SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
BULSHADA CAALAMKA OO DADAAL UGU JIRTA SIDII SHIRKA ELDORET CAQABADDA LOOGA SAARI LAHAA

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 17, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
 

In kastoo aan weli si rasmi ah loo soo afjarin is mari waagii ka dhex taagnaa madaxda kooxaha ee ku saabsanaa sida loo qaybsanayo ergooyinka wejiga labaad ee shirka ka qayb gelaya ayaa waxaa soo baxaya dadaal badan oo ay wakiilada shirka ka jooga bulshada caalamku ugu jiraan sidii ay kooxaha soomaalidu wax isugu celin lahaayeen. Wakiilada dawladda ku meel gaadhka shirka ka jooga ayaana intii uu khilaafkani jirey gudiga farsamada Igad ugu goodiyey inay samaynayaan shir gaar ah oo ay kooxaha soomaalida qaar ka mid ah kula heshiinayaan haddii uu is mari waagani sii socdo, Jimcihiina waxaa wakiilada dawladda ku meel gaadhka ah la kulmay ergeyga maraykanka u qaabilsan soomaaliya Mr. Glen Warren, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Mr, Top Man iyo wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Waliid, waxayna madaxda dawladda ku meel gaadhka ah ee shirka ka codsadeen inay ergooyinkooda wax u celiyaan kooxaha cabanaya taas oo TNG’na si adag ugu gacan saydhay.

Safiirka dawladda ku meel gaadhka ah ee qaramada midoobey Mr. Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) oo aan wax ka weeydiiyey sida looga gudbi karo caqabadan uu shirku wajahay ayaa ii sheegay in loo baahan yahay inay hogaamiyayaasha Soomaalidu wada saxiixaan in aanay ergooyinka hadda la isku haystaa awood qaybsiga wax lug ah ku yeelan doonin si loo rumaysto buu yidhi go’aanka gudiga farsamada ee qeexaya inuu awood qaybsigu hab beeleed wejiga sadexaad ee shirka ku iman doono. Sidoo kale Gudoomiyaha ururka RRA ee iminka magaalada Baydhaba gacanta ku haya Sheekh Aadan Madoobe oo aan isna caqabaddan iyo sida looga gudbi karo kala sheekaystay ayaa ii sheegay in xal la gaadhi karo marka ay gudiga farsamada Igad dhexdhexaadinta soomaalida daacad ka ahaato, wuxuuna Mr. Madoobe ii caddeeyey inuu isagu taageersan yahay in qabiil wax lagu qaybiyo.

Arinta ah in Qabiil  ergooyinka lagu qaybsado oo ay maalintii khamiistii Puntland soo jeedisey waxaa iyana ka hadlay hogaamiyayaasha dhaqanka soomaalida ee Eldoret ku sugan oo warqad ay gudiga farsamada Igad iyo wakiilada bulshada caalamka u kala direen ku sheegay in soomaalida hab qabiil wax loogu qaybiyo si uu shirku caqabadan u weeydaarto, waxay kaloo Isimadu warqadooda ku dalbadeen in la siiyo kaalintii ay dib u heshiisiinta iyo dhex dhexaadinta Soomaalida ku lahaayeen.

I  I  D  H  E  H

Ugaas Ciise Ugaas Cabdille oo ah gudoomiyaha lix iyo kontonka Isim ee Eldoret qoraalka ka soo saaray oo aan wax ka weeydiiyey waxa ku kalifey inay xiligan ummadda qayb qabiil ugu baaqaan ayaa ii sheegay inay taasi tahay sida keliya ee arinta cakiran lagu furdaamin karo maadaama habkii ururada la isku mari waayey, wuxuu kaloo sheegay inay soomaalidu dhaqan ahaan qabiilka weligeed wax ku qaybsan jirtey oo aan wakhtigan la dhaafi Karin. Shir gudoonka shirarka madaxda soomaalida ee ayaamahan oo ah gabadha lagu magacaabo Sahro Ugaas oo aan iyadana xarunta shirarka kula kulmay ayaa ii sheegtay in khilaafka hadda jira lagaga bixi karo oo keliya iyagoo madaxda kooxuhu tanaasul isu sameeya oo kuwa ergooyimka badan haystaana ay kuwa cabanaya wax u celiyaan. Habaynimadii Khamiistana Mr. Mwangle wuxuu la kulmay TNG, Xasan qalaad, Xuseen Caydid iyo Muuse Suudi wuxuuna ka dalbaday inay min laba ergey u soo celiyaan kooxaha cabanaya taasna in kastoo ay markii hore diideen haddana warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow gudiga farsamada iyo hogaamiyayaashaas ayaa tibaaxaya inay iminka ogolaadeen inay saaxiibadood u cad gooyaan.

Gudiga farsamada Igad’na warqad ay Arbacadii soo saareen waxay ku caddeeyeen inaan ergooyinkii ay horay 362’ka ugu jaan gooyeen waxba ku dari doonin, haddaba shirka Eldoret oo ay caqabado badani curyaamiyeen isla markaana uu qarash badani ku socdo ayaa hadda u muuqda mid todobaadka soo socda horumar samayn doona, warar maanta oo Axad ah la isla dhex marayeyna waxay sheegayaan in maalinta arbacada ah la guda geli doono shaqadii gudiyada, ergooyinkana lagu soo koobi doono 362’kii ay horay u gudiga farsamadu u sheegeen, iyadoo dhamaan dadka intiisa kalena ay u qul quli doonaan meelihii ay ka yimaadeen. Dhinaca kale waxaa ayaamahan xarunta shirka ka bulaamayey xubno ka tirsan dawladda ku meel gaadhka ah oo ka soo jeeda Soamliland, waxayna Igad ku eedaynayaan inay doonayaan inay soomaaliya kala gooyaan, iyagoo ku baaqaya inay soomaalidu ka gilgilato arintaas oo ay ku tilmaameen mid khatar ah, xubnahan oo ayaamahan dareenkooda si weyn u muujinaya ayaa shalay faafiyey warqad ay ku sawireen soomaaliya oo la kala gooyey oo ooyeysa.

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Kooxihii Shiray oo Codsaday in 38 Xubnood Lagudaro
Ergooyinka si loo siiyo kooxihii cabanayey.... shirar gooni-gooni ah oo u socda kooxaha.... Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay .... iyo saadaal in caqabadan goor dhow laga gudbi doono .. dhammaan ka akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 14/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

 

I I D H E H


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]