SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WASIIRU DAWLAHA HAWLAHA GUUD: (WARAYSI) CALI FIQI 

Maanta oo sabti ah waxaan xarunta uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo ku waraystay wasiiru dawlaha dawladda ku meel gaadhka ah Mr. Cali Fiqi oo ka mid ah ergooyinka shirka dibu heshiisiinta soomaalida ka qayb qaadanaya, su’aashii ugu horaysay ayaa ahayd waxa uu Cali ka filayo shirka Eldoret inuu ka soo baxo, wuxuuna iigu jawaabay:

Walaal Ibraahim waxaan shirka ka filayaa inay midnimo soomaaliyeed iyo midnimo qaran ka soo baxdo.

Su’aal: ma jacayl aad arimahaas u qabtaa hadalkaas kaa keenay mise saansaan rejo wanaagsan ayaa shirka kaaga muuqda?.

Jawaab: horta jacayl kama madhna, san saankeediina wuu iiga muuqda shirka waayo hogaamiyaasha kooxaha iyo TNG’ba way wada joogaan shirka, dhinaca kiale wadamada ku bahoobey urur goboleedka Igad ayeey iiga muuqataa inay shirka daacad ka yihiin, sidaasaan ugu malaqynayqa inuu shirku najaxayo.

Su’aal: Adigu waxaad tahay wasiir TNG ah marka haddii ay kooxaha kale ee3 halkan ku shirsani wax isla gartaan, xaggiina Malaga caal helayaa?.

Jawaab: haa walaal waa nalaga helayaa taasina waa midda aanu Eldoret u joogno.

Su’aal: Xalay shirkii siyaasiyiinta waa lagu kalam kacay natiijo la’aan kaddib markaad ku adkaysatee4n in magaca TNG la idiin qoro, kooxihii kalena way diideen, waxaadna leedahay waa nalaga caal helayaa miyeeydan u muuqan kuwa isku dhejinaya waxyaabo shirka fashilin kara?.

Jawaab: Anagu haddaan nahay TNG halkan dibuheshiisiijn baanu u nimid soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa belaayo aan kaa qoslin belaayo maaha, annaga markii casuumada naloo fidiyey waxaa nalagu casuumay magaca TNG, halkana aqoonsi umaanu soo doonan, dawladda Carta ayaa lagu soo dhisay, madaxweeynayaal iyo wufuud caalami ah ayaana goob joog ka ahayd, eedda hadda shirka ka taagana hogaamiyayaasha kooxuhu masuul kama aha ee wax masuul ka ah gudiga farsamada Igad ee marna TNG nagu casuumaya marna magaca dawladda qoraalada ka reebaya, xalay waxaanu diyaarinay qoraal aanu ku caddaynay inaanu halkan TNG ku joogno…waxaanuna ka codsanay inay qoraalada iyo qodobka laysku hayaba magaca TNG ku xusaan, iyagaanuna jawaab ka sugaynaa, kamana yeelayno haddaysan magaca TNG ogolaan.

I  I  D  H  E  H

Su’aal: Inkastoo aad xoogaa aqoonsiya haysataan haddana itaal dawladnimo lagu sheegan karo faro kuma haysaan oo Xamar inta aad ka talisaan iyo inta aydaan xukumin waxaa afar jeer laab badan inta aydnaan ka talin, marka haddii ay soomaaliya ku heshiinayso oo uu dhibkii xalka loo waayey uu TNG oo aad ka tanaasushaan ku dawoobayo, miyeeysan waajib idinku noqonayn inaad TNG ka takhalustaan?.

Jawaab: haddii ay dhamaan soomaalidu heshiis ku wada noqdaan isla markaana wakhtiga doorashadu noo dhamaado waxaan diyaar u nahay iftiinka carta ka soo baxay inay ku soo biiraan kooxaha soomaaliyeed. Wixii geedi socod nabadeed ah oo Soomaali dan u ahna diyaar baanu u nahay.

Su’aal: Mudane Cali Fiqi waxaad ka soo jeedaa dadka reer Baraawe, haddaba yaa dadka deegaankaas u dhashay shirka ka jooga?.

Jawaab: dadkaas waxa shirka ka jooga qayb ka tirsan todobada tol ee qoowmiyadda baraawe, waxayna la kala socdaan DIGIL, TNG, BANAADRI, BULSHADA RAYIDKA AH, IWM.

Su’aal: dadkaas aad ii tirisay ma mawqif midaysan bay ku kala socdaan mise waxy u socdaan jaantaa rogan?

Jawaab: mawqif maidaysan oo wanaagsan bay leeyihiin, wixsii ay Soomaliyi qabto ayeeyna la qabaan, wixii ay helaana way la qaybsanayaan.

Waxaa Eldoret ku waraystay Ibraahim Maxamedeeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

 

Eldoret, Kenya 

Oct 26, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD