SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 Beesha Mudulood oo shir gaar ah yeeshay shalay 27/10/02 ayaa isla afgartay in Hoggaamiye Mudulood la samysto.

I  I  D  H  E  H

 Hoggaamiyeyaasha Beesha Mudulood ee jooga Eldoret kana qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa shir gaar ah ku yeeshay Hotelka Asis ee ku yaala Eldoret, Kenya, kana dooday habka ugu wanaagsan ee shirka looga dhigi karo mid miro dhala iyagoo istusay in Soomaliya ey ku jirto marxalad qalafsan loona baahanyahay in beel walba iyo shaqsi kastaba uu dadaalka uga aadan ka galo barnaamijka nabbadda. Mudane Maxamed Dheere ayaa ka maqnaa shirka ha yeeshee uu wakiishay Nuur Shirbow caddeeyeyna inuu waafaqsan yahay wixii lagu heshiiyey.

Dhammaan odayaasha beesha ayaa ka hadlay shirkan iyagoo isla afgartay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, qilaafka beesha gudihiisa ahna laga gudbo oo danta guud la wada fiiriyo. Xubno firfircoon ee ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa dadaal dheer ah sameeyey oo lagu afjaray qilaafkii shaqsi shaqsi ahaa, kuwaas oo ey ka mid ahaayeen Mudane Sheekh Cali tuure, Cali Jarmal, Cabdulqadir Tooxow, Cali Xasan Maxamed, Nur Shirbow iyo odayaal kale, iyagoo isu geeyey dhammaan hoggaamiyeyaasha dhameeyeyna qilaafkii jiray. Shirkan waxaa lagu heshiiyey in Mudulood loo sameeyo hoggaamiye la isku wada raacsanyahay ka dibna lala wada shaqeeyo hoggaamiyaha, walow lesla gartay inaan shirka lagu magacaabin ha yeeshee loo saaray guddi soo magacaaba shaqsiga mudan xilkan muhiimka ah. Waxaa kaloo leysla gartay in beelaha kale lala wada hadlo lana dhiiri geliyo siddii ey u mideyn lahaayeen qilaafkooda, tanoo sahli karto habsami u socotka shirka.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa wafdi heer sare ah oo ka socday waddanka Masar iyo Yemen iyagoo caddeeyey in habsamida beesha Mudulood ey ku socoto ey qeyb weyn ka qaadan doonto shirka dib u heshiisiinta, wafdigu wuxuu kaloo sheegay iney la xirriiri doonaan dhammaan beesha Carabta oo ey metelayaan si ey ugu sheegaan in beesha Mudulood ey horumood ka tahay shirka iyo in beesha aan mudnaantooda la siinin shirarkii hore eyna mudan yihiin jagada ugu sarreysa waddanka si ey u sahlanaato in la furo dekadda iyo airportka Muqdisho.

Waxaan shaki ku jirin in beesha caalamka uu dareensanyahay in beesha Mudulood wadajirkooda iyo hormuudnimadoodaba loo baahanyahay iyagoo ka codsaday beesha iney ku dadaalaan sidii beelaha kale loo mideyn lahaa loona heli lahaa dowlad federal ah oo shacabka soomaaliyeed ku qanco.

Mudanayaasha ka hadlay goobta waxaa ka mid ahaa Mudane Ali Mahdi Mohamed, Mudane Hilowle Iimaan, Mudane Xuseen Xaaji Bood, Mudane Eng. Caddow, Mudane Nuur Shirbow, Mudane Muse Sudi Yalaxow, Mudane Cumar Filish iyo mudnayaal kale.

Shirka Eldoret oo ku socday si wanaagan

Shirka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku socdo si habsami ah iyadoo shalay la wada saxiixay heshiis xabad joojin ah iyo in la wada fuliyo go’aamada ka soo baxa shirka. Waxaa kaloo leysla gartay in Dowlad Federal ah oo loo dhan yahay la dhiso iyo in guddi hoosaadyo la magacaabo oo ka doodo arrimo badan oo ey ka mid yihiin Hanti isu celinta iyo dhulalka la kala heysto, in kooxaha hubeysan ee jooga degaanada eysan laheyn ka baxaan.

Waxaa la sheegayaa iney jiraan qilaaf aad iyo aad u fara badan ee ka jira xubnaha qaarkood, haddana shirka socodkiisa iyo rajada guud ahaa aad bey u heer sarreysaa. Mar aan wax ka weydiiney IGAD ayaa noo caddeeyey in heshiiskii shalay uu ahaa mid lagu tilmaami karo bilowga shirka ama rajada la qabo iney ka wanaagsan tahay tii hore. Xubno kale ee ka socda EECda, USA iyo Japan ayaa noo caddeeyey iney shirkan ku fahmeen in shaqsiyaad iyo beelo ey u heysteen iney mudnaanta leeyihiin iney qaldi jireen caalamka haddana la helay runta ama sida xalka ugu dhow ee uu ku qabsoomi karo shirkan.

Xibnahan ayaa noo sheegay in shirka uu ku haboon yahay in marka hore laga hadlo arrinta Muqdisho oo mar haddii Federal la isku raacay loo baahanyahay Beesha Mudulood in Mudnaanta koowaad la siiyo si ey u sahlanaato in la furo Airportka iyo Dekadda Muqdisho.

Abdirahman Omar Osman

yarisow70@hotmail.com 

Oct 28, 2002

 

....ELDORET: Taxanaha Wararka


WARARKA KALE EE OCTOBER -GUJI


SEPTEMBER 
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD