SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
QIIMAHA - DHULKA

Qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida.

Qaybtii toddobaad

Dhibta teeda wayn oo dhulka lagu suureeyo

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

Seddexdii (Wuu ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga ciriiryamo dhulku isagoo waasac ah, kuna ciriiriyantay naftoodii una maleeyeen inayna jirin meel laga magan galo oon Allaah ahayn, markaas baa Allaah ka toobad aqbalay inay toobaad keenaan, Allaahna waa Toobad Aqbale Naxariista. Aayadda 118-aad ee Suurat At-Towbah.

Imaamu Al-Muslim wuxuu Abuu Hurayra (RC) ka wariyey xaddiiskii ahaa Nabigu wuxuu yiri (SCW) (Islaamku wuxuu ku bilowday qariib, wuxuuna ku noqonayaa sidii uu qariibka ugu biloowmay, dhuubaa waxay usugnaatay dadka qurabaa ah ( kuwa diinta ku dhegen)

Waxaa Allaah uu arrinteeda wayneeyey marka annagoo dhulkeenii ka tagnay oo safar ah uu mowdku na helo waxaana Allaah ku suureeyey musiibo (oo idin asiibo musiibada mowdka). Aayadda 106-aad ee Suurat Al-Maa’idah.

Imnu Maajah wuxuu ka warinayaa Ibnu Cumar. Ibnu Cumar (RC) (Nabigaa wuxuu qabtay qaar kamid ah jirkayga markaasuu yiri Cabdullaahiyow ahow adduunyada sidii qof Qariib ah ama sidii qof jid gooynaya, naftaadana ku tiri ehlu qabuurka .

Ciqaabta dhulka: duulkii ama qofkii qooqa oo dhulka lagu ciqaabo.

Waxaan ognahay qofkii dhulka fasaadiya oo la yimaada wax aan horay loo aqoon waxaa Ilaahay ku ciqaabaa dhulka. Tusaale ahaan usoo qaado Qoomu Luudh markay ay dhulkii la yimaadeen waxaan cidna uga horayn, Ilaahay dhulkii buu la gaddiyey/rogay iyadoo ciqaab dheeraadana loo raaciyey. Allaah wuxuu leeyahay (markii uu yimid amarkayagii waxaan ka yeelnay (dhulkii) korkiisa mid hoos maray waxaan roob uga dhignay dhagxaan la shiday oo israacraacsan). Aayadda 82-aad ee Suuratun Huud. Aayado badan oo qoomkaas ka hadlayana waa jiraan.

Qofkii qof ka xada dhul wuxuu mutaa ciqaab daran. Waxaan ka arkaynaa in amarka dhulku uu aad u waynyahay. Xaddiiskii ay warsheen labada Sheekh iyo Qayrkoodba wuxuu ahaa lafdhigii Bukhaari: Qofkii dhulmiya dhul waxaa qoorta loo galiyaa toddobada dhul. Waa ciqaab aan horay loo arag.

Sidoo kale Qisadii Qaaruun ee xoolaha badan Ilaahay siiyey. Kadib markii dadkii adduunyada jeclaa ay tamaniyeen in Ilaahay uusiiyo xoolaha Qaaruun oo kale waa tii kuwii cilmiga lahaa ay ku dhaheen waxaan waa adduunyo ee ha ku dagmina sidoo kalana waa tii ay u caqli cesheen Qaaruun laftiisa oo ay dhaheen war Ilaahay waxaan uu ku siiyey aakhiro ugu shaqayso isna waatuu yiri waxaan cilmigayga baa igaarsiiyey. Waa tii markii dambe Ilaahay dhulka la gooyey. Qisadaa ka fiiri dhamaadka Suurat Al-Qasas.

Xaddiiskii kaloo ahaa qofkii dooriya calaamdka dhulka ciqaabta loo sheegay.

Sidii xaddiiskii uu sheegay waa tii mar dad badan oo duulaan ku ah Kacbada in Ilaahay dhulka la gooynayo. Waxaad arkaysaa in saxaabo badan iyo muuminiin badan xaqdaro lagu dilo laakiin Ilaahay Kacbada Gaaladii soo weerartay ee uu Abraha watay waa la ogaa wixii ku dhacay.

Xaddiis uu isna warshay Imaam Al-Muslim Kitaab Al-Fitan Wa Ishtiraadhu Saacah. Wuxuu wariyey in ay Umul Muuminiin Ummu Salamah ay Nabiga (SCW) ka warisay in uu qof magan galidoono kacbada markaasaa ciidan lagu saarayaa markay marayaan Baydaa meesha la yiraadho ayaa Ilaahay dhulka la goynayaa. Waxay waydiisay hadduu ku jiro mid dhibsanaya (oo raali ka ahayn sidii mid lasoo khasbay) Nabigu (SCW) wuxuu yiri la jirkooda/macooda ayaa dhulka lala gooynayaa laakiin qof walba niyadiisa baa lagu soo saarayaa.

Sidoo kale labadii nin ee Allaah nooga waramay suurat Al-Kahfi. Ninkii inta isagoo saaxiibkiisii muslimka la murmaya inta beerta galay dhahay anaa kaa xoolo badan xagga cisada, dadka dhexdiisana anaa kaaga leh oo inta beertiisa galay isagoo naftiisa dulminaya yiri ma filayo in nicmadan ay iga guurayso mana aaminsani in qiyaamo dhacayso hadii xagga Rabbi la ii ceshana kheyr baan agtiisa ka rajaynayaa. Kadib waa kii saaxiibkiis lahaa isagoo hadalka ku celinaya ma waxaad ku gaaloowday Allahii kaa abuuray ciid ka dibna candhuuf kadibna nin eg kaa dhigay laakiin maad tiraahdid Rabbigay waa Allaah, axadna uma shariik yeelayo. Maad beertaada gashid oo tiraahdid wixii Ilaahay doono, Isaga kaliya ayaana leh quwadda dhabta ah. Waxaad u aragtaa inaan xagga maalka iyo wiilashaba kaa yarahay laakiin Rabbigay wuxuu mudan yahay inuu isiiyo kheyr ka badan kan beertaada oo uu usoo diro beertaada kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiriraxoodo. Ama biyaheedu kuwa gura oodan awoodin dhalabkooda (soo celintooda). Waa la koobay mirahiisii (la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gacmahiisa wuxuu ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalaytidaydee maanan la wadaajin Rabbigay cidna. Uma ahaanin koox ugargaarta oo kasoo hartay Allaah, mana ahaan mid gargaarsada.

Marka Allaah ka hadlayo waxyaalaha xasanaad qofka eber ka dhiga sida shirkiga, Ilaahay wuxuu noo mithaalaa beer/dhul. Suurat- Al-Baqrah wuxuu Ilaah noo sheegay micno ahaan: ma jecelyahay midkiin inay u ahaato beer timir iyo canabyo ah oo ay dareeri dhexdeeda wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo midho ah ayna hayso da’ wayn uuna leeyahay caruur tabaryar oo markaas beertii asiibto dabayl daran oo dab wadata oo gubtay beertii, saasuu Allaah idiinku caddeeyaa aayaadkiisa si aad u fekertaan.

Mannasheegashada Dhulka

Allaah wuxuu dadka usheegay (Dadoow caabuda Rabbigeen Isagii idin abuuray adinka iyo kuwii idin ka horeeyey waxaad mudantihiin inaad dhowrsataan. Rabbigii dhulka idiin ka dhigay gogol, Samadana saqaf, samadana idin kasoo dajiyey roob oo idin ku soo saaray miro risqi idiin ah, ee Allaah ha uyeelina mid udhigma idinkoo og). Aayadaha 21 iyo 22-naad ee Suurat Al-Baqarah.

Sidoo kale Wuxuu Allaah leeyahay (sideed ugu gaaloobaysaysaan Allaah xaal aad ahaydeen kuwo aan noolayn (jirin) uuna idin nooleeyey kadibna uu idin dilay kadibna uu idin nooleeyey kadibna aad Ilaahay u noqonaysaan. Allaah waa Allahii idiin abuuray adinka wixii dhulka korkiisa ah oo dhan kaddibna u qasday samada oo ekeeyey toddobo cir Isagaana shay kastana og). Aayadaha 28 iyo 29-naad ee Suurat Al-Baqarah.

Allaah wuxuu Nabiga (SCW) iyo Saxaabadiisii (RC) uga mannasheeganayaa sidii uu Yuhuudii uga saaray qalcadii ay degenaayeen ka dib markii ku riday rucbi iyo baqdin. Qofkii raba ha fiiriyo Suurat Al-Xashar laga bilaabo aayada labaad iyo aayadaha ku xiga.

Fircoonkii Ilaaha sheegtay wuxuu ogaa qiimaha dhulku uu leeyahay maxaa yeelay waa wax qofkii indhihiisa fura uu arki karo isna waa tii uu Allaah nooga warramay (Fircoon wuxuu u dhawaaqay qoomkiisii wuxuu yiri: qoomkayoow miyeyna ii sugnaan xukunka Masar, iyo wabiyadan socda hoostayda, miyeydaan wax arkayn). Suurat Az-Zukhruf aayadda 51-baad. 

Dhulku qofka fiican ma u ooyaa? 

Aan ku biloowno aayaddii Quraanka ahayd ee Allaah nooga warramayey markii Fircoon iyo dadkiisii la halaagay (uma booyin samaawaadku iyo arladu (Fircoon iyo dadkiisii) ma ay ahayn kuwo loo kaadiyey.

Mufasiriintu waxyaalo badan bay qisadan ka xusaan oo qaarkood ay yihiin sheekada Shiicada. Waxay sheegaan in ay jiraan samada laba albaab oo mid uu irzaaqada qofku ka timaaddo midna camalka qofku uu ka koro/fuulo. Sidii kale qof walba meeshuu ku tukado ama ku cibaadaysto inay tabaan markuu dhinto. Wax Axaadiis ah oo saxiix ah oo oohintaas ku saabsan ma arag maaddaama aqoontayda diineed ay aad u yartahay laakiin waxaa jira xaddiis saxiix ah oo uu wariyey Imaam Al-Bukhaari uu ka wariyey Abuu Saciid Alkhudri isagoo la hadlaya Abuu Sacsaca Al-Alnaasiriyi wuxuu yiri: waxaan kuu arkaa nin jecel ariga iyo baadiyaha ee hadii aad dhexjoogto arigaaga ama baadiyaha oo aad salaada u addinto kor uqaad sowdkaaga eedaanka, ma maqlo soowdka mu’adinka dhererkiisa Jinni iyo Insi iyo shay kale midna ilaa way u markhaati furaan maalinta Qiyaamaha. Kollay dhulkuna ashyaadaas buu ka midyahay. Waxaan kaloo ognahay marka laga reebo jinka iyo insiga makhluuqaadka kale waxay addeecaan Ilaahay oo utasbiixsadaan. Marka wax la yaab leh maleh hadii ay dhulku iyo samaawaadku tabaan qofka.

 

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2003

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]