SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 Mudane Cumar Maxamed Maxamud (Filish) oo maanta gaaray Elderot.

 

I  I  D  H  E  H

Wafdi uu hoggaaminaayo Cumar Filish oo maanta gaaray magaalada Eldoret, ee wadanka Kenya, si uu uga qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Wafdigan wuxuu qeyb ka yahay isbaheysiga kooxda Nakuru ku mideysnaa.

Mudane Cumar Filish wuxuu noo sheegay iney shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, ha yeeshee si loo gaaro danta guud ee Soomaliya loo baahan yahay dulqaad, isxilqaamid iyo wada shaqeyn dhamaan hoggaamiye kooxeedka iyo bulshada soomaaliyeedba, eyna ku xiran tahay hadba dadaalka iyo aragtida guud oo la mideeyo. Cumar oo sii wata hadalkiisa wuxuu sheegay in shaqsi walba ee ka qeybgalaya shirka uu isa saaro mas’uuliyad dheeraad ah oo haddii uu fashilmo uu qof walba ku xisaabtamo inuu qeyb ka leeyahay, lagana fogaado danaha gaarka ah ee loo gudbo mid guud iyadoo aan laga fogaan xaqiiqada jirta.

Shirka maanta waxaa lagu soo waramay inuu hakad galay sababo badan oo ey ka mid yihiin in shirka loogu tala galay illaa 300 xubin, haddana ey marayaan illaa 700 oo qofood, welina ey ku soo qulqulayaan. Wafdiga caalamka ayaa iyagana ka hadlay in la dhimo tirada iyadoo qaar hogaamiye kooxoodyadana ey sugayaan qaar ka tirsan ergadooda oo aan weli tegin.

Mudane Maxed dheere ayaa caddeeyey inuu diidanyahay in DKMG ah eysan sheegan karin magac Dowladeed isagoo sheegay inuu noqon doono haddii eysan ka mid noqon koox ka tirsan kooxaha soomaalida. Sidoo kale hoggaamiyeyaasha aan maanta shirka ka qeyb gelin waxaa ka mid ahaa Mudane Muse Sudi Yalahow oo ku mashquulsanaa la kulanka wakiiladda EECda iyo USA ee jooga shirka isagoo u caddeynaayey in wax laga bedelo habka socodka shirka oo mudnaanta koowaad la siiyo shaqsiyaadka mudan tirada ka soo qeybgalayaashana la yareeyey si shirku u noqdo mid miro dhala.

Waxaan shaki ku jirin in ururadda ama shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee raba iney shirka ka qeyb galaan ey tiradoodu sii kordheyso aadna moodo in Soomaalida oo dhan ey jecel yihiin ineysan ka maqnaan shirarka noocan ah, ha yeeshee su’aasha is weydiinta mudan waxey tahay shaqsiyaadkan diyaar ma u yihiin iney fuliyaan go’aanadda ka soo baxa shirka mise shaqsi walbo wuxuu danyeynayaa tiisa gaarka ah oo ah inuu wax ka noqdo nidaamka ama dowladda la wado in lagu soo dhisi doono?

Abdirahman Omar Osman 

yarisow70@hotmail.com 

Oct 18, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD