| HTML, 
    FrontPage, Netwsorking  &
      Macluumaadka Internetka oo Kuqoran Af-Soomaali. 
    Waxaan ugu
      bishaareyneynaa dadweynaha Soomaaliyeed in CD-gii HTML ee
      mudada lasugayey uu mardhow diyaar noqondoono, insha Allah.|   Sawirka sare waxa uu muujinayaa CD-ga HTML ee ku qoran Afka Soomaaliga.
 Sawirka hoosena waa qoraalka ku qoran CD-ga.
   | 
 Waa CD lagusoo ururiyey
      macluumaad aad u farabadan oo kusaabsan Internetka, waxa kale oo CD-ga
      kujira dhammaan casharada HTML oo kuqoran Afka-Soomaaliga. Waa CD-gii ugu horreeyey
      oo kusoo baxa Afka Soomaaliga oo si faahfaahsan u sharaxaya dhammaan
      xeerarka HTML. Waa CD ay kujiraan
      macluumaad badan oo kusaabsan ammaanka la xiriira Internetka iyo sidii aad
      kambyuutarkaaga uga ilaalin lahayd halista kasoo gaarikarta marka aad
      dhex-mushaaxeysid shabakadda Internetka. Waa CD ay kujiraan
      macluumaad farabadan oo la xiriira sidii aad u samaysan lahayd website
      cusub. Waa CD aad ku
      farxidoontid in uu gacantaada soo gaarey [Insha Allah] Waa CD kuugu kicidoona
      qiime jaban, marka la barbar dhigo cilmiga CD-gaasi xambaarsanyahay. Haddaba haddii ayjiraan
      su'aalo ama macluumaad kusaabsan Internetka oo aad jeclaanlahayd jawaabtooda in aad ku aragtid
      ama ka heshid CD-gaas, fadlan u
      dir qoraaga CD-ga oo lagala xiriirikaro cinwaanka hoose: Eng. Maxamed CaliEmail:  somalitalk@hotmail.com
 Fax/Voice: 1-561-828-5949
 Minneapolis, Minnesota 55407
 LIFAAQ: Akhrisataal
    ayaa iga codsaday in aan CD-ga HTML-ka ku daro FrontPage, waana aqbalay
    codsigaas, insha Allah CD-gu wuxuu noqon doonaa HTML & FrontPage
    afsoomaali ah. MAHADNAQ: Qoraagu
    waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan intii su'aalaha la xiriira Internetka iyo
    HTML soo weydiisey, wuxuuna uga mahadcelinayaa waqtigooda qaaliga ah. HTML Afsoomaali &
      Macluumaadka Internetka waa CD kuqoran Afkaaga hooyo, waa CD laga faa'iidi
      doono cilmibadan, ee ha u dayma la'an.   Marka uu CD HTML diyaar
      noqdo, halkan ayaad ka arki doonta sida aad u iibsan lahayd. insha Allah.  Faafin: SomaliTalk.com | Update: 
		June 24, 2004  
       |