|
QAABKA IYO HABSAMI U SOCDKA SHIRKA ELDORET
FAALLO
Faalanqaynta
maanta waxay ku saabsantahay: Qaabka iyo
Habsami usocodka Shirka Eldoret, iyo sida malmihii lasoo dhafay shirku uu u
hakaday, daruufaha jira, iyo ugu danbayntii hadda heerka uu marayo shirka.
|
I I D H
E H
|
|
Shirkan oo bilaabmay horatisii 15.10.2002 oo ay soo
agaasimeen Urur Goboleedka IGAD, oo ay martigalisay Dowladda kenya , oo hormood u yahay
madaxwayne Daniel Torotich Arap Moi, waxaa kale oo shirku kakoobnaa wafuud
caalami ah,sida Ururka Midowga Yurub (EU), Ururka Isutagga Africa
Wafuuddiisa,(AU), Ururka Islamka (IOC),Ururka Jamacadda Carabta, Ergayga
Yurub, Safiirada Dalalka qaarkood, iyo waliba marti sharaf kale oo badan oo
ka kala socota Hay'adaha Dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha kala duwan ee Somaliya ,
sida Ururada Siyaasadda, Aqoonyahano, Isimo, Salaadiin, Ugaasyo, waxa ka
maqan madasha wadahadalka nabadda soomaaliya , Jamhuuriyadda Gooni isutaagga
Somaliya ee Somaliland, iyo Madaxwaynaha DKG ah ee lagusoo dhisay Carte, C/Qasin Salad
Xassan.
Shirkii Taarikhdu markii ay ahayd 18.10.2002 waxaa soo baxay dhaliilo ay
ugu waynayd , Aqoonsigii (ID CARD) Ergooyinka oo labadsaday, iyadoo ay taasi
ka danbeyen wafuudda katimid Magalada Muqdisho, gaar ahaan Dhinaca DKG ah
ee Carte waxa ay samaysteen illaa 250 Card oo ay siiyeen dadwayne laga soo
aruurshay Nairobi Iyo Mombasa kenya, haddaba waxa maalmihii lasoo dhaafay
Guddiga Farsamada ee IGAD iyo hay'adaha Ku howlan shirka ay mashquul ku
ahaayeen sidii ay u xakamayn lahayen BEEN ABUURASHADAAS, Arrintan waxa ka
gadooday qaybihii kale ee Soomaalida.
Guddiga waxa uu sameeyay Hadda Aqoonsi ka duwan kii hore, aqoonsiga waxa uu
ka kooban yahay qaabkan hoose:
1-Magaca Qofka oo Saddexan.
2-Cidda Uu Matalayo, sida (Carte, USC/SRRC, ) IWM.
3-Darajada Qofka, sida Guddomiye, Hogaamiye Koox, ama Wafdi koox hebel oo
kale ah. IWM.
Markii qofku uu aqoonsigaas helayo waxaa loogu soo dhiibaya Cidda matalaysa
Isaga ama Hogaaminaysa, tasi waxa dheer qofkii qaata aqonsigaas, Guddiga
farsamada IGAD waxay kaqaadayan Faro (Finger Print).
Taarikhdu markii ay ahayd 14.10.2002 ayaa waxa Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay soosaareen baaq ay si toos ah ugu taageerayan Shirkan lagu qabtay
Magalada Eldoret oo katirsan Gobolka looyaqan RIFT VALLEY PROVINCE, Goobta
shirka lagu qabanayo waa halka uu ku dhashay madaxwaynaha dalka kenya,
haddaba Qoraalka kasoo baxay Golaha amaanka oo uu wakiil u'ahaa
Madaxwaynaha Dalka Cameroon (President Martin Belinga-Eboutou (Cameroon).
Qoralkaas kasoo baxay xafiiska Golaha Ammaanka oo ku tixraacsanaa Warqadda
Numberkedu yahay ( SC/7530 AFR/496 )waxa si toos ah loogu dhiiri galiyay Dhamman
Ummadda Somaliyed inay
ka faa'iidaystaan fursaddan , iyadoo laga sii faa'iidaysanayo waaya
aragnimadii lasoo dhaafay, iyo wakhtigii adkaa ee laga soomaray Xaaladda
somaliya .
Qoraalka waxa si gaar ah loogu mahad celiya Dowladaha IGAD ee safka hore kaga
jira Arrimaha Somaliya, iyadoo lamagacaabay Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo
Jabuuti.
Maalmihii lasoo dhaafay waxa jiray caqabado ka'imanayay qaabka looga soo
qayb galayo Shirka, Tusale ahaan waxa Dowlad Goboleedka Soomaaliya ee PUNTLAND
STATE of SOMALIA waxa kayimid shirkan dad aad iyo aad losooxulay, waxana
hogaaminayay Madaxwaynaha Dowlad Goboledkaas Mudane, Madaxwyane C/lahi Yuusuf
Axmed iyo Kuxigenkiisa Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Haddaba Wafdigaan
Puntland waxa garab socday Wafdi kale oo uu hogaaminayo Mudane Jamac cali
Jaamac, haddaba waxa dhacday in Guddiga IGAD uu dalbaday in Wakiilada
wafuudda ay isugu yimaadaan Goobta shirka, markii ay taariikhdu ahayd
19.10.2002, waxa madashii soo xaadiray Jamac cali Jamac oo uu weheliyo mid
katirsan wafdigiisa oo layirahdo JOOCAAR, markii ay madasha soofariisteen
ayaa guddiga farsamada IGAD waxay Jamac Cali Jamac waydiiyeen cidda uu
matalayo, dabadeedna waxa uu ku jawaabay Jamac waxan ahay Madaxwaynaha
Puntland, Guddiga farsamada iyada oo adeegsanaya Liiska dadka Puntland
matalaya ayay waxay Mudane Jamac Cali Jamac ku wargashen inuu ka mid yahay
ergada Puntland, isla markana uu magaciisa ku diiwan gashan yahay Qofka
21aad ee Puntland, isla markana uu ka mid yahay qaybta Civil Society
mucaaradka Puntland, dabadeedna Jamac Cali jamac waxana loo sheegay in Puntland ay kala
xariirayaan C/Laahi Yusuf Axmed.
Ergada ka socota DKG ah Carte waxa ay u kala socdaan Saddex (3) qaybood,
qayb waxa hogaminaya Xassan Abshir Farax, qaybna waxa hogaaminaya Cabdalla
Deerow Isaaq, Qaybta Saddexaadna waxa hogaaminaya Ra'isul wasaare ku xigenka
Carte Cismaan Kalluun, waxa ay ergadan wada daggan yihi SARIGWA LODGE,
Xassan Abshir iyo Muuse Suudi Yalaxow waxa ay daggan yihin Laba qol oo iska
soo horjeeda mana isa salaaman, waa xaqiiqo arrintaas.
Waxaa jiray Maalmihii lasoo dhafay Culays xagga siyaasadda ah oo ka
imaanayay qaar kamid ah siyaasiinta, waxayna taasi ahayd markii qolka weyn ee shirka
looga dhawaaqay in madasha uu yimaado C/qaasin Salaad Xassan oo kolkii horeba
kamaagtay inuu shirka kasoo qayb galo, isagoo sabab oga dhigay arrintaasi
laba arrimod oo kala ah:
1- In Madasha Shirka uu ku yimaado Madaxwayne Soomaaliyeed.
2-Inuu Shirka Noqdo mid aan Bilow ahayn ee uu ahaadaa mid lagu dhamaystirayo
Shirkii Carte.
haddaba arrintaan uma cuntamin IGAD, iyo dowladaha ka qayb galaya shirka, Ergooyinka qaybaha kala duwan ee
soomaalida iyo marti sharafka kaleba, taasi
waxa garab socday LIX (6) Go'aan oo kale oo daba socday go'anada labada ah ee
aan kor kusoo muujiyay.
Culayskii ka'imanaya qaybaha kale ee Soomaalida kasoo lagu dalbanayay In
C/qasin Yimado Shirka waxa u sabab ahaa , iyadoo aan lagu kalsoonayn Go'aan
lagaaridda Xassan Abshir Iyo Derow ama Kalluun, tasoo loo arkayay in Go'an
lala garaa iyaga uusan fulayn, illaa uu C/Qasim fuliyo mooyee, siyaasiinta
qaar katirsan ayaa Saddexdan nin ku tilmaamay inay lahayste-yaal yihin oo ay
marti u yihiin C/qasin haddana Go'aankooda ay lagaaraan Soomaalida inteeda kale
aysan macne wayn samaynayn, taasi ayaa keentay in C/qasin looga dhawaaqo
inuu yimado shirka dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed.
Arrintan oo aad loogu riyaaqay markii lasoo bandhigay waxay IGAD, Iyo Marti
sharafta kale ee Caalimiga ah u wakiisheen arrintan in Ergayga Dowladda
Masar Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti , oo wakiil u ah Dowladda
Jabuti ay C/Qasin Saalaad Xassan keenaan madasha shirka.
Inta uu soconayo shirka, Dowladaha carabta waxay soo bandhigeen in Shirku uu
socdo Muddo kusiman Toddobaatan iyo Shan Casho (75) days, halka Soomaalida
Madasha fadhida , marka laga reebo qayb yar iyo marti sharafta kale ee
Addunka isku raacen in shirku noqdo mid miro dhala oo waqtigiisa labadiyo
illaa ugu yaraan Shan (5) Bilood, fikraddan danbe ayaa loowada riyaqay.
Tariikhaha 19 iyo 20 October.2002 wax shir ah oo dhacay majiran, iyadoo ay
sabab u tahay, laba arrimod, waxay ku aadeen sabti iyo Axad, iyo waliba faysto
ku aadaned maalinkii madaxwaynihii hore ee kenya Jommo Kenyatta Day
21.10.2002.
Lasoco faalooyinka dambe, insha Allah.
Mahadsanidin
Wariyaha somalitalk
Eldoret , Rift Valley Province
eldoret@somalitalk.com
LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/faallo
October 21, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
AFEEF: Qoraagu wuxuu weydiistey in aan
la magcaabin
com
|