SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - COPYRIGHT
XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]
ISHA: WWW.SOMALITALK.COM   

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad  | 4aad

Sharciyada Xuquuqda Qoraalada
[Qore: C/raxman Ceynte]

Hal maqaal iyo wax u dhowba laguma soo afjari karo shariciyada caalamiga ah iyo kuwa dowladahaba eey ka qabaan dhowrista xuquuqda minguurinta qoraallada (Copy Rights Laws). Soomaali hadii aan nahayna, xisaabtaba nooguma jirto waxa loo yaqaan dhowrista xuquuqda qoraallada. Malaha qoraalka ayaa soo galooti nagu ah oo hadda 30 gu'jirsadey.

Waa maxay Xuquuqda minguurinta qoraallada?

Waa qaabsin lagu dhowro lahaanshaha asalka ah ee qoraa/fikiraa uu leeyahay ee uu shaqo gooni ah ku bisleeyey. Shaqadaas wexeey noqon kartaa; Qoraal buug, suugaan, sawir gacmeed IWM.

Guud ahaan, sharicigu wuxuu awood u siiyaa qoraaga afar arrimood:

  • Inuu dib u soo saaro qoraalkii ama sheekadii.
  • Inuu ka dhiraandhiriyo faracyo kale oo qoraalkaas/sheekadaas ka baxa.
  • Inuu shaqadaas uu qabtay si facshar ah u soo jeediyo (Shir, Khudbo iwm ...)
  • Inuu shaqadaas uu qabtay si facshar u soo bandhigo (qorid buug IWM)

Caadi ahaan, xeerarka u degsan ilaalinta xuquuqda minguurinta qoraalka caalamka oo dhan waa mid aad loo waardiyeeyo. In badan shaqada ilaalinta [gaarheynta] waxaa iska leh dowladda markaas la dhex joogo. Ha yeeshee, taa macneheedu ma ahan in Buug aad Somalia ku soo qortay, ninkale isaga sunti karo magiciisa, isagoo markaas jooga meel aan soomaaliya aheyn. Sharciga caalamiga ahi wuxuu qeexayaa in buug kasta oo la qoro laga doonayo qoraagiisu inuu u yeelo waxa loo yaqaan (ISBN) (International Standard Book Numbering) ama Tirakoobka caalamiga ah ee buugaagta waxa loo yaqaan. Sharciyadu buugaag kaliya mooyee waxeey kaloo la macaamilaan qoraallada aan buugaagta aheyn, sida: Maqaallada, filimada, cajaladaha, iyo CD-yada IWM. Mar alla iyo marka uu qofka qoraaga ama curiyaha ahi ka faraxasho gunaanadka buugga/maqaalka wuxuu si dawaali ah (Automatic) u yeeshay xuquuqda qoraalkaas, waxaana la leh qofkii/hey'adii la sameeyey shaqada qoraalka.

Muxuu Taraa sharciga ilaalinta xuquuqda minguurinta qoraallada?

Waa Su'aal ka soo burqaneysa maskaxda malaayiin soomaali ah. Maxaa yeelay iyadii oo si asluubeysanba looga dooday wali nama soo marine'e. Sharcigan wuxuu taraa; gaarheynta xuquuqda qoraal qof/hey'ad kusoo tiir iyo tacab beeshay. Tusaale ahaan, Hadii aad maanta qorto buug, berritoolana aad aragto isagii oo maalinba tuduc lagu soo daabacayo mid kamid ah boggaga Internet-yada soomaalida, sideed dareemi laheyd? Dabcan, waad ka dhiidhin laheyd. Sidaas si lamid ah ayuu qof walbaayi uga gubanayaa in dhididkiisii si fudud loogu faataadhugleeyo.

Soomaalida iyo dhowrista xuquuqda qoraalka maxaa kala heysta?


Qofka Soomaaliga ah ee qoraaga ah waxaa lagu gartaa waxaa jeebka ugu jira Qalin. Tijaabi araintan adigoo dad badan oo Soomaali ah weydiinaya qalin aad wax ku qoratid, fiiri inta qalin wadata, waxaad arki doontaa tiro aad u yar in qalin jeebka ugu jiro.

Kolba hadii qoraalku nagu cusub yahay, xuquuqdiisa warkeedaba daa. Intii aan anigu shaqsiyan qoraalka ku soo dhex jiray, waxaan waqti walbaa milicsanayey bililiqo aan gabbaad laheyn oo lagu hayo xuquuqda qoraallo eey leeyihiin warmoogayaal sirmaqabayaal ah. Waxaa iigu yaab badneyd intii aan arkay maqaal aan anigu ku qoray bogag kamid ah kuwa soomaalida, ha yeeshee ku soo baxay wargeysa Soomaaliya ka soo baxa isagoo maqaalkii si dhib yaro ah loogu saxiixday "Wargeys hebel"! Waxaa kaloo waaqici ahaan u dhacday in eey idaacado waaweyn oo Soomaaliya laga yaqaan si ula kac ah usoo minguuriyeen qoraallo eey leeyihiin asxaab kale, iyagoo markaas ku soo darsaday barnaamijyada idaacadahaas laga faafiyo [sida sheekada aan kusoo aragnay qoraalkan qaybtiisa hore]. Tirokoob malahan inta goor oo khalad noocan ahi ka dhoco soomaali sheeganeysa ineey bahda Saxaafadda ka tirsan yihiin, laakiin bililiqo ku hayya shaqooyin lagu soo dhibaatooday. Iskaba daa kuwaas Soomaliya joogee, oo xeerka ayeysan lasocon baa u geysay ayaaba loogu cudurdaari karaaye, waxaa ilaa iyo imminka ku arkaa qaar kamid ah wargeysyada Af-Somaliga ku soo baxa ee Gobolkan Minnesota qoraallo eey leeyihiin rag aan idan la weydiisan. Qoraalladani weey xambaarsan yihiin magacii qoraaga, iyo halkii laga soo xigtay, laakiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda minguurinta qoraalku wuxuu leeyahay " Waa in Minguuriyuhu uu idan qoraal ah weydiistaa qoraaga qoraalkaas". (Int'l Copy Right)

Waxaa kaloo iyana xusid mudan in si kama'a ah inta badan loo halmaamo erey laga soo minguuriyey qof kale. Tusaale ahaan hadii aan doonayo inaan maqaal ka qoro shir ka dhacay Nairobi, oo uuna ka hadlay Hebel Hebel, hadalka uu yirina uu ku qornaa Wargeyska waxaad-doontid Kenya. Waa lagama maarmaan inaan sidan iraahdo: (Wargeyska waxaad-doontid oo soo xiganaya Hebel Hebel ayaa yiri "......................." ) waa biyo kama dhibcaan in labada Qaanso ee yar yar ee la yiraahdo calaamadaha soo xigashada (Quotation Marks) la imaado. Hadii eey noqoto inaan buug ka soo minguuriyana, buugaasna eey qortay Heblaayo Hebel, waa inaan sidan u qoraa (Haddaba Heblaayo Hebel ayaa buugeeda Hebel Hebel ku tiri "......................." Buuga Hebel Hebel- Bogga 000 ) ama ugu yaraan buugga magiciisa oo qura.

Immisuu jirayaa dhowrsanaanta qoraalku?

Sharciga caalamiga ahi wuxuu leeyahay "Qoraal kastaayi wuxuu dhowrsan yahay, jeer uu qofkii lahaa idmo, ama ifka ka suulay 100 sano kahor" (The Copy Right Act) Laakiin sharciga Mareykanku wuxuu qabaa in xuquuqda qoraalku eey dhowrsan tahay inta uu noolyahay qoraaga iyo 70 sano oo kale, ka sokow hadii uusan qoraagu xuquuqda qof kale ku wareejin- [U.S Copy Rights law].

"Wax Aqriyoo wax ka duwan wixii aad aqriday qor. Ama fikrad kale Curi oo askun. Hana sheegan inaad goobjoog ka aheyd dhacdooyin aadan goobjoog u aheyn." Ceynte

Ugu danbeyntii, waxaan u arkay ineey muhiim tahay inaan bidhaamiyo dhacdo weyn oo dhowaan khasabtay ineey is-casilaan madixii wargeyska caanka ah ee New York Times iyo Ku xigeenkiisa, Fedeexooyin la xiriira xadid lasoo xaday qoraallo ku qornaa wargeysyo kale oo ka soo baxa meelo oo Mareykanka ka tirsan, laguna daabacay NY Times. Xadgudubka xadidda labadan nin meeysan geeysanine'e waxaa geeystay Wariye ka tirsanaa shaqaalaha wargeyska oo la yiraahdo Jason Blair oo ku dhawaad 34 goor been u sheegay aqristayaasha Wargeyska Times, sida eey Times ruuxeeda ku andocootay. Jason Blair wuxuu Gallaaftay shaqadiisa iyo tan madaxdiisa. Baaritaan dheer kadibna, waxaa la soo ogaaday inuusan wax sidaa ah qori jirin'e, uu ka soo yara minguurin jiray wargeysyo ka soo baxa Mareykanka. Taasi macneheedu ma'ahan waxba ha aqrin hadaad qoraa tahay, ee Macneheedu waxa weeye; Wax Aqriyoo wax ka duwan wixii aad aqriday qor. Ama fikrad kale Curi oo askun. Hana sheegan inaad goobjoog ka aheyd dhacdooyin aadan goobjoog u aheyn. Waxaa iyana xusuusin mudan in sharciga caalamiga ah ee dhowrista minguurintu uu qaban karo qofkasta oo jooga meel kasta oo dunida ka tirsan, hadiiba danbigaas lagu helo. Haddaba, Minguuristoow maanta wixii ka danbeeya la'iima digin ha dhihin.

Bogga xiga waxaan kusoo qaadaneynaa qaababka lagu garan karo qoraalada lasoo minguuriyey, waa qaababka/Noocyada Minguurinta.. KA AKHRI.HALKAN.

....Akhri qaybta 4aad ... GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2003


Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD