SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
HESHIIS KA DHACAY SHIRKII ELDORET

 

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 27, 2002 

Hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaliya ayaa maanta qalinka ku duugey qodobadii habka dibu heshiisiinta Soomaalida oo ay dhawrkii beri ee u dambeeyey si wayn isugu diidanaayeen kaddib markii uu gudoomiyaha gudiga farsamada Igad uu shalay oo Sabti ahayd dib u habayn ku sameeyey qodobkii uu khilaafka qarada weyni ka dhashay kaas oo ahaa sida loo macnaynayo ereyga ka qayb gale oo markii hore u qeexnaa shaqsiyaadka iyo kooxaha ka qayb gelaya wejiyada shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret oo ay gudiga farsamadu ku marti qaadeen shirka. Wuxuuna hadda Mr. Mwangale halkaas ka dhigay in lagu xuso koox walba magaceeda taasina ay arinta ku soo aroorinayso habkii ay DKG ahi dalbanaysey.

I  I  D  H  E  H

Ururada iyo maamuladii maanta heshiiskan saxiixay waxay kala ahaayeen: TNG, SRRC, SRRC/Nakuru, group, PUNTLAND STATE, HIIRAAN POLITICAL AUTHORITY, JAWHAR ADMINSTRATION, SAMO SRRC NAKURU GROUP, RRA, JVA, SNF, USC, USC/SSA IYO CIVIL SOCIETY.

Markii heshiiska la wada saxiixay waxaa madashii shirka isagoo faraxsan ka hadlay guddoomiyaha gudiga farsamada Igad ee shirkan isla markaana ah ergeyga ay dawladda Kenya arimaha Soomaaliya u xilsaartay, wuxuuna sheegay inuu heshiiskan si weyn ugu faraxsan yahay, wuxuuna yidhi: "Ma filayn inaan hogaamin doono shir sidan oo kale muhiim u ah, waxaase fursadaas i siiyey hogaamiyayaasha soomaalida iyo Madaxweynahaga Moi".

"Markaan xalay telefoon ugu sheegay madaweyne Moi inaad heshiiseen aad ayuu ugu farxay wuuna iga rumaysan waayey inaad heshiiseen" ayuu yidhi Mr. Elijah Mwangale oo intaa ku daray inuu madaxweeynahoodu rumaysan waayey inay soomaalidu qodobadan ku heshiisey, isagoo sheegay inuu Moi ku yidhi: "shirka waxaa laga filayey inuu iska hor imaad ka dhaco laakiin arintii dhan wanaagsan oo aan laga filayn ayeey u weecatay". Wuxuu kaloo Mr.Elijah tibaaxay in markii uu heshiiska Moi la socodsiiyey ay madaxda adduunku Madaxweeynaha Kenya soo waceen ayna u sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay soomaalidu talaabo wanaagsan horay u qaaday, wuxuuna Mwangala madaxdii shirka joogtey faray in ay Soomaaliya gaadhsiiyaan warkan oo uu ku tilmaamay mid farxad leh.

SSL oo Soosaaray Warsaxaafadeed
Qoraalkaas oo ku bilaabmay "Annagoo ka mid ah Mawaadiniinta Deegaanka Kismaayo, oo ku hadlaya magaca qabiilka...... " GUJI 26/10

Arin kale oo uu Mr.Mwangala ka hadlay maanta ayaa ahayd isagoo xusay inay jiraan dad ku andacooday in iyadoo dhulkoodii la haysto haddana wax laga saxiixay taasna isagoo ka hadlaya wuxuu Mwangala yidhi: "dadka leh dhul baa naga laga haystaa oo wax baa nalaga saxeexay waxaan u sheegayaa inaysan arintu sidaas ahayn ee uu xaalkooda guddi u saarayo". wuxuuna intaa ku daray inuu qabo inaysan soomaaliyi dhul kala lahayn. 

Shirkii maanta waxaa xubin loo aqoonsaday Qowmiyadda Banaadiriga iyadoo uu shirka u fadhiisan doono ninka magaciisa la yidhaahdo: Maxamed Cismaan Manye.

Taasoo uu xaghayaha arimaha dibedda ee isbahaysiga dooxda Jubba Mr. XCabdirisaaq Khaliif uu ii sheegay inuu isbahaysigoodu ku faraxsan yahay. Ergeyaga kenya soomaaliya u qaabilsani waxuu shaaca ka qaaday in nasasho yar kaddib ay ergooyinku u gudbi doonaan barnaamijyada u hadhsan oo ay ugu horayso in la dhiso gudiyo kala duwan. Shirka dibu heshiisiinta soomaaliya oo dhawr goor oo hore ku sigtay in laga hawo dhigo ayeey hadda rejo wanaagsani hadhaysay, wuxuuna u muuqdaa mid laga filan karo inuu ka duwanaado shirarkii hore ee la qaban jirey.

Ibraahim Maxamedeeq
Somalitalk.com
Eldoret, Kenya

E-mail: imdeeq@hotmail.com


Oct 27, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD