Qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta
Soomaalida
Qaybtii kow iyo tobnaad
Habaarka dhulka
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
March 7, 2003
Asalaamu calaykum.
Waxaan ku bilaabaynaa Magaca Allaah ee Naxariista teeda guud iyo tan
gaar ahaaneed bixiya.
Waxaan soo marnay in dhulku nolol iyo geeriba na aqbalo. Isagu
maydkeena xitaa waa hayaa halka ehelkeenu na fogeeyo. Sidoo kale isaga
xagiisaan ka nimid oo nala ka abuuray. Shey walba asalkiisii buu
unoqdaa. Taariikhdu ma xussin dad Soomaalida dhulkeeda ka neceb
waayadan dambe. Qofkii haya wax arrintaas kasoo horjeeda isagaa laga
rabaa caddayn. Waxaan ognahay waddamada dariskeena ah sida Kenya iyo
Itoobiya ay labaduba naga dhul jecelyihiin.
Dhulka Soomaaliyeed hadduu hadli lahaa afar waxyaalood oo xarafka “Q”
ka biloowma waa ka dacwoon lahaa markuu maqlana qalbigaa xanuuni lahaa.
Waa qab-qable, qabyaalad, qaad iyo qurbe. Qurbaha markaan leeyahay
dhulka Islaamka qaatay dhulkeena qaraabay yihiin, inkastoo qolayaha
xukamaa ay qowsaaro kale yihiin oo ay shisheeye kale qabbaan u yihiin
laakiin haddaan Qowlkii Ilaahay sifiican u qaadan lahayn maanta
wirwirka dhulka qalaad haamaha umaanaan qaadadeen, dhalaankeenana kuma
beerneen. Meel qaad soo galay qaran kama dhismo maxaa yeelay qoysku
waa qurubka uu ka samaysmo qaranku sida bulukeetiga ama dhagaxa
daaraha laga dhiso oo gurigu waa dhagxaan usu tagay. Qaadku qoyskii
buu qarribay oo waa dhagax qalloocan oo guri lagu dhisay mar aan
dheerayna waa dumayaa. Qabyaaladu waa dhiiga ay shisheeyaha,
qabqablayaasha iyo cadowga Soomaalidu ku shaqayso. Haddaan qabyaaladi
jirin qabqable ma jireen. Waligiin ma aragteen qabqable qolooyin kale
u dagaalamayaan? Caadaqaatuhuse qabiil ma leeyahay?
Qabqablayaasha qaarkood mar hore ayaa dhulka loo qoday oo qisadooda
dhulka kama qarsoona kuwa hadda jooga iyo kulligeenba ninkii dhulka
dambi ka gala wuxuu ka dhiganyahay sidii tusaalahii dawacada lagu
sheego oo la yiraahdo dawacaa dhulka dayn ka qaadatay markaasay bixin
wayday oo damacday inay ku booddo. Maalintii dambe ayaa dhulkii yiri
dawaco daynkaygii isii. Dawacadii waxay istiri boqcaddan dhulka ah
maad ka carartid markaasay xawaare ku dhufay iyadoo isleh ka fogoow si
uusan mar dambe kuu waydiin. Markay daashay iyadoo neeftuuraysa oo
isleh cago kuguma gaaro baa meeshay ku taagnayd tiri dacawo daynkeygii
isii. Mar labaad dawacadii xawaare inta ku dhufatay bay istiri dhulku
indho ma lahee maad ka dhuumatid markaasay god gashay. Iyadoo raaxo
isku kala bixisay oo u qabta inay iyada iyo dhul kala badbaadeen baa
godkii yiri dawaco daynkaygii isii ilayn godku waa dhulle. Haddana waa
kasoo booday oo carar maagtay ilaa markii dambe naftii orod uga
dhacday markay meel kasta oo ay istaagto uu dhul noqday.
Nin habaar waalid qaba hilin lalama qaado horaa loo yiri ka waran
ninkii habaar dhul qaba? Hagarta dhulka laga galaa wax loo dhigo ma
leh. Xisbi talada haya waa isqaban kartaan, madaxweyne waad is ka hor
imaankartaan laakiin khaa’inul wadan waa arrin fidrada ka soo
horjeedda inkastoo qabqablayaasha ay caadi utahay. Arag kalmada
Ingiriiska lagu dhaho “treason”. Toloow Soomaaliyey ma qamar
sanaaci baad raacaysaan oo dayaxaad qabanaysaan ilayn qubuuraha anaa
la iga qodaaye? Waa dhici kartaa dad badan baa aaminsan in dayaxa la
tagay oo ay ku jiraan dad culumo sheegta ama ducaad.
Habaarku qabqablayaasha oo kaliya kuma dhicin ee dadka qurbaha jooga
oo dhan badankiisa buu saameeyey. Bal aan fiirino dhibta dadka qurbaha
jooga ay naftooda ama ehelkooda u gaysteen. Qodobbada aan ka hadlaya
waa kuwa badanaa caadi noqday oo aan dhib saas ah loo arag bal laga
dhigtay wax caadi ah ee kama wado dhibta Qurbaha ka jirta.
1. Waxaan dheg udhigi waynay shareecada Islaamka oo diiddan degitaanka
dhulka gaalada illaa dad loo cududaaray maahee. Imisa qof baa cududaar
haysata?
2. Dadkeenii waxaa deeqi waayey waxay haysteen oo waxay soo dhowrayaan
dibadda waxaana ugu wacan waa dadka dibadda jooga oo kaalmeeya. Marka
waxaan ku caawinay in ay dhulkoodii ay dhinac maraan. Waxaad arkaysaa
dad badan oo tobonaan ama boqolaal kun oo Doolar haysta oo leh waxaan
u baahnahay sharci aan gatto oo aan dibad ku aado, lacagtaas tirada
badan kalsooni kuma qabo maxaa yeelay annaguu noo jeedaa.
3. Qaar dadka ka mid ah waxay ka shaqeeyaan shaqooyin aan habboonayn
in laga shaqeeyo sida meelaha khamriga iyo bakhtiga lagu gado.
4. Isla lacagtaas xaaraanta lagu kasbay waxay wax ka siiyaan dadkoodii
waddankii joogay oo waa dhib kale oo dheeraad ah.
Kama hadlayo dhibka qurbaha oo ma ahan wax maqaal lagu soo koobi karo
oo markaan qodobka koowaad burinay baa dhibtaan maanta qoysaskii
haysata ka timid ilayn dadkeena waaweyn tage ee waxa dhibtu haysataa
waa ubaxii berito.
Maqaalkii Maxamed Axmed oo ahaa baroordiiqda dhulka baa iiga filan
inaan soo cesho waxa dhulku noo taray iyo sida uu noo soo koriyey,
inuu dhulku na habaaro xaq buu uleeyahay.
Dhulku waxaad mooddaa inuu leeyahay markaad qabyaalad dayn waydeen oo
xumaantii u qasaddeen oo shareecadii Ilaahay diiddeen oo culumadii wax
la toogto iyo wax haddeer oo la joogo marna xabsi la dhigo marna
dacaayad lagu hayo ka dhigteen ayaan sidaan noqday ilayn weel kasta
waxa lagu shubto ayaa laga soo daadsadaa. Haddaad qashin qub iga
dhigteen oo aad nuclear igu xabaasheen. Markaad dadkii akhyaarta ahaa
aad idinka iyo caddowga ummaddu isu celceliseen ayaan aniguna saas
noqday oo waxaan idiin soo saaray qabqable. Gumaystuhu waaguu ihaystay
intaas oo qof qabuur uma noqon iyadoo muddaduu joogay qarni ku dhowayd
idinkuna toban sano baad magaalooyin qabuuro ah aad iskaa wax u qabso
ku dhisteen. Xamar toddobaatameeyadii waxaa ka socday iskaa wax u
qabso laakiin sagaashamaadkii iyo hadda waxaa ka socda dagaalo iskaa
wax u qabso ah oo aad isleedahay ma waxay rabaan in ay si dhaqso badan
isu dhimaan ilayn waxa badanaa dagaaladu dhexmaraan waa qolooyin isku
qabiil ah. Iskaa wax uqabso markaan leeyahay waa dagaal la siiyey
awood dheeraad ah iyadoo ayna galin oo kaliya maleeshiyadii loogu
talagay bal ay ka qaybqaateen dadkii qolooyinkaas ka dhashay sida
iskaa wax u qabsada ayna ku koobnayn injineerada iyo fuundiyaasha
lacagta ku qaata oo kaliya bal ay dadwaynuhu ka qaybqaataan iyagoon
wax lacag ah ka rabin markaasaa howshii bil la qaban lahaa maalmo lagu
qabtaa.
Haddii qabqablayaasha qardhaas loo jari lahaa oo Qur’aan la saari
lahaa dadkii Quraanka saarilahaa waa seddex qolo.
. Qaar qumman oo
Ilaahay qalbigooda Eebe ka cabsi dhigay laakiin iyaga iyo qabqablayaasha
waxaa ka dhaxeeya il iyo aragti oo haddii la damco in ay Qur’aan ku
akhriyaan waxay u qaadayaan Zenawi iyagoo is leh qarash ama qoryo uga
hela.
. Kuwo qabqablayaasha
ayey qabiil ku raaceen oo iyaga laftoodu Qur’aan bay ubaahanyihiin.
Waa kuwa Soomaalidu tiraahdo Fiqi tolkiis kama Janno tago.
. Qolada kale waa kuwa
qarash ku shaqeeya oo la iskuma halayn karo. Haddii qarash fiican la
siinwaayo waxaa dhici karta inay Xirsiga wax aan la aqoon ku qoraan ama
sii habaaraan sidii laga sheegay nin Masaari ah oo dadka dhinta Qur’aan
ku akhriya. Badanaa haddii lacagtuu rabay la siiyo waxay ku akhriyaan
Aayadaha Raxmadda ka hadla sida Aayadaha ku jira dhamaadka Suurat Al-Fajri
(Yaa ayatuhannafsul mudhma’inah. Irjicii ilaa Rabbiki raadhiyatan
mardhiyah) oo macnaheedu yahay: naftii xaqa rumaysaay oo xasiloonay.
Unoqo Eebbahaa xagiisa adoo raalli ah, lagana raalli noqday. Maalin ayaa
reero waxaa ka dhintay nin markaasaa Masaarigaa loo yeertay markaasaa
wuxuu filayey la siin waayey ka dib wuxuu ula fariistay Aayadahan ku
jira Suurat Al-Xaaqah (Khuduuhu faqulluuhu. Thumal Jaxiima saluuhu.
Thuma fii silsilatin darcuhaa sabcuuna …… ilaa aakhirka aayadahaas)
oo ah: qabta oo luquntiisa iyo qoortiisa isku xira. Naarta Jahannamo
galiya. Markaas galiya silsilad toddobaatan dhudhun ah. Waa Aayado ka
hadlaya sida Ehlu-Naarka loo cadaabo. markaasaa dadkii hal mar qaylsheen
oo dhaheen sug shiikh markaasay lacag kale ugu dareen kadib buu
Aayadihii Raxmadda lakala baxay.
Runtii habaarka dhulku waa nahaystaa. Miyeydaan arag dadka waalan oo
shakkiga qaba waxay ka didaan lama marsiin karo. Hadda dadwaynihii
Soomaaliyeed cirroole iyo Carruurba dibad bay rabaan! Sidoo kale
qabqablayaashiina waa diidanyihiin in ay dhulkooda ku shiraan oo waxaa
kasoo haray inay ku wareegaan dhulal aan kuweena sidaas uga
hormarsanayn.
Shakkiga Dhulkeena aan ka qabno waa inaan iska shaafinno oo aan dhulka
la garnaqsanno. Waa qaybta ku xigi doonta haddii Allaha awoodda lihi
ogolaado.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|