SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WARAYSIGII COL. BARRE HIIRAALE

 

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 23, 2002

 

 

I  I  D  H  E  H

Galabnimadii Axadda ee 21/10/2002 Ibraahim Maxamedeeq wuxuu waraysi ku saabsan shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ka socda iyo arimo la xidhiidha deegaanka Kismaanyo kula yeeshay raarta dambe ee Hotel Sirikwa guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire oo Barre Hiiraale ku magac dheer. wuxuuna ugu horaynba waydiiyey bal inuu kornaylku uga warramo nabad gelyada magaalada Kismaanyo iyo deegaanka Jubooyinka, wuxuuna ku jawaabey:

"Nabad gelyada gobolada Jubbooyinku aad iyo aad bay u fiican yihiin, wax dhib ahina kama jiraan, dadkuna dhamaan waa heshiis, colaadihii badiba waa la joojiyey aad iyo aad bayna u fiican tahay".

Ibraahim : Magaalada Kismaanyo ma leedahay maamul ka baxsan is bahaysiga aad adigu madaxda u tahay?.

Col. Barre: Magaaladu maamul is bahaysiga ka baxsan way leedahay, maamulkii degmada ayaa dhisan, bilayskii baa shaqaynaya, guddoomiyihii degmada, Dawladdii hoose, maamul caadi ah bay degmadu leedahay oo dhisan.

Ibraahim: Sida aad maamulkaas u dhisteen ma qaab qabiil baa mise waa qaab maamul oo aad is bahaysigiina ka dhex xusheen?.

Col. Barre: Dabcan qabiilku waa ku jiraa oo wuu ku xusan yahay laakiin is bahaysi ahaan baanu anagu u dhisnay oo u magacownay.

Ibraahim: Maamulka aad ii sheegtay inuu Kismaanyo ka jiro ma yahay mid shaqeeya oo ilaa iyo hadda wax horumar ah ku tilaabsaday?.

Col.barre: Waa mid hir galay oo aad u shaqeeya, hadda waxaanu u gudubnay horumar oo hawlo badan baanu qabanay annagoo iskayo isugu tashanayna, Dekedda waanu dayac tiray oo lacag ilaa 300 oo malyan ah baanu gelinay, xabsigii weeynaa oo aan 12kii sanoo ee u dambeeyey waxba laga qaban baanu lacag ilaa 50 milyan ah gelinay oo hadda farta laga qaaday, iminkana meel kasta oo aanu is leenahay wax baa laga qaban karaa ayaanu ku talo jiraa inaanu wax ka qabano. Cashuur baa la qaadaa, Bilaayskii baa shaqaynaya, mmaxkabadii baa shaqaynaysa, waa maamul caadi ah oo shaqaynaya.

Ibraahim: waayahan dambe Soomaalidu wax bay is dhex geliyaan oo marka qolo meel qabsato ee qolo kala wareegto qoladdaas uun baa wax iska sheegata marka taageerayaashii ninkii hore ee meesha ka tegey Gen. Morgan ee magaalada ku nooli wax cadaadis ah is bahaysigiina ma kala kulmaan?.

Col. Barre: Maya, maya, arintaas waxaa fiicnaan lahayd inaad tagtaan oo aanu idinku marti qaadno iyaga laftoodana aad waraysataan si aad xaqiiqda u gaartaan. wax kala duwan iyo wax cadaadis ah iyo wax dhib ah oo dadkaas lagu hayaa ma jiraan dadkuna isku mid weeye, way ganacsadaan, guryahooday ku nool yihiin, shacabku waa isku mid.

Ibraahim: Maalintii Jimcihii waxaa shir wada fadhiyey adiga iyo Gen. Moragan, idinkoo is gacan qaadayana waan arkayey xaalku waa sidee ma wax baa colaaddii iska bedeley?

Col. Barre: Maya, laba nin oo macruuf ah oo shir isugu soo galay baanu ahayn, salaantaad arkayseyna waa midda Islaamnimada laakiin wax heshiisa oo aan galay ma jiraan.

Ibraahim: Had iyo goor waxaa la idinku eedeeyaa inuu isbahaysigiinu Kismaanyo xoog ku haysto oo aydan deegaanka u dhalan eedayntaas maxaad ka leedahay?

Col.Barre: Edayntaasi waa dulmi ayaan anigu ka leeyahay, nin Soomaaliya oo nin Soomaaliya meel ka lihi ma jiro, jifo ahaan meel waa lagu kala badnaan karaa balse meeshan annagu wax baan ku leenahay, keligayana ma lihin, in la yidhaahdo xoog bay ku soo galeen ama ku yimaadeena dulmiga dadka lagu samaynayo baan u aragnaa inay tahay.

Ibraahim: Waxaan jeclaan lahaa inaad iiga waranto xidhiidhka idinka iyo dawladda Carta idinka dhexeeya, waxaa jirtey mar uu Gen.Morgan weerar ku soo qaaday magaalada Kismaanyo oo uu sheegay inay Carta ka saartay, marka xidhiidhka idinka dhexeeya muxuu yahay?.

Col. Barre: Adeer horta qolyaha Carta iyo annagu colna ma nihin, wax hadda naga dhexeeya oo nabad oo kale ahina ma jiraan, nimankaasi Carta ayeey isku dhiseen Muqdishana waa yimaadeen, namaba soo gaadhin anaga marka wax naga dhexeeya iyo wax kaloo gaar ahi maidna ma jiraan. Morgan inuu yidhaahdo Cartaa iga qabsatayna waa halka ay soomaalidu ka tiraahdo: "nin daad qaaday xumbo cuskey", isagu dad badan buu marinayaa mooyee annaga iyo Morgan, annagaa diriray cid isugu kaaya tagtayna ma jirto, Itoobiya ayaa isga gacan soo siisa oo soo kaalmaysa, annagu, annaga iyo Illaahanaga ayaa isku xidhan, cidina isuguma kaaya tegin.

Ibraahim: Laakiin Col. Barre marka laga qiyaas qaato arinta ah ciidan maanta la jebiyey oo magaalo laga qabsaday inuu isla markiiba haddana meeshii qabsado miyeeysan u ekayn inay awoodi ku soo korortay, awoodaasi ma idinkay idin qarsoonayd?

Col. Barre: Adeer taas taatik ahaan isagaa ku khaldamay sababtoo ah maalintuu Kismaanyo soo galay maalintii ka horaysey ayuu Jilib dagaal nagu dhex maray oo ciidamadiisa lagu jebiyey dabadeed xoogagii la dagaalamay oo maqan ayuu inta daba maray sidaas magaaladii ku qabsaday, marka taatiik xumo uu la yimid bay ahayd taasi.

Ibraahim: Shirka dibu heshiisiinta ee halkan aynu hadda joogno ka socda guddoomiye ahaan sidee u aragtaa?

Col. Barre: Adeer horta shirkan Eldoret aad iyo aad baan anagu u soo dhoweeynaynaa, waanna ku faraxsanahay, aadna waxaan u jeclahay weliba aannu ku shaqayn doonaa haddii Alle idmo inuu najaxo oo maanta xal soomaaliyeed ka soo baxo hase yeeshee annaga dooxada Jubba ahaan sida uu maamulkiisu u socdo kuma qanacsanin ama dadka la qorsheeyey oo la isu qaybiyey oo wixii aanu munaasibka u lahayn oo aan nalaka siin ama ha noqoto sida dadka loo heshiisiinayo oo la isaga hor keenayoo la isu soo hor fadhiisinayo oo lafteeda ay caddaalad darro ka muuqato, masalan SRRC iyo Dooxada Jubba ayaa iska soo hor jeeda iyagaana la rabey in la heshiisiiyo, markii qolka shirka la isugu yimidna, Dooxada Jubba waxaa u soo fadhiistay guddoomiyahooda oo aniga ah SRRC'na waxaa u soo fadhiistay ilaa 13 xubnood, arintaas cabashadeeda iyadoo qoraalana waan gudbiney welina waan wadaynaa ilaa aanu jawaab rasmi ah ka helo ama nala qancin waayayo oo ay bahashu naga is taagi doonto.

Ibraahim: Ergooyinka kula socda ee aad hogaaminayso ee gobolka aad ka timid matalaya beelaha deegaankaas degani ma u dhan yihiin?

Col.Barre: Adeer waa u dhan yihiin beelaha deeganku ergada anigu aan hogaaminayo jileec iyo jareer wax ka maqani ma jiraan, waana joogaan.

Ibraahim: Qolyihii markii hore magaalada ka talin jirey markaynu soo qaadano inagoon qabiil iyo waxba toona magac dhebayn yaa idin kala socda?.

Col. Barre: Dee waa kan gudoomiye ku xigeenkaygii Col. Yeey baa igala socda, oo aad aragto inuu haddaba I garab fadhido, waana loo dhan yahay.

Ibraahim: Ayamahan waxaa igu soo duul duulaysey inaad kulamo is daba joog ah wada yeelateen xubno ka tirsan SPM'tii Gen.Morgan oo ah ragii aad Kismaanyo ku dagaalanteen oo Odayaal, Saraakiil iyo Wax garadba leh, aadna ka wada xaajootaan sidii aad ku heshiin lahaydeen, arintaasi hadda halkee bay idiin maraysaa?.

Col. Barre: Meel fiican bay noo maraysaa oo waxa weeye ragii hore ee uu Kismaanyo dagalku nagu dhex maray dhamaan marka laga reebo Morgan waanu is aragnay waana wada hadalay, wejigii koowaadna xalay (22kii Oct) buu soo geba geboobey, kan labaadna waanu u ballansanahay, waxaanuna haddii Alla idmo ka soo saari doonaa bayaan cad oo aanu u gudbin doono dadku meeluu jiraba.

Ibraahim: Goormaad ku talo jitaan inaad bayaankaas soo saartaan?.

Col.Barre: Guddi baanu u saaray soo diyaarisa laba beri ilaa saddex beri baanu jecelahay inuu ku soo baxo.

Ibraahim: Shaqsiyaadka aad heshiiskan wada waddaan kuwa ugu cad cad yaa ka mid ah?

Col.Barre: Ragu wuu badan yahay waxaana ka mid ah Xaabsade, Cali-baashe, Xagaafe, Col. Labatinle Ugaas Xasan Hilaali, intaas ayaan kaaga sheegi karaa.

Ibraahim: Sow sidaas oo kale idiinma fiicna inaad u sii gudubtaan tan idinka iyo Gen. Morgana idinka dhaxaysa ?

Col. Barre: Taas xagayaga diyaar baanu u nahay laakiin bal hadda tan aniga iyo Morgan caalamkay u gudubtaye, halkanse waan u joognaa in la is hor fadhiisto.

Dhamaad

Waxaa Eldoret ku waraystay  

Ibraahim Maxameddeeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com

Eldoret, Kenya 

Oct 23, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD