SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
QIIMAHA - DHULKA

Qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida.

Qaybtii Sagaalaad

Dhulka oo tusaale loo soo qaato marka cilmiga iyo martabadda dadka laga hadlayo.

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Eebe ee Naxariista teeda guud iyo gaar ahaaneedba bixiya.

 

I  I  D  H  E  H

Waxaa nagu filan xaddiiskii saxiixa ahaa ee mash-huurka ahaa ee ay labada Sheekh iyo qayrkoodba warsheen ee uu warinayey Saxaabigii ahaa Abuu Muusaa Al-Ashcari (RC) markii Nabigu (SCW) uu yiri: tusaalaha waxa Ilaahay ila soo diray oo hanuun iyo cilmi ah waa sidii roob mahiigaan ah oo ku da’ay dhul, waxaa dhulkaas ka mid ah qayb wanaagsan (carro san) oo biyahii isticmaashay oo ku soo saartay naq iyo cagaar, waxaa kaloo ka mid ah qayb adag oo biyaha qabata oo dadka Ilaahay ku anfacay ooy ka cabbaan, xoolahooda ka shubtaan oo ay beerahoodana ka waraabiyaan, waxaa kaloo ka mid ah dhul qaac ah (baccaad) oo aan biyana qaban doogna soo saarin……… ilaa dhamaadka Xaddiiska.

Nabigu (SCW) wuxuu dadkii ukala saaray seddexdaas qaybood. Qof diintii bartay, caalim oo ku camal falay, caamil oo dadkii baray, muccalim. Waa qofka ugu qiimaha badan laakiin “wa qaliilun maa hum” waaba iska yaryihiin. Waa qaybta Nabigu (SCW) uu ku miithalay dhulka wanaagsan ee biyaha isticmaala oo kusoo saara naq iyo cagaar. Kuwo labaad waa kuwo cilmigii uruuriyey oo adduunyadda iyo waqtigooda iskala qabsaday oo aan nawaafishii (sunooyinkii) aan camal falin ama aan si fiican u fahmin waxay urursheen laakiin ugudbiyey dadka wuxuu lagu miithaalay dhulkii adkaa ee biyaha qabtay ee dadkii, duunyadii iyo dalagii u faa’iideeyey. Labadaas qaybood waa kuwo dadkii kale wax taray. Qaybta seddexaad waa kuwo cilmigii maqlay laakiin aan xafidin oo aan fahmin oo aan qayrkoodna u gudbin waa kuwa lagu miithaalay baccaadkaas oo biyahana qaban baadna aan soo saarin.

Soomaalida oo waagii hore geela aad u taqaanay ilaa ninkii Carabka ahaa uu ka yiri “kullu fitnatin/fitnah cinda geel” Wali ma garan waxa ku khasbay in ninkaas Carabka ah laga sheego inuusan oran “cinda ibilin/ibil oo ah Carabi ee uu u yiri cinda geel. Ma dadkii noo soo gudbiyey baa ibil ugoysay ilayn kalmadaha kale Soomaali ahaan waan u isticmaalnaa mise ninka Carabka ahi wuxuu ogaa sida geelu Soomaalida ugu waynyahay marka si uu arrinta u wayneeyo magaca geela geel buu u daayey. Si kastaba ha ahaatee Soomaalidu dhulka iyo geela isma gafsiin sida ay u dhahaan hal baccaad lagu lisay! Yacni arrintaas faa’iido maleh oo waa wax kama jiraan. Hadda waxaad moodaa kulli fitnah cinda kursi, maqqaal ahaan ayaan mar hore usoo diray ee ka fiiriya website-yada qaarkood. Horay baan usoo marnay in Soomaalidu ay dhulka aad u taqqaan iyo muhiimaddiisa laakiin meel baa habaar nooga dhacay. Waxaan filayaa inaan ku soo marnay markaan ka hadlaynay irsaaqada in ay dhahaan shimbir buubtay/dhuusay irsaaqadeedu waa dhulka yacnii dhulka ma huraysid.

Qaybtee dadkaas uga jirnaa? Qofkii seddexdaas ka hoos marase ka warama? Maqqaal aan heshiishyada kaga hadlayey oo asbuuc ka hor aan diray oo walaalaha website-yadu qaarkood qoreen waxaa ku sheegay in maxsuulka heshiisku (output/outcome ≥0) uu san ka yaraan eber (0). Oraahdaas oo kale waxaan kala soo bixi karnaa diinta Islaamka sida xaddiiskaan oo kale iyo fidrada.

Xadiiskaas wuxuu ka hadlayaa qiimaha cilmiga iyo martabadda dadka. Xaddiiska waxaa laga fahmayaa qofkii diin Islaam barta haddii uusan Islaamka, muslimiinta iyo naftiisa wax u qaban inuusan diintooda iyo iyagaba uusan dhibin ugu yaraan. Waan ognahay in ay jiraan dad diinta barta oo diinta Islaamka iyo dadkeeda lugooyo la dabataagan laakiin taas kuligeen waan ognahay marka Ilaah baa arrimaha og ee waxaad moodaa maaddaama cilmi laga hadlayo in xaddiiskaas lagu sharfay in kuwii si khalad ah u isticmaala aan xaddiiska lagu sharfin si ayna dadka qaarki ugu qaadan in cilmigu dhib keeno haddii tusaalaha lagu daro.

Waxaan ka hadlaynay qiimaha dhulka marka qofka Binu Aadamka ah haddii uu dhulkiisa uusan wax uttarin waxaa la rabaa inuusan dhibin oo uusan gumaysi usoo wadin oo uusan dadkiisa dullaysan oo uusan badihiisa inta dad shisheeye ah la galo heshiis yiraahda kalluunkiisa iyo kheyraadkiisa xaaqa qaar kalana kula heshiiyaan inay qashinka nuclear-ka iyo maaddooyinka kale ee dhibka keena halkaa lagu duugo.

Waxaad arkaysaa in arrinta dhulka aan ninna ka jaahil noqon karin ilaa hadda waxaan wadnay in arrimaha muhiimka ah oo dhan dhulka lala xiriiriyo. Inay fidradu keenayso in markasta maskaxdaada uu dhulku kusoo dhaco. Waxaa la rabay in qof kasta oo dhulka yaqqaan uu dadkana barto. Qofkii dhulka gawaanka ah ama bacaadka ah yaqqaan waa inuu yaqqaan qofka ay dhahaan habaa’an ama eber oo aysan waxba u dhiiban. Maqqaaladayda marar badan baan kusoo qaattay haddii aad u fiirsato sida dadkii hore u yaqqaaneen dhulka iyo dadka waad yaabaysaa. Qurayshi Islaamka ka hor dadka ay u doorran jireen safiir ahaan waxaa ka mid ahaa Cumar Binu Khidhaab, Camr Binu Caas, Suhayl Binu Camri. Islaamka ka dibna sidoodii bay ahaayeen. Maxaa maanta noo keenay inaan qabqablayaashaas doorrano oo haddii aan hebel iyo hebel dhahno qofkasta qoslayo?! Heshiiskii Xudaybiyah Qurayshi Abuu Lahab iyo Abuu Jahal ma dirin maxaa yeelay arrintu meel xun bay maraysay oo makraas heshiis baa loo baahnaa waxay direen ninkeedii. Nabigu (SCW) markuu arkay Suhayl Binu Camri wuxuu yiri “sahulal amru” yacnii amarkii waa sahlanaaday maxaa yeelay Nabigu (SCW) waa yiqiin. Abuu Jahal waxay ogaayeen inuu arrinka adkaynayo. Markii la yiri Awrtiinii waa la qabsaday oo la idin cayrtee waxaa ciidanka wax ka watay Abuu Jahal maxaa yeelay heshiis ma ay rabin. Maxaan waxaysan Qurayshi falin u falaynaa hadda sidee ku dhici kartaa niman jirri ah ama mooryaan ama dayday oo 100% la isku raacay inay yihiin xittaa qofkii taageera wuu sheegayaa inuu ninkaasi yahay mooryaan, inaan dhahno heshiis noo keena. Iyagoo kale heshiis ma leh. Iyaga waxaan diri karnaa haddaan rabno inaan ummad kale soo dhacno oo soo dilno waana shaqadoodii ay khibrada u lahaayeen. Meeday xikmadii?

Maddaama aan ku jirno dhulka oo cilmiga lagu mithaalayo waxaan la yaabay jahligaan dhul nacaybka ah xagee nooga yimid? Qolyaha kubbada xiiseeyaa waa ogyihiin marka kooxahu ay ku ciyaarayaan waddamada kale inay necebyihiin oo ay aad uga helaan markay gurigooda ku ciyaarayaan. Koox kasta oo tabar darrani marka ay gurigeeda joogto waxay isku daydaa inay koox ka itaal badan, markii meel dhexdhexaad ah lagu ciyaarayo ay dhagaha ku dhuffato. Waa sida Soomaalidu udhado “mukulaal minankeedii joogtaa miciyo libaax bay leedahay”. Hadda qabqablayaashii waxay ka helaan inay ku shiraan dhulalka dibadaha ah oo waliba ah dhulal aan saas uga horumarsanayn keenna sida Itoobiya. Waan ogahay in dadka isboortiga xiiseeyaa ayna fahmi karin sheekadan laakiin waa arrin aan qabqablayaasha looga horayn.

Gabar la yiraahdo Maryan Ifiso ayaa qortay maqqaal ah “Eldoret waa meel damiirka qofka Soomaaliga lagu tijaabiyo. Waa runteed wayna ogtahay in qabqablayaashu ayna damiir lahayn laakiin cidday la hadlaysaa waa Soomali weyn. Maqaalkii ahaa dadqalato aan diir naxayn iyo shacab aan damqasho aqoon ayaa iiga filan inaan dib uga hadlo damiirka Soomaalida. Nakuru, Sodare, Hawasha, Eldoret iyo haddoo Nairobi ah ee maxaa ku xigin?

 

WABILLAAHI TOWFIIQ.

 

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2003

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]