Bulshada
Rarayadka Ah (Civil Society) Boos Ma Ku Leedahay Nabadaynta Soomaaliya.
Horudhac
Intaanan
u guda gelin arigtidayda ku saabsan kaalinta ay Bulshada Rayadka ahi ku yeelan
karto dib u heshiisiinta iyo nabad samaynta intaba (Reconciliation) and (peace
building) waxaa mudan in aan qeexnaa maxaa loola jeedaa Bulshada Rayadka ah
(Civil Society)?
Waxaan wada ogsoonahay in eraygani uu inooga
yimid Galbeedka uuna yahay weliba mid cusub inkastoo mararka qaarkood la
yiraahdo waa aragti hore oon dhulka laga qaadin laguse baraarugey baahideeda
xiligan cusub.Waxaa kaloo dad indheergrad (intellectual) ahi qabaan waa
mashruuc la doonayo in lagu koontaroolo dunida sedexaad maadaama ay reer
galbeedku ku kalsoonaan waayeen kaligood taliyayaasha dunida sedexaad, kadib
markii kacdoon lagu riday xulafadoodii kaligii taliska ahaa sida Shaahi Iiraan
ama is bedel ku dhacay sida Robert Mugabi ama Sadam Xuseen labaduba waxey gacan
saar lahaayeen shalay Maraykanka iyo Britian maantase waa cadaw, hadaba si
aysan u dhicin in ay hal qof ku xiraan dantooda kaasoo kolkuu rabo is bedeli
kara amase kacdoon lagu tuuri karo waa in ay jiraan hay,do iyo ururo saamayn ku
leh bulshada kuna xiran dawladah reer Galbeedka ama ilaaliya maslaxadooda,
waxaa tusaale u ah mushkilada beryahaan ka dhex aloosan Masar iyo Maraykanka ee
la xariirta ninka madaxda ka ah “Markazka Ibnu Khaldum”lana yiraahdo Dr.
Sacadul Diin Burhan ee u dhashayna Masar laakiin haysta dhalashada Maraykanka.
Waxay dawlada Masar ku andacoonaysaa in uu sir ka bixiyay wadanka jaasuusna uu
yahay halka dawalada Maraykanka ay leedahay wuxuu u doodaa xuquuqul insaanka,
weliba waxeey ku handaday in ay mucaawinada ka jarayso Masar hadii aan ninkaas
la sii daynin. Waxaa kaloo Bulashada Rayadka ah (Civil Society), loo yaqaan
magacyo kale sida Qaybtii ama xoogii sedexaad (Third Sector) amase Mawjadii
sedexaad (Third Wave). Aqoonyahanada reer galbeedku waxay dhahaan bulshada
Galbeedka waxaa jira laba xoog oo ah Dowlada iyo Suuqa Xorta ah ama Dhaqaalaha
xorta ah markii laga soo tago labadaas xoog waxay tahay in xoogaan sedexaad ee
Bulshada Rayadka loo yaqaan ama (civil society) in ay cayaaraan kaalin
miisaaman ee u dhaxaysa labada xoog aan soo sheegnay. Hadaba waxaan oran karnaa
ama aan ku qeexi karnaa Bulshada Rayadka waa “Ururo, Hay,ado ama Mu,asasaad u
dhaxeeya xooga Dawalada iyo kan Ganacsiga ama Dhaqaalaha xorta ah, kuwaasoo ay
tahay in ay ka mid noqdaan Ururada aan faa,iido doonka ahayn , Samafalka,
xoogag bulashadeedka dhaqan iyo siyaasadeed iyo qaabkastoo looga qayb qadan
karo amase layskugu howli karo dhismaha bulshada, gaar ahaan dhinaca Dhaqan iyo
Qiyamta (value) intaba.
Maxay tahay kaalinta Bulshada Rayidka (Civil
Society) ga Soomaaliyeed
Si kasta oo loo micneeyaaba waxaa xaqiiqa ah
in Bulashada Rayadka (Civil Society) ay tahay seef labo af leh loona adeegsan
karo weji cusub oo gumaysi ah, sidoo kalana loo adeegsan karo in lagu baraa
bulshada dhaqan suuban oo ku dhisan ilaalinta xuquuqul insaanka iyo ka
qaybqaadashada in la helo xukun wanaagsan (good governance) waa hadii Ururadaas
laga helaa dhaqan dimuqoradi ah oo ku salaysan issu,aalid (accountability), wax
kastoo cad oo aan laablaab ku jirin ( Transparency), go,aan wadar ah
(collective decision) iyo waliba wada shaqayn ineey jirto iyadoo ra,yiga lagu
kala duwan yahay laguna go,aa dhinaca loo badanyahay.(majority vote). Hadiise
barnaamijta ururadaas uu noqdaa ma hubaysnin oo kaliya waxna ma dilin dagaalna
ma oogin laakiin dhaqamada kale waan wadaagnaa kooxaha hubaysan waxaan filayaa
magac laysku bixiyaa in uusan waxba soo kordhinayn.
Hadaba markaan ka gudubno qeexidaas koobaan
waxaan oran karnaa Soomaaliya kama jirto manta Dowlad dhexe oo xoog badan,
kamana jiraan xoogag dhaqaale oo saamayn ku leh go,aanada Bulshada, su,aasha
lays waydiin karaa waxey tahay maxay tahay kaalinta Bulshada Rayadka ah (Civil
Society)ga soomaaliyeed? Waxaan ku soo koobi karnaa laba arimood:
1- Tan koowaad in ay baadigoob u galaan sidii
loo heli lahaa Dawlada Soomaliyeed
2- Buuxinta intii karaankooda ah Adeega
Bulshada (Social Services) & wacyi gelinta dadwaynaha.
Hadii aan ku horeyno tan hore oo ah
baadigoobka dowlad soomaaliyeed, waxaan oran karnaa kuma lahayn Bulshada
Rayadka ah kaalin wax ku ool ah shirarkii dib u heshiisiineed ee ka horeeyay
shirkii Carta sababtoo ah wuxuu u xirnaa dagaal oogayaasha oo kaliya. Shirkii
Cartase waxaa la oran karaa wuxuu ku dhisnaa falsafad ah in kaalin fir fircoon
la siiyo Bulshada Rayadka ah taas barbarkeedana la dhimo xooga qabqablayaasha
dagaal, hadaba waxaan oran karnaa waxeey ahayd guul u soo hoyatay Bulashada
Rayadka ah iyadoo waliba dadwaynaha Soomaliyeed ay soo dhoweeyeen arintaas si
aad u wayn waxaana taa tusaale u ah markii ay dawladii bulshada rayidka ahayd
tagtay Xamar & Baydhabo, iyo sidii dadawaynaha Soomaliyeed ula socdeen una
hadal hayeen shirkii carta waxaa kaloo laga soo dhoweeyey beesha caalamka.
Waxaa iyana guul lagu tilmaami karaa u soo hoyatay Bulshada Rayadka ah
kacdoonkii looga tuuray xukunka C/laahi Yuusuf si xor ahna loo Doortay Jaamac
Cali Jaamac, laakiin waxaad moodaa mirihii labadaas guulba lama guran. Waxa ugu
muhiimsan ee burburiyayna waa iyadoo loo yeelay qaab qabiil, tusaale ahaan
markii xukunka laga tuuray C/laahi Yuusuf taasoo ku timid rabitaanka dadwaynaha
waxaase uu ku guulaystay inuu u bedelay loolankii mid Qabiil iyadoo ay wax laga
xumaadana ay tahay in ay ku dheceen godkaas dadkii isbedel doonka ahaa
metelayayna Bulshada Rayadka ah, sidoo kale midii Cartana waxa la oran karaa
Bulshada Rayadka ah waxeey ka noqdeen kor joogto waxeyse ahayd in ay u qaataan
in ay dawladu tahay mirihii dadaalkooda loona dayn cid gooni ah ileyn nabada
waxeey u baahan tahay naf hurid sida uu dagaalku ugu baahanyahay ka badan.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Ururada ama
shakhsiyaadka matala ama u taagan magaca bulshada rayadka ah ee soomaaliyeed
ujeedadoodu ma in uu ay shir joog ahaadaan sidii hogaamiye kooxeedyada mise in
wax ku biiriyaan nabadaynta bulshada una howl galaan sidii loo ilaalin lahaa
natiijadii ka soo baxdaa dhismahaas? Mise waa sidii hogaamiye kooxeedyadu ay ku
sheegeen oo waxeey ka mid yihiin qabaa,ish isku haysta xukunka? Taas oo aad ka
garan karto in Bulshada Rayadka ah ee Xamar fadhigeedu yahay aad soo dhaweeyeen
shirka nabada ee Eldoret halka ay kuwa Boosaaso qaadaceen kuna tilmaameen in ay
wataan dad jooga xamar iyo Jabuuti sida ay sheegtay Idaacada Horn Afrik? Mise
waa ururo loo sameystay dano gaar ahaaneed tan guudna lagu maldahay? Waa
su,aalo is weydiin mudan. Majecli in aad tuhmo ururada bulshada ama aan halkaan
ku qiimeeyo laakiin waxaan is leeyahay intaba kama marna Ururada Bulashada
Soomaaliyeed. Waxaase la oran karaa hadii loolanka u dhaxeeya Qabaa,isha
Soomaalida ee ku salaysan xukunka loo bedelo mid aan hubeysnayn iyo tartan ku
salaysan horumarinta deeganadooda iyo dadkooda, loolanka shaqsiyaadka xukun
doonka ahna loo bedelo mid ku dhisan tartan iyo doorasho iyo ra,yiga ay
kaqabaan dadwaynaha ay doonayaan in ay madaxda u noqdo, dadka matalaaya
beelahana ay noqdaan ilaa xad kuwa wax garad dhaama kuwa hada sheegta in ay
matalaan, lana ogaado in dan gaar ahaaneed ee Ururada Bulshada ku xiran tahay
tan guud oo laga shaqeeyaa waxaan oran karnaa waa talaabo horay looqaaday.
Gabagabo
Waxaan ku soo gaba gabayn lahaa in soo if
bixida Bulshada Rayadka ah (civil society) ay tahay dabayl caafimaad oo bilaaw
ah horay waloow yaysan noqon sidii loo baahnaa, taas waxaan ula jeedaa in xal u
helida mushkilada Soomaaliya ay ka arinsadaan dad aan hubaysnayn kalsoonina
isku qaba dhagar horana aan galin haba matalo ururkaas ama ruuxaasi qabiil
mucayan ah in ay tahay horumar. Waxaa xaqiiqo ah in samaanta iyo hagaaga
bulshada aysan maalin iyo habeen ku imaanaynin horaa loo yiri Roma Hal Habeen
Laguma Dhisin (Roma was built in one day), kun talaabana kow ayeey ka
bilaabataa, ee waxeey u baahan mashruuc iskaamilaaya, dadaal joogta ah iyo dad
u taagan intaba. Waxaase muhiih ah in Ururada Bulshada hadafkoodu noqon shir
joog kuna koobnaan dadaalkoodu in ay fadhiyo ka xajistaan shirarka nabada
laakiin waa in uu intaas ka gudbaa una gudbaa in ay soo jeediyaan aragti wax ku
ool ah oo looga gudbo mushkilada umada haysata laguna qancin karo beesha
caalamka, iyo in ay wax ka ilaaliyaan miraha natiijadaas kana ceshadaan cidii
doonaysa in ay sahal ku burburisaa, hadii kale waxaa ku dhaboobaysa aragtida ah
in aysan waxba ka duwanayn kuwa hubaysan in ay hubaysnayn uun kaliya mooyee ee
aysan haynin aragti wax ku ool ah iyo dhaqan cusub intaba iyadoo madaxa lagu
hayo tijaabadii lana daraaseeyo duruufihii keenay in ay dhaqaaqi wayso si looga
faa,iideysto mustaqbalka.
Abdirahman Abdishakur Warsame. (LLB) (LLM).
Lodon UK E-mail cabdirahman@hotmail.com
.
Oct 17, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara
qoraaga
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|