SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
WARBIXIN: CUMAR MUUSE OO CAAFIMAADAY
Waa Wiilka Yar ee Kudhashay Calooshiisa ooDibada Taal

Waa Cumar Muuse oo Faraxsan, oo tusaya in calooshii u caafimaaday, Maasha Allah. [Eeg Sawirkii Hore]

WQ. Ciise Maxamud "Ciise Dhollowaa"
Phone; 0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)
 imfarah@students.latrobe.edu.au

Cumar Muse oo ah wiilkii Somaliga ahaa ee laga soo qaaday Bosaaso, isaga oo calooshiisu dibada taal, sanadkii hore dhamaadkiisii waxaa uu hada soo gaarey wakhtigii lagu celin lahaa Somalia iyo gacmaha waalidkiis dhalay. Wuxuu Bosaaso ku beegan yahay July 21keed, 2003. Waxaana caafimaadkiisu hada maray boqolkiiba boqol, sida dhakhaatiirta iyo dadka gacanta ku haya ee Auatralia ay noo sheegeen.

Cumar waxaa uu ku dhashay isaga oon lahayn meel uu ka saxaroodo, taasina waxay sababtay in laga dilaaciyo dhinca bidixda ah, ee ka koraysa kelida, si uu halkaas uga saxaroodo. Dhibtani ma aha mid mucjiso ah, ee waa mid caruur badani ku dhashaan, badanana waxaa lagu samayaa qaliin yar oo loogu furo dhabada saxarada. Kadibna waxaa lasku dhejiyaa mindhicirka meesha ugu danbaysa iyo waddada saxaradu soo marto. Sidaas ayaana Cumar hada lagu samayey.



Cumar Muuse iyo Saaxibadiis oo faraxsan

Qaliinada Cumar u baahnaa maanu ku ekeyn midka aan kor ku soo tibaaxnay oo qura. Markii Cumar Australia la keenay waxaa dhakhtarkiisu uu ogaadey in kaadida Cumar ay si dhib ah uga soo baxdo. Markii la baarayna waxaa la ogaadey in dhabada kaadidu soo marti ay dhowr meelood ka xiranatay. Sababtuna tahay dhiigag fariistay meelahaas. Sidaas darteed, Cumar waxaa lagu samayey dhow qaliin oo ay ka mid tahay furida wadda kaadidu soo marto oo markii hore aad u yarayd hurgumo (ama infection) badan oo ku dhacay dartood.

Ebbaha aan caabudno dartiisna Cumar maanta caafimaadkiisu aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, taasina waxaa ay u sahashey in uu si fiican u koro, insha Allaah. Waxaana taas laga garan karaa sawiradiisa kala duwan ee halkan aad ka aragtaan.

Waxaan si aan la soo koobi karin ugu mahdnaqaynaa Ilaahay, suxbaanu watacaala, ee arinkan suurta geshey. Isaga la’aantiisna maanan qaban karin talaabo arinkan ku saabsan. 

Waxaan si gooniya mahad aan la soo koobi karin u gudbineynaa Sheekh Ciise Cabdo oo isagu kharajka wiilka lagu keenay iyo kan lagu qalay intiisa badanba ka soo ururiyey ummadda Islaamka ah ee magaalooyinka Melbourne iyo Sydney. Waxaana idiin cadayneynaa in isaga la’aantiis ay aad noogu adkaan lahayd in caruuraha la keeno loo helo kharaj lagu qalo. Isaga ayaana gaarsiiya Masaajidyada, xarumaha badeecada, iyo goobaha kulan dadweynaha [social clubs] ay ummada Islaamka ah ee reer Ausrlaia leeyihiin. Sidaas darteed waxaan Ilaahay Sheekh Ciise Cabdo uga baryeynaa in isaga iyo eheladiisaba uu denbigood dhaafo, janadiina geeyo.

Waxaan iyana si wadda jira uga soo qayb qaatay taageerada Cumar dad badan oo Somaliyeed oo kala jooga USA, Australia, Dubai iyo Abu Dhaby, iyo Somaliyaba. Dadkaas iyaga ah oo u badan dadka la qabiilka ah wiilkaas ayaa kharajka wiilkaas wax ka bixiyey. Kharjakaas ayaana noo suurta gelieyey in aan lacagtii daynka aan ku soo qaadney, si wiilka deg deg loogu keeno, lagu baxshey. Ilaahayna waxaa uga baryeynaa in iyaga, walaalohood, waalidkood iyo eheladoodaba dembigoodaba dhaafo. Dadkaas iyaga ahi waa is og yihiin oo umma baahna in la magaacabo. Ilaahay hortiis ayaana wanaaga aad geysateen idiin yaal.


Cumar Muuse iyo Cusmaan Muumin oo jooga Australia ayagoo faraxsan.  [ EEg warbixintii Hore ee Cusmaan Muumin]

Waxaan kale oon u mahadnaqeynaa gabdhaha Somaliyeed, sida Fardowasa Cabdirxmaan Geyre, oo iyana caruurta Somalida ah ku haya cisbitaalka marka ay ku jiraan ee ay qalan yihiin iyo marka ay ku sugan yihiin xarunta lagu hayo. Ilaahayna iyaga waxaan uga baryeynaa in dunuubtooda dhaafo, kahyrna ilaahay hor dhigo.

Ciise Maxamud "Ciise Dhollowaa"
Phone; 0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)
 imfarah@students.latrobe.edu.au

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2003

LIFAAQ: 1

Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayuu u hayaa wadan kasta oo gargaar u fidiyey xilligii ay shacabkaasi dhibaataysnaayeen, gaar ahaan waxay shacabka Soomaaliyeed wuxuu abaal gaar ah u hayn doonaan dalka AUSTRALIA oo gacan weyn ka geystey gargaarka ubadka Soomaaliyeed, wadankaas oo dal-ku-galka (VISAS) u fududeeyey carruurta Soomaaliyeed xannuunsan (waa inta hadda lagu soo daweeyey dalkaase) iyo dhakhaatiirta dalkaas oo siweyn gacan uga geystey daaweynta carruurtaas, waxaa ayaguna ammaan leh shacabka Australia oo gacmo furan kusoo dhoweeya ubadka Soomaaliyeed ee jirran marka ay dalkaas gaaraan. Waxaa kale ammaan leh dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo ah dalka ugu horeeya ee ay Carruurtaasi sii caga dhigtaan si ay u helaan Visa-yaasha Australia.

LIFAAQ:2

Bahda SomaliTalk waxay si xushmad leh u ogeysiinayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay jiraan carruur badan oo Soomaaliyeed oo u baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah, waxaana suurta-gal ah in qayb carruurtaas ka mid ah loo helikaro meel lagu soo daweeyo iyo cid kasoo qaadi karta Soomaaliya, kaddibna waalidkood dib ugu celin karta. LAAKIIN MAADAAM AAYSAN SOOMAALIYA KA JIRIN DAWLAD DHEXE OO U GARGAAR U FIDINKARTA IYO ILO DHAQAALE OO KAABI KARA, WAXAA ADKAADAY IN LOO HELO KHARASHKII CARRUURTAAAS LAGU SOO QAADI LAHAA, KADDIBNA MARKA LASOO DAAWEEYO WAALIDKOOD DIB LOOGU CELIN LAHAA. Sidaas darteed waxaan si qadarin leh shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigeynaa in qofkasta, ha noqodo shakhsi, ama dad iskaashaday, ama shirkad, xawaaladaha, diyaaradaha, ama dukaan, ama makhaayad ama Bacadle, iwm, ee tabarucaadka gacan ka geysankara uu gacan kageysto. Faahfaahin dheeraad ah habka taakulaynta looga qayb qaadan karo kala xiriir: Ciise Dhollowaa oo laga helo Tel:  61 415 172 025 (Australia) , Email: imfarah@students.latrobe.edu.au

Maalmaha Soo socda ayaad helidoontaa faafhfaahin ku saabsan carruurta hadda u baahan gargaarka degdega, insha Allah.

IIDHEH: Soomaaliya ma u diyaarad ma u raaceysaa, ha moogaan DAMAL AIRLINE

Bogga: DHOLLOWAA

Mahad oo dhan waxaa leh Allaah oo noo sahley in aan qoraalkaan idin soo gaarsiino, awooda Allah ayeyna ku hirgaleen dhammaan taageerada ay heleen ubadka int alasoo daweeyey.

Wabillaahi Towfiiq.

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD