Dhulkaaga oo loo jihaado ama loo dhinto
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Waxaa loo idmay kuwa lala dagaalami (inay
dagaalamaan) maxaa yeelay waa la dulmiyey Allaahna gargaarkooda waa
karaa. Waana kuwa laga bixiyey guryahoodii xaq darro iyo inay dhaheen
Rabigeen waa Allaheen, hadayna jirin ku difaacida Allaah dadka
qaarkood qaar, waxaa la dumin lahaa Macaabidda Yuhuuda, iyo Biyac
Kaniisadaha, iyo Kaniisadaha dad kale, iyo Masaajidda lagu xuso
dhexdeeda magaca Allaah wax badan, wuuna u Gargaari Allaah cidii u
Gargaarta, Allaahna waa Xoog Badane Adkaada (Suural Al-Xajj aayadaha
39-40).
Ka waran madaxdii Bani Israa’iil, Muuse ka dib
markay ku dhaheen Nabigooda noo soo bixi Malik/boqor oon ku dagaalanno
Jidka Allaah, wuxuu yiri armaad mudantihiin hadii la idin ku
faradyeelo dagaalka inaydaan dagaalamin, waxayna dhaheen maxay aanaan
ugu dagaalamayn jidka Allaah iyadoo nalaka bixiyey guryahayagii iyo
caruurtayadii, markii lagu faradhyeelay korkooda dagaalkii way
jeedsadeen, inyar oo ka mid ah mooyee, Allaah waa ogyahay daalimiinta
(Aayadda 246 ee Suurat Al-Baqarah).
Markii Nabi Muuse ku yiri reer Bani Israa’iil (qoomkayoow
gala dhulka la daahiriyey oo idiin yaboohay Allaah, hana unoqonina
gadaashiina oo gadoontaan idinkoo khasaaray (aayadda 21 ee Al-Maa’idah).
Bal aan u galno waxay Soomaalidu ka tiri. “Gayigaaga
waa loo dhintaa yaad gawaab noqone. Hadii aanan dhulkaygoow dhiig
cadaawe kuu galin Soomaali kama dhalan”.
Qof walba waa garanayaa ka dhiidhigii
gumaysayaashii Yurub. Dadkii u kacay Soomaaliya oo qof walba
maskaxdiisa ku jirta. Axmed Guray kasoo biloow, Sayidka ku dar, Faarax
Oomaar, Maxamuud Xarbi, Xalane, Xaawo Taako iyo kuwo kale. Xataa intii
aan dowladnimada qaadanay waxaa jiray dagaal uu cadowga Itoobiya nagu
soo qaaday sidii kii ka dhacay Waqooyiga Soomaaliya. Wuxuu qofkii
taariikhda yaqaan xasuusanayaa geesigii Xalane markii uu lahaa:
cadowgu bir maahee burburiya, ciiddayda uddiida cadaawaha inuu cagaha
soo dhigo. Nasiib darro meesha qabqablayaasha qaarkood moodo inay
leeyihiin cadowgu waa bade ha ubbixina, ciideena u ogolaada
walaalaheena (Amxaarada).
Sidoo kale waa kii abwaankii uu lahaa:
-
“Hashii goodankeedii rag badan goodku ku
casheeyey
-
Hashii labada gaal ee is barkani………………
-
Hashaan gaadda waynoow libaax uga gaboon waayey
-
Inaan goroyo cowl uga tagaa waa wax soo
guraye.
Wuxuu Abwaanku ka wadaa dhulkii aan Ingiriis iyo
Talyaani uga tagi waayey oo aan ka saaray in Xabashi xumi iga qaado
waa waxaan dhici Karin.
Waxaan xasuustaa heeso ku qornaa buugta
Afsoomaaliga ee dugsiyada hoose dhexe oo ay laga matalayo arday yaryar
oo isu celcelinaysa:
“Waxaan doonayaa inaan duulo’oo, Danood iyo
Wajeer Dirirdhabe iyo Harar, dalka nala ka dhacay dib usoo ceshoo”.
Mid kalana wuxuu yiri:
“Waxaan doonayaa inaan duulo’oo buuraha dadbane
dalkayaga ku yaal waxa dahab ku jira soo dibad baxshee”.
Qolooyin badan oo aad xitaa ku arkaysid website-yada,
dhulka ka maqan waa dhul xor ah sida Laascaano, Buuhoodle iyo Sanaag.
Waxayna ku hamiyayaan inay gacanta ku dhigaan. Xaggee Laascaano iyo
Hawd ka jiraa qofka Hargeysa jooga. Waxaan jeclaan lahaa inay ku
hamiyaan inay Xarshin gacanta ku dhigaan.
Heesihii Radio Muqdisho laga qaadi jiray wax yar ka
hor 1977 waxaa ka mid ahaa:
“Ashtakiyo haddaan Odayo u diray, arliga iga
maqan ergo laygu siinayn, aaladayda xoogga leh baan ku aarsan maantee
inaan eedi ila jirin Afrikaay ogsoonoow”. Markii ay Soomaalidii
ergadii ka quusatay waxay qaadi jireen heeso kale sidan oo kale:
“Digsi malagi galay baa fuud kulul dabaashay
markuu dalaq yiraahdaa nolol ugu dambaysay, waanaga dardaarane ayaa
uddiga Amxaarada”
Dagaalkii 1977 oo diiftiisii ilaa hadeer aynaan ka
soo waaqsan waxaa loo galay wuxuu ahaa dhulkaas dartii. Wixii gabay,
guuroow, buraanbur iyo heeso laga tirshay lama soo koobi karo.
Diiqaar waa la ogaa sidii ay u difaacdeen Banuu
Shaybaan iyo qabiilooyinkii kale oo Carbeed waana la ogaa hadalladii
uu yiri Shiikhu Banuu Shaybaan isagoo dagaal ku dhiiri galinaya: yaa
macshara Bakar qof dagaalka ku dhinta oo loo cududaaro ayaa ka fiican
mid carara oo badbaada, taxadarku qadarta waxba kama taro, samirku
wuxuu ka mid yahay asbaabaha guusha, sharaf ku dhimasho baan rabnaa ee
ma rabno dullinimo, mowdka/dhimashada oo la qaabilo ayaa ka fiican in
loo dubur jeediyo, dhuunta godkeeda oo lagugu dhufto ayaa ka sharaf
badan inay kaaga dhacdo dabo gibinta iyo dhabarka. Waa la ogaa
qabiilooyinkaas Carbeed oo maanta u dhigma Ciraaq sidii ay Furus/Beershiya
(Persians) oo u dhigmay Maraykanka ay uga guulaysteen. Annagiina
Amxaaro ayaa wadnaha noo gashay.
Dagaalkii Axzaab/Khandaq markii Madiina la
hareereeyey oo Quraysh iyo xulafadeedii, Qadafaan iyo Yuhuud ay isku
dhinac noqdeen ayaa Nabigu (SCW) wuxuu u naxay dadka Madiino wuxuuna
Ansaar ku yiri maad timir ku fiirisaan Qadafaan si ay idiin ka tagaan
oo dagaalka u joojiyaan. Labadii Sacad waxay Nabiga waydiiyeen in
arrintu Waxyi tahay iyo in kale. Nabigu wuxuu yiri waa ra’yi ee
Waxyi ma ahan. Waxay dhaheen Nabigii Ilaahayoow waagaan gaalada
ahaynba timirta waan ka iibin jirnay, baadna maanaan siin jirin ma
hadda oo aan muslim noqonay baan baad siinaynaa. Waxay dhaheen
Wallaahi baanan taas yeelayn ee waa noo dagaal.
Waddankaan Ingiriiska oo aan joogo waxaa
dabayaaqadii Sanadkii 2002 la qabtay tartan lagu dooranayo toban ka
mid ah boqolkii qof ee Britian ugu muhiimsanaa ama ugu caansanaa. Ka
dib cod qaadid ka dhacday dhulkaan ayaa dadkii waxay kaalinta koowaad
u doorteen Winston Churchill dagaalkii labaad dartiis oo ay dhaheen
ninkaasi wuxuu ku samray dagaalkaas oo keeni lahaa inuu Jarmalku na
qabsado. Difaacii dhulkiisa ayaa sharafkaa uu ku helay. Waxaa naxdin
leh in maanta Soomaalidu ay horboodayaan oo dad badan oo aqoonyahano
iska dhigaya ama culimo ama siyaasiyiin ay taageerayaan niman/qabqablayaal
ah oo aan labo isku khilaafin dabo dhilifnimadooda iyo dad iyo diin
nacaybkooda.
Arrinta dhulkaaga oo loo dhinto waxay ka mid tahay
fidrada oo waa arrin ku abuuran muslim iyo gaal. Islaamku arrintaas
waa sii booriyey oo waan ognahay Axaadiista tilmaamaysa qofkii
naftiisa, maalkiisa iyo cirdigiisa loogu yimaado oo difaacda oo ku
dhinta inuu shahiid yahay.
Rumayso ama ha rumaysan waxaa tobonaan sano ka hor
dhacday in nin Soomaali ah uu usoo shukaansi tagay gabar. Markii uu
aqalkii gabadha yimid bay u timid iyadoo arigooda ka soo noqotay una
sheegtay inay soo aragtay niman hubaysan oo isaga iyo dadkiisa
raadinaya markaasay waxay tiri meesha ka carar. Ninkii waxaa ceeb ku
noqotay in isagoo shukaansi doon ah uu cararo halkaas bayna raggii
inta gurigii yimaadeen ku dileen. Waxaan ognahay in dad noocaas oo
kale ah ay galeen dagaalkii 77-dii ayna muujiyeen geesinamadii la
arkay. Sida aan ognahay fahanka Diinta Islaamku ma jiro maalin uu
maanta ka badan tahay Soomaaliya waxaad arkaysaa dhalinyaro da’ yar
oo Quraanka tafsiirkiisa iyo kutubbada Axaadiista ah ee loo yaqaan
Umuhaatu Sitah wada yaqaan oo meerinaya. Laakiin maxaa si ka ah
dhalinyaradaas. Waxaad arkaysaa jirrida, mooryaanta iyo daydaygu inay
ogolyihiin inay ku dhintaan shilin uu cunto, sigaar ama qaad ku gato
laakiin dadkii diinta fahmay ma ogola in dhib u gaarto dhulkiisa,
dadkiisa iyo diintiisa.
Hadda waan aragnaa in wiilal yar yar oo Maraykan
iyo Ingiriis ah ay joogaan Khaliijka si ay Saadaam ula dagaalaan oo ay
meesha uga qaadaan. Maxaa anaga noo diiday in dhalinyaradu isu
diyaariso difaaca wadankooda iyadoo ay Xabashidu noogu timaado
wadankeena?!
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|