SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Al Xaaji Muse Sudi Yalahow oo la kulmay Wafuud kala duwan isagoo jooga magaalada Eldoret ee Kenya. 

 

I  I  D  H  E  H

Hoggaamiye Muse Sudi ayaa beryahanba ku mashquulsanaa kulammo is daba joog ah, Xaajiga wuxuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, madax ka socotay Jaamicadda Carabta, guddoonka qabanqaabada shirka Eldoret, Hoggaamiye kooxeed, iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay iney dhammaan wafuudda isla garteen in loo baahan yahay in xal loo helo arrimaha Somaliya isagana uu u caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo iyagoo isku raacay in la abaaro xaqiiqada oo ka qeybgalayaasha shirka ey si dhab ah u xisaabtamaan lagana bilaabo sida ey arrimuha ugu kala daran yihiin. Waxey kaloo isla garteen is sida ugu habboon ey tahay in dhamaan ka qeybgalayaasha oo aad moodo intooda badan iney ku kala socdaan siyaabo kala duwan marka hore la is waafajiyo oo beel walba ey si gaar ah isu aragto hal dhinacna ey ka soo wada jeestaan.

Hoggaamiyuhu wuxuu noo sheegay in Xasan Abshir, Abdullaahi Yusuf, Jaamac Ali Jaamac iyo inta la socotaba marka hore ey is arkaan oo ey hal dhinac ka soo wada jeestaan, isagoo caddeeyey in dhamaan beesha Mudulood ey is wada arkeen islana garteen iney diyaar u yihiin iney hal dhan ka soo wada jeestaan tan oo dan ugu jirto ayuu yiri Beesha guud ahaan iyo Soomalida kale oo dhan, sahleysana in si dhab ah loo wada xisaabtamo.

Beesha Caalamka ayaa iyagana qaba in marka hore la heshiisiiyo beelaha xubnaha ka kala socda iyo in Mudnaanta koowaad la siiyo siddii lagu xallin lahaa qilaafka ka taagan Caasimadda Muqdisho si ey u sahlanaato in shirka dhameystirkiisa lagu qabto Muqdisho.

Hoggaamiyuhu wuxuu kaloo la kulmay Mudane Maxamed Afrax Qanyare oo ey isla soo qaadeen in loo baahan yahay in loo gudbo sidii xal loogu heli lahaa siyaasadda Somaliya labaduba si fiican isku fahmeen aragtidoodana ey isku soo dhaweeyeen iyagoo ku ballamay in la sii wado wadahadalada.

Abdirahman Omar Osman

yarisow70@hotmail.com 

Oct 23, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD