SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
IGAD; danta dalkiina iyo dadkiina ka fikira
IQRA FM Laanta afka soomaaliga
9/11/2002 sabti.

Cabdi Qaadir Mursal

I  I  D  H  E  H

 

urur goboleedka IGAD ayaa waraaqo u gudbiyay ergooyinka ka qayb qaadanaya shirka Eldoret oo ay ugu baaqayaan in shirka ay ergooyinka sii wadaan oo ay ka taliyaan aayaha dalkooda soomaaliya ee mudada 12ka sano ah dagaaladu ka ooganyihiin.

Igad waxay sheegtay in soomaalida ay dan utahay heshiis ay ku gaaraan shirka ELDORET si umadda soomaaliyeed ay rafaatka,gaajada iyo amaan xumada uga baxdo.

waraaqadaha ay IGAD uqaybisay ergooyinka ayaa waxaa usabab ah kadib markii qaar fara badan oo hogaamiyayaasha ah ay ku andacoonayaan in qaabka wax loo qaybiyay ayna wanaagsanayn oo igad ay ka dhigtay ergooyinka u fadhiisanaya wajiga labaad 362 xubnood isla markaana xubnaha 6da gudi laga dhigay 93 xubnood.

dhanka kale ilo xogogaal ah oo IGAD ah mar ay uwaramayeen wariyaha IQRA Ridwaan Xaaji waxay sheegeen in soomaalida kadib markii iyaga ay ku heshiinwaayeen ergada ay go'aan ku gaareen qaybinta ergooyinka shirka isla markaana waxaan arintaas ay ubandhigeen beesha caalamka ee lasocota shirka iyagoo ugu baaqaya hogaamiyayaasha in dantooda ay ka hormariyaan danta guud ee shacabka soomaaliyeed.

ridwanhaji@journalist.com 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD