SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

I  I  D  H  E  H

 Baaq nabadeed oo ey si wadajir ah u soo jeediyeen Muse Sudi iyo Cumar Filish iyagoo jooga Eldoret, Kenya.

 

Maanta 03/11/02 ayaa shir ey isugu yimaadeen Beesha Daa’uud ee jooga magaalada Eldoret, Kenya ayaa looga wada hadlay sidii loo dhameyn lahaa qilaafka iyadoo danta guud la wada fiirinaayo iyo arrimaha shirka dib u heshiisiinta. Shirkan oo uu shir guddoominayey Mudane Cali Jarmal ayaa lagu tilmaamay mid ku bilowday si habsami oo qurux badan.

Shirkan oo lagu dhameeyey qilaafkii xagga siyaasadda ee jiray ayaa Mudane Muse Sudi iyo Mudane Cumar Filish si saraaxad leh u wada hadleen iyagoo labadaba ka hadlay dagaaladdii beryahan ka jiray aaga degmada wadajir islamarkaana telefoon kula hadlay masuuliyiinta jooga Medina oo iyagana sheegay iney aad ugu farxeen shirkan iyagoo ku tilmaamay in arrintan kalsooni weyn gelin doonto dhamaan ciidanka iyo shacabka deggan degmada Medina.

Shirkan oo si wanaagsan loo abaabulay kuna socday hab nidaamsan waxaa soo gabagabeeyey shir guddoonka Mudane Cali Jarmal oo ka mid ah wafdiga u jooga shirka dib u heshiisiinta, kuna tilmaamay tallaabo wax ku ool ah waxaana la qorsheeyey in warbaahinta la wargeliyo berri oo Isniin ah 04/11/02 si ey uga hadlaan Muse Sudi iyo Cumar Filish lana filayo iney ka hadlaan aragtidooda sida shirka dib u heshiisiinta u socdo lana filayaa iney caddeeyaan iney qeyb libaax ka qaadan doonaan shirka inta ka hartay iyo dhaqan gelintiisaba una caddeeyaan warbaahinta kaalintii ey ka soo wada qaateen sidii ummadda Somaliyeed loogu heli lahaa dowlad caddaalad ah loona wada simanyahay taasoo ka tarjumeysa marxaladda dhabta ah ee ka jirta waddanka iyo baaq nabadeed oo ey u jeedin doonaan dhammaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degmada wadajir.

Sdioo kale aqoonyahanada, dhallinyarada, odayaasha iyo dhamaan waxgaradka beesha Daa’uud ee jooga waddanka UK ayaa iyagana shirkan kala xiriiray goob ey ku shirayeen iyagoo u soo jeediyey talooyin iyo waanaba wafdiga jooga Eldoret iyagoo kula xirriirayey telefoon video conference una caddeeyey iney iyagana kaalintooda ku habboon ka qaataan sidii ummadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxalladda hadda ey ku jiraan loona heli lahaa dowlad qaran ee matasha sumcadda shacabka soomaaliyeed.

 

Abdirahman Omar Osman yarisow70@hotmail.com 

.. ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD