Qiimaha Dhulka iyo Qaddarin la’aanta
Soomaalida.
Qaybtii labo iyo tobnaad.
Dhulka oo qabqablayaasha baraya sida
shacabka loo soo jiito
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
March 14, 2003
Asalaamu calaykum.
Waxaa la oranjiray ha
waydiin inta naas ee geelu leeyahay dhalinyarada reer Xamarka maxaa yeelay
kan ugu bataa waa mid arka awr tacsi ama siyaaro loo qalayo ama awr lagu
iibinayo suuqa geela, badanaa Soomaalidu ma jeclayn inay gadaan geela dhedig
khaasatan haddii la qalayo. Haddaan rabo inaan hadda usheego tirada naasaha
geela Reer Banaadirka Soomaaliya jooga waxaa igu filan inaan dhaho waa inta
dhuumood oo uu shilkuhu leeyahay hana ka filan hadda inay ku dhahaan
bistoolad camal waaye maxaa yeelay iyagiibaa dhulkoodii laga cayrshay oo
qaarkood baadiye iyo gobollo aysan waligood arag la geeyey oo waxay
udhowdahay inay arkeen geel dhalaya iskaa naasihiisee. Dhulku bal
qabqablayaasha su’aal ha dhexdhigo.
Dhul: qabqablayaaloow
yaa yaqaan shuuro/shuuraa?
Qabqablayaal: soow
ma ahan galayda la shiiday/soor/leefoo liq!
Waxay ixasuusinaysaa sheeko
uu Shiikh la yiraahdo Ibnu Jowziyah uu ka sheegay qolayaha walimada ka
qaraabta/sab agjoogayaal mar midkood la waydiiyey waxa uu Qur’aanka ka
yaqaanay. Wuxuu yiri Qur’aankaan aqaanay waa la i ilowsiiyey aayaddan
maahee “aatinaa qadaa’anaa laqad laqiinaa min safarinaa haadaa nasabaa”
waa aayadda ku jirta Suurat Al-Kahf ee Nabi Muuse khaadimkiisii kulahaa noo
keen qadadeena, waxaan kala kulanay safarkeena dale.
Anigu lama yaabani
qabqablayaasha warkooda maxaa yeelay “nin walba ceesaantiisuu ceel gaystaa,
nin meeli ucaddahay meeli ka madow. Nimanku waa niman soori/dhuuni/hunguri
qaaday marka hadday shuuro/shuuraa soor ku sheegeen waxay yaqaaneen bay
sheegeen waana ugu cududaaraynaa.
Dhulku imtixaan buu uga
danlahaa wuuna yaqaan caqligooda iyaga iyo wixii caqli xumada uga horeeyey.
Dhulku wuxuu islahaa bal midkood waxgarad ah haka soo dhexbaxo oo isku xira
cinwaanka laga hadlayey oo ahaa sida shicibka loo soo jiito iyo shuurada oo
la rabay in loo fahmo in laga wado qaabkaas diintu banaysay ee dadku ushowro
oo arrimahooda si wadajir ah uga hadlaan oo dadka caqliga badani ay arrimaha
galaan. Dhulku wuxuu qabqablayaasha tusaalaynayaa quruumo hore oo qaarkood
mulxidiin ahaa, qaarna mushrikiin ahaa qaarna ay mursaliin yihiin oo uu ku
jiro Nabi Muxamed (SCW) anagoo ku soo khatimayna Nabi Muxamed (SCW) oo faa’iido
badan ku jirto inaan saa yeelo. Waxaan dadweynaha ka codsanayaa inay
daqiiqado dulqaataan oo ay si fiican u akhriyaan iyagaa markaa ogaanaya sida
ay mulxidiintii ama mushrikiintii nooga horeeyeen waxyaalaha qaarkood.
Haweenayda
Qur’aanka lagu xusay ee dadku ay Balqiisa ku sheegaan markay aragtay
warqad uu Nabi Sulaymaan uu hud-hudkii ugu soo dhiibay wuxuu damiirkeedu
siiyey markay akhrisay in warqadani ay tahay warqad wanaagsan waxayna
wanaagii ka xustay “BISMILLAAHIR- RAXMAANIR- RAXIIM”. Mushrikad baa
Bisinka iyo wixii la socday Kariim ku sheegtay annagoo muslimiin ahna
Bisinka iyo Assalaamu calaykum waa la isku caayaa?!!!!!!!!!!!!!! Talaabadii
kale oo ay qaaday waxay ahayd waxay u bandhigtay arrintii dadkeedii iyadoo
awood u lahayd inay qaraarkay rabto qaadan karto laakiin waxay taqaanay sida
dadka loola xaalo. Markay arrintii ubandhigtay waxaa la siiyey in ay waxay
rabto samayso. Iyaduna ma dayacin dadkeedii oo way dadaashay oo markii ay
baaritaan iyo balanqaad adduunyo ay usamaysay Nabi Sulaymaan oo ka diiday
inuu hadiyad ka qaato ayey aragtay in arrintiisu tahay xaq kadibna nafteedii
iyo dadkeedii badbaadisay. Shuuradaa maanta Gaalo iyo xukaamta muslimiinta
midna laguma hayo.
Fircoon: waa
qofkii Ilaahnimada sheegtay oo Quraanku xusay inuu qoomkiisa ku lahaa “Ilaah
aan aniga ahayn idiin ma ogi” markalana wuxuu yiri “waxaan ahay
rabbiigiinii sareeyey”. Waxaa yaab leh ninka qooqa intaas le’eg gaaray
aan eegno sida uu wax u maaraynjiray. Waxaad moodaysaa inuu qaabka uu dhisay
maamulka uu kaga horeeyo kuwo badan oo Islaamka horbooda bal aan eegno qaybo
arrintaas ka mid ah. Aayadda 20-naad ee Suurat Al-Qasas waxaad arkaysaa
markuu Nabi Muuse si aan kas ahayn udilay ninkii qolada Fircoon waatii nin
kale oo muslix ahi uu Nabi Muuse u sheegay in madaxyo weyntii Fircoon ay
qaraar ku gaareen in Muuse la dilo. Waxaad arkaysaa in arrinta uuna Fircoon
oo kaliya gaarin ee ay qolyaha uu soo dhowaysto ay meesha joogaan iyagana
hadalku kasoo fulay. Waa qaabka ay dimuqraadiyadu isticmaasho sida
baarlamaanka ama diktatoorada caqliga badan maxaa yeelay madaxdaas waxay isu
qaataan in la sharfay oo iyagu ay xukun rideen.
Haddaad milicsato Suurat
Ash-Shucaraa’ Aayadaheeda 18 iyo 19 waxaad arkaysaa sida uu Fircoon rabay
inuu ub-beer dulucsado Muuse isagoo leh miyaanaan kugu barbaarin dhexdayada
adoo yar oo aadan ku nagaanin dhexdayada cimrigaaga sanooyin ka mid ah. Oo
aad fashay waxaad fashay adoo diidan (samofalkii). Fiiri siyaasada Fircoon.
Waa arrinta ay Maraykanku ku handadaan Faransiiska, Ingiriiska iyo Yurubta
kale iyagoo leh soow dagaalkii labaad idin kama soo gaarin idinkoo Jarmalku
idin qabsan rabo si loogu oggolaado inuu wuxuu rabo adduunka ka sameeyo.
Waxaa intaa dheer sida wadatashigu ka muuqdo oo uu hadalka ugu soo
bandhigayey madaxyo weyntiisii. Isla Suurat Ash-Shucaraa’ Aayadaha 34
& 35 wuxuu ku yiri qolyahaas agtiisa joogay Kani waa sixirroole xeel
dheer. Oo doonaya inuu idin ka bixiyo dhulkiina sixirkiisa ee maxaad
faraysaan? Iyagii baa hadalkii qaatay oo yiri: dib u dhig arrinta iyo
walaalkiis, magaalooyinka u dir dad soo jamciya. Ilaa aayadaha ka dambeeya.
Fircoon arrimahaas waa fuliyey. Fiiri isagoo sheegtay Ilaah sida uu ufahmayo
waxa danta ugu jirto iyo waxa kale. Mararka qaarkood sida Quraanka ku xussan
in madaxyo weynta Fircoon ay Fircoon ku leeyihiin ma Muuse iyo kooxdiisa
ayaad uga tagaysaa inay dhulka fasahaadiyaan, cibaadadaadana ka tagaan.
Waxaa intaas dheer in
Fircoon isagoo darajadaa sheegtay uu muujiyey dulqaad kadib markuu Muuse la
dooday oo waa iyada aan Quraanka ku aragnay isagoo leh Muusoow waa kuma
Rabbigaa? Ka waran quruumihii hore IWM. Waxaa aad iiga yaabisay markii
Fircoon iyo qoomkiisa ay dhibtii iyo abaarihii ku dhaceen waxay yaqaaneen
meesha xalku ku jiro oo waxay aadeen Muuse iyagoo leh Ilaahay noo bari
hadduu cadaabka naga saarana waan ku rumaynaynaa, reer Banuu Israa’iilna
waan kugu darin. Fiiri Aayadda 134-aad ee Suurat Al-Acraaf. Fircoon sidiisoo
kale Mushrikiintu makray badda fuulaan oo dabayli ku kacdo Ilaah kaliya ayey
u carari jireen. Walaalayaal Soomaalida boqqolaal kun oo qof ayaa dhintay
maalin kastana carruur iyo cirroole ayaa xabbadi la tagtaa marka haddii
mushrikiintii iyo Fircoon makray sigtaan saas Ilaah u baryaan maxaa annagoo
muslim ah noogu wacan inaan reer Galbeed iyo gaalo u qayshano. Mid kasta oo
qabqable ahna markuu hadlo uu waxaas ugu hadlaa oo waliba annagoo xaaladaa
ku jirna uu ugu dhawaaqaa in Islaamka lasii dulleeyo, amxaaradana walaal iyo
wadeey/saaxiib loogu yeero lagalana tashado arrinta Soomaaliya si ay
waddankeena nabad ugu soo dabbaalaan!
Reer Galbeedku waxay
Fircoon ka barteen arrimahaas oo waad aragteen Fircoon wuxuu gumaysan jiray
reer Banuu Israa’iil ee dadkiisa ma gumaysan jirin. Haddaad tusaale rabto
akhri Quraanka isla Suuradii Ash-Shucaraa’ waatii Nabi Muuse kusoo baxay
mid qoomkii Fircoon ah oo raranaya mid Banuu Israa’iil ah. Reer Galbeedka
hadda in dadkoodu cunto, shidaal, daawo waayo way dhibtaa sidoo kale inay ku
mudaharaadaan way dhibsadaan laakiin in ay Muslimiinta iyo Carabta ay
cabburiyaan oo ay u sameeyaan boqorro inkaar qaba oo ay kheyraadkooda
dhacaan dhib uma leh. Marka sheekadaan waxaa uga horeeyey Fircoon waana
mabada’a dad badan oo muslimiin ahi la dhacsanyihiin. Markaan Quraanka iyo
Sunnada jaleecdid ma arkaysid wax dhib ah oo ay dadkii Fircoon ka dhashay ku
qabeen Fircoon waana la ogaa markii ay Muuse iyo reer Banuu Israa’iil ay
cayrsadeen inta ciidan oo Fircoon oo soo baxday iyo quwaday lahaayeen.
Ilaahay ayaa baddaas ku ciqaabay ee cinqilaab ay dadkiisii ku sameeyeen kuma
dhicin maxaa yeelay qoomkiisa wuu naasnuujiyey sida reer Galbeedku yeeleen.
Laakiin haddaad akhriso waxa ay gaaladu ka sheegaan sheekooyinkii Fircoon
waxaa laga yaabaa inay xussaan cinqilaab iyo waxyaalo la mid ah oo ay
damceen laakiin Nasuusta ayaa qissooyin noogu filan. Laakiin qab-qablayaashu
waxay rabaan inay na rartaan oo diinteena caayaan, Zenawi iyo shisheeyana ay
u shaqeeyaan. Waxaa dhici karta in la arko amxaar qof Soomaaliya ku xiraya
isla Soomaaliya ama sidii labadii nin ee Boosaaso joogay ee Itoobiya loo
dhoofiyey ama waxa ay Baydhabo ka samayn jireen. Waxaan shakki ku jirin in
Fircoon uu yaqaanay maaraynta iyo maamulka oo uu kala yaqaanay dadkiisa iyo
qoomkii Nabi Muuse.
Bal Qisadii Hiraqle iyo
Abuu Sufyaan ka raadi Saxiixul Bukhaari. Sida uu Hiriqle u qiray sifooyinka
Nabiga iyo muslimiinta iyo sida Abuu Sufyaan uu uga cararay beenta. Haddaad
akhrisid maqaalo badan oo ay qoraan dadka qabqablayaasha taageera ama iyaga
laftoodu ay diintooda, dalkooda iyo dadkooda uga beensheegaan iyagoo is leh
wax ku hela ama diin nacayb uga dan leh. Hiriqle si shuuro ah buu dadkiisii
iyo Abuu Sufyaanba u dhagaystay markii qolyaha kaniisadu kasoo horjeesteen
oo ay ooyeen ma layn mana ciqaabin ee isagaa xukunkiisii u turtay.
Aan usoo galno Sayidkii
Binu Aadam (SCW) waa Nabi Muxamed (SCW). Waxay ahayd in Nabiga aan ku
bilaabo laakiin taariikh ahaan baan u rabaa iyo anoo jecel in xaqu uu
tirtiro dulmiga marka waa in xaqu dambeeyaa waxaana fiican inuu xaqo nagaado
oo uu sugnaado. Nabi Muxamed (SCW) waagii Makka asxaabtiisii tirada yarayd
waa la tashan jiray. Waxaad arkaysaa markii Abuu Darr Al-Qifaari uu muslimay,
buu yiri Kacbadaan tagin oo aan qiran Shahaadatayn-ka . Nabigu (SCW) wuxuu
kula tashay in uu iska daayo oo carrigiisii ku noqdo oo dhibkaan uusan
dhabarka u dhigan. Abuu Darr oo ahaa saxaabi ad-adag ayaa goostay inuu
hortooda ka qirto waxaana halkaas ka soo gaaray dhibaato kadib markii
odayaashii Quraysh ay isagu tageen (ku goobteen).
Dagaalkii Badar markii
labadii ciidan isa soo horfariisteen waatii Nabigu (SCW) uu ku yiri
asxaabtiisa (Ashiiruu callayya ayuhan-naas) oo ah tala keena isagoo u dan
leh reer Madiina ilayn reer Madiina waxay Nabiga (SCW) kula baayacoodeen in
haddii la soo weeraro ay sida naftooda iyo ehelkooda oo kale ay Nabiga u
difaacayaan waa haddii Madiina lagu soo weeraro laakiin hadda Nabigu Madiina
waa kasoo baxay oo waxay soo aadeen Safar inay qabtaan, dagaal ma soo aadin.
Nabigu markan waa ogyahay in meesha dagaal ka soo socdo laakiin Ansaar
meesha hadal baa uga furan. Arrimahaan dad baa ku sheegi lahaa dimuqraadiyad.
Ilaah baan ku dhaartee markaan laymankan qorayey waxaa damcay inaan
istaajiyo oo cabbaar ka fekero shuurada Nabiga (SCW). Nasiib wanaag Ansaar
waxay dhaheen Nabigii (SCW) meeshaad rabtid noo wad, ma jirto cid Ansaar ah
oo kaa haraysa. Waxaa taa dheer markii Nabigu ciidankii dagaal u diyaariyey
oo ku furay meel xoogaa ceelkii ka durugsan ayaa nin saxaabi ahi yiri Nabi
Alloow tani ma Waxyi baa mise waa xeelad dagaal. Nabigu wuxuu yiri waa xeel
dagaal. Saxaabigii wuxuu yiri waxaa fiican inaan ceelka tagno oo aan dar ka
samaysano oo aan hortiisa istaagno markaan oonno aan ka cabno markii cadowgu
harraadaana aan u diidno. Nabigu (SCW) waa qaatay caqligaas. Allaahu Akbar.
Dagaalkii Uxud Nabigu (SCW)
wuxuu rabay in ay Qurayshi Madiino soo gasho oo asxaabtu ay guryahooda
hortooda ku dagaalamaan waana arrinta fiicnayd laakiin dhalinyaro yar yar oo
dagaalkii Badar uu dhaafay baa Nabiga dedejiyey inkastoo markii dambe ay
dhaheen Nabi Alloow waan kusoo dedejinay ee na celi. Nabigu wuxuu yiri mar
haddii aan qalabka dagaalka gashanay noqosho ma jirto. Guuldarrada Uxud
arrintaas waxaa kasii darnayd tii saxaabadii buurta ka soo degtay. Ilaahna
wuxuu Nabiga u sheegay in uu la sii tashado Asxaabtiisa (Washaawirhum fil
amri). Lama oran way kusoo dedejiyeen ee mar dambe ha waraysan.
Dagaalkii Khandaq/Al-Axzaab
waatii sidoo kale la yiraahdo Salmaan Faaris ayaa soo jeediyey in dhufays la
qoto maxaa yeelay gaalada intaas tiro le’eg looma hayo ciidan hor istaaga
oo magaalada ka difaaca. Nabigu (SCW) ma oran nin qariib ah fikradiis qaadan
mayno laakiin waxaa caadi u ahayd in wixii caqli gal ah uu ka qaato dadkiisa.
Qabqalbayaasha waaan
kula talin lahaa inay ay arkaan sidii Nabi Muxamed (SCW) uu dadkiisa ula
tashan jiray sidoo kale Fircoonkaas aan aragnay isna u yaqaanay sida loo
tashado dadkiisa iyo waxgaradkiisa. Carabtu waagii hore waxay oranjireen
ninkii madaxyo weyn ka dhigta dad caqli xun wuxuu la mid yahay qof biyo
maquufay/quusay. Haddaad biyo dhex quustid neeftaa kugu dhegaysa oo ciriiri
baad dareemaysaa. Marka haddaad dad caqli xun soo dhowaysatid sidaas baa ku
qabsan haddaadan cidna soo dhawaysana waa dhib kale.
Dadweynuhu
sidoo kale waa inay tusaalayaashaas ka faa’iidaystaan. Dadka culumaa’udiinka
ah, issimada, dhalinyarada iyo dumarkuba waxaa fiican in ay kaalintooda
qaataan. Waa in marka wax khalad ah lagu arko hogaamiye kooxeed aan khalad
lagu raacin ee laga qabto oo loo nasteexeeyo maxaa yaalay isaga iyo dadkaba
dan baa ugu jirta. Haddii wax walba loo yeelo sida Soomaalida caadada u ah
dhib bay leedahay. Yaan la noqon waxa loo yaqaan “yes man”.
Hilter dagaalkii labaad
wuxuu samaystay niman jeneraalo ah oo noocaas ah wuu diiday inuu maqlo kuwii
aqoonta lahaa. Waxaa la yiraahdaa hadduu maqli lahaa nimankaas oo uu u
daynlaha howshooda in maanta taariikhdu si kale isu qori lahayd. Wuxuu
sameeyey waxa maanta qabqablayaashu sameeyaan. Haddii dagaal lagalayo iyagaa
dira. Haddii Shiikh la xirayo iyagaa amra. Haddii boono qof loo qorayo
iyagaa amra. Haddii qof dhul xaaqe ah la qorayo iyagaa qora. Haddii beeluhu
isdagaalaan iyagaa ergada xula. Haddii canshuur la kordhinayo iyagaa
kordhiya. Haddii dhul la xadayo iyagaa xada. Haddii dhulka iyo badda
Soomaaliya qashin lagu duugayo ama maraakiib kalluumaysi la siinayo iyagaa
siiya sidaas iyo si la mid ah. Marka runta yaan laga tagin. Miyeynaan Cali
Gambool xassuusan waa isagii Sayidka oo aan hadalka lagu celin sidii la
ogayd ula hadlay
Ducaadda:
waxaan u sheegayaa ilayn qof Caalima ah waxaan kama suurtoowdee in aysan
dadka niyad jabin khaasatan kuwa runta sheegaya. Marar badan waxaad
maqlaysaa in markay arkaan qof xaqa suu yahay usheegaya ay dhahaan walaal
waxaa la rabaa Qowl layyin ah. Qofkii qowl layyin ah raboow waakan. Muuse
markuu lahaa markuu Fircoon yiri Muusoow waxaan kuu malayn mid la sixray.
Nabi Muuse isna wuxuu yiri Fircoonoow ana waxaan kuu malayn mid lahalaagi.
Ogoow Muuse waa Nabigii Ilaahay ku yiri qowl layyin ah dheh waana Rasuulkii
loo diray Fircoon si uu qowlkaas ugu dhaho, marka Nabi Muuse ma khalad buu
sameeyey? Xaashaa, Nabi Muuse khalad ma samayn. Sidoo kale qowlu layyin ma
ahan hadal jilicsan oo dadka xaqa la dagaalaa ku farxaan bal Nabi Muxamed (SCW)
oo qowlu layyin leh aan fiirino. Markii Qurayshi ay Nabiga ku dacwaysay
adeerkii Abuu Dhaalib waa tay dhaheen wax walba waan u ogolnahaye wax ha
sheegto. Nabigu wuxuu yiri qowl layyin ah oo ahaa ( QUULUU LAA ILAAHA
ILLALLAAHU TUFLIXUU) oo ah towxiidkii laakiin Qurayshi waa ka xanaaqeen
iyagoo leh ma Ilaahyadii buu Hal Ilaah ka soo reebay. Marka haddii
mujrimiintu xaqa ka xanaaqaan micnaheedu ma ahan qowlu layyin lama oran.
Waxaan shakki lahayn in xikmad loo baahanyahay. Marka haddii markii Fircoon
lahaa Muusoow waxaan kuu malayn mid sixran haddii Muuse dhahi lahaa
Fircoonoow waxaan kuu malayn mid waxgarad ah xikmad ma ahaateen.
Gabagabo: Fircoon
markii dhibtu ku dhacday wuxuu aaday Nabi Muuse si uu Ilaahay ugu baryo.
Anaga oo dhibka nahaystaa uusan jirin dhib ka wayn maxaan Ilaahay u aadi la’nahay?
Waxaa kasii daran waxaan aadnay wax uusan Fircoon samayn oo ah Maraykan iyo
Amxaaro. Nabi Muuse isagoo nin kamma’/si aan kas ahyn ah ku dilay waa
kudhici waayey inuu Fircoon aado oo Ilaahay buu uga cududaartay arrintaas
laakiin qabqablayaashu iyagoo kumanaan dilay bay isu qabaan inay yihiin
madax oo waliba shacabkii iyo diintiisa ay ku tuhmayaan inay nabadda kasoo
horjeedaan iyaguna ay saxsanyihiin.
Lasoco taxanaha haddii
Ilaah idmo.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|