayn oo ay noo qabteen ma jirto. Waddooyin fiican ma samayn, gegi diyaaradeed oo caalami ah ma samayn. Dekkedo waawayn may samayn. Waxbarashada xaggeedana ha sheegin. Ingiriisku waxay yaqqaaneen dhibta ay leedahay dhulka la iska xoogo iyo cirib xumadeeda laakiin Ingiriis gaalnimadaas iyo ciqaabkii loo sheegay qofkii dhul muslim dhaca inuu Ilaahay agtiisa ka helayo.

Inkastoo la yiraahdo waqtigan xaadirka ah waxay leedahay xeebta Afrika ugu dheer ka dib markii Namiimiya ay ka xorowday Koonfur Afrika laakiin cidna kama faa’iidaysato. Waxaad la yaabaysaa in maraakiib ajnabi, qaarna xoog kaga kalluumaystaan qaarna shilimaan yar loogu fasaxay inay badda xaaqaan ama qashin ku duugaan. Waxaa iigu darnayd markii maamul ku sheega Puntland ay dhaheen waxaan qabanay afar doomood oo si “sharci darro ah” kaga kalluumaysanayey xeebaha Mudug/Puntland waliba iyagoo dadkaas kalluumaysanayey ay ka yimaadeen isla Mudug. Garacad iyo Hobyo ayaa kala noqday labo waddan!

Ka hadlidda Soomaaliweyn ama isku haynta labadan gobol waxay u muuqqataa arrin khiyaali ah marka la eego waaqica lagu jiro, qofkii isku daya inuu ka hadlana wuxuu la mid yahay qof waalan. Cuttubyada dambe ayaan ku arki doonaa haddii Allaha awoodda lihi oggolaado dhulkii laftiisa oo dacwo ah oo leh maxaan dambi ah oo aan anigu galay oo la iikala goynayaa.

 

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2003

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]