KOLKII HORE=KULLIGOODD OO KALIGII
KA HORJEEDA: HAATAN=KULLIGOOD OO KULLIGOOD KA HORJEEDA
XagarYare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk Germany
October 21, 2002
WAXAAN akhriste u dig iyo
damleeyahay waa shirka ka dhacaya keenya, balse aan yarehe qaadaa dhigo
cinwaanka maanta oo ah "kolkii hore soomaalidu waxay ahayd kuligood oo
kaligiis ka horjeeda haatanse waa kuligood oo kuligood ka horjeeda".
kacaankii 21 oktober 1969 waxaa
uu kadhashay kacdoono ay samaynayeen dadwaynuhu oo kayimid kadib markii
xorriyadda laqaatay ayaa dawladihii rayidka ahaa xaalkoodu uun uu noqday kaaga
horeeyaye ha iigu imaanin xornimadii dadku u mashxaraday dhalashadeedana waxay
uun ku ekaatay maro buluuga xidig shangeesle ahina dhexda kaga sawiranyahay oo
lataagay. markaas ayay waxay gocdeen dadkaasi inay helaan sheeko tan kabadalan,
ciidamada oo markaas ahaa xoogga kaliya ee siyaasiyan umidaysnaa ayaa ka
faa'iidaystay rabitaankaas dadwaynaha halkaasna ku afganbiyay xukuumaddi rayidka
taladana kula wareegay.illa 1978 wuxuu kacaankaasu ahaa mid aad loogu
kalsoonyahay 1978 kadib ayay soo shaacbaxeen diidmooyin yar yar.illaa 1979 kii
sibuuxda loogaga dhawaaqay magaalada addis-beba kooxdii mucaaradka ugu horaysa
ee ssf(kulmis)oo markii danbe noqotay SSDF,dagaalkii ugu horeeyay ee lagu
sooqaaday kacaankiina ahaa mid koox kamida SSF oo la magacbaxay cutubyadii
AWRAYAAL halkaasoo labada dhinacba dhiig badani ku qulqulay.waxaa ku xigtay SNM
oo 1982 lagaga dhawaaqay magaalada LONDAN oo iyana ka horjeeda maamulaha
kacaanka oo kaliya.waxaa xigay kooxo yar yar oo dibadda iyo gudahaba ka guuxayay
oo dhamaan muujinaya diidmada maamulaha kacaanka kalidiis waa madaxweyne maxamed
siyaad barree,illaa afka dhulka uu ku hubsaday sanadkii 1991.
kaligii ayaa laga soo horjeeday
taasise maxay dhashay? xaal wuxuu isugu biyo shubtay KARROG OO LABASAAR jab iyo
naasabeel, dhalinyaradii isku iskuulka ahaa ee aqoonta ay isuleeyihiin ku
koobnayd HEBEL KUBADA AYUU XARIIF KU YAHAY ORODKASE ANAA KADHEEREEYA ;HEBLAAYO
XISAABTA ANAA KA DHIBCO BADIYA XILIGA IMTIXAANKA ;HEBEL WAA BADAW AAN KAFTANKA
REERMAGAALKA AQOON IWM. waxaa taas badalay in layiraa hebel inuu reer hebel
yahay maantaan bartay oo meeshii kubad iyo duruus iskugu faan ahayd xabad laabta
layskaga dhufto oo muruq isugu faan yimid ,saaxiibkaagii iskuulka ama ciyaal
xaafadaadii aad maydkiisa katalaabsatid adigoo waliba garanaya ooba laga yaabo
inaad dhimashadiisa ku faantid.waa ayaan darro inteeeda badhi wayne waxaa
kaligii taliyihii badalay kuligood oo kali kali u talinaaya.shirka manta kasocda
kenya waxaa ka horeeyay kun shir oo gacmaha laysasaaray.
WAA SHIR SIDEE U EG?
waxa
uu qorshayntiisu afrika, carabta iyo yurubta galbeed soo dhexmushaaxaba, soo
kacaa kufaba, hadba maalmo qabashadiisa lagu daraba, hadba layiraa "MAANTANA
FARBAAN MAYRAYAAYE HAYFADHIYO GEELU" bisha oktober 15 keedii ayaa
shabakadda wararka ee www.somalitalk.com
waxaa bogeeda daaqada ka soo garaacay dhambaalsidaha idaacada codka dheer leh ee
IQRA oo ay bogga somalitalk na aad u jeceshahay wariye RIDWAAN XAAJI CABDILAAHI
oo cod dheer noogu sheegay in albaabada loo balaqay shirkii
ELDOOOOOOOOOORRRAAAAAAAA: maalin uun kadib waxaa isna wuxuu ayda iyo halase
dheer sii jibaaxaba socod daalan hayeeshee aan isdhiiblahayn kutagay wiil kamida
wiilasha aannaan moogganayn wariye IBRAAHIN MAXAMED DEEQ oo xaqiijiyay warkii
Ridwaan warbixin faahfaahsanna naga soo siiyay shirkaasi.
hadaba waa mid sidee u
qaabaysan? qacdii horeba waxaa qabanqabiyayaasha beesha IGAD waji gabax ku riday
kasoo qaybgal la,aantti madaxwaynaha soomaalidu aadka u jeceshahay ee dalka
Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeelle, kama aysanse roonaanine waxay afka ka
xidhay wasiirkii jabuuti ee arimaha dibadda oo aan mar qura makarafoonka looga
yeerin, iyo somaliland oo ay IGAD ku faanaysay inay ku guulaysatay keenideeda oo
muujisay inaanayba ka warqabin shirkan lasheegaayo: IGAD waxaa ay caro kula
dhacday dawlada KMG oo ay u sheegtay inaanay lagabilaabo daqiiqadaas lajoogo
dawlad ahayn!"! kaba siidarane calankii shirkaba looqabtay soo noolayntiisa
ayay walaalaha shirka ee IGAD diideen in meeshaba lakeeno, dhamaan kasoo
qaybgalayaashii shirku arintaas calanka waxaba kama aysan qabin hayeeshee
raiisal wasaare mudane XASAN ABSHIR FAARAX ayaa shirkii kooxdiisii dibada ugala
baxay illaa indhiisu qabtaan calankaa buluugga ah oo lagu soo dhexdaro calamada
meesha ka babanaaaya ee reer afrika, ayaan darose waxay noqotay IGAD ka
ogolaatay mudane abshire meeshii calanka loo dooni lahaa maadaamo aysan ethiopia
,iyo keenya oo shirka soo agaasimay qorshaha ugu jirin suridda calanku,
hayeeshee nin soomaaliyeed oo iska caddaysimo ah hayeeshee ku caan ah inuu
jeebasha calanka waligii isaga wato magaciisana layiraa XIRSI (Calan Side) ayaa
jeebkiisa laga helay calankii kolkan ugu danbeeyay lana sudhay madashii shirka.
madaxwayne C/qaasim oo
lasaadaalinaayay ayaa kadib markii saaxiibadiisii usii gogol xaarayay u sheegeen
in haddii uu yimaado aan loo aqoonsanaanayni madaxwayne nimo isnna
candhuuftiisii dib uliqay sheegayna niyad jab awgeed inaanu imanayn.
C/laahi yuusuf Axmad
madaxwaynaha Buntland Ayaa isna dibadda uga booday qacdii horeba ,wuxuu saluugay
laba arimood A)shirka oo waxbadan kor udhaafay tiradii uu horey u haystay iyo
B)ninka xukunka Buntland ku haystay mudane JAAMAC CALI JAAMAC oo garabkiisa
kasoo raamsaday isagoo darajo lamid ah tan cabdulaahi IGAD uga soo qaybgalisay
shirka inkastoo lamoodayay in cabdulaahi iyo ethiopia iswataan iyo waliba keenya.
maalintii shirka ay ethiopia
wax ka soo agaasintay furmay maalin kadib ayay warar soo sheegeen in baydhabo uu
soo gaaray hub ka yimid xaggaas iyo ADDIS-ABEBA loona wado shaati guduud
hayeeshee sheekh aadan madoobe ayaa shirka qaadacay mase uusan ogayn hubkaase
wuxuu uun doonaayay in ethiopia iyo keenya isaga u aqoonsadaan madaxwaynaha
baydhabo oo uu kursiga qaabmadaxweynenimo uga dul raamsado.
ugu yaraan sideed kooxood oo
kala dhuumanaya midbana aanu midka kale wax u ogayn ayaa ka soo duulay xamar
markii ay madasha yimaadeenna midba isagoo kan kale saluugsan shirka gooni uga
baxay, cabdulaahi yuusuf ayaa siilaba kacleeyay oo yiri wixii hore ee aan ka
caraysnnaa waxaaba sii baro dheeraatay IGAD oo haatan gooni gooni usasabaysa
kooxaha xamar .wuxuu yiri anigu inaan kooxo aannan waxbaba u ogayn sasabo umaan
imaanin ee hadii aan diyaar loo ahayn danta guud iyo dawlad mustaqbaleh waan
laabanayaa BUNTLAND na waa dawlad madax bannaann.
isku soo duub oo warbixintii
ugu horaysay ee ay kenya iyo ethiopia ka dhiibaan shirka wuxuu ahaa iyagoo ku
tilmaamay mid aaad uga duwan kuwii hore oo ay malaha kawadaan waa mid ay natiijo
fiicani kasoobaxayso hayeeshee markaad u kuurgashid qaabka xaal ku suganyahay
waa run oo kuwiii hore aad iyo intii la doono ayuu uga duwan yahay waxayse u
muuqataa kaduwanaashahaasi inay tahay mid xaabo badan saara colaadii hore
baasiinna dusha uga shuba halkaasnna qarax aan dab damis loo haynini kadhoco
waayo? illaa haatan waxaa uun uu shirku ku socdaa sasabaad marba koox iyo
shaqsiyaad la soo caro celinaayo aan markii hore ee ay shirkayimaadeen
caraysnaynba.
balse saadaashu si kale way
isubadali kartaaye akhristahaygoow waa inoo markale iyo wixii soo kordha
hadba,iyadoo www.somalitalk.com
ubucda shirka ku jirta diyaarnna adiga kuu ah inaanu war kugu seegnnaanin gun
iyo baarba.
Waxaa isku soo dubaridey Xagar
Yare | xagar91@hotmail.com
SomaliTalk.com
Germany
October 21,
2002
LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/xagar
XAGAR
YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio
kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka
Jarmalka.
ELDORET:
Taxanaha Wararka
com
|