SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
QIIMAHA - DHULKA

Qiimaha iyo sharafta dhulku leeyahay

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

Qiimaha dhulka dartiis ayaa markii wax wanaagsan oo qiime leh la xusayo waxaa lasoo qaataa dhulka maxaa yeelay dhulku wuxuu ku dheeryahay fahanka qofka. Xataa markii laga hadlayo dhibta waxaa sidoo kale la soo qaataa dhulka, way noo imaan doontaa Insha-Allaah.

I  I  D  H  E  H

Aayada 30-naad ee Al-Baqarah wuxuu Ilaahay ku yiri Malaa’igta (waxaan arlada uyeelayaa mid u hara (Khaliif). Malaa’igtii waxay tiri: ma waxaad u yeelaysaa kuwo fasahaadiya oo dhiig ku daadsha.) Malaagtu waxay yaqaaneen qiimaha dhulka waxay fahmeen in qoomam anagoo kale ah ay imaan doonaan.

Habaynkii qiimaha lahaa ee Nabiga la dheelmay waxaa Allaah uu xusay Masjidul Xaraam iyo Masjid Al-Aqsaa iyo dhulka ku xeeran. Waxaan ognahay in Xaramaynku leeyihiin dhul cayiman oo aan lagu xadgudbi karin. Ugaartiisa lama cayrsho iska daa dil, geedihiisa lama jaro. Insaan dhibkiis iskaba daa. Ma jirto wax lala simo sharfida Xaramka iyo Masaajidka Nabiga (SCW) iyo masjid Al-Aqsaa. Kacbada waan ognahay in sanad walba ay malaayiin u aadaan Xaj iyo Cumro. Ma jiraa Shiikh dad intaas le’egi ay aadaan. Sidoo kale Xadiiskii ahaa safar cibaado ah looma qasdo ilaa seddex meelood. Masaajidka Xaramka, Masaajidka Nabiga (SCW) iyo Masjid Al-Aqsaa.

Marka abuurida dhulka iyo cirarka Ilaah ka hadlayo wuxuu ku bilaabay dhulka. Fiiri Suurat Fusiltat aayadaha 9-12. Ilaah dhulka wuxuu uqoondeeyey afar maalmood. Labo beri oo lagu abuuray iyo labo beri oo la fidiyey, biyaheeda iyo baadkeda iyo waxyaalahaas la sugay halka Allaah uu samaawaadka uu ku abuuray labo maalmood. Taasina waa sharaf dhulku leeyahay. Wuxuu sidoo kale Allaah ku leeyahay aayada 29-naad ee Suurat Al-Baqarah (Allaah waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas samada ahaysiiyey kana dhigay todobo samo, Allaahna wax walba waa ogyahay.) Waxaan arkaynaa inay tahay aasaaskii. Guriga markii la dhisayo waxaa laga bilaabaa aasaaska.

Ibliis markii Allaah yiri usujuud Aadam wuxuu xusay carrada (ciida) isagoo quursanaya oo leh ma Axad aad carro ka abuurtay baan usujuudaa anoo dab la iga abuuray fiiri aayada 12-naad ee Suurat Al-Acraaf.

Nabi Muxamed wuxuu yiri Arlada waxaa la iga dhigay daahir iyo inaan ku tukankaro. Markii uu tiriyey waxyaalo aan Nabiyadii hore la siin. Xadiiskaas waxaa wariyey Imaam Muslim.

Allaah wuxuu suuraltul Israa’ ku leeyahay (Waxaan barakaynayn binuu Aadamkii waxaana ku qaadnay dhulka iyo badda). Allaah markuu xusay Karaamadii Binuu Aadamka wuxuu markiiba raaciyey dhulka.

Binuu Aadam ha isu ahaadeen waalid ama walaalo, qaraabo kale ama aabe iyo hooyo waxay is agjoogaan inta ay noolyihiin laakiin markuu qofku dhinto markiiba waa la isdhaafshaa laakiin dhulku isagu geeri iyo nololba wuu na aqbalaa sidii Allaah uu Quraanka ku yiri (Miyeydaan arlada idin kayeelin mid kafaaleqaade ah. Nolol iyo geeriba). Sidoo kale Allaah wuxuu yiri ( Markaan dilno qabri baan ku asturnaa ).

Xoolaha xitaa markay lawaayo waxaa loo raadshaa dhulkii ay yaqaaneen.

Cufasjiidadka uu Ilaahay ku abuuray ayaa yaableh oo wax walba xagiisa ayeey usoo noqdaan. Soomaalidu waxay tiraahdaa “shimbir buubtay irzaaqadeed waa dhulka” “Ma huraayo ciidee”

Fircoon markuu Nabi Muuse ku yiri waa kuma Rabu- Alcaalamiin. Muuse kuma bilaabin Rabigaa iyo Rabigaa aabayaasaa ee wuxuu ka hormariyey (Wuxuu yiri waa Rabiga Samaawaadka iyo Arlada )

Sidaan horay usoo sheegnay dhulku waa waalidkeen oo kale mar hadii aan xagiisa ka nimid. Waxaad ogtihiin shimbiraha yaryar oo xitaa digaagu ku jiro, dhasha xayaawaanka kale iyo waliba caruurta markay arkaan wax cabsi galiya waxay u cararaan hooyadood ama aabahood.

Qisadii wiilkii Nabi Nuux markii Aabihiis Nuux Calayhi Salaam uu yiri (wiilkayoow soo fuul doonta, wiilkii wuxuu yiri waxaan magagangalayaa jabalka) doontii wuu isku aamini waayey maxaa yeelay mar hadii uu Ilaahay iyo Rasuulkiisii caasiyey wuxuu u arkayey doontaan ku cusub inuusan ku kalsoonaan ee uu magangalo calaamadaha dhulka ka taagan ee buurta ah. Ka warama hadii hada inta doon naloo keeno ama diyaarad la yiraahdo dadkiina Soomaliya joogoow soo fuula waxaad tagaysaan Marayikan iyo Yurubta Galbeede. Yaa ka hari lahaa safarkaas iyo uboqoolid dhul aynaan aqoon.

Nabi Muxamed (SCW) markii uu Maka ka baxayey waatii intuu milicsaday uu yiri Walaahi waxaad tahay arlada Ilaahay mida xagayga loogu jecelyahay hadii uusan qoomkaagu iga kaa saareen kaama baxeen.

Abuu Bakar iyo Bilaal markii ay Madina ku xanuunsadeen waxay tirsheen baydad gabay ah. Kii Bilaal waxaa ka mid ahaa. (Maan mar Makka baryo/ahaado oo aan dhinacyada ka arko geedo la yiraahdo idkhar iyo jaliil. Kutubada Siirada Nabiga waad ku arkaysaan waxaana wariyey sidoo kale Bukhaari iyo geyrkiisba.

“Haybad waxaad kuleedahay ciidaada hooyo waana lama huraane hagar la’i wax ugu qabo.

“Hadaan dibada aadoo ajashu ii timaadana kii lay ambinayee iilkaygu yaalee arligaygoow”.

“No place like home.”

Masqadhu ra’sii. Waa halkii madaxaygu kusoo dhacay. Meeshaad ku dhalatay. Ama dheh meeshii xuduntaydu ku xabaalnayd.

Aayada 61-baad ee Suurat Huud Nabi Saalax wuxuu milicsiiyey qoomkiisii thamuud (qoomkayoow Allaah caabuda, Ilaah aan isaga ahayna ma lihidin, Isagaa idin ka amaamuday dhulka xagiisa idinkuna camiray. )

Sida ku cad Suurat Al-Baqarah waa tii ay Reer Banii Israa’iil ay Nabi Muuse dhaheen Ilaahay noo bari inuu noo soo saaro waxyaabaha dhulka ka baxa baqalkeeda, qajaarkeeda, thoomteeda, cadaskeeda iyo basasheeda. Inkastoo ay haysteen cunto diyaarsan oo qiima sare leh hadana waxa dhulka ayey dalbadeen oo jamteen. Soomaalidu waxay jeclaayeen baasto lagu sameeyey Talyaaniga iyagoo galaydeena ama bariiskeena ka faani jiray. Waxaan xasuustaa boorar (placards) lagu soo qori jiray “dad barwaaqo ku taagan inay baahi baxaana badaa uun ka sugaaya waa balaayo aduun”

“Mukulaal minankeeda joogta miciyo libaax bay leedahay”

Cumar Binu Khidhaab makruu ogaaday in Nabi Muxamad (SCW) uu ku dhintay Madiina oo lagu duugay buu yiri nolashaba hadaan ku jeclaa intaan muslimay ma rabo inaan geerida ku kala tagno. Wuxuu Ilaahay ka beryahay inuu Shahiid ku dhinto Madiinana uu ku dhinto.

Naagtii Raage Ugaas markii ay reeraheedii aaday oo ay soo dhibaadiyeen waatii la soo siiyey awr badan oo wada alaabo sida oodkac, subag IWM. Markii ay habeen ku soo dhowaadeen gurigii ayaa la yiri habeenimadan ma gali karno degaanka. Si naloo arko waxaan wadno waa inaan subaxii galnaa meesha. Laakiin haweenaydaasi waxay tiri mar hadii gurigaygii ii muuqno ninkaygiina uu halkaas joogo caawa cidladan seexan maayo. Habaynimadii bay istiri gurigii aad laakiin libaax baa cidlo ka helay. Raage ugaasna wuxuu ka tiriyey gabaygii caanka ahaa ee la oran jiray:

Sida koorta yucub oo la suray koromo buubaal ah

Ama geel kareeb ah oo nirgaha laga kaxaynaayo

Wuxuu raaciyey

Xalay kolola’aygii ma ladin kaamil reeruhuye

Kumbiskii miyaa la iga qubay koloyo ii buuxay

Maantana kataantii miyaa la iga kala qaaday

Kob abaar ah oo dhexe miyaa keero ila meeray.

Markii ay munaafaqiintu rabeen in ay jihaadka ayna galin oo ay baqaha doorteen waxay iskula hadleen oo ay isku soo jiiteen inay magaca dhulka ee ka dhaxeeya ay isticmaalaan intii ay qabiiladooda iyo lafahooda xusi lahaayeen. Taasina waxay ku tusinaysaa in caadifada dhulku ay qiimo badan leedahay. Ilaahay markuu Quraanka nooga waramayey hadii aan Afsoomaali ahaan uxusno wuxuu yiri: markay qayb ka mid ah lahayd (yacnii Munaafaqiinta) reer Madiinoow (Yaa ahla Yathriba) meel aad ku nagaataan dagaalka ma jirto, ee noqda (Madiino) koox iyaga ka mid ahna waxay idan waydiisan Nabiga (SCW) iyagoo dhihin guryahii baa naga dayacan, mana dayacna ee waxaan carar ahayn ma rabaan Suurat Al-Axzaab 13.

Sidoo kale xadiis saxiixa oo Imaamu Al-Bukhaari wariyey waxaa Nabiga loo sheegay meeshu u qaxayo isagoo xusay inay ku taal labo xarro dhexdood ayna tahay meel timir leh. Marka qiimaha magaaladaas waataas. Waxaana lasheegaa xataa in towraad lagu xusay. Waxaa taa daliil u ah in seddex qalo oo Yuhuud ka mid ah ay Madina soo dageen Nabigoon soo bixin . Maxaa yeelay waxay Towraad ku haysteen Sifooyinka Nabiga siduu Quraanku sheegay iyo inay u yaqaanaan sida ay wiilashooda uyaqaanaan. Madiina waxay udegeena waa inay yaqaaneen.

Dadku qofkii ay layaabaan waalidiisa iyo siduu wax uwado waxay dhahaan qofkaas cirkuu kasoo dhacay iyagoo udiidan inay dhulka utiiriyaan. Maxaa yaalay dhulka sharaf buu leeyahay. Haday ku dhahaan cagaha dhulka dhig waa is tartiibi oo caqli isticmaal. Alloow yaan nala oran cirkuu ku socdaa ama ku guuraa.

Puntland magaca ah ma ahan mid qabiil kasoo jeeda ee waxay ku sheegaan in uu yahay sifo dhulku leeyahay sida uduga. Somaliland lafteedu waxay ka soo jeedaa dhulkii Ingiriisku uu qoqobay.

Wuxuu Imaam Al-Bukhaari uu wariyey in uusan Madiina galayn Masiixu Dajaal iyo Daacuun midna. Waana sharaf uu Ilaahay uu magaladaas sharfay.

Waxaan aragnay markii la ciyaarayo muusikada astaanta u ah calamada in loo istaago halka aan badanaa loo istaagin madaxwaynayaasha. Taasi waxay ku tusinaysaa qiimaha ay u qabaan dhulkooda. Waxaad arkaysaa ciyaartooyda sida kuwa kubada cagta ciyaara in qaarkood ay muusika ku ooyaan iyagoo tusaya jacaylka ay dhulkooda u qabaan.

Waxaan xasuustaa riwaayad ka hadlaysa gabar uu shukaansado nin Janaale ah oo ay ka wadaan mid khaliijka kasoo shaqaystay oo xoogaa lacaga wata. Waxaa markii dambe soo galay nin askari ah. Gabadhii waxay soo dhowaysatay jabhadkii maadaama waayadaa dagaalo lagula jiray Itoobiya kii kalana waxay ku tiri “Jabhad baa yimide Janaaloow ka bul dheh”

Lama tirin karo heesaha ka hadlaya qiimaha dhulka iyo qiimaha uu yeesho qofka dhulka waardiyeeya:

Dhulkayaga dhulkayaga woow dhimanaynaa dhulkayaga

Dhiig inaan ku shubo oo aan dhagar ku galo woow dhaarsanoo

Woow dhimanaynaa dhulkayaga.”

Sidoo kale waa tii uu qaadi jiray Allaha u naxariistee Maxamed C/hi Gujis:

“Gowracaa walaalkay gaarhayoow gibil kay xanuunee gaarhayoow

aanu kuu garownee gaarhayow geyiga ilaali gaarhayoow

Good iyo abeesadu gaarhayoow yeyna ina gaadine gaaryahoow

Aanu kuu garownee gaarhayoow geyiga ilaali gaarhayow.

Markasta waxaa kusoo hooriyaa Geyiga ilaali.

Galbeed waa la xoreeyey Warsaw baa gaagixisay. Dhulkii baa dadkii loogu magac daray.

Allaha unaxariistee Carays Ciise saarkiisii ahaa “waraaboow maalin wacan”: wadaynimo kaama rabo wadankaa anaa iska leh aan kala waydaaranee warooboow maalin wacan.

Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa.

Wadankeenu waa wadnihii jirkeenoo waraabinaayey dhiigoo waan ku werweraynaa.

Waxaa kasii daran markuu lahaa Allaha ha unaxariistee C/hi Suldaan timacade markii xornimada la qaatay gabaygii ahaa

“Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegne kana siib kaana saar”. Waxaa ka mid ahaa:

In sidayda tihiin iyo inkalaana saxayne

Soomaaloo calan taagta saaka iigu horaysee

Seddex week iyo maalmo hadaan soor cuniwaayo

Sufrad laygama yaaboo soori mayso naftayduna

Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee

Kaana siib kana saar.

Gabaygu wuxuu tilmaamayaa sidii ay dadku ugu farxeen xornimada maxaa yeelay dhulkaagii oo kaa maqnaa baa laguu soo ceshay.

Waxaan ognahay dhaqan ahaan Soomaalidu ma sameeyaan waxaan loo yaqaan “birthday party” oo ah xaflada dhalashada. Laakiin xornimada taariikhdii la qaatay qof kasta waa ku wayntahay. Waxaad moodaa in dhulka aan ka horaysiino nafteena markii aan qumanayn. Laakiin hada qalbigii baa nafoorara dhulka gaalada ayaan ka hormarinaa dhulkeena waxaa taa u daliil ah jacaylka aan u qabno Maraykan iyo Yurub aadid.

Mayd waxaa udambeeyey kaa la sii wado. Qadarin la’aanta Soomaalida ee ku aadanayd dhulkooda waxay maraysaa meel sare. Soow Eldoret ma ahan waxa hada la fadhiyo si arimaha Soomaliya xal loogu helo. Dhul aan ku shirno oo aan leenahay ma waynay?! Qiimaha dhulka iyo Qadarin la’aanta Soomaalida.

Waxaa ku xigi doona Cutubyo ay u horayso maxuu qofku dhulkiisa uga hijroodaa hadii Ilaah idmo.

Asalaamu calaykum

 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2002


 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]