SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Maxay Kiristaanku (Christians) Nabi Aadam u eedeeyaan?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

April 23, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

Ilaah baa mahadleh. Naxariis iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaatto.

Run ahaantii waxaad mooddaa inuu mowduucan iga waynyahay oo aanan ku fiicnayn inaan galo. Waxaan isku deyeyaa inaan ka hadlo waxaan ka arkay kiristaanka oo eedeeya Nabi Aadam (CS). Marka hore aan iswaydiino su’aalahan:

  • 1. Geedkee buu Aadam cunay, Ma mid xaaraan buu ahaa?

  •  

  • 2. Jannada uu joogay oo laga soo saaray ma tan la isla yaqaan baa mise waa beer kale?

  •  

  • 3. Yaa ugu horeeya cid cisyaan la timaadda?

  •  

  • 4. Maxsuulkii kasoo baxay wixii uu Nabi Aadam sameeyey.

Ilaah baa og nooca geedka uu ahaa. Ma maqal Xaddiis sheegay nooca geedka iyo inuu ahaa geed xaaraan ah iyo in kale midna. Kiristaanku waxay sheegaan geed sida inuu tufaax ahaa laakiin lama rumaysankaro lamana beenin karo.

Culumada qaar baa dhaha jannada la sheegayo ma ahan tan aan wada naqaan oo waxay leeyihiin jannadu ma ahan meel la isku imtixaamo ee waa meel lagu raaxaysto. Si kastaba ha ahaatee Allaah wuxuu rabo ayuu yeelaa. Anigu waxaan ku dabo dhegannahay Culumada qabta in jannada loo daayo jannadaas qofkasta maskaxdiisa kusoo dhacaysa haddii aan la helin wax ka sarfinaya oo daliil cad ah.

Haddii amarka Ilaah oo la diido uu Nabi Aadam ugu horaynlahaa, eedaynta kiristaanka waa la dhagaysanlahaa laakiin axadkii ugu horeeyey ee Ilaah hortiisa awaamiirtii khilaafay Ibliis buu ahaa, isaga laftiisana ayaa Aabaheen iyo hooyadeen luggooyey.

Kiristaanku waxay tusaale usoo qaataan sidii nin carruurtiisa inta sun u qooshay/qasay siiyey. Laakiin waa hadal baadhil ah oo dib baan ka sheegayaa haddii Ilaah idmo.

Maxsuulka soo baxay waa mid Ilaah ugu talo galay. Waxaa ka mid ah in aan dhulkaan nimaadno oo jannada laga soo baxo. Waxaa ka mid ah Qaddarta. Waxaan ka baranay Towbadda.

Sida Xaddiis saxiix ah ku cad waxaa dooday Nabi Muuse iyo Nabi Aadam. Nabi Muuse wuxuu yiri waad na hoojisay oo duriyadaadii ka soo saartay Jannada. Nabi Aadam wuxuu tusaaleeyey Muuse hadalkii Ilaah la hadlay iyo kitaabkii uu u qoray. Wuxuu xasuusiyey in arrintaasi qaddar ahayd oo uu Ilaahay qaddaray Aadam oo aan la abuurin. Halkaas waxaa xujadii helay Nabi Aadam.

Sida Qur’aanka iyo diinta ku cad Nabi Aadam wuxuu cisyaanka la yimid kaddib markuu uu Allaah uu uga digay inuusan geedka cunin, Shaydaankana maqlin ee uu cadow ka dhigto.

Waxaan ognahay in Nabiyaasha iyo Rusushu ay macsuumo yihiin.

Waxaa la arkaa haddii arrin aan horay loogu waxyoon Nabiyada lasoo gudboonaato in uu Nabigu ijtihaado ama uu waxyi sugo. Haddii uu ijtihaadka ku gefo waxaa saxa Ilaah. Kaddib dagaalkii Beder waatii Nabigu uu kala tashaday Abuu Bakar iyo Cumar waxay ay ka yeeli lahaayeen dadka Quraysh laga soo qafaashay. Waatii Nabiga (SCW) iyo Abuu Bakar ay isku moowqif istaageen, Cumarna wowqif kale qaatay waatii uu Ilaah Quraanka ku sheegay in haddii la la’yahay naxariista Ilaah oo u hormartay ay cadaabi taaban lahayd. Yacnii Cumar baa asiibay xukunka markaas.

Sidii qisadii Suurat Saad ee ay labadii doodaysay usoo galeen Nabi Daa’uud. Waatii Nabi Daa’uud uu ku degdegay jawaabta isagoon kii kale dhegaysan oo uu xukun gaaray. Kaddibna waatii uu Ilaah ka toobad aqbalay.

Arrinta Aadam waa ka duwantahay oo isaga si cad baa Ilaah ugu digay. Ilaah baa xaqiiqada og.

Waxaan ognahay in Nabi Muxamed uu salaad afar ahayd uu labo rakco tukaday sidoo kalana in iyagoo safar ah markay habaynkii seexdeen ay salaadii Subxigu ka caddaatay. Waxaan ognahay in Nabigu ay indhihiisu seexan jireen laakiin uu qalbigiisu soo jeedi jiray. Labadaas arrimoodna waxay la xiriirtay salaadii uu Nabi Muxamed (SCW) ku raaxaysan jiray.

Waxaa dhici karta in Ilaahaygii qalbiga Nabi Muxamed ka dhigay mid aan seexan uu dhacdooyinkaas u iloowsiiyo si halkaas xukun faa’iido noo leh uu uga soo baxo, culumadaa horay u tiri arrintaas.

Qur’aankaa Ilaahay ku cadeeyey oo uu na baray inaan ku ducaysano in Ilaahay noo dhaafo wixii aan hilmaano ama aan ku gefno. Naxariista Ilaah waxaa ka mid ah haddii qofku wax hilmaamo in aan loo qaban oo qalinka laga qaado.

Haddii uusan Nabi Aadam dambaabin sidee ku ogaan lahayn Towbadda? Waxaan waydiinayaa culumada?

Iblays cisyaankiisii towbad kamaynaan baran oo halkii uu ka toobad keeni lahaa wuxuu gudagalay in uu Binu Aadam sii baadiyeeyo.

Nabi Aadam ma dhib buu noo geystay? Miyeynaan ka baran Towbadii uu Nabigu ku sheegay xaddiiska ku yaal saxiixaynka ee uu Imaamul Muslim sii faahfihiyey marka Nabigu yiri, Ilaah wuu uga farxad badan yahay toowbada adduunkiisa mid ka badan sida haddii qofkii soconayey dhul bahgooyo ah (lama-degaan) oo uu qofkaasi watay daabad (neef geel ah ama wax kale) oo ay u saaranyihiin cuntadiisii iyo cabbiddiisa oo ay ka luntay oo markii uu ka quustay geed iska hoos seexday si uu halkaa ugu dhinto. Kaddib makruu indhaha kala qaaday yiri Ilaahow waxaad tahay addoonkaygii anna rabbigaa baan ahay. Farxad darteed buu hadalkaa gefka ah yiri.

Xaddiiskii kale oo uu Tirmidi, Axmed, Ibnu Maajah, Xaakim iyo rag kale wariyeen waatuu ahaa kuli Binu Aadamku wuu gefaa , kuwo gefana waxaa ugu kheyr badan kuwa toowbad keena. Imaamu Dahabi wuxuu leeyahay Xaddiiska layin baa ku jira.

Jannada in aan ka soo baxno Ilaah baa doonay, Nabi Aadam oo aan la abuurin marka maxaan Nabi Aadam ugu eedaynaynaa?

Qaddarta: Waxaan qisada Nabi Aadam ka baranay qaddarta. Nabi Aadam inkastoo qaddartii uu xusay wuxuu na baray in markiiba la toowbad keeno. Dhabcan Nabi Ilaah buu ahaa oo shuruudaha toowbada waa yaqaanay. Marka waxaa halkaas laga fahmayaa in uu waxa Ilaah noo diray aan kasoo baxno intii tabarteen ah ee aynaan qaddarta oo aynaan wax ka qaban karin indhaha la raacin.

Ma maqal qariino tusinaysa in uu geedkaasi xaaraan ahaa. Ilaahay markuu doono ayuu wax xarrimaa iyo waliba meeshuu doono iyo cidduu doono oo uu ka xarrimo. Fiiri sidii uu Nabi Israa’iil uu wax iskaga xarrimay kaddibna waa tii uu Nabi Ciise u xalaaleeyey.

Sidoo kale, wax aan isla ognahay xalaashooda ayaa Ilaahay mar mar xarrimaa waqti ama meel darteed sida in qofka Xaajiga ah laga xirrimay/reebay ugaarsiga berriga. Markuu xalaaloobo waa u fasax.

Marka haddii geedkii uu Aadam cunay uu ahaa geed xalaal ah, cunidda geedkaas, Aadam oo kaliya ayey imtixaan iyo dambi ku noqonaysaa laakiin waxa dhib ah oo naga soo gaaraya ma leh.

Ilaah Nabi Aadam wuxuu baray magacyada shay kasta waxaana rajaynayaa inuu yaqaanay magaca geedkaas. Hadduu uu geedkaasi ahaa xalaal ma dhici kartaa in cilmiga uu geedkaas u lahaa Nabi Aadam uu ufududaystay amarkii Ilaahay? Ilaah baa ku cilmi leh.

Qofkii ugu horeeyey oo muslim ah oo isagoo xaaji ah dila ugaar ma jirto wax cilaaqo ah oo ay la leedahay xalaalnimad ugaarta iyo cunida hilibka ugaarta ee ay muslimiini mar dambe cunaan. Qofkaasi Ilaahay buu dambi ka galay laakiin ugaartu asal ahaan waa xalaal.

Qisadaas waxaan ka baranay Cadaawada Ibliis. Koow cisyaan isagaa bilaabay. Kaddib Aabaheen iyo hooyadeen buu luggooyey. Marka haddii axad la eedaynayo waa Ibliis kan hooggaas oo dhan na baday.

Xikmada Ilaah qisadan nagu baray waxaa ka mid ah in cisyaanka Eebe ay ka dhalan karto dhibaato weyn sida Jannadii dhamayd oo aan uga soo baxday cinnidii geedkaas. Marka bal aan fahanno dhibta ay leedahay gaalnimo, dil, kufsi, dhac IWM.

Ilaahoow nagu hanuuni dariiqa saxda ah. Nabadgelyo iyo Naxariisi ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.

Wixii aan asiibay Ilaah baa mahadeeda leh wixiise aan ku gefay naftayda iyo Shaydaan bay ka ahaatay.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 Faafin: SomaliTalk.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]