SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Ku: Guddoomiyaha guddiga farsanada shirka soomaalida Igad

H. E. Elijah Mwangale

Og: wasiirka arimaha dibeeda ee Kenya

Og: Xoghayaha guud ee Igad

Dr. Attalah Albashiir

Ujeeddo: Dacawad gaar ah oo ku saabsan gudiga farsamada Igad ka maqnaanshaha shirka qowmiyadda ree Baraawe

Gudoomiye Mwangale,

I  I  D  H  E  H

Aqoonyahanada qoowmiyadda reer Baraawe waxay waraaqo badan u gudbiyeen gudiga qaban qaabada una sheegeen inay diyaar u yihiin ka qayb galka shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee ka socda magaalada Eldoret balse ilaa iyo hadda lama siin wax ergo ah iyo jawaab ay ku qancaan midna.

aqoonyahanada qowmiyadda Baraawe waxay aad uga xun yihiin qadarin la'aanta iyo caddaalad darada lagu sameeyey waxayna si gaar ah uga sii xun yihiin sida loo qaybiyey ergooyinka bulshada rayidka ah (civil society and personalities) kuwaas oo ay si toos ah gudiga qabanqaabadu u qaybiyeen.

Gudiga laga soo xushay bulshada rayidka ah tiradoodu waxay kor u dhaaftayboqol iyo dheeraad taasna waxaan ka tirsanaynaa caddaalad darro ka timid gudiga Igad , arinta la yaabka lihi waxay tahay inay aqoon yahanada reer Baraawe aan la siinin wax casuumaad ah.

haddaba waxaan ka codsanaynaa gudiga farsamada Igad in la tix geliyo beeshan oo aan ka qayb qaadan shirka Eldoret, loona ogolaado wixii ay xaq u leeyihiin inay ku yimaadaan shirka dibu heshiisiinta soomaalida, annagoo doonayna inaanu goob joog ka ahaano halka aayaha iyo mustaqbalka soomaaliyeed laga wada arinsanayo.

Inay reer Baraawe shirka ka qayb galaan iyo inaysan ka qayb gelin waxay u taalaa ergooyinka soomaaliyeedee ku sugan shirka Eldoret.

Waxaan si gaar ah u salaamayaa bulshada akhrin doonta dhambaalkan.

W. Q. Cabdi raxmaan Cali Maxamed

Eldoret, Kenya

-dhammaad-

Qoraalkaan waxaa lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Eldoret

  

Qowmiyada Carabta Soomaalida oo Cabatay
Ergooyinka shirka dibu heshiisiinta soomaalida Eldoret ka jooga qowmiyadda carabtu qoraal ay Somalitalk soo gaadhsiiyeen ayeey kaga cawdeen inaan wax xubna ah laga siin... GUJI

... ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD