SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
DHIBAATOOYINKA SOO WAAJAHA UBADKA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED MARKAY YIMAADAAN DALKA DENMARK 

Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
Odense, Denmark | Agoosto 30, 2002

Sideedaba qaxa iyo qurbaha ayaa ah dhibaato inteeda le'eg, iyadoo ay dhibaatadaas sii daran tahay marka uu qofku u qaxo dal uusan la wadaagin dhaqan, diin, luqad iyo midab-ba.

Haddaba, billooyinkii ugu danbeeyay waxaa dalka Denmark ka jiray sharci dhigaya in qaxootiga dalka ka hela degganaanshaha ama magangalyada qaxootinimo uusan xor ugu lahayn inuu doorto magaallada uu ka deggayo dalka, iyadoo ay sidaas dowladda Denmark uga dan leeyihiin inay shisheeyaha ugu sahlanaato siday bulshada dheenishka si fiican ugu dhex geli lahaayeen. Hase ahaatee, waxaa is weydiin mudan taasi ma faa'iido ayeey u keentay shisheeyaha, mise..?.

Shisheeyahaas lagu fuliyay sharciga cusub, waxaa ku jiray soomaali fara badan oo lagu kala-firdhiyay degmooyinka iyo tuulooyinka uu dalka Denmark ka kooban yahay, waxaana ii suurto gashay inaan qaar ka mid ah soomaalidaas aan ku booqdo tuullo aad u yar oo aanan weligay is lahayn waxaa la dejin doonaa dad soomaali ah.

gudbjerg_kommune
Usbuucii la soo dhaafay ayay ahayd, markaan ogaaday in dhowr degmo oo ku yaalla Jasiiradda Fyn la dejiyay qoysas soomaaliyeed oo u badan hooyooyin soomaaliyeed iyo caruurtooda. Inkastoo ujeeddada safarkayga ugu weynayd booqashada qoysaskaas soomaaliyeed iyo inaan oggaado xaaladda noloshooda, haddana waxaa maalmo iga qaadatay sidii aan ku soo heli lahaa tirada go'an ee ay halkaas ku deggan yihiin iyo degmooyinkaas ay deggan yihiin, nasiib darose iima suurto gelin inaan helo duruufaha-sharci jira awgeed, sidiina ayaan ugu kicitimay mid ka mid ah degmooyinkaas oo la yiraahdo "GUDBJERG", kadib markaan ka warhelay inay deggan yihiin qoys soomaaliyeed.

Tuullada yar ee Gudbjerg waxay ku taallaa koonfurta Jasiiradda Fyn, waxaana deggan dad gaaraya 3500 qof. Waxaa deggan hal qoys oo soomaaliyeed. Waa hooyo soomaaliyeed iyo afarteeda caruur. Iyagoo aanan ku tala gelin booqashadayda ayaan is-dul-istaagay gurigii ay degganaayeen iridkiisa. Markaan iridkii garaacay, waxaa iga furay wiil yar oo soomaaliyeed, sidiina ayeey sidii soomaalida lagu yaqaanay si xushmad leh iigu soo dhoweeyeen guriga.

Kadib markaan u sheegay danta aan ugu imid, waxay hooyadii soomaaliyeed guda gashay sheekada ku saabsan imaatinkeeda Denmark iyo dhibaatooyinka ay kala kulantay. "Sidaad arkaysid tuulladan yar ayaan anniga iyo caruurtaydaba degganahay, waan ku cusubnahay waddanka, waana ka dhego xiranahay guud ahaan luqadda iyo dhaqanka dalkaan" ayeey tiri, iyadoo sii raacisayna "nalooma oggola inaan u guurno magaalooyinka ay ku badan yihiin soomaalida jeer aan halkaan ka degganaano 3 sanno, ma ciriirigaan ayaan ku jiraynaa muddadaas oo dhan" ayeey haddana si murugo leh isu weydiisay hooyadii soomaaliyeed ee la kulantay dhibaato aan ka yareyn tii ay dalkeeda uga soo qaxday.

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7, 2002...

Hooyadaan soomaaliyeed oo iga codsatay inaan magaceeda ku xusin shabakadda somalitalk.com ayaa ii sheegtay inay dhibaatooyin fara badan kala kulantay tuulladan cidlada ah, dhibaatadaas oo u badan mid nafsiyeed.

"siddeed billood oo keliya ayaan degganahay tuulladan, hase ahaatee waxaan isu haystaa inaan degganahay 8 sanno, caruurtayda waxay dhigtaan dugsi caruurta dheenishka oo keliya ay dhigtaan, iyaga keliya ayaa muslimiin ka ah, iyaga keliya ayaa shisheeye ka ah, ma jiraan soomaali aynu deris nahay, caruurtayda ma dhigtaan dugsiyo ay ka bartaan qur'aanka, Ilaahay-un- ha i noo maciino" ayeey misna ku duceysatay, iyadoo ku rajo weyn inay tuullada ay deggan tahay ay soo deggaan soomaali ama xittaa muslimiin kale oo ay wehel ka dhigtaan. "haddaynu nahay soomaali, ma aanan u baran nolosha kelinimada, dalka iyo guryaha aynu ka nimid waxaan uga baranay nolol bulshanimo oo sarreysa. Subax kasta waxaan u kala-kallahnaa dugsiyo kala duwan, caruurtayda waxay aadaan dugsiga hoose/dhexe, halka aan annigana aan aado dugsi lagu barto luqadda dheenishka oo ku yaala tuullo kale oo inoo jirta qiyaastii 40 km, waa nolol harjad ah" ayeey sii raacisay, waxayna ii sheegtay in lacagta kaalmada ee hadda ay dowladda siiso laga jarayo haddii aynan dhigan dugsigaas aadka uga fog.

CABSIDA LAGA QABO MUSTAQBALKA CARUURTA SOMAALIYEED EE KU SOO BUTAACAYA DALALKA GALBEEDKA GUJI... April 1, 2001 .

Intay hadlaysay hooyadaan soomaaliyeed, waxaa dhinac fadhiyay afarteeda caruur oo kala ahaa labo wiil iyo labo gabdhood. Wiilkii ugu weynaa ayaa ii sheegay inuusan ku faraxsanayn nolosha tuulladan cidlada ah, hase ahaatee wuxuu ku rajo weyn yahay inay wax iska beddelayaan xaaladda ay ku jiraan hadda. "inshaalah waa laga bixi doonaa xaaladdaan aan ku jirno hadda, waxaa wax weliba iigu weyn inaan helo dugsi qur'aan ah si aan u dhammeystirto suuradihii qur'aanka iigaga haray" ayuu si xammaasad ku jirto u yiri wiilkii 14 jirka ahaa, iyadoo laga yaabo inuu dhibaato weyn kala kulmo siduu u xaqiijin lahaa yoolkaas wanaagsan, maadaama uu deggan yahay tuullo cidlo ah oo aan laga aqoon islaam iyo muslimiin-ba.

Intii ay qoyskaas ii sheekeenayeen dhab ahaantii waxaan dareemayay xanuun, aad ayeey ii saameeyeen dhibaatada iyo qurbaha ay ku nool yihiin qoyskaan soomaaliyeed ee ay qaxooda iyo dhibaatadooda sabab u yihiin denbiilayaal dagaaleed oo u oomman siday u cabbi lahaa dhiigga walaalahood soomaaliyeed. Waxaan siiyay taleefoonada xarumaha iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan Magaallada Odense, iyadoo aana ka ballan qaaday inaan soo wici doono, kana warqabi doona wixii hadda ka danbeeya inshaalah.

Ugu danbeyntii, waxaa hubanti ah in dhibaatadii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya uusan sidiisaba mararka qaarkood ka yareysan dhibaatooyinka soomaalida ka qabsada qurbaha.

Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
Odense, Denmark

SOMALITALK.COM | Agoosto 30, 2002 

Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya oo kuusobaxa


Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA
WARARKII AFGHANISTAN:
O | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7

 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI.... |
anti@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 

. MARKAAN IMID NAIROBI

. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7


 
Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 


SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin: Siminaar socday labo maalmood, si wanaagsana loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen waalidiin iyo dhalinyaro soomaaliyeed ... Ka akhri halkan feb 20

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN
AKHRI HALKAN

ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan


QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR UDHASHAY DENMARK GUJI.. 


BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD