SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
 CIIDDII MIYAANUU KU HARIN CAAQIL TALIYAA?

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Nov 20, 2002

GARGAAR DEGDEG AH wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - GUJI HALKAN

 

Qorrax timidba subaxeede shirka ELDORET oo qacdii hore wadnaha farta lagu hayay in uu wajiga horeba soo gudbaayo ayaa silama filaana ku dhamaatay kadib markii ay gudoon iyo ku gudoomay ku heshiiyeen kooxaha halkaas isugu tagay ,taasoo somaalida kale badankeed iyo caalamka inta arimaha soomaaliya danaysaa aad ugu farxeen,iyadoo waliba ay taas muujinayso sida uu noo soo tabiyay MADAALAHA SOMALITALK.COM wariye ibraahim maxameddeeq in xaflad ugaara gabagabada wajiga koobaad loosameeyay oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin aduunka ka kala socota uuna halkaas ka hadlay daniel arab moiga kenya,hanbalyo badanna aduunka kale uga timid.

su,aashase mar kaliya lays waydiiyay ayaa noqotay"sidee buu ku bilaaban doonaa wajiga labaad"taasoo dad badani saadaaliyeen mar hadii caqabadii hore laga soo gudbay xaajo noqonayso fudayd iyo haweenay ugub ahayd oo umushii alle u sahlay".

hayeeshee arini waxay markale noqotay candhuuftaada dib uliq.

waxaa la filaayay inuu furmo 1.11.02 hayeeshee hakad ka dhashay xurgufo u dhexeeyay kooxaha iyo waliba IGAD oo iyana dhankeeda wax laga tirsanaayo.

hayeeshee waxaad moodaa si looga ilaaliyo fashillad ku dhacda shirka in ay meesha ka soo dhex baxday in ay caalamkii kale hogaankiisa iyo arimintaba lawareegeen.IGAD ayaa bilawday inay hirgaliso go,aanadii wajiga hore laysla sexeexay oo ay ka bilawday inaan dagaal danbe ka dhicin soomaaliya .waxay ugu horaynba bilawday inay isu keento masuuliyiinta RRA:oo ay shaati guduud iyo aadan madoobe ku bilaabeen inay dhexdhexaadiyaan.

-sheekh aadan madoobe ayaa ugu horrayntiiba la faray inuu saxeexo heshiiskii ay wada sexeexeen kooxaha ee dhigayay xabad joojin.

_gudiga IGAD ayaa si toosa ugu amray 1.11.02 rag kamida hogaamiyayaasha kooxaha inay la xiriiraan taliyayaasha ciidamadooda faraanna inay shuruud la,aan ku joojiyaan degaalada cumar filish iyo muuse suudi oo ahaa ragii ugu horayn lala xiriiray ayaa iyagoo arinkaas ka jawaabaya la soo xiriiray ciidamadooda farayna inaanay dhaafin saldhigyadooda.

I  I  D  H  E  H

-yuusuf mire seeraar ee isbahaysiga dooxada jubba oo isnna dhankiisa fariintu ka soo gaartay ayaa markiiba gudoomiyaha degmada jilib cabdulaahi xuseen macalin iyo odayaasha deegaanka ku faray qalabka is gaarsiinta in lajoojiyo dagaal ka  dhex qarxay dhowaan beelaha BARTIRAHA(jidwaaq)iyo sharmare oo ka taagnnaa degmooyinka jillib iyo bo,aale.

-ergooyinka dawladaha maraykanka iyo midawga yurub ayaa kulan deg-deg ah ka yeeshay degaalka ka qarxay degmada luuq ee u dhexeeya ururka SNF labada garab ee ay kala hogaamiyaan COL.Cabdirisaaq isaaq biixi iyo maxamed Sayid Axmad,waxayna ergooyinkaasi si kulul ugu cagajugleeyeen labadaas hogaamiye oo labaduba wax ka sexeexay heshiiskii 27.10.02 ee wajiga koobaad ee shirka,iyagoo waliba loo sheegay in hadii ay si dhaqso ah oo aan shuruudi ku jirin u joojin waayaan degaalka ay aad uga shalayn doonaan.

4.11.waxaa loo gudbey wajigii labaad ee shirka iyadoo aad looga caga jiidaayo,waxaa laysku diidanaa sidii laysaga soo xulilaha 90 qof.

soomaalida ayaa xubnno u gudbisay IGAD taasoo ay IGAD dib ugu celisay liisaskaasi kadib markii ay IGAD ku qanci waysay.soomaalida qaar ayaaba qaba in igad iyadu soo xusho xubnaha,meesha kuwo kale qabaan in soomaalida loo daayo igadnna shuruudla,aan ku aqbasho,shuruud,la aantaasoo igad ugu muuqata xujo cad.

wakiilka qaramada midoobay arimaha soomaaliya iyo shirkaba mr Winston Tubman ayaa cod dheer ku yiri U.N diyaar ayay u tahay in soomaaliya ciidamo la geeyo wax yar uun kadib markii ay muuqatay in khilaafaad ergada dhexdeeda ahi soo ifbaxaayo.

11.11.02 maraykanka ayaa ka codsaday in ergooyinku u sexeexaan in ciidamadiisu meeshay doonaan ka tagi karaan soomaaliya. waxaa ay badi ku noqotay falaar aysan filaynin,waxaa sexeexay qacdii horeba col.cabdilaahi yuusuf axmed iyo xuseen caydiid.

12.11.2002 wareeggii labaad ayaa ku curtay car iyo car iyo sadbursiimo doon aan lafilaynin,rag badan ayaaba ka huleelay oo ku noqday meelihii ay shirka ka soo aaaadeen sida siyaasiga caanka ah CALI MAHDI MAXAMED oo xamar ku laabtay isagoo rajo xumi kamuujiyay .cabdulaahi yuusuf axmed iyo jaamac cali jaamac ayaa bahal feedh magaaleeeda isu duubtay daamankana iska garaaci garaay waxaase kala dhexgalay ka qayb galayaashii shirka,shirkii ayaa malintaas waxaa hareeyay buuq ilaa lagu kala dareeray .gudiga igad ayaa maalintaas caro cirka isku shareertay,waxayna sheegtay inay soomaaali u kala baxayso,waxaase laga codsaday inaan iyaka loo kala bixin dhexdooda,

14.11.02.cabdulaahi yuusuf iyo jaamac cali jaamac ayaa loodiiday shirka iyadoo la gaarsiiyay qoraal ay ku sexeexanyihiin gudoomiyaha gudiga farsamada igad,wakiilada midawga yurub iyo kan maraykanka,kaasoo uu ku caddaa amar qayaxan oo lagu farayo inaanay cag soo dhigin shirka illa iyagoo soo heshiiya mooyaane.

-ergayga maraykanka u qaabilsan shirka Mr Glenn Warren ayaa si aan gabasho kujirin ugu sheegay ka qaybgalayaasha shirka in ragga ku hanjabaya inay shirka ka baxayaan aan hadii ay dhabarka sii jeediyaan kana baxaan aan loo fadhiisan doonin.waxaa xiiso badan muujisay kadib markii mr Glenn rag si gaara u magacaabay taasoo dadbadan ay indhaha hoos u fooraariyeen kuwaasoo kala ahaa isagoo hadalka qaabkan u dhigay"shirka dib u heshiisiinta soomaaliya ee ELDORET GALBEEDKA KENYA wuu socondoonaa xitaa hadii ay iskaga baxaan mr cusmaan caato ,maxamed qanyare afrax, barre hiiraale, sheekh aaden madoobe, mawliid macaane, cumar filish, jaamac cali jaamac,iyo gaashaanle sare cabdi risaaq isaaq biixi. 

warar ku dhow dhow shirka oo ka imaanaya dhinacyo kabaxsan soomaalida ayaa hoos hoos u sheegaaya in soomaalida looguba hanjabay in xadhig ku iman karo hogaamiye kasta oo loo arko inuu boqna goynaayo geedi socodka shirka,iyadoo uu sicad cabasho u gudbiyay hogaamiye kooxeedka fadhigiisu yahay muqdisho mr maxamed qanyare afrax oo saxaafadda u sheegay in loogu hanjabay in la xabisaayo taasoo uu mr qanyare ku sifeeyay mid lagu daandaansanaayo.

I  I  D  H  E  H

xoghayaha guud ee qaramada midoobay mr KOFI ANNAN ayaa fariin shirka isna u soo diray wuxuu ka codsaday in xubnaha ka qaybgalaya shirka ay muujiyaan masuuliyad gaara una xayd xaytaan sidii ay u samata bixin lahaayeen dadkooda. isagoo mr annan ku amaanay sidii quruxda badnayd ee ay ku soo gabagabeeyeen wajigii koobaad ee shirka.

akhriste wali xaalku waa kacaa kuf balse kalasoco illaa goboda u danbaysa ee kulanka www.somalitalk.com iyadoo uu ubucda goobta noo fadhiyo madaalaha somalitalk wariyaha nagu qaaliga ah IBRAAHIM MAXAMED DEEQ iyadoo dadkiinna bariga afrikana ay dhinaca dhagaysiga kaa haqabtirayso idaacadda codka dheer ee IQRA halkaasoo ay kuu xayd xaydanyihiin bar baarta radio IQRA

..... ALLAHAYOOW NIN DAACADA, ALLAHAYOOW NIN DAALIMA DEEQDAADA HAWSIMIN: 

....  KOLKII HORE=KULLIGOODD OO KALIGII KA HORJEEDA: HAATAN=KULLIGOOD OO KULLIGOOD KA HORJEEDA

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 

 SomaliTalk.com Germany

 November 19,  2002

LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/xagar 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD